Madaxweynaha Maraykanka oo ku hanjabay bur burinta Kooxda Daacish
Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Mareykanku uusan joojinayn dagaalka looga horjeedo kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish. Obama oo ka hadlayay Kuala Lumpur ayaa sheegay in iskaashiga dunidu uu
ugu dambeyn burburin doono kooxda Dowladda Islaamka, iyagoo dib uga
qabsanaya dhulka ay maamulaan, kana jaraya maalgelinta oo u gaaransan
doona hoggaamiyayaashooda.
Dhinaca kale dowladda Shiinaha ayaa ku eedeesay Mareykanka inay sameynayaan xadgudub siyaasadeed, iyagoo ilaalinaya badda koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Liu Zhenmin, ayaa hadalka ka sheegay shirka bariga Asia ee ka socda Kuala lumpur. Shirka, ayaa si weyn loogu soo qaaday sheegashada Shiinaha ee badda.
Madaxweynaha Maraykanka wuxuu sheegay inaan la aqbali karin oo aan caadi
loo arki karin weerarada sida kii Paris. Wuxuu kula dardaarmay dhammaan
dowladaha inay diraan dhambaal ah in dunidu ay shaqeyneyso, kana
cabsaneynin si kasta oo ay u jirto wuxuu ku tilmaamay dilaayaal khatar
ah.
Dhinaca kale dowladda Shiinaha ayaa ku eedeesay Mareykanka inay sameynayaan xadgudub siyaasadeed, iyagoo ilaalinaya badda koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Liu Zhenmin, ayaa hadalka ka sheegay shirka bariga Asia ee ka socda Kuala lumpur. Shirka, ayaa si weyn loogu soo qaaday sheegashada Shiinaha ee badda.
Madaxweynaha Maraykanka oo ku hanjabay bur burinta Kooxda Daacish
Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Mareykanku uusan joojinayn dagaalka looga horjeedo kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish.