Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xariga ka jaray Istuudiye casri ah oo laga hirgeliyay Telefishinka Qaranka "Sawirro"
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Wasaaradda, howlwadeenno iyo marti sharaf kale, waxaana u jeedka xafladda ay ahayd furista istuudiye laga baahin doono tebin toos ah.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ugu horeyn xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa dowladda Finland uga mahad celiyay sida ay u suurta gelisay tababarsiinta shaqaalaha iyo qalabeynta istuudiyaha, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii lahaa fikirka ah in lagu guuleysto hirgelinta istuudiye cusub oo loogu adeego bulshada.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wakiilada ka socda dowladda Finland uga mahad celiyay hirgelinta istuudiye casriga ah, isagoo xusay in bilooyinkii ugu dambeeyay Warbaahinta Qaranka ay sameysay horumar muuqda.
"Waxaa jirta barnaamijyo toos ah oo aan tebino, waxaa socda horumar kale waxaan dhawaan la furayaa Wakaaladda SONNA, runti barnaamijyo dhaxal gal ah ayaa iminka ka baxa Warbaahinta Dowladda, Istuudiyahan wax weyn ayuu ku soo kordhin doono dalka, waxaan si gaar ah u mahad celinayaa, wakiilada ka socda dowladda Finland iyo hay’adda Viks oo ah hay’adda fulisay howshan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku daray in uu u mahad celinayo dhamaantii mas’uuliyiintii isaga ka horeeyay ee soo bilaabay howshan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xariga ka jaray istuudiyaha cusub ayaa uga mahad celiyay intii suurta gelisay hirgelinta istuudiyaha cusub, waxaana isaga oo ku hadlaya magaca golaha shacabka Soomaaliyeed uu xusay inay tahay talaabo horumar leh.
"Sharaf weyn ayay ii tahay in aan idinkala soo qeyb galo xafladda, runtii Baarlamaanka aad iyo aad ayuu uguu baahnaa tebinta tooska ah, muwaadinka waxa uu xaq u leeyihay in marka Baarlamaanka uu doodayo oo ka hadlayo sharciyada, dastuurka ayaa qaba in uu ka so qeyb galo xarunta golaha, balse daruufta ayaa diidaysa, arrintan waxa ay fursad u siineysaa in muwaadinka uu si toos ah ula socdo barnaamiyada ka dhacaya xarunta Baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Gabogabadii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay Wakiiladii ka socday dowladda Finland iyo howlwadeenada Telefishinka Qaranka ee tababarka loo soo gabo gabeeyay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xariga ka jaray Istuudiye casri ah oo laga hirgeliyay Telefishinka Qaranka "Sawirro"
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay istuudiye casri ah oo ay qalabeysay dowladda Finland, kaasi oo loogu talagalay in si toos ah looga baahiyo barnaamiyada xaasaa