WAA WARARKA WARGEYSK MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE SHALAY OO AH KHAMIIS AHYED OO AHEYD 29-KA JUUN 2017-KA

0
Friday June 30, 2017 - 07:15:17 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSK MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE SHALAY OO AH KHAMIIS AHYED OO AHEYD 29-KA JUUN 2017-KA

    KENYA: 8 RUUX OO AY ARDAY KU JIRTO OO KU DHINTAY QARAX LALA BEEGSADAY BAABUUR BOOLISKA KENYA AY WATEEN Siddeed ruux oo ay afar yihiin arday dugsiga hoose dhigata ayaa ku dhintay kadib markii baa buur ay wateen ciidamada booliska uu ku dhacay qarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KENYA: 8 RUUX OO AY ARDAY KU JIRTO OO KU DHINTAY QARAX LALA BEEGSADAY BAABUUR BOOLISKA KENYA AY WATEEN Siddeed ruux oo ay afar yihiin arday dugsiga hoose dhigata ayaa ku dhintay kadib markii baa buur ay wateen ciidamada booliska uu ku dhacay qarax miino wadada lagu aasay deegaanka Mararani oo ka tirsan maamul deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

 

Afar askari oo boolis ah ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxan oo burburiyay baabuur ay booli sku lahaayeen.

Shee Kupi oo ah sarkaal amniga u qaabilsan Lamu ayaa sheegay in ardayda ay ka mid aha ayeen 14 arday oo fasax ka soo laabaneysa oo ku sii jeeday uskuulkii ay dhiganayeen oo ku yaalla deegaanka Kisauni, iyadoo baabuuka booliska uu ardayda sii dhoweynayey.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino ay kooxda AlShabaab wadada ku aaseen, iyadoo weerarada miinooyinka ee ay geysaneyso AlShabaab ay ku soo bateen deegaanada ku teedsan soo hdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxyada miinooyinka ayaa ka dhacayay deegaanada Mandheera, Gaarisa iyo Lamu ee dal ka Kenya, iyadoo warbixinada booliska Kenya ay sheegayaan in ku dhowaad 40 ruux ay ku dhinteen qaraxyada ay AlShabaab ka geysatay gudaha Kenya tan iyo bartamihii bishii May.

WASAARADDA BEERAHA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY BARIISKA CAAGA EE LAGU ARKAY SUUQYADA CAALAMKA

Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharci adag ka soo saari doonto Raashinka aan tayada laheyn ee dalka la keeno, kaddib markii dhowaan suuqyada caa lamka lagu arkay bariis ka sameysan Caag.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal looga hortagayo qatarta ay leeyihiin cuntada aan tayada laheyn ee dalka la keeno.

"Maalmahan waxaa Internetka la soo geliyay iyo baraha bulshada bariis caak ka shameysan iyo Cake ka sameysan Koolo, runtii waxaa lagu xakameyn karaa oo lagaga bad baadi karaa sharci lagu ilaaliya tayada raashinta iyo cuntada dibadda laga keeno”ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Waxaa uu sheegay in dhowaan uu Golaha Wasiirada horgeyn doono sharci lagu ilaalinayo tayada raashinka iyo cuntada dibadda laga keeno ee dalka la yimaada.

Baraha bulshada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay la soo dhigay bariis ka sameysan Ca ag oo suuqyada caalamka lagu iibiyo, waxaana laga digay qatarta uu leeyahay Bariiska.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxyaabaha meesha ka baxay waxaa ka mid ahaa faya dhowrkii iyo badqabka raashinka dalka la keeno, waxaana dhacda in raashin waqtigooda dhacay la soo geliyo dalka.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MARKABKII SAMEYN LAHAA FIILADII INTERNETKII GO’AY KA DALABTAY CUMMAAN

Dowladda Soomaaliya ayaa markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internetka Fibre Optic eek a go ’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dalabtay dalka Cummaan, kaasoo lagu wado in maalm aha soo socda uu ku soo xirto Dekeda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaar adda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ay aa sheegay in Internet la’aanta ka jirta Gobolada dalka qaar ay saameyn ku yeelatay adeegyadii bul shada iyo shaqooyinka dowladda.

Waxaa uu sheegay in dalka Cummaan laga dalbay Markabkii sameyn lahaa, isagoo xusay in maalmaha soo socda uu imaan doono Muqdisho, si Fiiladii Internetka ee go’ay loo sameeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanaa saameynta uu ku yeeshay internet la’aanta, waxaana uu xusay in uusan cadeyn karin waqtiga rasmiga ah ee Internet ka xariga Fibre Optic la heli doono.

"Wey adag tahay in maalin hebel la dhaho Internetka wuu imaanayaa, hada magaalada Int ernet oo daciif ayaa ka jiro, ganacsiga waa xaniban yahay, isku xirkaa bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamka waa xaniban yahay, dowladda Soomaaliyeed shaqadeeda waa xaniban tahay”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay ka dalbadeen inay keenaan Satelite Internet oo loo isticmaalo si KMG ah, isagoo xusay in qaarkood haatan la isticmaalayo, hase ahaatee aanay wada kaafin karin gobolada dalka oo dhan.

Waxaa uu sheegay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka sha qeynayaan Interne Satelite ah sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii afaraad ayay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka maqan tahay Intern etkii Fibre Optic ee la soo marsiiyay Badda, kaddib markii uu dhowaan Markab taagnaa Xeebaha Muqdisho uu jaray xarigaas ka imaanayay dalalka Jabuuti iyo Tanzania.

Shaqooyinkii Xawaaladaha ee gobolada dalka iyo adeegyadii kale ee bulshada ayuu saa meyn ku yeeshay Internetka go’ay, waxaana dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala ay Hal Fiilo oo Internetka adeega Fibre Optic ka qaataan shirkad lagu magacaabo Dalkom oo xarun me el ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo Fiilo dhinaca badda ka timaad ay ugu talaalan tahay.

Dhinaca kale Gobolada waqooyi ee Soomaaliya, sida deegaanada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka jira Internet, maadaama deegaanada xeebaha ay toos uga helaan Xar iga Fibre Optic iyo adeegyo kale oo Satelite ah.

SANDUUQA LACAGTA ADDUUNKA OO TAAGEERAY IN SOOMAALIYA LACAG SAMEYSATO

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Samba Thiam ayaa sheegay in lacagtan cusub ay suu qa soo gali doonto Sanadkan 2017 inta uusan dhamaan ,waxaana meesha ka bixi doonta lacagta du ugta ah ama been abuurka ah ee hadda suuqyada Soomaaliya ku jirta

Waxa uu intaa ku daray in 89% lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ay been abuur tah ay tirada soo hartay ee ah 2% ay tahay lacagtii Soomaalia loo daabacay intii u dhexeeysay 1990 illaa 1991dii.

Dalka ayaa Fowdo galay ka dib markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre uu hog aaminayay 1991kii, waxaana burbur baahsan lagula dhaqaaqay hay’adihii Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwii Bulsho .

Taasina waxa ay keentay in uu hoos u dhaco dakhligii qofka , sidaasina ay Shaqo la’aanta iyo faqriga uu ku faafay ilaa Soomaaliya lagu tilmaamay waddanka ugu Faqrisan Caalamka .

Madaxa Sanduuqa lacagta aduunka Samba Thiam Waxaa uu intaas ku daray in Sanduuqa lacagta, keliya uusan awoodin maalgelinta qorshahan oo dhameystiran , loona baahan yahay in ay dowladaha deeqaha bixiya ay ka qeyb qaataan taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mar eeyso .

Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay iska bixiso deynta lagu leeyahay oo gaareysa 5.3 Bilyan oo Dollar si ay u hesho amaah cusub ama maalgelin caalami ah .Deynta Soomaliya wa xaa ku leh Bangiga adduunka, Sanduuqa Lacagta adduunka iyo kan kobcinta Afrika In laga caf iyo Soomaliya deynta lagu leeyahay waxa ay ku xiran tahay sida ay ula dagaalanto Musuqa ka jira dalka si ay u hesho maalgalin iyo dib u dhis wanaagsan

SARAAKIISHA PUNTLAND OO KA DIGAY WEERARO DAACISH KA GEYSATO DEEGAANADA PUNTLAND

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa digniin ka soo saaray weeraro Kooxda Daacish ku qa ado xarumaha iyo saldhigyada ciidamada.

Taliyaha Aaga Qandala ee Ciidamada Puntland ayaa sheegay in deegaanada buuraha ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan dagaalyahano ka tirsan Daacish.

"Dhulka buuraleyda ee Qandala ku hareereysan waxaa ka imaan karto halista weeraro ay soo qaadaan Daacish, waa in laga feejignaadaa”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Puntland ee Aaga Qand ala.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay dowladda inay sameyso qorshayaal looga hortaga yo suura galnimada weeraro halis ah oo ay wadaan kooxaha Daacish sida uu yiri.

Dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa dhamaadkii sanadkii hore la wareegay degmada Qan dala, halkaasoo ay heystaan ku dhowaad labo bil, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamada Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii Daacish ay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ka geysatay weerar is qarxin ah, kaasoo ahaa kii u horeeyay ee ay Soomaaliya ka fuliso kooxdan.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligan ku furan labo aag oo dagaal ah, Shabaab iyo Daa cish, iyadoo 8dii bishan June AlShabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Ciidamada Daraawi ishta Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur, waxaana weerarkaas lagu dilay in ka badan 50 askari.

IMAARAADKA CARABTA OO KU HANJABAY INAY CUNAQABATEYN DHEERI AH KU SOO ROGAYAAN QATAR

Imaaraadka Carabta oo ka mid ah wadamada Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar ayaa ku han jabay inay cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogayaan Qatar.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Ruushka Omar Saif Ghobash ayaa sheegay in suura gal tahay in Qatar ay wajahaan cunaqabateyn dheeri ah.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa horay xiriirka ugu jaray Qat ar, iyagoo xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi ku soo rogay.

Omar Ghobash ayaa sheegay in cunaqabateynta dheeriga ee ay ku soo rogayaan Qatar ay noqon doonto mid ganacsi

Waxaa uu sheegay in wadamada xiriirka ganacsi la leh Xulafada Sacuudiga ay shuruudo ku xirayaan inay kala doortaan iyaga iyo Qatar.

Xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ayaa wali wada go’doominta ay ku hayaan Qatar, wax aana ay taageero caalami ah u raadinayaan qorshahooda ka dhanka ah dalka yar ee Qaniga ku ah Saliida ee Qatar

Illaa iyo hada xulafada Sacuudiga ayaa dhowaan waxay Qatar hordhigeen 13 dalab oo ah shuruudo adag oo ku saabsan in Qatar aqbasho hadii ay rabto in xayiraada laga qaado.

Qodobada ayaa waxaa ka mid ah in Qatar xiriirka u jarto ururka Ikhwaanul Muslimiinka, inay xirto xarunta Milateriga ee Turkiga, in xiriirka u jarto Iiraan iyo in albaabada la isugu dhufto Tele fishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.

Dowladda Qatar ayaa dalabkan ku tilmaamtay mid aan caqli gal ah, iyadoo ku gacan seyrtay, waxaana ay iska fogeysay inay fulineyso dhamaan dalabkan.

"6 QOF AYEEY BADDA SHALAY KALIYA QAADAY OO MEYDADKOODA AY CAARIYEEN "MAAMUKA DEGMADA C/CASIIS

Gudoomiye ku xigeenka degmada C/Casiis Xasan Xaaji Abuukar ayaa Radio Dalsan u shee gay in shalay 8:00 subaxnimo ilaa shalay 5:30 ay badda qaadya 6 Qof oo 4 dhalinyaro ay tahay .

Xasan aya inta raaciyey in dadka ay qaaday dhamaantood ay munaasabada ciida darteed uso dabaaltageen badda

"2 will oo marti u ahaa qoys dagan degmada C/Casiis aya ku jiray dhaljnyarada at qaaday "ayu yiri Xasan

Maalmaha ciida iyo jimcooyinka waxa Xeebta Liido uso dabaaltaga kumanaan kun oo qof wax aana muuqata dadkaas oo aan badankood dabaal aqoon inuusan jirin qorshe maamulka ku talag alay oo lagu badbaadin karo

Horey waxaa lo sameeyey booliis gaar ah oo badbaadiya dadka uso dabaal taga Xeebta laa kin ma muuqata wax weyn oo ay qabteen

KUMANAAN TAHRIIBAYAAL AH OO LA SOO BADBAADIYAY

Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay 5000 ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa laga soo badbaadiyay dhanka Koonfureed ee Bada Madeternianka.

Dadkan ayaa waxaa soo badbaadiyay qaar ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas, waxa ana ay u badan yihiin Haween iyo caruur, sida lagu arkay sawirro laga soo qaaday.

Sarkaal u hadlay Hay’adda Bisha Cas ayaa waxa uu sheegay hada in ay soo badbaadiyeen Tahriibayaal gaaraya 5000 oo Qof, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Bisha Cas iyo Hay’adaha kale ee soo badbaadiyay dadkan weli ma aysan shaacin dalalka ay u kala dhasheen dadkan, balse waxa ay ka soo jeedaan dalalka Geeska Afrika ku yaalla oo Soo maaliya ay qeyb ka tahay. Muhaajriinta la soo badbaadiyay oo la soo gaarsiiyay Jasiirada Siishelis ayaa waxaa ku jirta Haweeney Soomaali ah oo maalmo ka hor ku dhex dhashay Doontii ay saar neyd oo ay ku Tahriibeysay.

Liibiyiinta dadka ku heysta goobaha ku yaalla gudaha Liibiya ayaa dhibaatoyin xun dadka u geysta oo xitaa mararka qaar dhacda in sida qofka ay u garaacayaan uu dhinto.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in muhaajiriinta soo mara dal ka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.

GUDDOOMIYE CAWIL OO KA WARBIXIYAY SHUBAN BIYOODKA KA JIRA BUUHOODLE

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer C/fitaax Cali Cawil oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaalada degmada iyo Cudurka Shuban biy oodka ah ee ka dilaacay degmadaasi.

C/fitaax Cali Cawil ayaa sheegay in uu yaraaday dadkii uu soo ridan jiray Cudurka Shuban biyoodka islamarkaana Maamulka uu ku dadaalay sidii degmada looga ciribtiri lahaa.

Waxa uu tilmaamay in maamulka degmada Buuhoodle oo kaashanaya Hay’addaha Caafi maadka in ay ka shaqeynayaan sidii degmada dadka ku nool ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad oo buuxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay rajeynayaan in guud ahaan degmada laga ciribtiro Cudurka Shuban biyoodka kaasi oo dhibaato ku haya dadka danyarta ah.

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maam ulkooda si looga wada shaqeeyo hormarinta degmada Buuhoodle.

XARUNTA MAXKAMADDA SARE EE VENEZUELA OO LA WEERARAY

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii lagu weeraray Xarunta Maxkamadda Sare ee dalka Venezuela, waxaana la maqlay qaraxyo is xig xigay oo dhinaca Maxk amadda loo riday.

Muuqaal lagu baahiyay barraha Internetyada, ayaa muujinaya diyaaradda oo ku dul wareeg eysa Dhismaha Xarunta Maxkamadda ee Magaalada Caracas, ka hor intii aan halkaasi laga maqlin qaraxyo.

Sarkaal Militariga ka tirsan oo la wareegay maamulka diyaaradda, ayaa baahiyay war qoraal ah oo uu ku baqayo in tallaabo laga qaado waxa uu ugu yeeray dowlad dembiile ah.

Nicolas Maduro, Madaxweynaha Venezuela, ayaa sheegay in diyaarad helicopter ah oo boo lisku leeyihiin ay weerartay Xarunta Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha Venezuela, ayaa sheegay in Sarkaal Militariga ka tirsan uu soo afduubtay diyaaradda, islamarkaana uu bamboonooyin ku riday Xarunta Maxkamadda.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso, isagoona ku goodiyay in ciidamada ammaanku ay soo qaban doonaan kuwii falkaasi ku kacay.

Ma jirto wax khasaaro ah oo la sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay, illaa iyo hadda inta la ga warqabo. Waxay dhacdadani ku soo aadaysaa, xilli muddo laba bilood ay dalkaasi ka soconayan dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Maduro.

PUNTLAND OO KA HADASHAY MARKAB LA SHEEGAY IN LAGU QARXIYEY XEEBTA CALUULA

Guddoomiyaha degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland Maxamed Axmed Cay nab ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax la shegay in habeenimadii Isniinta uu ka dhacay xeebta degm ada Caluul meel u dhow, halkaasoo la sheegay in qarax lagula beegsaday markab loo maleynayo in uu yahay mid ajnabi leeyahay.

Guddoomiye Caynab iyo saraakiil kale oo ka tirsan maam ulka Gardafuu ayaa gaaray xeebta deegaanka Murcaanyo oo ah ayd halka lagu sheegay dhacdada.

Wuxuu cadeeyay in dadka deegaanka oo arrinta dhacdada sheegay ka sokow, aan la heyn wax caddeyn ah oo muujinaya in markab lagu qarxiyay goobta.

"Wax callaamad ah oo muujinaya in markab meesha lagu weeraray, amaba sida dadku sheegayaan markab uu meesha ku quusay ma jiraan.” ayuu yiri gudd oomiyaha degmada Caluula.

Warar illaa daraad soo baxayey ayaa sheegayay in markab ka mid ah kuwa ajnabiga xilli uu marayey meel u dhow xeebaha Caluula uu ka dhex dhacay qarax dadka deegaanku ay sheegeen inay arkeen qiiq iyo hollac ka baxayay.

Sidoo kale warbaahinta dibedda ayaa soo xiganay haweeney afhayeenad ah oo u hadashay ciidamada Midowga Yurub ee ka qeybqaadanaya la dagaalanka burcad badeeda, oo sheegtay inay maqashay dhacdada, laakiin ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

TALYAANIGA OO DEKEDIHIISA KA XIRAYA MUHAAJIRIINTA

Talyaaniga ayaa ku hanjabay inuu u diidi doono maraakiibta dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekadihiisa dadka muhaajiriinta ah.

Hadalkani wuxu ku soo baxay warqad uu danjiraha Talyaaniga u fadhiya Midowga Yurub, Maurizio Massari, uu digniin ah in xaaladdu noqontay haatan mid "aan la sii wadi karin” ku siinayey Midowga.

Ra’isal Wasaare Paolo Gentiloni ayaa isna ku eedeeyey qaramada Yurub in "ay isha ka lalin ayaan” duruufaha taagan.

Waxa la rumaysanyahay in afartii cishee la soo dhaafay dad tiradoodu gaadhayso 10,000 oo qof isku soo miidaamiyeen safar ay badda kaga gudbayaan oo ay kaga soo kicitimeen Woqooyiga Afrika.

In ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan gaadhay dalka Talyaaniga, taas oo ah tiro ka badan boqolkiiba 14 tirada sannadkii hore gaadhay.

Qiyaastii 2000 oo qof ayaa ku dhintay ama la la’yahay oo loo malaynayaa in ay ku qarraqm een badda, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga yaa iyaduna sheegtay in dadka badda isku biimaynaya badankoodu ka dhoofaan dalka Liibiya.

Liibiya ayaa noqotay marinka ay Yurub u maraan muhaajiriinta ka yimaad dalalka ka hoo seeya saxaraha Afrika, Bangladesh iyo dalal ka mid ah jasiirad la moodda Carabta oo ay ka mid yih iin Masar iyo Suuriya. Dadkaa qaar badan oo ka mid ahi waxay ka qaxayaan dagaallo iyo faqri.

Ciidanka ilaalada xeebaha Talyaaniga yaa hormood ka ah isku duwidda hawlaha gurmadka ah ee lagu samato bixinayo dadkaas, laakiin maraakiibta muhaajiriinta u gurmada badankooda waxa leh ururro khayri ah waxa aanay maraakiibtaasi sitaan calamada qaramo kale oo ay ku jiraan dalal ka tirsan Midowga Yurub sida Jarmalka iyo Malta.

TAHNIYAD DHALASHO FARXAD LEH.

 

Maxamed Shiikh Xasan, ,Muxudiin Shiikh Xasan,Farxiyo Shiikh Xasan Seygeeyda iyo Carruur teeda,C/Na asir Cali Cumar iyo Xaaskiisa Fow siyo Shiikh Xasan iyo Carruurtooda Axmed C/Naasir Cali,Yusro C/Naasir Cali, Xasan C/Naasir Cali, C/raxm aan C/Naasir Cali, Yasmiin C/Naasir Cali C/samad C/Naasir Cali{CaliYa re} FARTUUN SHIIKH XASAN, Seygeeyda iyo Carruurteeda,Axmed C/Qaadir Gaabane iyo Xaaskiisa Sac diyo Xasan Ismaan iyo Caruurtooda, C/Najiib Axmed C/Qa adir,Nuur Axm ed C/qaadir,Madiino Axmed C/qaa dir,Deeqo Luul Axmed C/qaadir, C/r isaaq Axmed C/qaadir C/laahi Axm ed C/qaadir Dhammaan Dadkaasi waxaaya Hambal Dhalasho farxad leh u dirayaan. C/qaadir Shiikh Xas an iyo Xaaskiisa Nuurto Muxudiin Oo GABAR ugu dhalatay deega anka jasiira ,Taariikhdu Markeey Aheyd 26 Juun 2017 Waxana leenyihiin alle haka dhigo tii Dalke eda Diinteeda Iyo Weliba Dad keedaba An faca, Soona Barbaarta

Aamiin Aamiin Aamiin.

 

GUDDOOMIYAHA DEGMADA XUDUR OO XAQIIJIYAY IN ALSHABAAB AY WEERAR KU YIHIIN MUKHTAAR ROOBOW

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka AlSha baab ay bilaabeen baadi goob ugaarsi ah oo sy ku hayaan Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur) oo dhowaan Mareykanku ka saaray liiska kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow oo ay madaxiisa horey u saarneyd illaa $5 milyan ayaa laga qaaday, sida ay sheegtay dawlada Mareykanka.

Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay inuu maqlay in dhaqdhaqaaq ay wadaan mal eeshiyaad AlShabaab ka tirsan oo doonaya inay weerar ku qaadaan halka uu Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyadiisa ay ku dhuumanayaan oo la aaminsan yahay inay hoos timaado degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Guddoomiye Maxamed oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inuusan war ka heyn wax wadahadal ah oo Daelada Federaalka Soomaaliya ay kula jirtay Mukhtaar Roobow.

Toddobaadkii hore ayaa ilo wareedyo ay xigatay Raxanreeb waxay sheegeen in saraakiil ka tirsan AlShabaab ay maleeshiyaad boqollaal gaaraya u direen inay soo qabtaan ama dilaan Mukhtaar Roobow oo hadda la aaminsan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo deegaanada ay beeshiisu ku badan tahay ee baadiyaha gobolka Bakool.

Maleeshiyadan ayaa la sheegayaa inay amar ka heleen saraakiisha sare ee AlShabaab, kuwaasoo doonaya inay ka hortagaan in Mukhtaar Roobow uu u baxsado dhanka Dawlada Federaalka oo warar hoose ay sheegayaan inuu doonayo inuu Muqdisho tago si uu uga faa’ideysto liiska Mareykanka uu ka saaray.

AlShabaab ayaa ka walaacsan in goosashada Roobow ay dhabarjab ku noqon karto, maadaama uu Roobow xil sare ka soo qabtay kooxda.

Mukhtaar Roobow oo horey u soo noqday hogaamiye ku xigeenka AlShabaab iyo afhayeenka kooxda, ayaa tan iyo dhammaadkii 2013 waxaa uu noqday duurkujir ka goostay AlShabaab kadib markii ay isku dheceen hogaamiyihii hore ee la dilay Axmed Godane oo ay isku qabteen arrimo ay ka mid ahayd dilkii saraakiil sare oo kooxda ka mid ahaa oo Godane uu dilay.

Mukhtaar Roobow waxaa uu muddooyinkan danbe waday wadahadall hoose oo saraakiil Dawlada Soomaaliya ka tirsan ay kula jireen, laguna doonayay inuu isaga baxo falalka kooxaha argagixisada.

XILDHIBAAN DHALIIL U JEEDIYEY MUDANAYAAL BAARLAMAANKA FEDERAALKA OO MOOSHIN KA DHAN AH XUKUUMADDA RW KHAYRE WADA

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dhaliil u jeediyay xubno uu ku sifeeyay inay yihiin "kuwo tiro yar” oo hor boodaya mooshin ka dhan ah Xukuumadda Federaalka ee uu hogaamiyo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre.

Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay inay jiraan mudanayaal ka mid ah baarlamaanka oo wada mooshinka, hase yeeshee wuxuu sheegay in maalmaha soo socda la ogaan doono natiijada soo jeedinta.

Baarlamaanka Federaalka ayaa kalfadhigiisa dib u furmi doonaa 8da bisha Luulyo ee nagu soo fool leh.

"…..Koley xantu waa jirtaa. Dad lagu tilmaamay inay hawlahaas damacsan yihiin waa jiraan. Laakiin koley aniga intaan fahamsanahay aragtideyda. Way jiraan. Waa dad aad u yar. Xildhibaano aad u yar waaye.” ayuu yiri xildhibaan Godax Barre oo u waramay Universal TV.

Xildhibaanka ayaa hoos ka xariiqay inaysan jirin wax weyn oo lagu dhaliilo xukuumadda hadda jirta, isagoo sheegay inay mushaharka bixiso.

Mar uu ka hadlay faragelinta ajnabiga ku hayaan dalka, ayuu Goodax Barre sheegay inay ma ryso mel halis ah, isagoo sheegay in Soomaaliya oo hadda soo kabaneysa darteed ay jiraan wad amo badan oo hunguriyeynaya ama dano ka leh.

Wuxuu kaloo sheegay in wacyiga baarlamaanka 10aad oo sarreeya awgeed aysan dhici doo nin in kuwo dano gurracan leh ay guuleystaan, sida uu hadalka u yiri.

XILDHIBAANADA LACAG DOONKA

Mar la weydiiyay in mudanayaal qaar oo ku jira Golaha Baarlamaanka ay markii hore kursiga lacago fara badan kaga baxday doorashadii sannadkii hore lagu soo xulay baarlamaanka, taasi darteedna ay mudanayaashaasi doonayaan in lacagihii kaga baxay kursiga dib uga helaan moo shinada ay ka keenaan xukuumadda, ayaa wuxuu yiri.

"..In baarlamaanka uu lacag oo bixiyey si ay baarlamaan u noqdaan waa arrin ummadda Soo maaliyeed marqaati u wada tahay. Sideedaba doorasho kharash waa lagu baxshaa meel kastaba adduunka, laakiin xoogaa waxaa jirta arrimo qaab darnaa, oo intaan aaminsanahay tiradooda ay aad u yar tahay., Dadka inta jeebkooda iska kharashgareeyay oo ganacsatoo ah oo is leh waxaad wad aan aad lacag ka sameysaan, waa laga yaabaa in dad noocaas ah ay wax u maalgaliyaan.”

Mooshinka la hadalhayo in looga horjeedo xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa hada lheyntiisu socotay bilihii la soo dhaafay, waxaana illaa hadda aan la ogeyn waxa uu nuxur ahaan ku saabsan yahay.

AMARKII TRUMP OO MAANTA DHAQANGA…

Amarki uu Madaxweynaha Donald Trump uu uga mamnuucay inay soo galaan dalkaan Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galaya saacadaha hore ee maanta oo Khamiis ah.

Saraakiisha Socdaalka Mareykanka ayaa sugaya tilmaamo ku saabsan habka ay u fulin doonaan amarka madaxweye Trump, iyadoo madaxda Waaxaha Arrimaha Dibadda, Cadaaladda iyo Amniga gudaha aysan wali u kala caddeyn shakhsiyaadka loo ogolaan doono in ay soo galaan iyo kuwa laga celin doono xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha Mareykanka ee kasoo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kul mi doonin iskdhaxyaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha marki ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarki madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.

Qaar ka mid ah qareenada muhaajiriinta ee Mareykanka ayaa sheegay inay iska xaadirin doo naan maanta garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah si ay u caawiyaan dadka uu saameyn doono amarka trump.

BOGGA CAYAARAHA

MADAXWEYNAHA KOOXDA REAL MADRID OO WARBIXIN CUSUB KA SOO SAARAY WARARKA MORATA LA XIRIIRINAYA MAN UNITED

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa warbixin cusub ka soo saaray war arka kooxda Man United la xiriirinay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Florentino Perez ayaa carabka ku adkeeyay in ayna jirin wax wadahadalo ah oo u dhexeeya labada kooxood ee man United iyo Real Madrid oo ku aadan weeraryahanka Alvaro Morata.

kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa xiiso waali ah u muujisay xiddigan reer Spain iyada oo doonaysa in ay badal uga dhigto weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic oo kooxda isa ga tagay kadib markii uu heshiiskiisu dhamaaday.

"Waxa aan rumaysanahay in aanan wax wadahadlo ah kula jirin kooxda Man United kuna aadan adeega weeraryahanka Alvaro Morata”ayuu Perez u sheegay El Primer Paolo radio

Perez oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waxa aan maqlay in aanu heshiis la gaarnay kooxda Man United heshiiskaas oo ku aadan Morata laakiin waxa aan idiin xaqiijin karaa in ayna waxba ka jirin.

MAALINTA 4TA BISHA JULY OO MUHIM WEYN U AH RAJADA AY BARCELONA KA QABTO SAXIIXA XIDDIGA PSG MARCO VERRATTI

Barcelona ayaa u baahan inuu Marco Verratti qaato go’aan adag si ay u la soo saxiixdaan. Ko oxda PSG ayaan dooneynin inay wadaxaajood ka gasho iibinta cuyaaryahanka, halka sidoo kalena Barcelona aysan weli wax dalab rasmi ah ka gudbinin.

Kooxda reer Catalan ayaa u baahan caawinaada Verratti si uu heshiis u dhaco. Iyadoo taas maanka lagu hayo, taariikhda 4ta July ayaa ah mid muhim ah. Waa maalinta ay kooxda Faransiiska bilaabi doonaan isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub. Haddii uusan Verratti ku soo laabanin ta babarka kooxda markaas fursada Barcelona ay u heysato saxiixiisa sarre ayay u kaceysaa.

Javier Mascherano ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee wax sidaas oo kale ah sa meeya. Waxa uu diiday inuu kulamo u ciyaaro Liverpool si uu u hubiyo inuu u wareego Camp Nou.

Haddii Verratti uu doorto inuu ku soo laabto tababarka PSG, Barca markaas wax niyadsami ah kama qabeyso inuu heshiis dhici karo. PSG waxa ay u safrayaan Mareykanka inta u dhaxeysa 19ka July ilaa iyo 26ka iyagoo halkaas kula ciyaaraya kooxaha Roma, Tottenham iyo Juventus.

Xiddiga Talyaaniga ayay u cadahay inuu doonayo inuu ka tago Paris. Waxa uu taasi soo ba ndhigay isbuucyadii ugu danbeysay kulamo goonigooni ah uu la qaatay kooxda.

Wakiilkiisa Donato di Campli ayaa u sheegay agaasimaha isboortiga kooxda PSG Antero Henrique in ciyaaryahanka uu doonayo inuu qeyb ka noqdo koox guuleysaneysa, waxaana Di Cam pli iyo Verratti ay labaduba la kulmeen Henrique iyo madaxweynaha PSG Nasser AlKhelaifi iyagoo u sheegay baahidooda ah inay baxaan – Verratti ayaa xitaa la sheegay inuu hakad soo geliyay fasaxa uu ku maqan yahay sii uu u sameeyo dalbasho islamarkaana cadaadis u saaro PSG.

Verratti ayaa ka warqaba in haddii uusan ku soo laabanin tababarka isbuuca danbe in qoorta loo geli doono lacag ganaax oo aad u badan. Dhanka kale Barcelona ayaan diyaar u aheyn inay bix iso lacag ku dhow 200 milyan euro oo laga hadalhayo France. Kooxda Blaugrana waxa ay ku raad ineysaa ciyaaryahanka 80 milyan yuro.

LIVERPOOL OO PSG KULA BIIRTAY BAACSIGA XIDDIG BAXSAD KA AH KOOXDA REAL MADRID

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya In Kooxda Liverpool ku biirtay baacsiga lo ogu jiro daafaca khabiirka ah ee xulka qaranka Portugal ee Pepe oo si xor ah uga tagay kooxda Re al Madrid 1 bishan.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda maadama ay xilli ciyaareedka dambe ka qayb gali doonto tartanka champions League.

Reds ayaa ku dhibaatoonaysa in ay hesho saxiixa daaf aca reer Holland ee Virgil van Dijk kaas oo ay kooxdiisa Southampton u sheegtay in uuna iib ahayn xagaagan.

Si kasta ha ahaatee Tababare Klopp ayaa haatan dare enkiisa u jeediyay khabiirka reer Portugal oo aan wali koox helin xilli uu si xor ah kooxda uu doono ugu biiri karo.

Liverpool ayaa xiddigan ku soo jiidanaysa heshiis 3 sano ah xilli uu ka meermeerayo kooxda PSG oo kaliya u soo bandhigtay heshiis hal sano ah.

FAAHFAAHIN DHEERI AH OO KA SOO BAXDAY AROOSKA SIDA WEYN LOO HADALHAYO EE XIDDIGA BARCELONA LIONEL MESSI & ANTONELLA ROCCUZZO.

Dadka ugu caansan kubada cagta iyo weliba madadaalada ayaa isagu tagi doona magaalada Rosario ee dalka Argentina maalinta Jimcaha halkaasoo uu ka dhacaya arooska xiddiga Barcelona Lionel Messi oo si rasmi ah u la aqalgalaya gabdhaha labada caruur u dhashay ee Antonella Roccuzzo.

Jariirada AS ayaa soo bandhigtay faahfaahinada laga ogyahay arooska xiddigaan ee ay baahiyaan afhayeenada Messi, warbaahinta iyo dadka maxaliga ah ee ku dhow dhow arooskan.

Fanaanada Shakira iyo ninkeeda Gerard Pique oo ay Messi isla ciyaaraan ayaa ka mid noqon doona 260ka marti sharaf ee lagu casuumay arooska.

Waxa ay ku biiri doonaan saaxiibada mudada dheer ee lamaanahaan iyo ciyaartoy kale sida weeraryahanada Barcelona Luis Suarez iyo Neymar.

Caruusada Roccuzzo oo 29 sanno jir ah ayaa xiran doona dhar uu sameeyay nashaqade eyaha caanka ah ee Spain u dhalatay Rosa Clara taasoo laga soo duuliyay Barcelona.

Waxa ay Rosa Clara dhar u soo sameeysay aktarada Eva Longoria iyo Sofia Vergara iyo sidoo kale boqorada dalka Spain Letizia.

10ka habeenimo waqtiga Rosario ayaa la filayaa inay martida arooska iska buuxiyaan huteel ka CityCenter ee ku dhow meel ay danbiyo badan ka dhacaan.

Messi oo 30 jir ah ayaa la sheegayaa inuu weydiistay cuno kariyayaasha arooskiisa inay kariy aan cuno maxali ah oo ay dadka reer Argentina dhaqan u leeyihiin.

Kooxda fanaaniinta reer Uruguay ee Rombai iyo Marama iyo weliba fanaanada Karina oo ah xaaska xiddiga Argentina Sergio Aguero ayaa ka ciyaari doona arooska.

Amaanka waxaa sugaya shirkad gaar loo leeyahay oo Israa’iil ah kuwaasoo inta badan suga amaanka xiddigaan mar walba uu dhacdooyin waa weyn ka qeybgalayo.

Ilaa iyo 155 joornaaliiste ayaa loo ogolaaday inay soo tabiyaan arooska, laakiin waxaa looga digay inay wax xiriir ah la sameeyaan martida

MAXAA KUSOO KORDHAY XIISAHA BARCELONA EE CIYAARYAHAN MARCO VERRATTI?

Kooxda Kubadda cagta Barcelona ayaa waxay maalmo uqabatay inuu go’aan kaga gaaro mustaqalkiisa Paris SaintGermain, wiilka khadka dhexe ka dheela Marco Verratti, sida laga soo xig anayo Wargeyska Sport.

Wargeskaan ayaa wuxuu sheegayaan in Barcelona ay 4 Julaay, uqabatay in go’aan kama da mbeys kaga gaaro Masiirkiisa kooxda ka dhisan caasimadda Wadanka Faransiiska ee PSG.

Verratti ayaa waxaa waajib ku ah inuu kusoo laabto Tababarka kooxdiisa ay iskugu diyaari neyso xagaaga cusub, waana xilliga ay uqabatay Barca, iyadoona aan la ogeyn wuxuu noqon doono go’aankiisa.

Wiilkaan udhashay wadanka Talyaaniga ayaa wuxuu mudooyinkii dambe bartilmaameed u ahaa Kooxdaan, waxaana haatan muuqaneysa in Blugarana ay diyaar utahay inay hesho adeega xiddigaan.

XULKA QARANKA CHILE OO U SOO BAXAY FINALKA CONFEDERATIONS CUPKA, LA ROJA OO REKOODHAYAAL KU GARAACAY PORTUGAL IYO CLAUDIO BRAVO OO WACDARO LAYAABLEH DHIGAY.

NATIIJADII REKOODHAYAASHA:

Arturo Vidal ayaa Chile u bilaabay in uu tuuro rekoodhihii ugu horeeyay wuxuuna jahada qal dan udiray Rui Patricio laakiin saddexdii xidig ee ugu horeeyay Portugal ayuu Claudio Bravo ka tir iyay dhamaan saddexdii darbo ee ay tuureen waxayna kala ahaayeen Ricardo Quaresma,João Moutinho iyo Luis Nani halka labadii xidig ee Vidal ka danbeeyay oo kala ahaa Charles Aránguiz iyo Alexis Sanchez ay si fiican u dhamaystireen darbooyinkooda.

In Portugal ay saddexdii rekoodhe ee ugu horeeyay qasaarisay isla markaana ay Chile sadd exdii ugu horeeyay ka faa’iidaysatay oo uu waliba Claudio Bravo layaab muujiyay ayaa keentay in aan la tuurin rekoodhayaashii hadhsanaa waxaana sidaa 3:0 rekoodhayaal ah finalka Confeder ations Cupka ugu soo baxay xulka qaranka Chila halka Portugal ay si niyadjab ah ay ku hartay.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip