Al-Shabaab oo Jubadda Dhexe ku dishay Sarkaal taageeray Ururka Daacish

0
Monday November 23, 2015 - 09:48:42 in Wararka by
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Jubadda Dhexe ku dishay Sarkaal taageeray Ururka Daacish

    Wararka ka imaanaya Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah shalay lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horay uga mid ahaa Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah shalay lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horay uga mid ahaa Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ku biiray Ururka Daacish, isla markaana uu ka waday Jubadda Dhexe dhaq dhaqaaq uu ciidamo ku uruursanayay.

Sida ay qortay Idaacada VOA oo soo xiganeysay ilo wareedyo dadka deegaanka iyo kuwa kale ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen gaari uu la socday sarkaalkaas oo marayay Tuulo lagu magacaabo Gaduudey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sarkaalkan lagu magacaabayay Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi iyo afar kale lagu dilay weerarkaas.

Sheekh Xuseen ayaa la sheegay inuu ahaa Hogaamiyaha maleeshiyo ka baxday Al-Shabaab ee ku biirtay Daacish.


Horay ayaa waxaa uu u soo noqday Kuxigeenka Guddoomiyaha Jubadda Dhexe, isla markaana ka soo shaqeeyay Maamulkii Kismaayo.

Deegaano ka tirsan Jubadda Dhexe ayaa waxaa dhowaan ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo kooxo la sheegay inay ku biireen Daacish, iyadoo dagaaladaas dhimasho iyo dhaawac sababeen.

Al-Shabaab ayaa dhowaan war ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku qaban doonto cid kasta oo isku dayda inay kala qeybisa, waxaana dhowr jeer Daacish ay u soo dirtay muuqaalo ay ugu dalbaneyso inay ku soo biiraan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip