
Waxaan maantana wax ka tilaameynaa Axkaamta zakada Fidriga Maadaama la gaaray xeli gabo gabo ku dhawdahay Bishii Ramadaan anagoo illaah ka rajeynaayo inuu nagu anfaco kalimaad kan, wax badana aan ka faaiideysano.
Zakada Fidriga waxaa la yiraahdaa Cunooyinka la bixiyo marka uu Ramadaanku Dhamaanayo amaba Dhamaado Soomalida ay qaarkood u yaqaanaan ZakaatulBadan
Zakada Fidriga: waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (nabad galyo iyo nax ariis korkiisa allaha yeelee),waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay, qofkii Deyn qaata si uu Fidrada isaga dhiibana waa u banaan tahay.
Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon,Lab, Dhadig, Qof Weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay lagama rabo wax Fidro ah, ama dha sha xeliga ay waajibtay ka dib.
Waqtiga Fidrada waajibto: waa laga bilaabo Qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Rama daan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin kar aa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.
Qadarka la bixinayo: waa Suus (4 Koombo) Qofkiiba Cuntooyinka la beego ama 2500kg Cun ooyinka la Miizaamo sida Bariiska oo kale, waxaana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee Cuntada.
Ulajeeda Fidrada: waa in ay Kab ugu noqoto wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay ruuxii soo naa,iyo in ay Quud u noqoto Masaakiinta iyo Fuqarada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan gacan ho orsiga (Tuugsiga ama Dawarsiga) Maalita Ciidda ah.
Habka loo bixinayo Fidrada: waxa uu Qofka siin karaa Fidrada hal ruux ama waxa uu u kala qe rybin karaa dad fara badan, mana jirto xeliga la bixinaayo hab gaar ah oo loo bixiyo sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doon ayaan in ay ka Zakeeyaan, mana laha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo xiliga Fidrada.
Baraarujin: Zakada Fidriga lama siin karo ruux masruufkiisa waajib kugu yahay, sida labada waalid ama Caruurta iyo Xaaska, waxaase la siin karaa Qaraabada iyo Masaakiinta Muslimiinta oo dhan, in Qaraabada la siiyo ayaana Ajar weyn waayo waxa ay noqoneysaa Sadoqo iyo Xeriirin.
Zakada Fidriga wax lagama siin karo Ruux aan Muslim aheyn, Laakiin waxaa banaan in Masa akiinta aan Muslimiinta aheyn lasiiyo Sadaqooyinka kale.
Ruuxii ilooba wax dambiya malaha laakiin waa in uu gudaa goortuu soo xasuusto, ruuxii ula kac uga tagana waa uu gafay laakiin Diinta ugama baxayo sida Zakada maalka laga bixiyo oo kale, waxaana laga rabaa in uu illaah(cw) usoo laabto xaqa saarana iska gudo.
Waxaa banaan in laga bixiyo Fidrada Caruurta Uurka ku jirta, Sidaasna waxaa Sameeyay Cuthmaan Ibnu Cafaan (Allaha ka Raali Noqdee).
Qofkii hilmaama waxaa uu bixinayaa goortuu soo xasuusto, qofkii ula kac uga tagana waxa uu ku dhacay gaf weyn waloow Diinta uusan uga baxeyn, waxaana la gudboon inuu ka Toowbad keeno Xaqa lagu leeyahay guto.
Waxaan Dersigaan kusoo gabagabeynayaa Duruus taxane aheyd oo aan wax uga tilmaamay Ramadaanka iyo Fursadaha uu Xambaarsan yahay, si ay nafteeda ugu Dhiiri galiso ka faa’iideysiga maalmaha kooban ee Bishaan Barakeysan ee Dhamaanteen naga yaabisay sida ay dhaqsaha ugu dhamaaneyso, ayadoo aan damaanad loo heysan in la haleeli doono sanadaha soo socda Rama daan kale,..
Sidaa daraadeed waxaa jecleestay inaan qiso yar oo aad u muhiim ah kusoo gabagabeeyo Durustaan, Qisadaan waxa ay dhacday ayadoo uu Nabiga joogo waxaana ay u dhacday sidatan: Waxaa jiray laba nin oo ka mid aheyd Muslimiintii Reer Madiina waxaa Shahiiday midkood (lagu dilay Dagaal Jihaad ah) sanad ka hor inta uusan Dhiman (Si caadi ah u Dhintay) kii kale, markaas ay uu Dhalxa Ibnu Cubeydillaah ku riyoaday, ayadoo Janadii Albaabaha loo Furay waxaa uuna ku Dhex arkay labadii nin kii Dhintay ee dambeeyay oo Janda kaga hor maray kii Shahiiday, markaasuu ayuu la yaabay , sababta kan dhintay goor dambe uga hor maray kii Shahiiday sanad ka hor, arintii ayuu u sheegay qaar Saxaabada ka mid,.. markii dambana warkii waxa uu gaaray Nabiga (SCW), markaa saa Dhalxa uu Su’aalay oo yiri bal ii sheeg. markii uu u sheegay Nabiga (SCW) waxaa uu bixiyay Ja waab aad u yar oo tuseysa Fursada ku jirta in Qof Nasiib u yeesho in Cumrigiisa loogu Daro Sanad uu Ramadaan ku jiro, Nabiga waxaa uu yiri:
أليس قد صام بعده رمضان ، وصلى بعده ستة آلاف ركعة ، وكذا وكذا لصلاة السنة ؟
Bal aan u Fiirsano Jawaabta uu Bixiyay Nabiga Suuban sida ay u kooban tahay iyo Macnaha weyn oo ay Xambaarsan tahay!!
Waxaa uu yiri Nabiga (SCW) Miyuusan Soomin Gadaashiisa Ramadaan oo miyuusan Tukan Lixkun oo Rakcadoos (Salaadood) iyo intaas iyo intaas oo Salaado Sunnooyin ah.!!
Xadiiskan xaga Darajada waxaa Saxiixay Sh Albaani (ALLaha u Naxariistee) oo waxa uu yiri (صحيح لما له من الشواهد)sida uu ku qoray (سلسلة الصحيحة Juzka lixaad) Nambarka Xadiiskana waa (2591) dabacaada koowaad ee ay qortay maktabada Almacaarif
(وقد أخرجه ابن ماجه 3925 ، وابن حبان 2466 من طريق محمد بن إبراهيم التيمي عن أبي سلمة به أتم منه . وكذا رواه أحمد وغيره .)
Marka Xadiiskaas waxaa uu na tusayaa inuu Ramadaanku yahay Fursada Cumriga, Xadiiska an Dartiis ayaanan u doortay Duruustan aan ka Diyaariyay Ramadaanka inaan ugu magac daro Ramadaanku waa Fursada Cumriga.
Waxaan Illaah ka baryayaa inuu Camalkeena ka Dhigo mid Khaalis ah, iyo inuu nagu daro kuwa Bishaan looga Xoreeyo Naarta nana waafajiyo Camalada kuwa ugu Fadliga Badan, waxaan Illaah ka baryeeynaa inuu waalidkeen iyo intii wax nasoo bartay Debmigooda ku Dhaafo waxa yar ee Wanaaga ah ee aan sameyneyno, Illaah asagaa awoodee wax kasta.
Waxaanan u Mahad Celinayaa Dhamaan Raga Maamula webabka Afka Soomaaliga ku baxa ee qoray Duruustaan waxaanan leeyahay Jazaakumullaahu Kheyran.
Waxaanan ka Cudurdaranayaa wax kasta oo gaabis ah oo ka muuqday qoraaladeyda waxa anan leeyahay waa dadaal yar ee uu sameeyay Arday Soomaliyeed, laakiin wanaaga jecl, illaahna ha iga cafiyo wax dembiya hadaan ku galay Aamiin.aamiin..
Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade calixoogsade@hotmail.com
Wargelin:-
Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macl uulaamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yeel kana ilaa li meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq
Waxaan maantana wax ka tilaameynaa Axkaamta zakada Fidriga Maadaama la gaaray xeli gabo gabo ku dhawdahay Bishii Ramadaan anagoo illaah ka rajeynaayo inuu nagu anfaco kalimaad kan, wax badana aan ka faaiideysano.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMWS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA JUUN 2017-KA
SHIRKADDA TURKISH ARILINE OO SHALAY KA SOO DEGI WEYSAY GAROONKA AADAN CADDE Saraakiil Ka tirsan Garoonka Aad an Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta wax aa ay u sheegeen in shalay 2 Diyaaradood oo Ay leedahay Tu rkisha Arline Ay ka soo d