WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA JUUN 2017-KA

0
Monday June 19, 2017 - 11:25:59 in Wararka by
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA JUUN 2017-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAR KALE U GU BAAQAY AL SHABAAB IN AY KA FAA'IDE YSTAAN CAFISKA DOWLADDIISU U FIDISAY. Madaxweynaha JFS Maxamed C/hi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Al Shabaab inay ka faa'ideystaan Cafiska ay u fidisay dowladdii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAR KALE U GU BAAQAY AL SHABAAB IN AY KA FAA'IDE YSTAAN CAFISKA DOWLADDIISU U FIDISAY. Madaxweynaha JFS Maxamed C/hi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Al Shabaab inay ka faa'ideystaan Cafiska ay u fidisay dowladdiisa. Waxa uu sheegay in DFS ay diyaar u tahay in Wadahadal ay la yeelato Al Shabaab , waxaana uu ku nuux nuuxsaday in iyadoo dowladdu cafis u fidi say weli ay dadkooda leynayaan.

"kaalaya nala hadla waxa aad rabtaan noo sheega,waanu idinkala hadley naa” ay uu yiri Md. Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr je er ku cel celiyay baaqa ku aaddan in dow laddu Dagaalamayaasha Al Shabaab caf is u fidisay islamarkaana ay dowladda So omaaliyeed isku soo dhiibaan.

WASIIRKA AMNIGA OO AFUR U SAMEEYAY XILDHIBAANADA LABADA GOLE EE BEESHA MUDULLOOD

W/Amniga Gudaha ee XFS Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa afur u sam eeyay Xildhiba ano ka tirsan 2da Go le ee Baarlamaanka FS ee ka soo jeeda Bee sha Mudullood Kulanka afurka ayaa la is ku weydaarsaday talooyin iyo fik rado la xir iiray howlaha amniga dalka iyo arrimo ka la duwan oo dalka ah, iyadoo Wasiirku u ga warbixiyay qorshayaa sha XFS uga deg san arrimaha amniga.

Md. Ducaale ayaa sheegay in Xukuum adda ay waddo dadaallo ay ku sugeyso Amniga dalka, gaar ahaan caasimad da Muqdisho, waxaana uu u sharaxay Xildhi baanada qaabka uu u socdo howl galada xasilinta Caasimada. Qaar ka mid ah Xil dhibaanada iyo Sen atarada ayaa ka ma had celiyay afurka uu u sameeyay wasii rka Ducaale waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kulama da oo kale in lais ku weydaarsado wixii ta lo iyo tusaale ah.

Kulankan uu la qaatay W/Xildhibaano ka tirsan 2da gole ee Beesha Mudullood ay aa ku soo bee gmaya, iyadoo dhow aan uu Wasiirku soo saaray amar lagu farayo Xil dhibaanada iyo Wasiirada XFS inay mu ddo 14 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

FEYSAL CALI WARAABE”MAGACA SOMALIL AND WAA LA BADALAYAA”

G/Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somalil and Feysal Cali Waraabe ayaa Markii ugu horeysay she egay inay socdaan Qo rshe la gu badalayo Magaca Maamulka Somalil and islamarkaana Magac kale loo guuri doono.

Feysal Cali Waraabe ayaa intaas ku da ray in Shir looga Arrinsanayo Magac ka badalidda Somaliland uu ka dhici do ono M/Hargeysa,balse ma sheegin Magaca loo bixin doono Somalil and,haddii Magaca laga badalo. Ing Feysan ayaa hadalkiisa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo he shiis uu u socdo maamulka qaatumo iyo somailnd haduu dhabooba na ay samey san doonaan magac ay iskuraacsanyhiin oo mideeytooda ka turjumaya.

NIN QANDARAASLE AHAA OO XALAY LAGU DILAY BALEDWEYNE

Wararka inaga soo gaaraya M/Baledwe yne,ayaa sheegaya in Xalay magaaladaa si lagu dilay nin ka shaqaynayay NGO la gu magacaabo Goobaale. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Ibra ahim Cismaan Muumin (Fanax), ayaa wa xaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggan oo aan la garanayn cidda dhab ta ahi ee ay ka tirsan yihiin, ayaa dilka ka dib ka baxsaday halkaasi, oo ay soo gaar een ciidamada ammaanka. Dadka deega anka, ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidama da ammaanka ay hawlgal ka sameeyeen xaafadaasi,iyagoona ku raadjo oggan de mbiileyaasha.

Dhinaca kalw G/Degmada Beledweyne, Aadan Axmed Xeefow oo xaqiijiyay dilka Ibraahim Cis maan Muumin, ayaa dhanka kale sheegay in ay carareen raggii dilay, balse ay ciidamadu ku daba jooggan.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee M/Muqdisho, ayaan kala ca dayn cidda ay ka tirsan yihiin kuwa dilka gaystay, hase ahaatee la kala ogaan doo no baaritaanada ka dib.

Fanax, ayaa wuxuu ka tirsanaa ganacs ato qandaraas ku soo qaadatay suuqyo la sheegay in la ga dhisayo xaafad aha Hawl wadaag, Buundoweyn iyo Xaawo Taako.

Horaantii sanadkan, ayay ahayd markii xa afadda Xaawo Taako ee M/B/weyne lagu dilay nin kale, oo ka tirsanaa gan acsatada soo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo suuqyadan

DAD BADAN OO LA DHIGAY ISBITAAL KU YAALLA SOMALILAND

Wararka naga soo gaaraya Ma Boora me ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan inay korortay dadka uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka ee la dhigay Isbitaalka Magaaladaasi Agaasima ha W/Caafimaadka M/ulka So maliland ee G/Awdal ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen dadka cudurkaasi uu soo ridanaayo.

Mustaf Muumin Muuse ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad ka badan kun qof in laga daweeyay cudurkaasi. Agaasi maha ayaa ugu dambeyntii sheegay in So maliland ay diyaar u tahay in ay caawiso dadka uu rito cudurka Shub an biyoodka ee ku sugan gobolka Awdal. Gobo lada ma amulka Somaliland ayaa waxaa dhibaato badan ku haaya cud urka Shubanbiyooka, waxaana dadkii ugu badnaa la dhigay dhawaan Isbitaalka M/ Burco.

DAGAAL U DHAXEEYAY AL-SHABAAB IYO CII DAMADA DOWLADDA OO XALAY KA DHAC AY QORYOOLEY

Warka ka imanaaya Degmada Qoryo oley ee G/Sh/hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shab aab in ay Xalay weerar qorshaysan ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Cii damada Dowladda Soomal iya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Dagaalka Shabaab ayaa la sheegay in uu ku bilowaday qaraxyo islamarkaana uu xigay dagaal toos ahaa oo ay isa ga hor Im aadeen ayaga iyo Ciidamada DFS iyo ku wa M/Afrika AMISOM.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley ee G/Sh/hoose Cali aadan Max amed oo Xala y la hadlay idaacad da Simba ee M/Muqdisho ayaa sheegay in daga alka ay shabaab soo qaade en islamarkaa na lagu jabiyay. Taliyaha Saldhiga Bool iska Degmada Qoryooley ayaa tilmaamay in dagalka shabaab uusan guuleysanin isl amarkaana dagaal dabba-gal ahaa ay Cii damada DFS iyo kuwa M/Afrika AMISOM ay ku qaadeen fariisimihii ay kasoo duule en Al-shabaab.

"Sarkaal ka Tirsanaa Al-shabaab oo da gaalka hogaaminayay ayaa lagu dilay wee rarka mey dkiisa haatan ayuu yaa laa guda ha D/Qoryooley ee G/Sh/hoose, annaga dagaal dabagal ahaa ay ku qaadnay sha baab”, ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Boolis ka D/ Qoryooley Cali aadan Maxamed

24 QOF OO KU DHIMATAY DAB XOOGGAN

ugu yaraantii 24 qof ayaa dhimatay 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib mar kii dhul keymo ah oo ku yaal barta maha dalka Portugal uu dab ka kacay.

Ku dhawaad 500 shaqaalaha dabdamis ka iyo 160 gawaarida dab damiska ah ay aa la keeyay goobta si ay udamiy aan dab ka ka kacay degmada Pedrogao Grande .

"hadda waxa aynu arkeeno waa musiibo aad u weyn waayo xilligaan waxaa dhint ay 24 qof wa xaa laga yaabaa in dhimash adu intaa kasii badato .”sidaasi waxaa xar runta ilaalinta rayidka ka sheegay raiisal wasaaraha Portugal Ant onio Costa.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalkaasi Jorge Gomes ayaa xaqiijiyay in 19 qof oo shacab ah in ay ku dhinteen dabkaa ka gacay keymaha. Dabkaan ayanaan aheyn kii ugu horeeyay ee ka dha ca dalkaasi, sanadkii hore dab ka kacay jasii rada loo dalxiistago Madeira ayaa dilay seddex qof halka ay ku burbureen guryo fara badan.

DAYACTIR LAGU SAMEYNAYO WADADA ISKU XIRTA JOWHAR IYO MUQDISHO

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/hi Xuseen{C.Guudlaawe} iyo Was iiru Dowlaha Maaliyada DFS Md.Maxamu ud Xayir Ibraahin ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dayactir lagu sameynayo waddada isku xirta M/Jowhar iyo M/Muqd isho. Munaasabada lagu dhagax dhigayay dayactir lagu sameynayo waddada isku xir ta M/ Jowhar iyo deegaanka Kongo oo la gu qabtay M/Jowhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro,wasiir ku xigeenno, xil dhibaanno, maamulka G/Sh/dhexe iyo khubarada dhismaha wadooyinka.

Waddada la dhagax dhigay ayaa ah qe ybta 1aad ee dayactir lagu sameynayo wa ddada isku xirta M/Jowhar iyo Mu qdisho waxaana qorshaha 1aad uu yahay in la da yactiro illaa 5km iyadoo howsha dayactir kana ay socon doonto mud do 4 bilood ah.

G/G/Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa soo dhoweeyay bilowga dayactirka maadaama shac abka ay dhibaato ku qab aan isagoo u mahad celiyay DFS .

W/Dowlaha Maaliyada DFS Md. Maxamu ud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in mash ruucan lagu dayactirayo uu yahay SFF LD kaasoo ah in lagu tayeeyo kaabayaasha dalka waxana la doonayaa in laga hirgel iyo 13 gobol oo dalka ah.

"Waddadan waxbadan ayay u tari doon taa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobol ka Sh/dhexe waxaana dhagax dhigan tus aale u yahay in ummada Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan ho rumar halka dad badan ay ka hadlaan gaajo iyo macluul ta asina waxa ay muujinaysaa in dow ladee nu hore u socoto maamul goboleeyaduna dhismayaan.”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Maaliya da DFS oo Ugu dambeyntii wax aa ka hadlay munaasabadan dhagax dhi ga Md. Cali Guudlaawe ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo wadadan ay soo socotayy muddo dheer uuna ku farax san yahay in haantan la dhagax dhigo waddo 5km ah.

"D/G/Hirshabeele baahi weyn ayay u qa btaa in waddooyinka wax laga qabto wa ayo dhibaato ayay ku tahay shacab ka isu socodka waddooyinka oo burbursan awge ed.”ayuu sii raaciyay Md. Guudlaawe Shirkadda SECCO oo ah shirkadda fulin aysa mashruuca lagu dayactirayo wadada ayaa waxay ka howlgashaa dhamaan go bolada dalka si gaar ah k/furta Soomaal iya. Waxayna kamid tahay shirkadaha dhi smaha dalka taas oo loo abuuray sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dhi smaha, horm arinta iyo dib u dhiska dalka isla markaa na waxay shaqo abuur u sameysaa dhalin ya rada Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay shir kadda SECCO ka fuliso howlo M/Jowhar waxaana ay dhawaan fulisay mashr uuc wax looga qabanayey hagaajinta iyo qulq ulka biyaha wabiga Sha belle gaar ahaan Sabuun iyo Xiintoy oo ka tirsan Jowhar.

DOWLADA NORWEY AYAA KU DHAWAAQDAY IN AY AQOONSATAY BAASABOORKA SOOM ALIGA AH GAAR AH MIDKA DIBLOMAASIGA AH OO AY QAATAAN MADAXDA DOWLADA IIYO SIYAASIYIINTA.

Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arko doona ha bka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee (Service Passport) iyo basaboorka sha cabka ay qataan si ay dowlada norwey iya gana u aqoonsato oo ay mu waadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka uGu siiso

Agaasimaha guud Hay'adda Socdaal ka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxa med Adam Koofi ayaa muddooyinki u dam ebyay waxa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadl ayay sidii ay u aqoosan lah ayeen basabo orka Soomaliga ah.

Sido kale Agaasimaha Guud ayaa mad axda dowlada iyo dhamaan soomalida he ysta Basab oorada Shisheeye ka codsatay inay ku safraan basaboorka Soomaliga marka ay ku baxayaan ma gaca soomaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalam ka.

DR.CALI KHALIIF "HADDII AAN HESHIINO, ICTIRAAFKAN LOO GAR-GUURANAYO HALKAN AYUU NOOGU IMAANAYAA”

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa soo dhoweey ay heshiiskii Doraad ay M/Hargeysa ku ka la saxiixdeen Maamulka Somaliland, isa goo ku tilmaamay bilow fiic an.

Dr.Cali Khaliif Galeyr oo ku sugnaa ma dashii lagu saxiixay heshiiska oo ka koo bnaa 5-ta qodob ayaa sheegay in wa da hadalada ay muddo socdeen, isla marka ana loo baahan yahay in la ga aro xal siya asi ah oo u baahan ku dhiirasho sida uu hadalka u dhigay.

"Bilow fiican baa mareynaa wada hada lada muddo ayay soo socdeen, arrimo siy aasi la isku hayaa, xal siyaasi loo baahan yahay, ku dhiirasho loo baahan yahay, arr intan arrin culus weeye, umad dhan aayah eeda, mustaqbalkeeda iyo taariikhdeeda waa tahay in laga doodo, annaga diyaar baa u nahay, caqli iyo ximgad ayaa loo ba ahan yahay”ayuu yiri Dr. Galeyr.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yah ay in umadda lagu hoggaamiyo nabad ku wada no olaansho, sinnaan iyo cada alad, isagoo xusay in aanay cidna marti uga no qoneyn taas. "Cidii fil eysa in hoosta nala gelinayo, cidna marti u noqon meyno, si cad baan ku heshiineynaa oo wax aan wa da leenahay ayaa dhiseynaa, ama si cad ayaa ku kala tageynaa, waxay u egtahay in si cad in lagu heshiin doono”ayuu hada lkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii la heshiiyo, kalsooni bilaabato ictiraafka la raadinayo ay meeshooda ugu ima anayo sida uu hadalka u dhigay. "Somaliland wa xay u baahan tahay waa inoo muuqdaa, aniga waxaa qabaa haddii aan heshiino oo wax wada yeelano, kalsooni bilaabato, ictiraafka loo gar-guurto waa ka koreynaa, wallee meesheena nalooga imaanayaa, haddii la isu wada yimaado wixii ku dhulk an ku noolaa ay midobaa, waxaa qabaa ictiraaf, hor umar iyo qada ran ayaynu ku hiran karnaa”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.

10-ka bisha soo socota ee July ayaa la gu wadaa in M/Burco uu ka furmo gogol 2da dhinac ku dhameystirayaan he shiiska ay gaareen, taasoo kama dambeys uu Ma amulka Khaatumo uu ugu biirayo Somal iland

ASKARI AFGHANISTAN AH OO WEERARRAY CIIDAMO SHISHEEYE

Weerarka AfghanistanTaliban ayaa ho ray u sheegatay weerarro noocan ah Ask ari ka tirsan cii damada Afghanistan ayaa weerarray ciidamo shisheeye oo ku sug naa saldhig milateri, waxaana uu halkaa ku dhaawacay tiro askar Maray kan ah.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhig ku yaalla waqooyiga Afghanistan oo lagu ma gacaabo Ca mp Shaheen, sida uu BBC-da u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada.

Haseyeeshee, afhayeen u hadlay tali ska ciidamada Maraykanka ee ku yaalla caasimadda Kabul, ayaa beeniyay warar hore oo sheegaya in askar Maraykan ah lagu laayay weerarkaasi. Weerarka ayaa ku soo beegmaya todobaad ka dib markii uu askari ka tirsan kumaandooska Afgha nistan toogasho ku dilay 3 ka mid ah ask arta Maraykanka ee si da gaarka ah u ta babaran, kuwaasoo ku sugnaa bariga dalkaasi.

Ururka Taliban ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkaasi. Ururkaasi ayaa sidoo kale sheegay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii bishii April lagu qaaday saldhig ku yaalla Mazar-ash Sharif, halkaasoo la gu laayay in ka badan 100 askari oo ka tir san ciidamada Afghanistan.

ASKAR LAGU LAAYAY WEERAR GAADMO AH

Ugu Yaraan 6 Askari ayaa ku dhimatay ka dib Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Saldhiga Cii damada Milatariga dal ka Mali ay ku leeyihiin Waqooyi dalkaasi. Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray in ka badan 10 Askari.

Weerarkaan ayaa ka dhacay M/Bintago ungou, halkaasoo saldhig weyn ay ku lee yihiin Cii damada D/ Mali. Weerar kaan ay aa waxaa geystay Maleeshiyaad hube ysan oo la aaminsan ya hay in ay ka amar qaataan Kooxda Boko Xar am. Maleeshi yadda Weerarka qaaday ayaa sidoo kale burburiyay Gawaari dagaal.

GRENFELL TOWER: TIRADA DADKA DHINTAY, KUWA LA LA’YAHAY OO GAADHAY 58

Qaar ka mid ah dadkii Theresa May kula kulmay xafiiskeeda 10 Downing StreetQaar ka mid ah dadkii Theresa May kula kulmay xafiiskeeda 10 Downing Street

Booliska ayaa sheegay in wadarta dadka la la’yahay ama ku dhintay dabkii lagu hoobtay ee qabsaday daarta Grenfell Tower ee ku taallay galbeedka London ay gaadhayso 58 qof.

Stuart Cundy oo ah taliye ka tirsan booliska ayaa yidhi ‘tiradaasi way kordhi kartaa’. BBC-duna waxay ogaatay in wadarta guud gaadhi karto 70 qof.

Hawlaha baadhitaanka guryaha daartay gubatay ka koobnayd ayaa la filayaa in ay socodaan todobaad dhan, ayuu intaa ku daray taliyuhu.

Dhanka kalena, Ra’isal Wasaare Theresa May ayaa qirtay in gargaarka loo fidiyey ‘saaca dihii u horeeyey’ qoysaska ku wax yeeloobay dabku aanu ahayn ‘mid sidii la filayey ah’.

Warbixintaasi waxay soo baxday ka dib markii May ay ku la kulantay xafiiskeeda ku yaal Downing Street qaar ka mid ah dadkii ku guryo beelay dabkaa iyo dad kale oo mutadawiciin tii caa winayey ah.

Markii ay ka soo baxeen xafiiska ra’isal wasaaraha, ayaa qof u hadlay dadkaas oo hadal kooban u jeediyey warfidiyeenku sheegay in ay mar dambe soo saari doonaan warbixin dhamays tiran.

‘Warbixintaa waxaanu soo wada saari doonnaa bulshadii ku wax yeelowday, bulshadaanu soo wada saari doonaa’ ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray ‘Ra’isal wasaaraha waxaanu la yeelanay kulan laba saacadood iyo badh socday, waxaanan ka wada hadallay waxyaabaha loo baahan ya hay iyo waxa laga filayo’.

Ra’isal Wasaare May waxay war-bixinteeda iyadna ku tidhi ‘run ahaantii, taageeradii iyo xo gtii la siiyey qosysaska ku waxyeeloobay dhibaatadan saacadihii u horreeyey ee masiibadan mur ugada lihi dhacday may ahayn kuwo mug leh’.

May waxa kale oo ay sheegtay in ay rajaynayso in ay maalmaha soo socda gudahooda ku shaacin doonto magaca garsooraha gudoomiyaha u noqon doona guddida baadhi doonta wixii shilkaa dhaliyey. Gudidaasina waxay warbixi-nteeda u gudbin doonaan ra’isal wasaa-raha.

Waxay sidoo kale fartay dawlad-aha hoose in ay baadhitaano xaga badba-adada ah oo dhamaystiran ku sameeyaan dhismayaasha dhaadheer ee la midka ah kan gubtay ee ku yaalla goobaha ay maa-mulaan.

MEYDADKA BADMAAXAYAAL MAREYKAN AH OO LA HELAY

Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo sarnaa markab dagaal oo uu leeya-hay Mareykan ka, muddo laba maalmood na la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xam uul.

Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xee-baha dalka Ja pan, waxaana dhima shada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Mareykanka.

Ciiidammada waxaa kale oo ay shegeen in kooxaha samata bixinta ay meydadka dadkani heleen, ka dib markii ay u suuragashay in ay gudaha u galaan qeybaha burburay e markabka, iya goo intaa ku daray in meydadka haatan la ge-yay cisbitaal ku yaala Japan, si loo aqo-onsado hey btooda.

Markabka xamuulka ee shilka ga-lay Markabka xamuulka ee shilka galay

Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 kilo mitir koonfur galbeed ka xigta magaalada dekadda leh ee Yokosuka ee dalka Ja-pan.

Markabka dagaalka ayaa dhinac dhan ka burburay, waxaana markii dambe uu si tartiib ah kusoo gaaray dekadda Yokosuka, asagoo gacan ka helaya doo-nyo uu leeyahay Maraykanka.

Goobta ay maraakiibtu isugu dha-ceen ayaa ah meel saxmad badan, oo ay maraan mara akiibta iyo doonyaha u soc-da ama ka imanaya gacanta Tokyo.

Goobta uu shilka ka dhacayGoobta uu shilka ka dhacay

USS Fitzgerald ayaa ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan ca-alamka, waxaana la isweydiinayaa saba-bta keentay in uu ka weecan waayo markab xamuul oo ka horyimid habeen ay baddu degan tahay.

Waxaana weli socda baritaan lagu ogaanayo waxa sababay in markabka dagaalka ee USS Fitzgerald uu ku dhaco markab xamuul ah oo ka diiwaangashan dalka Philippine.

SPAIN XIDDIGOODA HEERKA CAALAMI AYAA SHEEGAY IN UU BIXIN DOONO DAQIIQAD KASTA OO KAMID AH INTA UU CIYAARAYO TARTANKA EURO EE DHALLINAYARADA ADDUUN LACAGEED GAARAYA

50-GINI.

isku darka waxa ay keenaysa haddii uu gaaro xitaa finaalka lacag gaaray-sa£22,500-Ginni, taas oo ah lacag xoog leh, islamarkaana wax u tari karta dadka ku cayrtoobay dabkii qabsaday Towerka lagu ganacsado ee Grenfell.

Waa markii ugu horreysay ee xiddigan uu u ballanqaado lac ago dad dhacdo ku waxyeeloobay, balse dhanka kale waa mid ka mid ah 24 jirkan xidd igaha ugu banii’ Aadamnimada badan kubad da cagta, maadaama uu dhawr jeer kaga hadlay xaalado adag oo dunida ay soo martay bartiisa Twitter ka.

"Daqiiqad kasta oo aan ciyaaro tartanka Euro Under 21 waxa aan ku deeqi doonaa£50, oo aan ku caawinayo dhibbanayaashii Grenfell Tower, taageer waddo kasta iyo waddo kasta,” ayuu ku soo qoray Arsenal daafaceeda Beller in bartiisa Twitter ka.

CIIDAMMADA CIRAAQ OO MARKALE KU DUULAY M/ MOUSIL

Ciidammada dowlada Ciraaq ayaa markale dib u bilaabay duulaanka ka dhanka ah maga alada qadiimiga ee Mo-usil oo ah magaaladii ugu dambesay ee ay maamusho kooxda isugu yee rta khil-aafada Islaamka ee ISIS.

Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay in ay magaalada kaga soo wajahanyihiin dhanka galbe ed, waxaana sidookale dull-ankani qeyb ka ah ciidammada booliska federaalka oo iyaguna dhanka koonfureed kaga soo wajahan magaalada.

Qaramada Midoobay waxaa ay shee-gtay in dad rayid ah oo gaaraya toban kun oo qof ay weli ku xanibanyihiin mag aalada Mousil, waxaana dadkaasi loogu baaqay inay ka baxaan magaalada.

Waxaa kale oo ay Qaramada mid-oobay sheegtay in dad gaaraya laba bo-qol iyo sodon qof lagu dilay galbeed ka magaalada Mousil labadii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ku dhintay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidammada Ciraaq, halka qaar kalena ay toogasho ku di leen kooxda ISIS xili ay isku dayayeen inay ka qaxaan magaa lada Mousil. Sark-aal katirsan ciid ammada Ciraaq ayaa BBC-du u shegeen in aysan garaneyn tir-ade dagaalamayaa sha ee ku xar san magaalada.

Dadka rayidka ee magaalada MousilL Kooxda ISIS ayaa la wareegtay gacan ku heynta ma gaalada Mousil sann-adkii 2014-ka, xiligaas oo guud ahaan dalka Ciraaq ay kaga dhawaqeen dowlada Islaami ah.

Hasa yeshee ciidammada Ciraaq oo taag-eero ka helaya xulafo kala duwan ayaa bishii October ee sannadkii hore billaabay duulaan ay dib ugu qabsanayaan Moosil, waxaase howgalkaasi raga adiyay daga-alka adag ee ay kala kulmeen kooxda Daacish.

SHACABKA FRANSIISKA OO U DAREERAY WAREEGII LABAAD EE DOORASHADA BARLA MAANKA

Madaxweyne Macron ayaa doo-naya in xisbigiisa uu helo aqlabiyadda baarlamaan ka Madaxweyne Macron ayaa doonaya in xisbigiisa uu helo aqlabiyadda baarlamaanka

Shacabka dalka Fransiiska ayaa u dareeray wareega labaad ee doorashada barlamaanka dalkaasi, ka dib ma rkii uu soo idlaaday wareegii kowaad isbuuci ho-re.

Xisbiga cusub ee madaxweyne Emmanuel Macron ayaa rajaynaya in mu-sharraxiinta xisbigiisa La Republique en Marche ay ku guulaysan doonaan aqlabiy-adda kuraasta baarlam aanka oo ka koo-ban 577 kursi. Kala bar mura shixiinta xis-biga madaxweyne Macron ayaa ah ku wa ku cusub saaxad siyaasada, waxaana haatan la sheegaya in tirada dadka usoo baxay in ay codkooda dhiibtaan ay aad u yartahay.

Guul uu gaaro xisbiga Macron ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta labada xisbi ee dal kaasi ugu faca weyn, kuwaas oo gaari waayay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bi shii hore.Haseyeeshee xildhibaanno tiradoodu kooban tahay ayaa la filayaa in lagu doorto wareeggan koobaad.

Musharraxiinta ku guulaysta in ka badan 50% codadka dee gaankooda laga dhii btayayaa wareeggan ku noqonaya xildhibaan no, halka kuwa deegaannada kale ee hela in ka badan 12.5% ay u gudbi doonaan wareegga labaad.

Xisbiga madaxweyne Macron oo la sam-eeyay sanad un ka hor, ay aa doorash-adan usoo xushay musharraxiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Ammaanka dalka oo dhan ayaa la adkeeyay ka dib weerarradii argagixisada ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah ayaa sugaya ammaanka dalkaasi doorashada shalay awgeed.

SARKAAL AL-SHABAAB AHAA OO LAGU DILAY DAGMADA QORYOOLEY

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee Dagamada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Ho ose ayaa Sheegay inay Dileen Sarkaalkii Hogaaminayey Ciidankii Al-Shabaab ee shalay Galinkii danbe Weerarka ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lee-yihiin dagmadaasi.

Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose Korneel Cali Maxa med Aadan oo la hadl-ay Idaacada Simba ayaa Sheegay in ay Dileen Saraalkii Al-shabaab ee Ho gaaminayey Ciidanka Dagmada Soo weera-ray ka dib Dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabe-elaha Hoose Kor neel Cali Maxamed Aadan waxa uu tilmaamay in Ciidamada ay weerar dabagal ahaa ay ku qaa deen Fariismaha ay kasoo duulaan tageen Ciidamada Al-shaabab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab.

XUKUN LAGU RIDAY NINKII DILAY WASIIR SIRAAJI

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ragii loo heystay in ay ka damb eeyeen dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiiirkii howlaha guud iyo dib udhiska xukuumadda Fede raalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda dara-jada 1-aad ee Ciidamada Qalbaka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shu ute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxka-madda…Taariikhdu markay Ahayd 14/06-/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u farii satay Dacwad Ciqaab-eedkii loo haystay Eedaysane D/le X Ax-mad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Gal-gaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xaf iiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib mar kii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Mar-xuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday mar-xuumka sidaasna uu ku gee riyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sid-oo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28-/04/2017 abaaro 15:00 gala bnimo uu sa-meeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaad-ay Eedaysanaha qorigii uu watay.

DOOD DHEER KADDIB.

Maxkamaddu Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku Xusnayd Aaya dda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray gar soorka ciidanka horti isa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qoraygii uu ku qornaa kadib markii ay murmeen ciidankii ilaalinaayay Ceel-gaab.

Markay Dhagaysatay: – Markhaat-iyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysa ne D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saar-na ana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cad aymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhi mashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeerilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu ya hay dembiile galay de mbiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho ah, oo ah qisa asta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.

Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, haddii aan loo haysan dambi kale.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

DAB QABSADAY DEKEDDA BERBERA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xalay ka kacay qeyb ka mid ah Dekedda Maga alada Berbera ee Somaliland.

Dabka ayaa ka kacay Qeybta Konteenarada Dekedda , waxaana la sheegay in qeyb taasi ay soo gaartay waxyeelo badan.

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Diri ayaa waxaa uu sheegay in dabkaasi uu bilowday Xilligii Afurka , islamarkaana ay ku guuleysteen in ay damiyaan Sagaalkii habeeno ee xalay.

Maareeyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto Khasaare Hantiyadeed oo soo gaaray Ha ntidii taallay qeybta Konteenarada ee Dekedda Berbera.Waxaa uu sidoo kale tilmaamay ay jiraan Shaqaale ay kasoo gaartay wax-yeelo fudud.

FADLAN WALAALKAY IYO WALAASH AY MUSLIM AH 10 KA DANBE EE RAMADAAAN KA FAA’IIDAYSO.

 

Q/2AAD

10 ka danbe gaar ahaan habeenka laylatul Qadar.

Qaar ka tirsan Salafka umada islaamka gaar ahaan Ibnu Cabaas iyo Qataadaha iyo Siciid bin jab iir iyo cikaramah iyo mujaaid ayaa waxay sheegeen in habeenka leelaytul qadar quraanku soo dagay .

Eebe ayaa quraanka Kariimka ku yiri ‘’ 'Annagaa soo dejinnay Quraanka Habeenkii Laylatul Qad riga (Habeen bar akaysan ee sharafta leh), ma taqaannaa Leylatul Qadriga? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa habeenkaa soo dega malaa'igta iyo Malagga Jibriil idinka illaahay dartii iyo amarkiisa, waa habeen nabadgelyo inta waagu bery ayo" {Suurat Al Qadr-1-5}.

waxayna u dhigataa 84 sano iyo dhawr bilood habeenkaasi oo kaliya ayaa waxaa laga yaabaa ajar iyo acmaal kha yraad ah oo aad samaysan lahayd 84 sano inaad heshid ALLAHU AKBAR faa 'du badnaa eebow na waafaji .

Ictakaafka Masaajidyada ama ku nagaanta

waxaa haboon cidii wakhti u saamaxayo in 10kaa danbe lagu nagado masaajiyada habeen iyo ma alin in marka laga baxanaya looga baxo arimo adag oo xaajadu lagama maarman ka dhigayso wa xaana Nabigu ahaa mid ictikaafa 10ka danbe ee bisha Ramadaan .

waxaan ku boorin mar labaad walaalahays somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka fa'iday staan 10kaan bari ee aduunka aan laga yaabin inta hada joogta in badan oo ka mid ah inoosan soo marin ama mar danbeba uusan soo laaban .

Habeennada sida adag loogu tilaamo in ay ku jiran oo lagu tilaamo habeenkaasi laylatul Qadarka ayaa waxaa ay kala yihiin 21-23-25-27-29 waxaana culumadu u badiyeen 27ka Aan faaidayso wal aalayaan Aduun ayaa la joogaa Adoon Rabi ayaan nahay

Akharinaa na sugasyo Adkaarta iyo Aayadaha Eeebe aan badino

Aduunku waa inta aad joogtid Akharinana waa tan dheer ee Aan dhamaan

Aboowe iyo Abaayo Aan ka faa'idaysno habeenkaas aan soo sheganay Maxamed cabdi Maxa med Bootaan DHAMMAAD

WARGELIN:-

Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macl uulaamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yeel kana ilaa li meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq

BOGGA CAYAARAHA

HAKU BIIRIN ARSENAL: HALYEY GUNNERS AH OO KYLIAN MBAPPE KULA TALIYAY INUUSAN USOO DHAQAAQIN ARSENAL TALOW MUXUU UGU DIIDAY?

Halyeygii hore ee gunners Emannuel Petit ayaa talo wax ku ool ah siiyay da’yarka yurub loo ga waashay ee Kylian Mbappe isagoo u sheegay in uu si fiican u kala xusho dalabyada miiska u saaran.

Petit ayaa Mbappe u diiday Arsenal isaga oo tusaale usoo qaatay da’yarkii lacagaha badan ku yimid Manchester United labo sano kahor ee Anthony Martial kaasoo imikaba ku dhex jahwa reersan kooxdiisa Man United.

Petit ayaana yidhi "Mbappe waa hogaamiyaha jiilkiisa”

"Waan jeclaan lahaa inaan arko isagoo kusoo biiraya Arsenal laakiin laba sano kahor waxa Manchester utd kusoo biiray Martial”

"Martial aad ayuu u fiicnaa bilihiisii ugu horeeyay laakiin imaatinka Jose Mourinho wuu ku dhibtooday sidaa darteed wa halis in Mbappe usoo wareego Gunners”

Arsenal ayaa la ogyahay in ay diyaar la tahay dalabkii labaad oo ku kacaya 100 milyan si ay gacanta ugusoo dhigto da’yarkan 26 gool u dhaliyay kooxdiisa AS Monaco.

LABA XIDDIG OO BARCELONA AH OO KA SHAQAYNAYA IN AY OUSMANE DEMBÉLÉ KU SOO JIIDAAN KOOXDA BARCELONA

Laba Xiddig oo ka tirsan kooxda Barcelona ayaa Ousmane Dembélé ku qalqaalinaya in uu ku soo biiro kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddigaha Lucas Digne iyo Samuel Umtiti oo daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona sidoo kale isku xul yihiin Ousmane Dembélé ayaa ka shaqaynaya in uu xiddigan ku soo biiro kooxdooda xagaagan.

Da,yarkan ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona ee xagaagan iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xiddigan soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore ayaa sabab u noqday xiisaha waaliada ah ee ay xiddigan u qabto.

Laakiin Kooxda Borussia Dortmund ayaa lacag waali ah dul dhigtay madaxa xiddigan must aqbalka fiican ku leh kubada cagta iyadaga oo doonaya in ay ku fasaxaan 90 Milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee hadii xiddigan reer France kooxdiisa ka dalbado in la iibiyo waxa dhici karta in ay kooxda reer Germany hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso.

Sidaa darteed xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Lucas Digne iyo Samuel Umtiti ayaa isku xil qaamay sidii ay xiddigan uga dhaadhicin lahaayeen in uu xagaagan kula soo biiro kooxda Barc elona.

AAS LOO SAMEEYAY NEWCASTLE XIDDIGEEDII HORE TIOTE, YAA KA QEYBGALAY?

Ciyaaryahankii hore ee kooxda kubadda cagta Newcastle United, ee Horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League-ga ka dheesha Cheick Tiote, ayaa waxaa aas qaran loogu samee yay Dhulkiisa Hooyo ee Ivory Coast.

The funeral of former Newcastle and Ivory Coast midfielder Cheick Tiote has taken place

Aaska Xiddigaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan xiddigaha waa weyn ee wadank aas oo ay kamid yihiin, Kolo Toure, Wilfried Bony, Salomon Kalou iyo xiddigo kale oo Qarankaas ka tirsan, iyadoona qaarkood ay koox kasoo wadda dheeleen.

Salomon Kalou and Wilfied Bony flank Kolo Toure as they take their seats for the service

Sidoo Kale, waxaa kasoo qeybgalay Kumanaankun oo Rayid ah, kuwaas oo isugu soo bax ay si ay umuujinaa Maxabadda ay uqabaan Xiddigaan iyo sida ay uga xun yihiin, wallow uu Alle ka jeclaaday inuu Dunidaan sii joogo.

Members of the public sing and dance ahead of the ceremony for the 30-year-old

Pallbearers carry Tiote's coffin while a portrait of him is held aloft infront

Cheick Tiote, waxa uu ahaa xiddig Muslim ah, islamarkaana ka mid ahaa Xiddigihii usoo halgamay wadankaas Maroodiyaasha lagu naaneeso, waxaana uu ku geer yooday wadanka Shiinaha, isagoo jira 30-sano.

The coffin of Tiote stands in the middle of a square ahead of his funeral service

Confederations Cup - Group B June 19

18:00 Australia? - ? Germany

Euro U-21 - Group A June 19

19:00 Slovakia U21 ? - ? England U21

21:45 Poland U21 ? - ? Sweden U21

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip