Baarlamaanka oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii loo diray xuduuda

0
Monday November 23, 2015 - 09:44:06 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii loo diray xuduuda

    Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii dhowaan loo diray, si ay u soo kormeeraan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo la sheegay in Kenya qorsheyneyso inay darbi ka dhisato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysanaya Guddigii dhowaan loo diray, si ay u soo kormeeraan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo la sheegay in Kenya qorsheyneyso inay darbi ka dhisato.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta ee Baarlamaanka uu ajandihiisa yahay sidii warbixin looga dhageysan lahaa Guddigii xaqiiq raadinta ahaa ee loo diray inay soo arkaan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini Xildhibaano, Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, Guddiga xuduudaha ayaa waxay tageen halka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ku taal, iyagoo war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aan wax calaamad ah ku soo arkin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore soo saaray qaraar ka dhan ah dowladda Kenya, waxaana qaraarkaas uu dhigayay in Ciidamada Kenya isaga baxaan Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ku soo xadgudbeen dhulka iyo badda Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Kenya horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xuduuda, si ay uga hortagto weerarada Al-Shabaab ayaa waxaa ka soo horjeestay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda oo tallaabadaas ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip