Farmaajo oo Baajiyay Casuumaad uu Ka Helay Dowladda Talyaaniga
ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu baajiyay Casuumadd ugu timid dowladda dalka talyaaniga.
Casuumadda ka timid dowladda Talyaaniga ayaa Madaxweyne Farmaajo lasoo gaarsiiyay isbuucaan gudihiisa waxaa la xaqiijiyay in madaxweynah uu ka cudurdaartay in uu tago Magaalada Roma ee dalka talyaaniga.
Safiirka talyaaniga ee Soomaliya ayaa soo gaarsiiyay madaxweynaha Soomaliya Casuumadda balse lama sababta ka dambeysa in uu Madaxweyne Farmaajouu ka cudurdaarto tagista dalka Talyaaniga.
Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in isgarabtaageda uu ku kooban yahay tayeynta ciidamada iyo bixinta gaadiidka loogu tallo galay ciidamada.
Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha uu is raaciyo casuumadaha kaga imaaday dalalka Masar iyo Talyaaniga, maadaama safaradii hore ay qaaten inta badan wakhtigiisa.