Shan ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku dhaawacmay qarax miino ka dhacay agagaarka Xuduuda

0
Monday November 23, 2015 - 18:32:31 in Wararka by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku dhaawacmay qarax miino ka dhacay agagaarka Xuduuda

    Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa subaxdnimadii hore ee Isniintii maanta ku dhaawacmay qarax miino lala eegtay gaari ay wateen agagaarka deegaanka Hulugho oo ku dhow xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa subaxdnimadii hore ee Isniintii maanta ku dhaawacmay qarax miino lala eegtay gaari ay wateen agagaarka deegaanka Hulugho oo ku dhow xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegaya in Miinada ay Al-Shabaab dhulka hoostiisa ku sii diyaariyeen, waxaana askarta ku dhaawacmay loola cararay Isbitaalka, sida uu xaqiijiyay isku duwaha Gobolka Waqooyi bari Saalax Maxamed.

Askarta ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay ku guda jiray howl gal roondo ah oo ay ka wadeen xuduuda.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col.David Obonyo ayaa xaqiijiyay in askartooda lala eegtay qarax, markii gaari ay la socdeen oo ka soo baxay xerada meel 5-km u jirta qarax lagula eegtay.

Weerarkan ka dhacay xuduuda ayaa ku soo aadaya, iyadoo arbacada soo socota la filayo inuu booqasho ku yimaado Kenya Baadariga Diinta Masiixiga Pope Francis, taasoo booqashadiisa qaadan doonto saddex maalmood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip