Ma runbaa in Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose la dilay
Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo dad degaanka illaa 5 sargaal oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo habeen ka hor ka dhacay tuuladda Baladul Amiin oo hoos tagta degmada Wanla- Weyn ee gobolka Sh/Hoose. Sargaal ay wakaaladda wararka wararka Reuters magaciisa ku sheegtay
Major C/qaadir Axmed oo booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in
xogta ay ka heleen degaanka la duqeeyay ay sheegayso in duqeynta dadka
ku geeriyooday uu ku jiro gudoomiyaha Al-Shabab ee G/Sh/hoose Sh, Max’ed
Abu C/lla, iyadoo Sargaalkaas uu sheegay in warkaas ay u xaqiijiyeen
dad degaanka ku sugan.
Qof kale oo ka mid ah dadka degen tuuladda Baladul Amiin oo magaciisa la yiraahdo Aadan Axmed ayaa asna sheegay in dhawaqa gantaalo ay maqleen hase ahaatee aysan khasaaraha cadeyn Karin.
Dhanka kale ma jiro warar madax banaan arrintaan cadeynaya ama
beeninaya Al-Shababna willi kama aysan hadlin, waxayna arrintaan
muujinaysaa sida beesha caalamka u beegsanayaan madaxda Al-Shabaab.
xigasho:- somaliweyn.com
Ma runbaa in Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose la dilay
Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo dad degaanka illaa 5 sargaal oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo habeen ka hor ka dhacay tuuladda Baladul A