Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ka kooban 5 qodob ku kala saxiixday Hargeysa (Akhriso)

0
Saturday June 17, 2017 - 19:59:11 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ka kooban 5 qodob ku kala saxiixday Hargeysa (Akhriso)

    Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa goor dhow magaalada Hargeysa ku kala saxiixday heshiis ka kooban shan qodob, iyadoo heshiiskan uu u gogol xaarayo midnimada labada maamul oo horay xurguf siyaasadeed u dhaxeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa goor dhow magaalada Hargeysa ku kala saxiixday heshiis ka kooban shan qodob, iyadoo heshiiskan uu u gogol xaarayo midnimada labada maamul oo horay xurguf siyaasadeed u dhaxeeyay.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiiday Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Khaatumo ee Somaliland ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, halka dhanka Khaatumo uu u saxiixayMaxamuud Sheekh Cumar Xasan

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in la wada qorsheeyo, lagana wada shaqeeyo, sidii loo heli lahaa Somaliland oo loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhowrista xuquuqul isnaanka ku dhisan diinta Islaamka.

Labada dhinac ayaa 10 bisha July ee soo socota isugu imaan doono wada hadalo ka dhici doona magaalada Burco, si loo dhameystiro wixii qabyo ah, lagana tashdo sidi loo qaban lahaa shirweyne guud oo loo dhan yahay.

Halkan hoose ka akhriso Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip