Dowladda Somaliya oo sheegtay in ay dib u habeyn ku wado Guddiga farsamada Hiiraan & Sh.dhexe
Wasiir Odawaa, waxa uu muujiyay inaan weli laga heshiin halka rasmi ahaan shirka lagu qabanaayo iyo halka ay noqonayso caasimada Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo sameynaayo.
"Waxaan rabnaa in Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan meesha ay ku heshiiyaan ee caasimadda ka dhigtaan sidaas oo kale noqoto hadda waxay wax marayaan Guddiga Farsamada ayaa qeylo dhaan ka timid, dib u habeyn baan ku wadnaa, dhawaan waxaan tagi donnaa magaalooyinka Jowhar iyo Shabellaha Dhexe si aan u xaqiijinno halka shirka lagu qaban lahaa.” ayuu yiri Wasiirka
Isaga oo hadalka siiwata Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya, wuxuu tilmaamay Somaliya inay hada soo kabanayso, maamulada hada jirana dhibaatooyin culus laga soo maray dhismahooda.
"Maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan shaqadiis si wanaagsan baan ugu jirnaa, dabcan culeys la’aan ma ahan, aniga runtii waxaan aaminsanahay in Soomaaliya dib usoo kacayso, marka ay soo kacayso jid adag bay soo maraysaa, waad la socotaan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug midna ma dhalan iyadoo la’isku macaan yahay, kan Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan waa la mid , laakiin waxaa muhiim ah Natiijada dadka Soomaaliyeed dad u shaqeeya, haddii aad hadda maanta tagto Baydhaba waxaad u tageysaa nin haya mas’uuliyadii Koonfur Galbeed oo horumar sameynaya, Kismaayo ayaa la mid ah, Cadaado ayaa la mid ah.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa oo la hadlay Idaacada Goobjoog.
Tan iyo markii la magacaabay Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa shacabka deggan labadaasi Maamul ay dhigayeen Banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Guddigaasi Farsamada oo qaab cadaalad darro ah lagu tilmaamay in loo sameeyay.
Dowladda Somaliya oo sheegtay in ay dib u habeyn ku wado Guddiga farsamada Hiiraan & Sh.dhexe
Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya, ayaa sheegtay inay ku howlan tahay dib u habeynta Guddiga farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo markii lagu dhawaaqay Guddigaasi qaylo dhaan adag ay ka soo yeertay.