WAA WARARKA WARGYESK MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24KA JUUN 2017KA

0
Saturday June 24, 2017 - 10:27:56 in Wararka by
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYESK MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24KA JUUN 2017KA

    MADAXWEYNAHA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA ARRIMAHA QAXOOTIGA EE KA SOCDA KAMPALA Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb gala ysa Shirka Isgarabtaagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA ARRIMAHA QAXOOTIGA EE KA SOCDA KAMPALA Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb gala ysa Shirka Isgarabtaagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri "Waxaan shalay la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan ho rumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

"Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal mil an. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhaw yihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo daraad booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxoot iga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

GUDDOOMIYE TAABID OO LA ARKAY ISAGOO KA DUKAAMEYSANAYA SUUQA BAKAARAHA

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shalay si lama filaan ah uga dukaameystay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Mr Taabid ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxaa uu alaabo ka iibsaday dukaamaha ganacsi ee ku yaalla Suuqa, isagoo ka wareystay dadkii ku sugnaa goobaha ganacsiga ee uu booq day xaaladaha ganacsi iyo mid amni ee ka jirta Suuqa

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa u kuur galay xaalada ga acsi ee suuqa, isagoo mid mid u kormeeray goobaha ganacsiga.

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa shalay ka jiray dhaq dhaqaaq ganacsi aad u xooggan, iyadoo laga dareemayay diyaar garowga Ciida oo ay dadka si aad ah wax u iibsanayeen.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow xooggan ugu jiray Maalmaha ciida, iyadoo ay socoto howli nadaafadeed, waxaa nalal lagu dhejiyay meelaha caanka ah ee mag aalada sida Taaladii Xaawo Taako, SYL sidoo kale xarumaha degmooyinka ayaa iyana nalal lagu dhejiyay.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO UGANDA OO KA WADA HADLAY ARRIMO MUHIIM AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala. Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isk aashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaa gsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan mar naba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Fede raalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taag eerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowla daha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Ca bdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir. DHAMMAAD

MILKIILAHA SHIRKADA FACEBOOK OO LA AFURAY SOOMAALIDA MAREYKANKA

Mark Zuckerberg oo ah ninka leh Shirkada Facebook oo ah aalad ay bulshada ku wada xirii rto ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in Magaalada Minneapolis uu Kula afuray soo galooti Soo maali ah habeenkii habeen hore ahaa.

"Markii aad tahay qaxooti ma heesatid dooq aad ku xulaneyso halka aad noloshaada ku dha meysaneyso, waxaan weydiiye hal su”aal mid kamid ah soomaalida ila afurtay oo 26 sano kusoo qa atay xiro qaxooti si uu usoo garo wadankaan mareynaka bal in uu gaaray hamiguu intaas sugaayey oo ay wanaagsantahay ku noolaashaha Mareykanka uuna dareemo sida in wadankiisa uu joogo, waxa uuna iigu jawaabay meeshaad ka heleyso nolol wanaagsan oo xur ah ayaa wadankaaga oo kale kuu ah, halkaana xuriyad ayaan ku heestaa”ayuu kusoo qoray bartiisa facebook milkiilaha Fac ebook.

Qoraalka uu Mark Zuckerberg oo ah ninka leh Shirkada Facebook uu soo dhigay bartiisa Fac ebook ayuu kusoo gabagabeeyey in uu aad ugu mahadcelinaayo Soomaaida la afurtay xili Bisha Barakeysan ee Ramadaan uu gabagabo ay mareyso.

LAYAAB:NIN XABSI KU MUTEYSAN KARA GAR XIIR UU XADAY

Booliiska magaalada Tromso ee dalka Norway ayaa xabsiga dhigay nin Ajnabi ah kaasoo du kaan ku yaalla magaalada ka xaday makiinnadda gar xiirta taasoo qiimaheeda lagu qiyaasay 8,000N ok, lacagta dalkaas laga isticmaalo.

Booliiska ayaa bartooda twitterka kusoo qoray in dhacdadaasi ay habeen hore ka dhacday gu daha magalada Tromso, islamarkaana ay xog aad u wanaagsan ka heleen dadweynaha sidaasna lagu qabtay tuuggii falkaasi geystay oo ay ku tilmaameen inuu ahaa ajnabi.

Waxaa la sheegay in tuugnimadaas uu sameeyay uu ku muteysan karo 15sano ah.

XOG MUHIIM AH: INKABADAN 670 FARMASHI OO SHARCI DARRO AHAA OO ALBAABBADA LA ISKUGU DHUFTAY

Isku dar ahaan sannadkii lasoo dhaafay waxaa albaabada la iskugu dhuftay inkabadan 670 Farmashi oo sharci darro ahaa, islamarkaana iibinayay daawooyin aan tayo lahayn, gudaha dalka Kenya ee Qaaradda Afrika.

Hawl galka ayaa soo gaba gaboobay maalintii Khamiista Daraad ahayd, waxaana ku dhawaaqay Mr: Jacinta Wasike natiijada hawl galkaas sannadka socda, isagoona sheegay in qaar kamid ah Farma shiilayaashaas ay ahaayeen kuwa aan sharci heysan halka qaar kalena ay iibinayeen daawo dhac day iyo kuwa dalka ka mamnuuc ah

612 kamid ah 670ka Farmashiyo ee la xiran mas’uuliyiintooda waxaa lala tiigsaday maxka mad, maadaama ay ku caddaatay hawshii sharci darada ahayd ee dalka Kenya ay ka wadeen.

Maamul Goboleedka caasimadda ka dhisan ee Nairobi County ayaa ah midka ugu badan ee ay ku yaalleen Farmashiyayaashaas sharicddarada ku furnaa, inkabadan 105 Farmashi oo aan sha rci ahayn ayaa albaabada la iskugu dhuftay, dhammaanna waxa ay ku yeelleen magaallo madaxda dalkaas ee Nairobi, waxaa ku xigay dhanka badnaanta gobolka, South Rift, sidoo kale gobolada kale ee kala ah North Rift, Western, Nyanza, Upper Eastern iyo Lower Eastern, oo dhammaan ay ku yaa leen Favrmashiyayaasha la xiray ee sharci darada ah.

FAAH FAAHIN DUQEYN KA DHACDAY JAMAAME

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday Duqeyn ay fuliyeen Diyaarado dagaal.

Duqeyntan oo la sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo cadaan ah iyo Ciidamo ka tir san Dowladda Federaalka ayaa waxa ay beegsadeen saldhiyo ururka Alshabaab ay ku leeyihiin deg aanka Dhagaxdheer ee degmada Jamaame.

Howlgalkan lagu beegsaday saldhigyada Shabaabka ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen mar kaliya in ay ku soo baraarugeen jugta Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay Duqeyntan in ay ku burburiyeen sal dhigyo Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Dhagaxdheer.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaya weerarada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamo cadaan ah iyo ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u tababaran fulinta weerarada qorshey san.

MAXKAMADDA C.Q.S OO DIGNIIN U DIRT AY ILAALADA MASUULIYIINTA DF

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin u jeediyay ilaalada saaran Gaadiidka Dowladda, taas oo ku aadan in ay dhimrin u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in lala xisaabtamayo ilaalada masuuliyiinta Dowladda Federaalka, hadii ay tacadiyo u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee isticaamala wadooyinka.

Sidoo kale Gaashaanle Shuute ayaa sheagay dhibaatada hada taagan in ay tahay tacadiyo ilaalada masuuliyiinta Dowladda ay u geystaan mararka qaar shacabka Soomaaliyeed ee wadooy in ka isticmaala.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxaa la horgeyn ayay dad loo heysto in ay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasiamadda Soomaaliya.

XILIGA UU FURMAYO KALFADHIGA 2AAD EE GOLAHA SHACABKA OO LA GO'AAMIYEY

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kul an ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go'aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qo dobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ahi ay go'aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka loo mudeeyey in uu noqdo 08July2017 waxaana uu ku wargeliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fasaxa ku maqan iney usoo diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Gol aha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista mii saaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.DHAMMAAD

SUGIDDA AMNIGA MUQDISHO OO LA KORDHINAYO

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isbedel ku sameynayo Amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada MuqdIsho, kadib markii ay kordheen weerarada Shabaab maalmah an dambe ay ka geysanayaan Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle Islow ayaa Hay’adaha amniga far ay in ay kordhiyaan Howlgalada lagu xasilinayo amniga Muqdisho, wuxuu soo hadal qaaday weerar kii daraad ee saldhiga booliska degmada Waaberi, wuxuuna sheegay in ay qadar alle ku dhacday ay san dadaal u yareyn Hay’adaha amniga.

Maxamed Abuukar Ducaalle Islow Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan Shabaabka.

Shabaab ayaa Saddex maalmood gudahooda waxa ay weeraro Qaraxyo loo adeegsaday ka geysteen Muqdisho, iyada oo Ciidamada Dowladda ay adkeynayaan amniga Muqdisho.

ALSHABAAB OO WEERAR KU QAADAY SUUQA XOOLAHA DEEGAANKA BIYO CAD DE OO GOBOLKA SH/DHEXE

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib mar kii dagaalyahano ka tirsanAlshabaab ay shalay weerar ku qaadeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Biyo Cadde oo katirsan gobolka Sh/dhexe.

abada ruux ee dhintey ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa askari ilaalo ka hayay su uqa oo ay ku sugnaayeen xoolo dhaqato keensaday xoolo iyo ganacsato faro badan. Mid ka mid ah dadka dhintey iyo shanta ruux ee dhaawacantay ayaa ahaa dad rayid ah oo isugu jira ganacsato iyo xoolo dhaqato.

Maleeshiyaadka soo weeraray suuqa xoolaha ee deegaanka Biyo Cadde ayaa watay hal baa buur oo nooca basaska yaryar ahwaxana ay markii dambe dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa waxaa sugan ciidamo Soomaaliyeed iyo ciidamo AMISOM ah. Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

 

WASIIRKA BOOSTADA & ISGAARSIINTA OO SOO DHOWEEYAY ANSIXINTA HINDISESHARCIYEEDKA XEERKA ISGAARSIINTA QARANKA

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa si weyn u soo dhoweeyay go'aankii ay Golaha Wasiirradu daraad ku ansixiyeen Hindisesharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada.

Xeerkan oo soo jiitamayay sanado badan ayaa la dardargeliyay bilihii la soo dhaafay si loogu guuleysto horumarinta iyo xeernidaaminta Isgaarsiinta dalka, isla markaana loo daryeelo xuquuqda isticmaalayaasha adeegyadan iyo shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa bilihii la soo dhaafay qabanqaab isay wadatashi balaaran oo looga arrinsanayay xeerkan, iyadoo kulamadaas ay ka qeybgaleen qeyb aha kala duwan ee bulshada, Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Golaha Shacabka, dawlad goboleedyada, shirkadaha adeegga isgaarsiinta iyo internetka iyo bahda waxbarashada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan uu ka mid ahaa waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh hoggaanka cusub ee Wasaaradda. "Arrinta ugu muhiimsan ee si degdeg ah loogu baahan yahay waa in sharci iyo nidaam loo helo isgaarsiinta Soomaaliya oo horumar weyn sameysay. Marka sharcigan uu ansi xiyo Baarlamaanka, wuxuu shirkadaha u furi doonaa fursado badan, wuxuuna noo sahlayaa inaan shirkadaheena ku difaaci karno dalka gudahiisa iyo heer caalamiba".

Hindisesharciyeedkan ayaa ka mid noqon doona kuwa ugu horreeya ee la horgeeyo marka la furo Golaha Shacabka uu dib u furmo bisha Luulyo ee soo socota.

DONALD TRUMP OO BEENIYEY INUU DUUBAY COD

Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey inuu duubay wadahadaladii dhexmaray isaga iyo agaasimihii hore ee FBIda ee uu shaqada ka eryey inkastoo uu hore u muujiyey Trump inuu duubay wadahadalada.

Bilooyin kadib caqabado iyo cadaadis ku aadan in cajaladaha lasoo gudbiyo ayaa Trump fari in u baraha bulshada ee twitterka uu ku baahiyay wuxuu ku sheegay inuusan ogeyn in duubitaan caynkaasi ah uu jiro,Laakinse aanu isagu waxba duubin.

Qoraalkii ugu horeeyay ee u Madaxweynaha ku baahiyey baraha bulshada ay ku xiriiraan ee Twitterka ayaa noqotay mid muran badan dhalisay kadib markii shaqada u ka eryey hogaamiyihii hore ee FBIda. Arrimahaas oo lala xiriinayo eedaha ku aadan faragelinta Ruushka ee doorashada Maraykanka

TALIYAHA GAROONKA BAARDHEERE OO SI XUN UGU DHAAWACMAY QARAX LALA EEGTAY

Taliyaha Ciidamada ee Garoonka Degmada Baardheere, ayaa casir liqii Khamiista si xun ugu dhaawacmay qarax lagula eegtay degmadaasi.

Cabdi Yaasiin (Qalab) iyo saddex ka mid ahayd ilaaladiisa, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, ka dib markii lagula beegsaday hoy ku yaala xaafadda Buulo Kuulow.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxaasi ahaa. Wararka qaar waxay sheegayan in qaraxaasi uu ka dhashay bambo gacmeed lagu tuuray hoyga, halka warar kalana ay sheegayan in uu ka dhashay miino horey loogu dhex aasay hoygaasi.

Taliye Qalab, ayaa waxaa la soo sheegaya in xaaladiisa ay tahay mid garaab ah, waxaana mar soo baxay warar sheegaya in uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi, inkastoo la beeniyay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Baardheere, ayaa Dha cdo.com u sheegay in Taliye Qalab ay xaaladiisu tahay mid aad u liidata, islamarkaana uu koomo ku jiro.

Sidoo kale laba ka mid ah ilaaladiisii, ayaa waxaa la xaqiijiyay in dhaawacyadoodu ay daran yihiin, waxaana xilligan lagu dabiibaya Isbitaalka Ciidanka Amisom ku leeyihiin Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmadaasi, ayaa waxay qaraxaasi ku eede eyen mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo xilliyada qaarkood qaraxyo iyo dilalba ka gaysta degmada.

22kii bishii July ee sanadkii 2015ka, ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmadaasi Baardheere, ka dib san ado badan oo Shabaabku ay ka arriminayen.

MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA OO BIL AABAY INAY CAFIS U FIDIYAAN MAXAA BIISTA CIIDA AWGEED

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa bilaabay in cafis u fidiyaan qaar kamid ah max aabiista ku xiran xabsiyada munaasabada Ciid alFitriga awgeed.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa noqday Madax weynihii ugu horeeyay ee sanadkan ku dhowaaqa cafis ay ka faa’ideystaan maxaabiista xabsiyada ku xiran.

Maxaabiis gaareysa 119 kuna jira xabsiyada Maamul goboleedka Puntland ayaa la cafi yay,waxana uu sheegay Madaxweyne Gaas in maxaabiistaas cafiska loogu fidiyay fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed.

Hase ahaatee maamul goboleedyada kale ee dalka ayaan weli ku dhowaaqin cafis ay u fidinayaan maxaabiista iyadoo sanad walba uu maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Max amed Islaan Axmed Madoobe uu xabsiyada ka sii daayo maxaabiis munaasabadaha Islaamka awg eed.

Si kasta ha ahaatee maxaabiista ugu badan ee ku jira xabsiyada dalka ayaa waxa ay yihiin ku wa ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, mana jirin maxaabiistaa cafis loo fidiyay afartii sano ee uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan guddi soo qiimeeya xaalada ay ku nool yihiin iyo dambiyada loo haysto maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho magacaabay. Bal se lama oga in Madaxweyne Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Uganda uu cafis u fidin doono maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

THERESA MAY OO U SOO BANDHIGTEY QORSHAYAAL CUSUB WADAMADA MID OWGA YURUB

Ra’iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa u sheegtay madaxda Midowga Yurub in muwaadi niinta EU ee ku noolaa wadanka UK muddo shan sano ah ay lahaanayaan xuquuq la mid ah muwaadiniinta UK.

Qorshe cusub oo ku saabsan soo galootiga ayaa oggolaanaya dadka u dhashay wadamada ku bahoobay EU ee ku nool UK inay helaan fursadaha caafimaadka,waxbarashada iyo fursado kale ka dib marka wadanka UK uu ka baxo Midowga Yurub.

Hase yeeshee qorshahan ayaa ku xiraya wadamada kale ee Midowga Yurub inay siiyaan mid la mid ah fursadaha ay muwaadiniintoda heleen dad u dhashay UK ee ku nool wadamadooda.

Qorshahan ayaa la hordhigay shirweynaha Golaha Yurub ee ka socday Brussels waxana ay May u sheegtay hogaamiyaasha EU "In qofna uusan ka dhici doonin buurta qarkeeda”

Theresa May ayaa sidoo kale u sheegtay hogaamiyaasha Midowga Yurub inaysan dooneyn in dadka ku nool UK in ay isaga baxaan amaba ay qoysaskooda kala lumaan. Balse illaa iyo hadda aqalka looga taliyo UK ee Downing Street ayaan sheegin xilliga uu qorshahan bilaabanayo.

Wadanka UK iyo wadamada kale ee Midowga Yurub ayaa labaduba waxa ay doonayaan in ay gaaraan heshiis ay ku nabad gelayaan amaba aan saameyn doonin 3.2 million muwaadiniin ka soo jeeda Midowga Yurub oo ku nool UK iyo 900,000 oo ka soo jeeda UK oo ku nool wadamada ka le ee Midowga Yurub.

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO LAGU AN SIXIYEY SHARCIYADA ISGAARSIITA IYO LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shirguddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kha yre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii shalay wadada Makka AlMukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka wara abiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahad celiyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Was iirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa’iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bac damaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadaroggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.

Wasaarada Garsoorka ayaa golaha wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalan ka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowl ada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadaroggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shalay ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra’iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hi ndise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dal kana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. DHAMMAAD

MADAXWEYNAHA KOOFUR GALBEED OO HESHIIS DHINACA AMNIGA AH LA GALAY SHIRKAD MARAYKAN AH

Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca ammaanka la gashay shirkad la magac baxday FSG taasoo hore lo oran jirey Blackwater.

Aasaasaha shirkadan Erick Prince ayaa sheegay in ay ka taageeri doonaan Maamul goboleedka KoofurGalbeed dhinacyada ammaanka,duulista iyo dib u dhiska.

Madaxweynaha dowlad goboleedka KoofurGalbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in heshiiska uu la galay shirkadan ay qeyb ka tahay sidii loo soo jiidan lahaa maalgashtayaal shi sheeye iyo kuwa gudahaba.

Shirkadda FSG oo Hong Kong ka diiwaangashan ayaa hore loo oran jirey Blackwater waxana lagu eedeeyay dhibaatooyin ay ka sameysay dalka Ciraq oo ay hore ugaga howlgali jirtey.

Madaxa shirkadan Erick Prince ayaa hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee US Navy SEAL ayaa aasaasay shirkada ammaanka ee Blacwater balse markii lagu eedeeyay dhiba atoyin ay ka geysteen dalka Ciraq ayuu shirkadda magaceedii u bedelay FSG.

"Mashaariicda Koofurgalbeed aan ka hirgelinayno waxaa ka mid ah dhinacyada dhulka,circa iyo badda iyo weliba in ammaanka la hormariyo,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda FSG.

Qorshaha shirkadan ayaa waxaa kamid ah dowlad goboleedka KoofurGalbeed ay u dhisto de ked,dhismo deegaan iyo horumarinta dhul beereed.

Madaxweyne Sharif Xasan ayaa sheegay in uu isu keenay hogaamiyaal shirkado caalami ah kuwaasoo aqoonyahanada Soomaaliyeed ka kaashan doona sidii loo horumarin lahaa Koofur galbeed Soomaaliya,hase yeeshee Shariif Xasan ayaan bixin faahfaahin ku aadan qarashka ku baxaya mashaariicda iyo xilliga la bilaabayaba.

Hase yeeshee dhul balaaran oo ka mid ah Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Alshabaab,waxaana dhowaan ku dagaalamay deegaano ka mid ah gobolka Sh/ hoose ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM oo dhinac ah iyo ururka Alshabaab.

MAREYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KA SAARAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW

War hada soo gaaray warqabadka Shaaciye.com ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Sar aakiisha sar sare ee Kooxda AlShabaab.

Sheekh Muqtaar oo ahaay Hoggaamiye kuxigeenki hore ee AlShabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka kooxda AlShabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay Idaacada VOA in Abuu Mansuur la ga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul taalay 5 milyan oo dollar.

Sidoo kale Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aad an liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

USA OO LIISKA ARGAGIXISADA KA SAARTAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW

Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ururka AlShabaab.

Warkan waxaa VOAda u xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taasi oo shaaci say in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa xilal badan ka soo qabtay Alshabaab, wa xaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay Hoggaamiye ku xigeenkii AlShabaab iyo sidoo kale Afhaye enka AlShabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen AlQaacidda.

Waxaa la hadal hayay dhowaanahan inuu wada hadalo hoose kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka AlShabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin warkan sheegaya in liiska Argagixi sada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa aad u hadal heya warkan ka soo yeeray Waaxda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, taasi oo dadka falanqeeya arrimahan ku noq otay layaab.

BOGGA CAYAARAHA

MESSI WAXA UU KU BIIRI LAHAA REAL: HALYEEY HOREY OO BANAANKA KEENAY SIR BADAN

Halyeeygii hore ee kooxda kubadda cagta Barcelona ninka lagu magacaabo Horacio Gaggioli ayaa wuxuu soo bandhigay sheeko ku saabsan in wiilka gaaban ee kooxda kubadda cagta Barc elona.

Waxa uu sheegay halyeeygaan in Weeraryahanka Barca ay suurta gal aheyd inuu isaga tago kooxdiisa islamarkaana uu ku biiro Kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid sanadkii 2009gii.Hadii uusan xiddigaan lagu magacaabo Horacio Gaggioli, uu uusan ka tagi laheyn kooxdiisa Barcelona xa gaagas Messi ayaa qarka usaarna inuu udheello kooxda lagu magacaabo Real Madrid.

Balse, nasiib wanag, waxa uu iska siijoogayay kooxdiisa, waxaana sheegaddaan ay noqo neysa mid aad uga yaabisa Taageerayaasha kooxdA kubadda cagta Barcelona, waxaana hadii ay lumin lahaayeen xilligaa ku jiri lahaayeen God Madow waqtigaan.

MAN UNITED OO WADAHADALO KU AADAN HESHIISKA ALVARO MORATA LA FURTAY REAL MADRID GOORMA AYAA LASOO GABAGABEYN KARAA?

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Spain – Manchester United ayaa wadahadalo ku aadan saxiixa Alvaro Morata la bilowday dhigeeda Real Madrid.

Ciyaariyahankaan reer Spain wuxuu noqday bartilmaameedka ugu horeeya ee Jose Mourinho tan iyo markii lagu fashilmay Antoine Griezmann kaas oo heshiis cusub qalinka ugu duugay koox diisa.

Wargeyska Marca ee Spain laga leeyahay – wuxuu ku waramayaa in labada kooxood ay haa tan si toos ah uga wadahadlayan arinta xidigaan.

Waxaa la fahansan yahay in 24jirkaan uu maamulka Los Blancos u sheegay rabitaankiisa ah inuu aado Old Trafford.

Alvaro Morata wuxuu xilli ciyaareedkii dhamaaday ahaa mid kursiga keydka daris la ah balse wuxuu noqday gooldhaliyaha labaad ee kooxda Real Madrid.

Sidoo kalana warbixinta waxaa lagu sheegay in xidigaan heshiiskiisa lasoo afjari doono ka hor inta aysan Manchester United u duulin waqooyiga America halkaas oo ay kulamo kusoo ciyaari doon to.

MESSI IYO CR7 WAA XIDDIGIHII UGU WANAGSANAA TAARIIKHDA KUBADDA CAGTA + CADEYN

Shaki kuma jiro in labadaan ciyaaryahan oo ukala dheela kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid ay yihiin xiddigihii ugu wanagsanaa ee soo mara Taariikhda kubadda cagta, waana marka aad ara gto Cadeyntaan.

Ronaldo iyo Messi, waxaaa loo arkaa in ay yihiin weeraryahanadii ugu wanagsanaa ee soo mara Taariikhda Kubadda cagta caalamka, waxaana sabab u ah inay yihiin xiddigaha kalliya ee hal kulan hal gool dhaliyay.

Tan iyo kusoo biiritaankoodii Kubada cagta, isku celcelis ahaan marka lafiiriyo goolahasha ay dha liyeen ayaa waxa ay dhigmaan in kulan waliba oo Horyaaladda ay a dheeleeen ahuu lamid ah ay go ol dhaliyeen.Haddaba, Sheekadda ayaa waxaa lagu qoray Shabakadda Goal.com, ee kasoo baxda wadanka Ingiriiska, gaara ahaan caasimada UK, waxaana qormadaan qoray Khabiirka caanka ah ee Peter Staunton.

JOSE MOURINHO OO KU DHAQAAQAYA QORSHE SI DEGDEG AH WAYNE ROONEY KOOXDA UGA KAXAYNAYA MUXUU SAMAYNAYAA?

Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa ka fikiraya in uu Wayne Rooney si Malda han uga eryo kooxda xilli ciyaareedka dambe Xilli uu xiddigan reer England isku diyaarinayo in uu u dagaalamo mustaqbalkiisa Man United.

Jose ayaa qorshaynaya in uu calaamada kabtanimda ka qaato Wayne Roone bilowga xilli ciya areedka dambe una dhiibo mid ka mid ah xiddigaha man United ee khadka dhexe.

Rooney ayaa xilli ciyaareedkii hore Man United ku qaatay wakhtigiisii ugu xumaa isaga oo kal iya ku bilowday 15 kulan oo horyaalka ah oo uu dhaliyay 5 gool oo galiya.

Wargayska A Bola ayaa sheegaya in Tababaraha reer Portugal ka fikirayo in uu kabtanimada kooxda u dhiibo midkood xiddigaha khadka dhexe ee Michael Carrick,Ander Herrera iyo Poul Pogba.

WAA KUWEE CIYAARTOOYDA DOONAYA IN RONALDO UU KA HULEELO REAL IYO KUWO DOONAYA IN UU SII JOOGO,LABA QEYB AYAA LA KALA NOQDAY

Wargeyska Diario Gol ee Spain kasoo baxa ayaa shaaca ka qaaday in kala qeybsanaan ay ka dhex jirto ciyaartooyda Real uuna sabab u yahay arintaas xiddiga koowaad kooxdaas ee Ronaldo

Waxa uu wargeyskaas sheegayaa in laba qeyb ay u kala jabeen ciyaartooyda Real qaar waxa ay doonayaan in laacibkaas uu baxo halka qaarna ay doonayaan in uu sii joogo ayna u arkaan xid dig muhiim u ah kooxdaas.

Ronaldo ayaa dhawaan lagu soo eedeeyay in uu sameeyay is dabarin dhanka cashuurta ah waxaana ku dhaggan maxkamad ku taal Spain taasi oo keentay in laacibkaas u gacan haatiyo in uu ka huleelayo Real

Waxa uu u sababeeyay Ronaldo arintaas in uusan is garab taag ka helin maamulka Real sida uu helay laacibka ay xifaaltamaan ee Messi ka dib dacwad canshuurta la xariirta oo loo soo jeediyay laacibkaas .

Haatan wargeyskaas Diario Gol ayaa sheegaya uin ciyaartooyda aan dooneyn in Ronaldo kooxda uu ka huleelin una arka in uu muhiim u yahay ay ka mid yihiin Ramos,Marcelo ,Pepe inkas too uu kooxdaas ka tagayo ,goolhaye Nevas iyo Fábio Coentrão xilli isna uu kooxdaas ka sii socdo

Xiddigaha ka soo horjeeda Ronaldo ee doonaya in uu kooxda ka huleelo ay ugu horeeyaan Isco,Toni Kroos , Modric ,Morata ,iyo Marco Asensio waxa ayna aaminsan yihiin in Ronaldo si ka du wan sida ciyaartooyda kale ay ula dhaqmaan maamulka Real

Lama helin sida wargeyskaas sheegayo aragtida ay qabaan Benzema iyo Bale oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Real

Confederations Cup Group A June 24

18:00Mexico? ? Russia

18:00New Zealand? ? Portugal


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip