Akhriso:-Masaajidyo Magac Iyo Maqaam Ku Leh Qalbiga Muslimiinta

0
Monday June 19, 2017 - 13:25:39 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Masaajidyo Magac Iyo Maqaam Ku Leh Qalbiga Muslimiinta

    Dunidaan Daafaheyda waxaa ku yaallo Masaajidyo Magac iyo maqaam sare ku leh Qalbiga Muslimiinta, in aan baranaana sida ay u kala weyn yihiiin waa wax inoo muhiim ah hadaynu nahay Muslimiin, hadaba halkaan hoose waxaa ku qoran 5"masjid ee ugu wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidaan Daafaheyda waxaa ku yaallo Masaajidyo Magac iyo maqaam sare ku leh Qalbiga Muslimiinta, in aan baranaana sida ay u kala weyn yihiiin waa wax inoo muhiim ah hadaynu nahay Muslimiin, hadaba halkaan hoose waxaa ku qoran 5"masjid ee ugu weyn adduunka iyo halkay ku yaalaan.
  1. {1}-Masjidka Al-Xaram (Xaramka)

Masjidka ugu weyn adduunka waxaa lagu magacaabaa Al-Xaram(Xaramka) waxa uuna ku yaalaa Magaalada Maka ee wadanka Sacuudiga, waxaana Masjidkaani ku hareersan Kacbada Barakeysan oo ay Muslimiinta meel walba oo ay joogaan usoo jiheestaan marka ay dukanaayaan.

Masjidkaani waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Masjidka Masaajidyada maadaama uu yahay meesha masaajidyada dunida ku yaal loo soo jiheeyo,waana masjidka ugu caansan oo kala bar Aadanaha adduunka ku nool way garanaayaan.

Baaxada Masjidka Xaramka waa 4,008,020 Mitir oo isku weeran, waxa uuna qaadaa oo mar qura kuwada dukan kara ilaa iyo 4,0000 oo ruux, waana meel kamid ah meelaha adduunka ugu baaxada weyn oo ay dad intaasi gaaraya ay iskugu imaan karaan

{2}.Masjidka al-Nabawi

Masjidka al-Nabawi "Masjidka Nebiga” SCW, waxaa badi loogu yeeraa Masaajidka Nebiga waana Masjidka Labaad ee ugu weyn adduuunka inta la ogyahay , waxa uuna ku yaalaa Magaalada Madiina Al-Munawara ee isla wadanka Sacuudiga.

Masjidkaani waxa uu islaamku ku leeyahay Magac weyn oo waxa uu wataa Magaca Nebiga waana meesha labaad marka lagasoo tago Kacbada oo ay muslimiiinta ay barakeystaan.

  1. {3}Masjidka Imam Reza

Masjidka Imam Reza waa Masjidka ku jira kaalinta 3”aad marka loo eego masaajidyada ugu weyn adduunka, waxa uuna ku yaalaa Magaalada Mashhad oo ah Magaalada Labaad ee ugu weyn wadanka Iiraan, Dhismaha masjidkaani ayaa waxa uu ka koobanyahay qeybo kala gedisan, waxaana ku dhex yaallo Jaamacada weyn ee Islaamiga ah ee Razavi University of Islamic Sciences.

Baaxada Masjidkaani in ay tahay mid weyn waxaa kuu muujinaayo marka aad ogaato in masjidkaani uu ku dhex yaallo Khabuuro weyn oo lagu aaso Muslimiinta dalkaasi badigooda, Mowlac weyn oo Diinta Islaamka lagu darso oo lagu barto, Madxaf weyn oo lagu keediyo taariikhda Islmaaka, iyo Maktabad weyn oo laga heli karo Kitaabo.

{4}.Masjidka Istiqlal

Masjidka 4”aad ee ugu weyn adduunka waxaa lagu magacaabaa Istiqlal, waana Masjidka 1”aad ee ugu weyn Koonfur Bari Aasiya (Southeast Asia) waxa uuna ku yaalaa Magaalada Jakarta ee Caasimada wadanka ugu badan oo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan adduunka ee Induniisiya (Indonesia).

Masjidkaani ayaa waxaa la dhisay markii Induniisiya (Indonesia) ay ka xuroowday gumestahii Ducht”ka (Holand,Netherland) sidaasi darteed ayaa loogu bixiyey magaca Istiqlal oo ah eray Carabi ah oo micnaheydu yahay Xuriyad.

Muslimiinta dalkaasi Masjidkaasi micno weyn ayuu ugu fadhiyaa maadaama markii magaciisa lasoo hadal qaado ay dareemayaan in ay yihiin wadan iyo dad xur ah.

{5}.Masjidka Xasan II (2”aad)

Masjidkaani waxa uu ku yaalaa Magaalada Casablanca (Kaasabalaanka) ee Wadanka Morocco, waana masjidka ugu weyn wadankaaasi, halka kaalinta 5”aad uu kaga jiro masaajidyada ugu weyn adduunka.

Waxaa naqshadeeyey Injineerkii Faransiiska ahaa ee la oran jiray Michel Pinseau, waxaana dhisay Bouygues.

Waxa uu leeyahay masjidkaani Minaarada ugu Dheer marka lala barbar dhigo masaajidyada ugu weyn adduunka.

Masjidkaani Munaasabada Ciida oo kale ama markii shaqsi magic leh salad janaaso lagu dukanaayo waxa la iskaga kala imaadaa dhamaan magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

 W/Q:- Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip