
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADIHSU IMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH AXAD 11-KA JUUN 2017-KA
Taliyaha Saldhigga Ciidamada Jubbaland ee De gaanka Goobweyn C/raxmaan Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay Dil een 2 Shabaab ah islamarkaana ay Nolosha ku qabteen mid kale oo ka tirsan Shabaabkii Weerarka soo qaaday siduu hadalka u dhigay
Dhankooda waxaa uu sheegay in aysan jirin wax Khasaare ah oo soo gaatay,waxaana uu Xusay inay Jab u geysteen Shabaabkii soo Weeraray Saldhi gga Degaanka Goobweyn
SH MAXAMED CUMAR DIRIR OO KA CUDUR DAARTAY IN LAGU DARO GUDDIDA CULIMADDA
Sh.Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in uu ka cudur daartay inuu ka mid noqdo guddidda culim adda oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaab ay. Guddidan Culimada ee madaxwayne Silaanyo magacaabay ayaa lagu sheegay in ay ka shaqayn doonaan xoojinta midnimada iyo wadashaqaynta culimadda.
Hasste ahaatee Sh.Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in intii aan lagu dari liiskaasi uu hore u sheegay in aanu ka mid noqon karin. Inkastoo dastuu rka Somaliland uu dhigayo in golaha Culimad dala aasaaso, hasse ahaatee xukumadihii kala dambe eyey midkoodna iskuma dayin inuu gole cul imo dal ka ka hirgaliyo.
Sheekha ayaa dhawr jeer oo hore ka cudur daar tay guddiyo kala duwan oo lagu daray, waxaanu sheegay in aanu wakhti u heli karin, maadaama oo barnaamijyo diiniya uu ka waddo masaajidda wad anka, sidaas darteed uu ka cudur daartay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa 12 ruux u magaca abay guddidaasi culimadda, kuwaas oo uu shee gay in ay ka shaqayn doonaan wada jirka culimadda iyo wacyigelinta bulshadd ee dhaqamadda isla amka ka fog in ay bulshadda ku baraarujiyaan.
WAREEGTADA LAGU MAGACAABAY MAAMULKA CUSUB EE G/ HIIRAAN
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle ayaa xilka ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii Maamulka G/Hiiraan isagoo magacaabay mas’uuli yiin kale. Wareegto ka soo baxday xafiiska Mad axweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka la ga qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobal ka Hi raan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xige enka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cumar Aadan Ibraahim oo loo ya qaan Cumar Baadiyow oo hore xilal uga soo qabtay maamulka gobolka Hiiraan. Maamulka haatan xil ka laga qaaday ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee uu magacaabo Madaxweynaha dowlad gobole edka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Cosoble. Hase yee shee lama oga ilaa hadda Sababta keentay in la ka la diro maamulka gobolka Hiiraan.
QARAX XALAY KA DHACAY M/ JOWHAR
Wararka ka imaanaya M/ Jowhar ee caasima dda Maamulka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in qarax bam inuu xalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda maamulkaas.
Qaraxaan ayaa la sheegay in lagu tuuray Ciida mo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle oo sa arnaa Gaariga soomalida ay u taqaano Cabdi bilaha islamarkaana marayay meel ku dhow xarunta Madaxtooyadda Dowladda Goboleedka Hirshab eelle. Wariye C/laahi Xambali oo ku sugan magaal ada Jowhar oo la hadlay Idaacadda Simba ee M/Muqdisho ayaa xaqiijiyay qaraxa wuxuuna sheeg ay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen dad shacab ah islamarkaana lagu ganacsanay ay.
Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabeelle ayaa furey rasaas kooban,waxaana haatan socda howgal ay sameynayaan Ciidamada oo lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay qaraxa.
MADAXWEYNE XAAF OO LA KULMAY MADAX KA SOCOTAY WFP IYO UNHCR
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Du caalle Geelle Xaaf ayaa shalay wuxuu M/ Gaal kac yo ee G/Mudug kula kulmay wafdi ka socday hay’ adda Q/Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP iyo midda qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka oo saacado qaatey ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii loogu gur man lahaa dadka abaartu saameysay iyo arrimo kale. Cabdirashiid Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo kulankaasi ka dib saxaa fadda la hadlay ayaa sheegay in hay’adahan u she egeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan xaaladaha Bini’aadannimo ee had da jirta.
"Kulanka maanta muhiim ayuu ahaa, madaxwe ynaha iyo xubnaha ka socday WFP iyo UNHCR waxay ka wada hadleen sidii loo caawin lahaa dadka dhibban, sidoo kalena shaqo abuur loo same eyo da dkaasi, sidoo kale waxaa laga wada hadlay iney sii Labo laabaan shaqooyinka ay hayaan, waana isla garannay” ayuu yiri guddoomiyaha.
M/Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxa ku sugan qoysas badan oo barakacayaal ah, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh, walibana degdeg ah.
XOG: BEESHA HAWIYE OO WARQAD QORAAL CULUS KU QORAN U DIRTAY FARMAAJO IYO KHEYRE
Waxgarad iyo siyaasiyiin beesha hawiye ah ayaa qoraal ay kaga hadlayaan arrimo badan oo xasaa si ah waxay u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’ iisul wasaare Kheyre. Qoraalkan ayaa ah mi d ka kooban 16 Beej, waxaana inta badan looga hadl ayey arrinta ku aadan xasilinta Muqdisho oo mee llo badan laga eegay.
Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in dadka ku no ol Muqdisho ay 80% yihiin hawiye, maalin walbana dhibaato ay kasoo gaarto hub ka dhigista. "Madax weyne iyo Ra’iisul wasaare, Muqdisho 80% waxaa ku nool hawiye, hub ka dhigistana Lab si ayeey in oo saameysay, idinkoo cadowga la dagaallamin, dalkana ka saarin ayaad madaxdii hubka ka qaad eysaan si sahlan in loo dilayo ama loo weerarayo ayaa meesha ka cad, sidoo kalena maalin walba markaad hub qaadeysaan waxaa dhinta ugu yara an 3 qof, badina waa beesha, sidaasi darteed waa inaad degdeg arrintaan wax uga bedashaan” ayaa lagu yiri qoraalkan. Waxaa qoraalka ku xusan sidoo kale talooyin ku aadan dhanka ammaanka, la dagaalanka Alshabaab iyo dowlad wanaagga.
AMISOM IYO AL SHABAAB OO MADAAFIIC ISKU WEYDAARSADAY SH/HOOSE
Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku lee yihiin degaanka Number 50 ee Gobolka Shabe ellaha Hoose. Dadka degaanka ayaa sheegay in cii damadii madaafiicda lagu garaacay in iyagana ay madaafiic kale ay ku jawaabeen.
Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaaf iicda waxaana dhinaca kale saaka deggan xaalad da degaanka. Bishii May ee lasoo dhaafay, Al sha baab iyo Ciidamada AMISOM ayaa sidan oo kale madaafiic isku weydaarsaday degaan duleedka ka ah Magaalladda Muqdisho.
Weerarka madaafiicda waxaa uu ka dhacay xaafadda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha. Madaafiicda AMISOM ay ku jawaabeen ay aa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dad shacab ah oo hoobiyaasha ay guryahooda ugu tag een halkaaas oo ugu yaraan 2 ruux ay ku geeri yooday. Xigasho: Shaaciye.com
SACUUDIGA OO KU CADAADINAYA DOWLADDA SOOMA ALIYA INAY XIRIIRKA U JARTO QATAR (WARBIXIN)
Dowladda Sacuudiga ayaa ku cadaadineysa dow ladda Soomaaliya sidii ay xiriirka ugu jari laheyd Qatar, iyadoo laga yaabo in Sacuudiga uu joojiyo taageero dhaqaale uu siin lahaa Soomaaliya.
Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay wafdi kale u soo direy so Soomaaliya, si ay mar kale dowladda Soomaaliya ugu qanciyaan inay xiriirka u jaraan.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adil AlJubair laga yaabo in dal al ay ku jirto Soomaaliya uu booqdo, si ay ugu cadeeyaan mowqifkooda ah inay Xulafada Sacu udiga taageeraan iyo inay dhinaca kale la saftaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Khaliijka, waxaana ay ku baaqday in wada hadal lagu xaliyo xiisada taagan. Tallaabada Soomaaliya qaaday ee ay ku cadeysay mowqifkeeda dhex dhexaad ka ah ayaa waxay dib u dhac ku keeni kara an taageerada dhaqaale ee uu Sacuudigu u balan qaaday. Wafdi Wasiiro ah oo ka socday dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii tagay Sacuudiga, iyag oo la kulmay xubno heerkooda hooseeyay oo dara jadoo da aheyd agaasimayaal, iyadoo aysan la kul min Wasiiradii dhiggooda ahaa.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Da njire Dahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Idaac ada VOA ayaa xaqiijiyay in wafdiga Wasiirada la kulmeen xubno matalayay wasaaradaha Sacuud iga, oo aanay la kulmin Wasiiradii dhiggooda ahaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa heysta labo daran mid dooro, waa tan koowaade taageerada Sacuudiga balan qaaday, iyo Qatar oo la rumeysan yahay inay Farmaajo taaageertay xilligii doorasha da, sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo saaxibo la ah Farmaajo uu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar ,hora yna uga soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera.
WASIIRU DOWLAHA ARRIMAHA DIBADDA OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY ERGEYGA CUSUB EE JAAMACADDA CARABTA
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir AhmedKheir Cabdi ayaa shalay kaga gud doomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Hu waidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carab ta ee Soomaaliya.
Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Ag aasimayaasha habmaa muuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhowe ey ay Danjire Xamuud Samaraan Al jowha ri Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Md. C/dir Axm edKheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la ta aban karo inuu ka gaaro howlaha loo igm aday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga fur taan Safaar adahooda Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Car abta February 14, 1974 ka dib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qa atay. Soomaaliya ayaa lagu tir iyaa xubin muhiim u ah Ururka Jaamacadda Carabta marka laga eego dhinacyo badan oo ay ku jirto waxa loo yaqaan "Geopolitical stra tegy”
WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA OO AGA ASINKA ISKAASHIGA CAALAMIGA DIB UGALA WAREEGTAY WASAARADDA QORSHEYNTA
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga ayaa shalay si rasmi ah dib ugala ware egtay Agaasinka Iskaash iga Caalamiga Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dha qaalaha ka dib munaasabad kooban oo ka dhacd ay xarunta Wasaaraddaasi.
Agaasinka Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeyb aheyd howlaha Wasaaradda Qor sheynta intii u dhexeysay 20142017, hay eeshee mudadaasi ka hor waxaa loo tirina yay mid ka mid ah afarta tiir ee ay cuskato Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Md.Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay aa ku wareejiyay dukumin tiyo la xiriira Agaasinka Iskaashiga Caala miga, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Md.C/dir Axm ed Kheyr Cabdi.
Fadhi kooban oo dukumintiyo kala war eegidda ka horeysay ayaa mas’uuliyiinta sare ee 2da Wa saaradood ay ka wada ha dleen xoojinta wadashaqeynta ka wada dhexeysa iyo sidii loogu saldhigi la haa hannaan hiigsi sare leh.
Munaasabadan oo ku dhammaatay jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayayaasha joogtada labada Wasaar adood iyo mas’uuliyiin kale.
RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO LA AFURAY CIIDAM ADA XASILINTA CAASIMADDA
R/wasaaraha XSF Md.Xasan Cali Khay re ayaa Salaadda Maqrib la Dukaday ciid anka Xasilinta Amniga Caasimadda ka dib na la Afuray si uu ugu dhiiragaliyo How sha ay u haayaan shacabkooda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gu baaqay Ciidamada in ay Shacabka So omaaliyeed u ad eegaan Md.Kheyre ayaa Ciidamada Xasilinta Caasimadda u shee gay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaliya ay la qeybsanayaan Marxalad kaste oo ay ku sugan yihiin.
JAAMACADDA PLASMA OO KA MID NOQOT AY HOGGAANKA UGU SAREEYA EE MIDOW GA JAAMACADAHA AFRIKA
Guddoomiyaha Jaamacada Plasma Pr of. Xasan Kaafi ayaa loo doortay inuu noq do wakiil Gobole edka Bariga afrika ee go laha sare ee hogaanka Midowga Jaamaca daha Qaarada Afrika ( Associa tion of Afr ican Universities(AAU).
Ururkan oo ay ku midaysan yihiin 381 Jamacadood oo ku yaala qaarada Afrika ayaa waxaa hoga amiya gole sare oo ka kakooban 10 wakiil goboleed oo matala ya shan gobol ee dhacaBariga, Galb eed ka, K/Waqooyiga & Bartamaha qaarada Afrika.
Plasma waxaa loo doortay 4 sano ee soo socota (20172021) wakiil Gabaleed ka Bariga Afrika oo ay hoos imanayaan dhamaan jaamacadaha ku yaala in ka bad an 10 dal oo kala ah ; Somaaliya, Kenya, Tansaniya, Uganda, Rwanda, Burundi, Su dan ,South Sudan , Ethopiya , Eretereya, Jabuuti .
Waa markii ugu horeysay abid oo ay So omaliya ku guulaysato Kursi Gobeleedka golaha sare ee hogaanka midowga Jaam acadaha Africa (AAU). Ururkan ayaa sana dkan u dabaal degay sanad guu radiisii 50tanaad (19672017) taas oo kusoo beeg antay Shirweynihiisii 14naad ee afartiisan aba mar lagu qabto dal ka mid ah dalalka qaarada afrika. waxaa sanadkan lagu qa btay 05 08 June 2017 Caasimda dalka Ghana Accra oo ay ku taalo Xarunta weyn ee Ururka midowga jaamacadaha afrika (AAU).
Jaamacadda Plasma ayaa noqonaysa Jaamacadii ugu horeysay ee guushaas u soo hoysay Jaam acadaha dalka Soomaal iya taas oo albaabka u furaysa xiriir dhex mara Jaamacadaha dalka iyo jaa macada ha qaarada gaar ahaan kuwa gobolka bar iga afrika sidoo kale ka caawinaysaa Jaa maca daha raba inay xubin buuxda ka noqdaan Midowga Jaamacadaha Afrika (AAU) . Jaamacada Plasma ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ahayd wakiil shar afeedka Jamacadaha soomaliya xaga xari irka ururada caalamiga ee Jamacadaha dunida, iyadoo doorashada kursigan cus ub ee afarta sano ee soo socata uu keeni doono in uu sii xogaysto xiriirka caalamiga ah ee jamaacadaha somaliya iyo jam aaca daha dunida , lana ixtiraamo Jaamacada ha dalka soomaliya.
SOMALILAND OO TAAGEERTAY XULAFADA SAC UUDIGA IYO IMAARAADKA EE XIRIIRKA U JAR AY QATAR
Maamulka Somaliland ayaa taageeray xulafada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraad ka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar, iyagoo diiday in Qatar ay diyaarad aheeda isticmaasho hawada Som aliland.
Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yim aadeen Golaha Wasiirada Somaliland ay aa waxay ku shee geen inay si buuxda u taageersan yihiin mowqifka iyo aragtida ay qaateen Sacuudiga iyo Imaaraad ka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u akhriyay saxaaf ada go’aanka ay qaadatay Somaliland ee ay ku taageertay Sacuudiga iyo Imaaraad ka.
Go’aanka ka soo baxay Somaliland ay aa waxaa uu ahaa sidan.
1= in Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sac uudiga iyo Imaara adku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaan sho ka haysan Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhu uriyadda Somaliland.
3-Somaliland way u madaxbanaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, So omaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somali land.
Go’aankan ka soo baxay Maamulka So maliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dow ladda Soomaal iya ay mowqif dhex dhexaa dnimo ka istaagtay khilaafka wad amada khaliijka
DIYAARADA QATAR AIRWAYS AH XALAY AD EEGSADAY HAWADA HARGEYSA
M/Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland wararka ka imaanaya ayaa xa qiijinaya in Diya arad Qatar Airways ah ay hadda dulmarayso Hawada Magaaladaas, iyadoo ka timid M/ Khartoum.
ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo kasoo duushay M/Khart oum ee dalka Suu daan inay Xalay dul ma rtay Caasimadda Hargeysa ee Somalila nd islamarkaana ay u jiheysatay M/Doha ee caasimadda dalkaas.
Tani ayaa burinaysa go’aankii shalay ka soo baxay Golaha wasiiradda Somaliland oo ku aadanaa in Diyaaradaha Qatar aysan adeegsan Karin hawada Soomaliland, islamarkaana Soomaliya iyo Somaliland ay labo dal kala yihiin.
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO GUDDI CULIMO AH MAGACAABAY
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Ma xamed Maxamuud siilaanyo, ayaa shalay magacaabay gu ddi ka kooban 12 xubno od oo ah guddiga culimada ee uu dhigaa yo Dastuurka Somaliland muddo dheerna la sugaayay magacaabistaasi.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay gudigan in ay xoojiyaan midnimada iyo wa dashaqaynta culimada dhexdeeda. ”wa xaan idinkula dardaarmayaa in aad naga la shaqaysaan la dagaalanka balwadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada ba diya, dadkana khayrka u tilmaama”. ayuu yiri Siilaanyo.
Gudigan oo loo gudbin doono golaha gu urtida si ay u ansixiyaan waxay magac yadoodu kala yihI in :
1.Sheekh C/hi Sh. Cali Boqorre Jawhar.
2. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed
3. Sh. Maxamed Cumar Dirir
4. Sh. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
5. Sh. Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
6. Sh. Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
7. Sh. Dr Cumar Yuusuf Axmed
8. Sh.Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
9. Sh. Cabdikariim Xasan Xoosh
10.Sh.Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
11.Sh. Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
12.Sh.Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasi maha guud ee guddida)
LABA ASKRI OO MUQDISHO LAGU DILAY
Rag hubaysan ayaa shalay siyaabo ka la duwan M/Muqdisho gudaheeda lagu di lay, 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada DFS Dilka 1aad, ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Yaaqshiid Xoogag hubay san ay aa toogtay nin askari ahaa, ragga hubays an ayaa watay Bistoolad waxayna ugaar sadeen askarigaasi.
Sidoo kale Askari kale oo ka tirsan ciida mada Minishiibiyada ee qaada canshuura ha ayaa lagu dil ay Suuq yaraha Degmada Dharkiinley ee G/Banaadir. Rag hubaysan ayaa toogtay askariga oo maga ciisa lagu sheegay Cali Salaad, xilliga dilka uu dhac ayay ayaa askarigaan wuxuu ku hawlanaa qaa dista canshuurta maalinlaha ah.
Dilalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe M/Muqdisho ay ah eyd mid ammaan ah oo ay yaraayeen fal alka dilalka ah ee caasimadda ka dhaca.
Amniyaadka Shabaab oo si dirqi ah ku mara M/gudaheeda ayaa hadda falalkii ay gaysan jireen waxa uu noqday mid sii ga baabsi ah, marka la eego hawlgalada sug gida amniga iyo xasilinta isugu jira ee caasimadda ka socda.
XILDHIBAAN DALXA OO KU BAAQAY IN GAC AN LAGA GEYSTO SII DEYNTA DHALINYA RADA SOOMAALIYEED EE LAGU HEYSTO LIBYA IYO DALAL KALE.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka FS ayaa ugu baa qay dowladda Lib ya inay wax ka qabato dhibaatada Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysanayo dalkeeda. Maalmi hii la soo dhaafay ayaa baraha Bulshada wax aa la isla dhexmarayay Muuqaallo naxdin leh oo Muwa adiniin Soomaaliyeed loogu dhibaateynayo gudaha dalkaas Libya.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dhali nyaradaasi Tahriibka u socday ee ay qabs adeen shaqsiy aadka ka soo jeeda Libya haddana falal ka baxsan beni’aadanimada kula kacayaan , loo baahan yah ay in si de gdeg ah wax looga qabto .
Waxaana Xildhibaan Dalxa uu ku nuux nuuxsaday in Wasaaradda Arrimaha Dib adda iyo hay’ad aha kale ee DFS ay soo fara geliyaan arrintaasi.
Sidoo kale waxa uu ku baaqay Md. Dalxa in Xabsiyada laga soo daayo Maxa abiista Soomaaliye ed ee ku kala jira Xabs iyada Shiishalis iyo Inida. Boqolaal dhalin yaro Soomaaliyeed ayaa ku jira xab siyo ku yaalla wadamada Caalamka halka ku wa kale la heystayaal ay ku yihiin dalal ay ugu horreyso Dalka Libya kuwaas oo sug aya wax ka qabashada DF/Soomaaliya.
ADMIRAL GAAS FAARAX QARE OO SHEEGAY IN AY YAR YIHIIN DADKA SOOMAALIYEED EE AQOO TA U LEH CILMIGA BADDA
Akadeemiyadda Culuumta baddda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee Khaliif Mac ow Xasan ayaa hoos timaada hey’adda cil mi baarista badaha Soomaaliyeed, waxaa dhigta arday boqol ku dhow oo barta cilm iga badda iyo shuruucda caalamka ee bad aha ku saabsan.
Ardayda Akadeemiyadda, Khaliif Mac ow Xasan, ayaa shalay u fadhiistay imtixa anka Semisterka 3 aad, sida uu warbaah inta u sheegay madaxa Akadeemiyadda C/nuur C/qaadir. "Akadeemiyadda waxaa ay ka kooban tahay 2 kuliyadood oo kala ah;kuliyadda culuumta badda iyo kuliyad da Qa waaniinta badda, waxayna Haatan ardayda u fadhiyaan semisterkii sadaxa ad,” ayuu yiri madaxa Akadeemiyadda.
Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Fa arax Axmed Cu mar (Faarax Qare) ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas aasay Akad eemiyadda.
"Baahida loo qabo aqoonta badaha aad iyo aad u weyn tahay aqoonta dalka bad da uu u leeya hayna waa ay kooban tahay, sidaa awgeed shaqo kale ayaa nagu soo baxday oo ah cilmi baaristii aad wadnay waxaa ku darnay cilmi faafin,” ayuu yiri Faarax Qare. Admiral Gaas Faarax Ax med Cum ar (Faarax Qare) Guddoomiya ha hey’adda cilmi baarista badda, ayaa si doo kale sheegay inay qor sheynayaan in ay kuliyado kale ku soo kordhin doonaan sanadka soo socoda.
"Waxaa noo dhiman oo muhiim ah oo sanadkan furi rabnaa, sida uu Ractorka tilmaamay kuliyadii badda maridda (Navig ation) maraakiibta sida loo waddo iyo Inji neeriyadda sida loo farsameeyo mat oora da maraakiibta,” ayuu mar kale sheegay Faarax Qare.
Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, hase ahaatee Xe er dheeriyaasha ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaaliyeed ee yaqaano cilmiga badaha iyo Qawaaniinteed ay aad u yar yihiin.Muqdisho, June 10, 2017 –
MADAXDA KHALIIJKA OO SOO DHAWEEYEY HADALKII TRUMP KU EEDEEYEY QATAR
Khariidad muujinaysa Qatar iyo dalalka ay deriska yihiin ee xidhiidhka u jiray Khar iidad muuji naysa Qatar iyo dalalka ay deri ska yihiin ee xidhiidhka u jiray
Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda ayaa soo dhaweeyey dalabkii Madaxweyne Tru mp ee ahaa in Qatar joojiso taageeridda argagixisada. Laakiin waxay iska dhego tir een baaq kale oo ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda Maraykanka oo ahaa in ay debciyaan go’doominta dhaqaale ee ay saareen Qatar.
Wasiir arimaha dibadda Maraykan ka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in go’oomi ntaasi yeelanayso cawaaqib aadamenim o,isla markaana ay dabrayso gulufka Mar aykanku hogaaminayo ee lagu hayo koox da la baxday Dawladda Islaamka. Jimci hii ayaa Madaxweyne Trump ku eed eey ey Qatar in ay "gacan weyn” siiso arga gixi sada. Haseyeeshee Qatar way be eni say eedaymahaa, waxaanay wasiirkeeda arimaha dibadda ugu dirtay socdaal uu ku soo marayo xarumaha Yurub si uu taa ge ero ugu helo mawqifkeeda.
3RUUX OO LAGU DILAY MASJID KU YAAL DAL KA AFGHANISTAN
Ugu yaraan 3 qof oo rayid ah ayaa koo xo hubaysan oo aan la garaneyn waxa ay ku dhex toogteen masjid ku yaal G/Paktia oo dhaca bariga dalka Afghanistan.ka dib shalay markii dalkaasi ay ka dhac day baro or diiq qaran oo loo sameeyay dad ku dhi ntay weeraro ka dhacay dalkaasi.
Wasaarada arrimaha gudaha dalka Afg hanistan ayaa ku dhawaaqday in weerar ka dhacay xar unta gobalka ee Gardez ha beenkii Jimcaha ay ku dhinteen 3halka ay ku dhaawacmeen9 qof oo kale.
Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu cadeeyay in dilkaan uu ka fog yahay Diinta Islaamka iyo xaquuqda aadanaha in la dilo qof isagoo ku jiro salaad.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilk aan balse inta badan waxaa weerarada nuucaan oo kale ah looga shakiyaa urura da Taliban iyo Haqqani kuwaasi oo ka dag aalamo Gobolka Paktia ee dalka Afg hanis taan.2urur ayaana dagaalka kula ji o dowl ada iyo ciidamada ajaanibta ah ee uu hog aaminayo Mareykanka ee ku sugan dal kaasi. Md.Ashraf Ghani ayaana shalay ku dhawaaqay maaalin qaran oo baroordiiq ah oo lagu xasuusanaayo dadkii lagu dilay Gobolka buliyokhost
MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY GUDOOMIYEYAAL DEGMO OO XILALKA LAGA QAADAY
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo ayaa xarunta Mada xtooyadda xalay kula kulmay Gudoomiyey aashii degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xilalka ka qaaday sabab la’aan.
Madaxweynaha ayaa Gudoomiyeyaa sha u sheegay inay wax badan usoo qabt een gobolka Ban aadir , islamarkaana uu saameyn ku yeeshay isbadelkii dalka ka dhacay . Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaliya ay dhalinyaradaasi ay siin doo nto xilal iyo Shaqooyin maadaama ay da lka wax u badan ay usoo qabteen , isla markaana ay soo shaqeeyeen Waqti Ad ag, oo Magaalada Muqdi sho ay ka jirtay Xaaladda aad u xun.
Md.Farmaajo ayaa Gudoomiyeyaashii hore ee degmooyinka G/Banaadir ka cods aday inay la shaq eeyaan Gudoomiyeyaa sha degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay magacowday,Maadaama ay ka qibrad badan yihiin. Kulanka uu la qaatay Gudoomiye yaashii hore degmooyinka ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli qaar ka mid ah Siya asiyiinta Soomaaliyeed ay si weyn ay u dhaliileen in dowladda Soomaaliya ay hal maalin Shaqadda ka wada ceyriso 14 Gudoom iye Degmo .
Gudoomiyeyaashii hore xilalka laga qa aday ayaa ahaa kuwo saameyn badan ku leh gobolka Ba naadir ,maadaama ay aha ayeen dhalinyaro wax baratay oo xilliyadii dagaalka aan dalka ka bixin, Marka laga reebo waxbarashooda oo badankood ay kusoo qaateen dalka Suudaan.
AMB GELLE:"SOOMALIYA IYO SACUUDIGA WAY ISKU QILAAFEEN IN XIRIIKA LOO JARO QATAR”,
Safiirka soomaliya ee dalka Sacuudiga Amb Daahir Maxamud Geelle ayaa xaqiijiyay in Dowlad da Sacuudiga wafdi usoo dirtay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si Dowladda Soo maliya ugu dhaaciyeen in xiriirka ay u jarto Dowladda Qatar.
Safiirka ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaliya iyo wafdigii ka socday Dowladda Sacuudi Arabi ay isku garan waayeen waxyaabihii la doonayay, islamarkaana Dowladda Soomaliya ay go’aan ku ga artay in aan xiriirka loo jarin dowladda Qatar taasi badalkeena laga shaqeeo nabadeenta wadamada Khaliifka oo haatan u muujda in ay dagaal kula jiraan dowladda Qatar.
Hadalka Safiirka Soomaliya ee Dalka Sacuudiga Geelle ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay dhaqaalo siiso wadanka Soomaliya, iyadoo sharuuf ugu dhigto dhaq aalo siinta in xiriirka loo jaro Dowladda Qatar.
ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay bixiso dha qaalo loogu Talagalay Dowladda Federaalka Soomaliya oo horey ay u balanqaaday, sababta ka dam beysa ayaa lagu sheegay arintaas in sacuudiga uu doonayo in Soomaliya ay xiririka u jarto Dowladda Qatar oo haatan wajahaysa cadaadis kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada Carabta.
"SACUUDIGA OO LAGA MAMNUUCAY MAAL IYADDA KOOXDA BARCELONA”!
War kasoo baxay Dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in qofkii maaliyada Ba rcelona ee Qa dar Founadation ku sawir antahay gashada lagu xukumi doono 15sano oo xarig ah iyo ganaax lacag eed oo aad u badan.
Sida uu warinayo Sky Italia D/Sacuudi ga ayaa dalkeeda ka mamnuucay Maaly ada Kooxda Bar celona ee Horyaalka dal ka Spian ee qeybta kaga sawiran Qatar Ai rways ama Qatar Fundation isla markaana qofkaas lagu xukumi doono 15sano oo xarig ah sidoo kalana laga qaadi ganaax lacageed oo dhan €135,000.
Kooxda Barcelona ayaa heshiis afar sa no oo xayeeysiis ah kula jirta Shirkadda Diyaaradaha Qatar Air oo ku aadan in suuqgeyn ay u sameyso, waxaana la aamin san yahay in talabadaan ay ca qabad ku noqon doonto kooxda Barce.
Dhanka kale Todobaadkii aynu soo dhaafnay kooxda Horyaalka dalka France ee Paris Sai nt Germain ayaa laga mamnu ucay dalka Sacuudiga madaama ay leeyi hiin dad kasoo jeeda dalka Qa tar.
ALSHABAAB OO WAR KASOO SAARAY DAGAALKA SHABEELAHA HOOSE
Warbaahintada Xarakada Alshabaab ayaa baahisay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Sooma liya, AMISOM iyo Ciida mo Mareykan ah inay shalay subaxdii we erar ku qadeen deegaano ka tir san G/sh/ hoose. Alshabaab waxa ay sheegeen in weerarkas uu noqday mid guuldareystay islam arkaana Alshabaab ay la wareege en Deegaanka Buufoow oo mudooyinkii ugu dambeeyay ee ku su gnaayeen Ciid amada Dowladda Soomaliya.
"Dagaal saacad socday kadib ayay cii damada Xarakada Al Shabaab usuurta ga shay inay iska ca abiyaan ciidamada huw anta ah waxayna si buuxda ula wareege en gacan ku heynta tuula Buufoow oo hoos tagta M/Marka dhanka degmada Afgo oye ciidamo Mareykan ah oo gelbinayay cutubyo katir san AMISOM ayaa shalay weerar ku qaaday deegaanka Bariire waxaana halkaasi ku qabsaday iska hor’ imaadyo culus oo ay barbar socdeen qa raxyo”,ayaa lagu yiri warar lagu daabacay warbaahinta Xarakada Alshabaab.
Ma Jiro war kasoo baxay dhanka Dowl adda Federaalka Soomaliya iyo AMISOM oo loogu hadla ayo dagaalka ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.
DIYAARADO DAGAAL OO DUQEEYAY SHABEE LAHA HOOSE
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diya arado dagaal ay Xal ay Saqdhexe Duqey mo la beegsadeen degaanka Toorato orow. Duqeynta ayaa aheyd Mid xoog gan.
Degaanka Tooratoorow ayaa waxaa ku sugan AlShabaab.
Illaa hadda lama Oga Cida leh Diyaara daha Dagaalka ee Xalay Duqeynta ka Ful iyay Gobolka Shabellaha Hoose,balse We eraro nuucaan oo kale ah,waxaa Gobolka Dhowr jeer ka geystay Diy aaradaha Dowl adda Mareykanka.
WIIL U DHALAY QADDAAFI OO XABSIGA LAGA SIIDAAYAY
Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dal ka Libya Saif alIslam Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Koonfurta Liibi ya Sida ay shaacisay koox ka mid ah ku wa ka dagaalama dalka Liibiya.
Zintan Saif alIslam Qadaafi ayaa la xi ray Sanadkii 2011kii, Waxaana uu u xir naa Koox ka mid ah dagaalyahanada dal ka Liibiya.
Ciidamada Abu Bakr alSiddiq oo ah maleeshiyaad maamula Koofurta dalka Li ibiya ayaa xaqiijiyay inay siidaayeen Zin tan Saif alIslam.
KENYA OO SOO AFJARAYSA WEERARADA AY GEYSTAAN ALSHABAAB
Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa ku ha njabay in ay soo Afjari doonaan Weerara da AlShabaab ay ku qaadaan dalka Ke nya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha Mandera Cali Rooba oo la hadlaayay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in dow ladda Kenya ay bilowday howlgal xooggan oo loogu tala galay in la gu soo Afjaro Weerarada tuulooy inka ho os yimaada Magaalada Mandera ay ku qaadaan AlShabaab.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalkaasi ay ka qeyb qa adan doonaan qeybaha kala duwan ee Cii damada dalka Kenya , isagoona sheegay in ay kordheen khasaaraha ka dhalanaya Weerarada ka dhacaya gobolka Waqooyi Bari.
Sidoo kale waxaa uu xusay in si weyn loo tayeyn doono Ciidamada Booliska ee ku sugan tu ulooyinka ay ka dhacaan Wee rarada. Waxaa uu Shacabka kunool tuul ooyinkaasi ugu baaqay in ay la shaqeeya an Ciidamada Ammaanka , maadaama ay bilaabanayaan howlgallo cusub.
MADOOBE:CAALAMKA DAACAD KAMA AHA DAGAALKA ALSHABAAB”.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo wareysi gaar ah siiyay Tvga universal ayaa sheegay in wadamada Caalamka ee taageera Soomaliya aysan daacad ka aheyn taageernimadooda ay siiyaan Soomaliya islamarkaana aysan doonaynin in Soo maliya ay nabad noqoto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadamad ataageera Soomaliya aysan sidoo kale daacad u aheyn dagaalka lagula jiro Xarakada Alshabaab,islamarkaana magaalada Kismaayo Maamulka Jub baland uu ku sugan muddo 6sano ah taasina ay cadeyn u tahay in aan daacad loo aheyn dagaalka Alshabaab iyo nabad Soomaliya.
"Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo kismaayo yimid waxaa kawada wadalnay sidii loo te yn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, Magaalada kismaayo waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Kuwa AMISOM, Sanad walba isbadal ayaa lagu sameeyeen, Maamulka jubbaland waxaa xa run KMG u ah Muddo 6sano ah Magaalada Kismaayo, Soomaliya waxaa dagaal kaga dambeeyay wa damo badan oo afrikaan oo haatan nabad haysta,dowladaha Mareykanka iyo ingririiska daacad kama aha dagaalka lagula jiro Alshabab iyo nabad Soomaliya”,ayuu yiri Madaxweynaha Mamulka Jub baland.
PUNTLAND” WAXAAN DILNAY 25 SHABAAB AH”
Taliyaha Ciidamada maamulka Puntland oo Warbaahinta Gudaha ee Puntland la hadlay waxaa uu sheegay in ay dileen tiro ku dhow 25 dagaalame oo ka tirsan Xarakadda AlShabaab.
Saciid Dheere Waxaa uu sheegay in lagu dilay raggaas howlgal ay fuliyeen Ciidamada ma amulka Puntland , kasoo ka dhacay Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Weerarada iyo Qaraxyadda ka geysta Puntland qaarkood ay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya.
Saciid Dheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ciidamada maamulka Puntland ay bilaabi do onaan howlgallo ka dhan ah AlShabaab.
AlShabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af Urur ee gobolka Bari , waxaana ay ku dileen Askar badan.
FAAHFAAHIN:DIYAARADDO DAGAAL OO DUQEEYAY SALDHHIG ALSHABAAB
Wararka ka imaanaya Deeegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku wara maya in diyaararo dagaal in ay xalay duqeeyaan Saldhiga Xarakada Alshabaab ay ku lahaayen dee gaankaas.
Maamulka deegaanka Deeegaanka Tooratoorow ee Dowladda Soomaliya ayaa idaacadda Sim ba u sheegay in duqeynta ay dhacday abaarihii 08:30daqiiqo islamarkaana lagu qaaday Saldhig dag aalyahanaada Xaraakada Alshabaab ay ku leeyihiin deegaankas.
Mas’uuliyiinta deegaanka waxa ay sheegeen in dhowr gantaal diyaaradaha dagaalka Mareyk anka laga leeyahay ay la heleen Saldhiga Islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray Alshabaab,dibna ay kasoo sheegi doonaan qasaraha.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Shalay dagaal qasaaro geystay Alshabaab iyo Ciidamada huwanta uu ku dhexmaray deegaano ka Tirsan gobolka Shabeelaha hoose.
GOORMA AYAA LALA IMAANAYAA SOONKA NIYAYSASHADIISA?
Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka kafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddii aad I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka yahay waxaa ku wajib ah qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula kac ah uga tagana soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkuba SCW u yiri: "Qofkii niyada soonka aan soo go'aansan, oo aan soo sugin waa bar iga ka hor, soon uma jiro". Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix.
Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii so onku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka uu xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la'aantaa, sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa wuxuu yiri: "Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo wixii lagu qasbaba". Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey kitaabkiisa Irwaa.
Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna waxaa laga helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo, uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.
Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala ima anayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirt ay ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray, iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn, sidan horay u soo xusnayba.
WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com
MUSAAFIRKA SOONKIISA
Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka musaafirka ah inuu iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas la siiyey qof kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku rafaadaya oo aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka kulaylaha ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha, maraakiibta, baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.
Xigmad wayn ayaana ku jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn, haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga yaa baa in qofku meel uusan aqoon u safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka gato uu wa ayo, amaba inuusan afgaranayn dadka ku nool meesha uu u safray, wuxuuna Rasuulku SCW ku tilmaa may safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra (a.k.n) ka soo wariyey Rasuulka SCW inuu yiri "Safarku waa cad ama qayb cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa, cuntadiisa iyo cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u degdego reerkiisii iyo ciddiisii.” Waxaa wariyey Sh. Bukhaari.
QOFKII MAR WALBA AMA BADANAABA SAFAR KU JIRAA MA AFURI KARAA?
Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda looma bannayn qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof kasta oo safar ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka diyaaradaha, tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira, marna ku soo jira.
WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADIHSU IMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH AXAD 11-KA JUUN 2017-KA
JUBBALAND OO SHEEGTAY IN RAG SHABAAB AH AY DISHAY MIDNA AY QABATAY Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa habeen hore Weerar ku qaaday Saldhig Ciida mada Jubbaland ay ku leeyihiin Degaanka Goobw eyn ee G/Jubbada Hoose,waxaana dagaalku uu