
Belgium oo ku dhawaaqday in Isniinta maanta aan la furi doonin goobaha waxbarashada:-SAWIRRO
Ra’iisal Wasaaraha Belgium-ka, Charles Michel oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Brussels, ayaa sheegay in Isniinta maanta aan la furi doonin goobaha waxbarashada, xaaladda Caasimadana ay ahaan doonto, sidii ay ahayd Sabtidii iyo Axadii.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku celiyay in ay jirto xaalad khatar badan, maadaama sida uu sheegay ay jiraan rag qoryo iyo walxaha qarxaba haysta, oo ku sugan Magaalada Brussels, isla-markaana ay gaysan karayaan kuwo lamid ah weeraradii Magaalada Paris.
Ciidan xoogan, ayaa waxaa la soo dhoobay wadooyinka iyo isgoysyada, waxaa kaloo lagu arkayaa goobaha bulshada isugu timaado iyo tareenada dhulka hoostiisa laga raaco. Tareenada ayaa maalintii labaad shaqo joojin lagu sameeyay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Belgium-ka, Jan Jambon, ayaa sheegay inay samayn doonaan tallaabo kastaa oo weeraro looga badbaadin karo Brussels.
Shacabka reer Brussels, ayaa u hogaansamay tallooyinkii ay Dowladdu u soo jeedisay, oo ahaa inaanay isugu imaanin goobaha ay bulshada ku kulanto, dukaamada waaweyn iyo tiyaatarada.
Weeraradii 13-kii bishan ka dhacay Caasimadda Faransiiska, ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa ku soo baraarugay caalamka, iyadoona baqdin weyn laga muujinaayo awoodda Daacish.
Belgium oo ku dhawaaqday in Isniinta maanta aan la furi doonin goobaha waxbarashada:-SAWIRRO
Xukuumadda Brussels, ayaa waxay ku dhawaaqday inaanan la dibcin doonin xaaladda deg degga ah, ee lagu soo rogay Caasimadda Wadanka Belgium, illaa iyo amar dambe.