
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA NOVEMBAR 2015-KA
Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay wadatashiyadii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada ee looga hadlayay aayaha dalka, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in bulshada ay yihiin kuwa go’aan ka gaaraya aayaha 2016ka.
"Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16kii bishan in dalka meel kastoo ka mid ah loo safray, loo wada dhaqaaqay deegaanada dalka iyo gudiyadii halkan laga diray inay si wada jir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oo aan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigayadaas uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda wada hadalkaasi uu yahay in dadka Soomaaliyeed loo bandhigo waxa la doonayo iyo sida ay u arkaan qaabka looga gudbi karo marxalada hada lagu jiro.
"Labo waddo ayaa noo furan, tan koowaad waxa ay tahay Muqdisho ayaan joognaa ee aan dhahno halkan halagu qabto talada kale ee aayaha dalka oo aan wada gaarno go’aan, tan labaad waxa ay tahay Muqdisho oo kaliya ma ahan dalka, dalka wuu balaaranyahay ee bulshada inteeda kale haloo geeyo talada, oo aan wada gaarno go’aan mid ah, wadatashiga wadada loo marayo haka taliyeen, midda ay u bataana taladeeda iyo go’aan ka gaaristeeda iyo dowladnimada cusub go’aan haka gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay ahmiyada ay bulshada u leedahay in ay noqdaan kuwa midnimada ka shaqeeya, waxaana uu intaa ku daray in wadatashiyadii ka dhacay gobolada dalka iyo caasimadda ay muujineyso inay jirto midnimo siyaasadeed.
"Waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa, iyo maamulada heer federal iyo heer gobol inaan sii xoojinayo midnimada oo aan hal far wax ku wada maamulno, wixii yar yare e jirana aan u xalino si hoose, amuuraha heer Qaran oo dhan waxaan u wajahaynaa anagoo mid ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in go’aan ka gaarista talada dalka ay lahaan doonaan ummadda Soomaaliyeed.
WASIIR ODAWAA "DOWLADDU AAD AYAY UGA XUN TAHAY DAGAALKII GAALKACYO, WAXAA KU BAAQEYNAA
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay aad uga xun tahay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo baaq u jeediyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wasiir Odawaa deg deg ah ugu baaqay labada maamul inay joojiyaan dhiilada colaadeed, isla markaana loo turo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.
"Dowladda Federaalka aad bey uga xun tahay dagaalkii Gaalkacyo, waxaa ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Galmudug inay dagaalkaas joojiyaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay gogol wada hadal u fidineyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, si wax walba ee jira lagu dhameeyo qaab siyaasadeed.
Illaa todobo ruux ayaa ku geeriyootay dagaal shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halka dad ka badan afartan ruux waa ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xiriira wado laami ah oo ay dhisme ku wadeen Maamulka Puntland, iyadoo wadadaas ay soo gaartay aagga ay maamulaan Galmudug, waxaana kadib ka dhex bilowday is rasaaseyn.
DUQEYN LOO GEYSTEY SALDHIG AY KU LAHAAYEEN ALSHABAAB DEEGAANKA BELEDAMIIN EE GOBOLKA SH/HOOSE
Wararka ka imanaya deegaanka BeledAmiin ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in habeen hore saqdii dhexe la duqeeyay saldhig ay ku lahaayeen ciidamada Alshabaab deegaanka BeledAmiin.
Duqeyntan oo dhacday habeen hore saqdii dhexe ayaa waxa ay wararku sheegayaan in gantaalo lagu garaacay meel duleedka ka ah deegaanka BeledAmiin oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan siddeed ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab ay halkaa ku dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen.
Deegaano u dhow dhow BeledAmiin ayaa laga maqlay duqeyntii habeen hore dhacday iyadoo dadka reer miyiga ay sheegeen in illaa saddex jeer duqeyntu ay dhacday.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyo maamulka Alshabaab oo la xiriira duqeyntan loo geystey deegaanka BeledAmiin.
Diyaaradaha Droneka ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa hore duqeyn u geysatay saldhigyo ay ku lahaayeen ururka Alshabaab deegaano kamid ah dalka Soomaaliya. Waxaana duqeymahaas lagu diley saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab uuna ka mid ahaa hogaamiyihii hore ee Alshabaab.
HANTI DHOWRKA QARANKA OO LA AMRAY IN XEER ILAALINTA UU U GUDBIYO KIISASKA 19KII WASAARADOOD EE MUSUQ MAASUQA LAGU HELAY
Iyadoo horay Hanti dhowrka Qaranka Somaliya uu u shaaciyay in 19 Wasaaradood oo ka tirsanaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed lagu helay falal musuq maasuq ah, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya waxa ay ku amren Hanti dhowrka Qaranka Somaliya inuu Xeer ilaalinta u gudbiyo kiisaska ku saabsanaa Wasaaradahaasi.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa Xafiiska Hanti dhowrka waxa ay u qabteen muddo 30 cisho ah inuu ku gudbiyo kiisaskaasi la xiriira Wasaaradaha Musuqa lagu helay, si Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu uga qabsado shaqooyinka la xiriira Kiisaskaasi.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hanti dhowrka laga rabo Kiisaska Wasaaradihii uu ku soo cadeeyay Musuqa si tallaabooyin sharciga waafaqsan loo marsiiyo.
"Hanti Dhowrka Qaranka Somaliya waxaa la farayaa in Kiiskaasi 19 Wasaaradadood Xeer ilaalinta Qaranka uu u gudbiyo muddo 30 maalin gudahooda oo ka bilaabanta maalinta uu soo baxay Qaraarka ku saabsan Maaliyada.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.
Hanti Dhowrka Qaranka Somaliya ayaa Baarlamaanka hortiisa wuxuu ka sheegay in 19 Wasaaradood oo Xafiiska Hanti Dhowrka baaris adag ku sameeyay, kadib lagu helay kiisas ah inay musuq maasuq ku kaceen, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn halka ay ku dambeyso arintaasi.
Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Somaliya oo daraad soo saaray Qaraar la xiriira Maaliyada dalka saddexdii bil ugu dambeysay ayaa Xildhibaanada waxa ay si adag kaga hadleen lacago la lunsaday oo aanan la garaneyn halka ay ka baxeen.
Majirto isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan Deeqaha kala duwan ee Dowladda ay ka hesho caalamka iyo halka rasmi ahaan ay ku baxaan, iyadoo Wasiir waliba oo Xukuumadda ka tirsan uu si gaar ah ugu tagri falo dhaqaalaha dalka.
KALIIL OO SHEEGAY INAAN XAL WELI LAGA GAARIN KHILAAFKA KA TAAGAN GOBOLKA GEDO
Maxamed Cabdi Kaliil, Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee uu xil ka qaadista ku sameeyay Axmed Madoobe ayaa si adag kaga soo horjeestay hadal uu dhawaan soo jeediyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbal and Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Iyadoo dhawaan uu shaaciyay Fartaag in lasoo afmeeray khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Jubbaland iyo xubnaha ka soo jeeda Gobolka Gedo, ayaa waxaa arimahaasi beeniyay Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyihii Gobolka Gedo.
Kaliil, oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in been abuur iyo arin fadeexad ku ah ay tahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Fartaag oo ahaa in Degmada Garbahaarey lagu soo idleeyay khilaafka ka dha shay xilka ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Gedo.
"Waa Been wax hishiis maanan gaarin, nin masuul ah oo been intaas la eg sheegaya waligey maanan arag, annaga wax hishiis ahna lama aanan galin, waxa la isku heystana waa xil ka qaadis qalad ah oo ay igu sameeyeen”ayuu yiri Kaliil.
Dhanka kale wuxuu si cad u dhaliilay dadaalada uu waddo wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya oo ku saleysan dhanka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay inuusan aheyn masuul ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha ama uusan aheyn Ugaaska Beelaha Gedo.
"Wasiir Diini ma ahan Wasiirka arimaha gudaha, mana ahan Ugaaska beesha Sade iyo beelaha kale, dib u heshiisiinna shaqo kuma lahan, sababtoo ah waa Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya, marka side buu dib u heshiisiin u sameyn karaa.”Ayuu yiri Kaliil.
Hadalka Kaliil waxa uu muujinayaa in weli ay taagan tahay Khilaafka ka taagan Maamulka Gobolka Gedo uu u magacaabay Axmed Madoobe.
DIYAARADA TURKISH AIRLINES AH OO LOO WEECIYAY CANADA, CABSI LAGA QABAY INUU BAM SAARNAA
Diyaarad nooceedu yahay Turkish Airlines oo ka soo duushay magaalada New York ayaa loo weeciyay dalka Canada kadib markii laga shakiyay in diyaaradda uu Bam saaran yahay.
Diyaaradan oo ku sii jeeday dalka Turkiga ayna saarnaayeen 256 ruux ayaa lagu dejiyay garoonka diyaaradaha ee Halifax bariga dalka Canada.
Booliska Canada ayaa la sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan diyaarada balse illaa iyo hadda ma bixin wax faahfaahin ah.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ay jirto cabsi ka timid kadib markii dhowaan diyaarad ka duushay magaalada Sharma alSheikh ee dalka Masar ay burburtay, Burburka diyaaradan ayaa waxaa sheegtay ururka IS iyadoo markii dambana la cadeeyay in bam lagu dhex qariyay qeybta xamuulka diyaarada,
Sidoo kale toddobaad kahor ayaa weerar lagu qaaday magaalada Paris waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shakiga diyaarada in bam uu saaran yahay ayaa waxaa uu soo baxay kadib markii diyaarada ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy.
Toddobaadkii hore ayay aheyd markii labo duulimaad oo diyaarada Air France ah looga shakiyay in bam uu saaran yahay, iyadoo si degdeg ah loogu dejiyay diyaaradahaas Canada
WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG "DAGAALKII GALKACYO EE SHALAY WAXAA SOO ABAABULAY C/WALI
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inay weerar ku soo qaadeen deegaanada Galmudug, isagoo xusay in dagaalka uu haatan istaagay, xaaladuna ay tahay mid degan.
Ugu yaraan 7ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacdayy Galkacyo, halka sodomeeyo kale oo rayid u badnaa ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ee soo weeraray uu ujeedkooda ahaa dhul balaarsi iyo inay dhabar jebiyaan howl galka Galmudug ka waday deegaanadeeda ee ka dhanka ah AlShabaab.
"Shalay Galkacyo waxaa 12kii subaxnimo weerar ku soo qaaday deegaanada Galmudug Ciidamo ka tirsan Puntland oo abaabulan, ujeedkoodana ahaa dhul ballaarsi iyo inay dhabar jebiyaan howl galka aan ka wadno deegaanada ee aan kula dagaalameyno AlShabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur
Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas inuu dagaalkaas soo abaabulay, isla markaana uu maalmahan ku howlanaa iska horkeena shacabka deegaanada sida uu yiri.
"Xaqiiqdii waxaa dagaalkan ka dambeeyay oo mas’uuliyadeeda leh C/wali Gaas oo muddooyinkan ku howlanaa iska horkeena shacabka deegaanada goboladan, hada dagaalka waa istaagay, xaaladana waa degan tahay”ayuu yiri mar kale Wasiirka Amniga Galmudug.
Waxaa uu sheegay in dhankooda labo askari ka dhaawacmeen, halka dhanka ciidamada Puntland labo askari dhaawac ah ay gacanta ku hayaan, ayna ku booqdeen isbitaalka Galkacyo, kuna wareejinayaan Puntland sida uu yiri.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, iyadoo ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ay barqadii shalay soo buuxiyeen dhanka koofureed ee magaalada Galkacyo qeybta ay Puntland maamusho.
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya baaqyo nabadeed oo labada dhinac loo jeedinayo, iyadoo maamulada deriska horay u dhex maray isku dhacyo dhiig badan ku daatay, waxaana jiray heshiisyo beelaha labada dhinac horay u kala gaareen in nabad lagu wada noolaado.
SHIR DIB U HESHIISIIN U SOCDAY LABO BEELOOD OO SHALAYLAGU SOO GABAGABEEYAY JOWHAR
Waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe shir dib u heshiisiin oo muddo lix maalmood socday, iyadoo shirkan lagu dhameystiray heshiis muddo soo socday oo u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shirkan dib u heshiisiinta oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa bilow ah shirweyne lagu heshiisiinayo qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe
Odayaasha dhaqanka beelaha xurgufta dhex martay, qeybaha bulshada, Guddi loo xilsaaray dhameystirka heshiiska nabadeed xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Sh/Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay gaba gabadii shirka dib u heshiisiinta.
Sheekh Maxaxmuud Sheekh Yuusuf oo ka mid ah xubnihii loo xil saaray dhameystirka heshiiska oo qudbad ka soo jeediyay shirka ayaa sheegay in dhamaan dadka ay u dhan yihiin heshiiskan, isla markaana qodobada lagu kala saxiixday ay qoraal ahaan u gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
C/risaaq Cumar Bood oo ah la taliyaha Guddoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay shirka ayaa labada beel ku bogaadiyay sida ay isugu tanaasuleen, ayna u wada gaareen heshiis dhaxal gal ah oo horseedaya nabad iyo xasilooni.
Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa ku baaqay in la xoojiyo walaaltinimada, isla markaana la xoojiyay heshiiskan nabadeed.
Agaasimaha dib u heshiisiinta ee Wasaarada Arrimaha gudaha iyo federaalka Daahir Warsame Fiidoow oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay qodobadii ay ku heshiyeen beelahan walaalaha ay horgeyn doonaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dhinaca dib u heshiisiinta Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaney oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadii xiritaanka shirka dib u heshiisiinta ayaa ugu baaqay dhamaan beelaha dega Gobolka inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo is dhex galka bulshada.
CASHARKII 19 AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD
Tusaaloyinka Malo awaalka (Examples of Hypothesis) Intii la socootay casharkii 18aad waxaan horay u soo sheegnay in malo awaalka uu yahay sadaal uu sameeyo cilmibaaraha inta uusan amba qaadin cilmibaarista.
Cilmibaaraha waxaa uu malo awaalaa waxa ka soo bixi karo marka labo doorsoome ay xiriiraan. Malo awaalka waxaa kale oo la dhihi karaa waxaa uu xal u saadaaliyaa dhibaatada jirto. Saadaasha mararka qaar waxay noqon kartaa mid aan sax ahayn oo wixi la saadaaliyay iyo cilmibaarista wixi ka soo baxay ayaa kala duwanan karo.
Hadii taasi dhacdo waxaana loo yaqanaa (Null Hypothesis, H0). Dhinakale waxaa dhici karto wixi la saadaalyay iyo wixi ka soo baxay cilmibaarista in ay islahadaan taasina waxaa loo yaqanaa (alternative hypothesis, H1). Hadaba si aan wax badan uga ogaano sida looqoro malo awaalka ayaan casharkaan waxaan ku soo bandhigi donaa tusaalooyin aan isleenahay way saacidi karaan cilmibaaraha in uu si fiican u fahmo sida loo qoro malo awaalka cilmibaarista.
Tusaalaha (1aad)
Hadii maxaabiista labaro farsamo ay ku shaqeestaan inta ay xabsiga ku jiraan, hadii la soo daayo way shaqeeysanayaan ee dambi magalayaan. Hadaba tusalaha waxaa uu saadaalin ka bixinayaa xiriirka ka dhaxeeyo xirfad labaro maxaabisleeyda waxay yareen kartaa in markale ay galaan dambiyo hadii la soo dayo. Si loo xaqiijiyo malo awaalka in uu yahay xaqiiq iyo inkale cilmibaaraha waxaa uu samaynayaa daraasad arintaas ku aadan. Ugu danbayntii waxaa uu soo saaraa in xariirka ka dhaxeeyo tababarka maxaabiista iyo yareynta dambiyada uu yahay mid sax ah oo jiro ama waxaa uu saraa in uu san xiriir ka dhaxeeynin.
Tusaalaha (2aad)
Hadii uu ardayga uu helo ugu yaraan 6 saacaadood oo hurdo ah, waxuu helee imtixaanka dhibco ka badan hadii uusan jiifan lix saacadood. Malo awaalka nucaan ah waxaa noqono karaa sax ama mid aan sax ahayn. Jawaabta soo baxdo waxaa laga yabaa in ay cadeyso in uusan wax xiriir ah ka dhaxeen 6 saacadood oo hurdo ah iyo darajada imtixaanka, maxaayeelay waxaa jiro karo doorsoome yaalkale oo ka sameyn wayn ku leh darajada imtixaanka sida akhriska, fahanka, meriska guriga (tuition) Iwm. Inta aan malo awaalka la samayn, waxaa lagama maar maan ah in qorshaha lagu darsado dhamaan doorsomayaasha macquulka ah ee imaan karo.
Ogow malo awaalka lagama doodi karo in uu sax yahay ama qalad yahay ilaa laga sameeyo xog ururin cadayso sax ahaan shihiisa ama qalad ahaan shihiisa. Malo awaalka waa in lagu saleeyo aqoonta uu qofka u leeyahay maadada, ma ahan in malo awaalka uu sameeyo qof aan aqoon u lahayn maadada. Waxaa loo baahanyahay malo awaal ku salaysan aqoon iyo qibrad. shafie Research Casharkii 19 aad Habka CilmiBaarista ee Research Method jowhar.com
Casharkii 19 aad Habka CilmiBaarista ee Research Method
Tusaale (3)
Hadii dadka cayilan ay cunaan kaliya hilibka Geelka, cabaan caanaha Geela dhaqso ayuu cayilka ka dhacaa. Waxaa kale uu cilmibaaraha malo awaali karaa, hadii uu qofka cabo caanaha Geela inta uusan sariirta aadin, waxay ku qadanee waqti dheer in ay hurdo kaa timaado amaba qabato. Si loo hubiyo malo awaalka in uu sax yahay ma ahayn, cilmibaaraha waxaa uu u baahan yahay in uu sameeyo xog ururin la xiriirto malo awaalkiisa. Malo awaalada qaar waxay u baahan yihiin tijaabo rasmi ah oo lagu baarayo suurta galnimada malo awaalka. Waa in daraasad mudo socoto lagu sameeyo cida ay qusayso mala awaalka. Waxaa suurta gal ah in loo baahdo indho indheeyn socoto mudo dheer.
Marka la qoraayo malo awaalka intabadan cilmibaaraha waxaa uu adeegsanaa erayga ah (HADII) waxaan la sameeyo ama ay dhacaan waxay sabab u noqon kartaa isbadalka nucaas ah ama samaaynta nuucaas ah. Marka la sameeyo xog ururin malo awaalka waxaa uu noqon karaa mid sax ah ama aan sax ahayn.
Tusaale (4aad)
Cilmibaare ayaa waxaa uu malo awaalaa in tayada Jaamacadaha Somaliya ku yaalo hoos u dhigto la’aanta macalmiin shahaado sare ka haysto maadada ay dhigayaan. Malo awaalka nucaas waxa uu noqon karaa mid sax ah ama aan ahayn. Waxaa jiri karo iyada oo macalimiinti la haayo lakin aan la hayn adegyadii aas aasiga u ahaa jaamacada sida maktabadii, internet kii, libratory iwm. Sidoo kale sax waa uu noqon karaa qofka aqoonta u leh maadada siyaabo kala duwan ayuu ku gudbin karaa.
Ugu danbeyntii, malo awaalka waa in uu ahaado mid u baahan in jawaab loo raadiyo, waa in uu ahaado mid lagu kala aragti duwanaan karo. Malo awalka waa in uu san noqon mid jawaabtiisa iska cadahay, sida hadii dadka ay san biyo cabin way dhimanayaan. Waa la ogyahay qofna biyo la’aan ma nolaan karo, haba lagu kala duwanaando mudada ama saacadaha. Hadii malo awaalka cilmibaaraha iyo jawabta xogta la helay ay islahaan wayaan, micnuhu ma ahan in daraasada ay qaldan tahay. Cilmibaaraha waxaa la doonayaa in uu cadeeyo sababta uu malo awaalkiisa ugu dawanday najiida cilmibaarista
Waxaa soo diryaariyay
Dr. Shaafici Sharif Mohamed
fayosom@hotmail.com
SAFIIRKII SOOMAALIYA U FADHIYAY DALKA MASAR OO GEERIYOODAY IYO MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY
Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay mudada dheer dalka Masar C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa habeen hore ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib xanuuno muddo bil ah uu la jiifay.
Danjire C/llaahi Xasan ayaa da’diisu aheyd 72sano jir, waxaana uu qeyb weyn ka soo qaatay isku xirka diblomaasiyada Soomaaliya iyo Carabta.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa wxaaa tacsi loogu diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Safiirka.
"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayey qaranka muddadii burburka aan ku jirney”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Danjirihii Masar
Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .
Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo shalay .
Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.
Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .
Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa kahor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .
Sanadkii 1974 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .
Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Alulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969kii .
Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah, ayaa ku dhashay degmada iimeey sanadkii 1943 .
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}
Q/63aad
Xoogaa
daqiiqado ah ka dibna waxaa la
billaabay fili mkii,kolkii in saacado
ah filimkii la wada daawaday ka bacd inaoo
ay saacaddu gaartay 9:00kii habeennimoayaa bushra iyo Raxmona ay ka soo
wada baxeen shaleemadii,waxaayna iskula soo jaan qaade en xagaa iyo busteeja da gaariga laga raaco ee Ceel
Gaabta taasoo Gaariga laga saari la haa Gabadha Raxmo aheyd oo maalintaa marti
u aheyd saaxiib adeed cusub ee Bush ra.
In Qaddar daqiiqa do ah ka dibnaBust eejadii ayaa la yimid waxayna gaaro {koost er} ah ka saartay Rax ma iyagoo iskula Balla meen in maalinta Jimcaha aheyd isugu yimaadaan Golaha Murtida iyo Madaddallada National Tiyaatre, dabadeedna ga arigii baa dhaqaaqay oo goobtii ayaana la isku macal sala ameeyey.
Shalay waa maalinnimo isniin ah, waa Aroor hore waxaa na ciyaya diigii iyo shinbirihii Arooryaad Cabdulqaadir waxaa uu ka soo dul toosay Maamuusiyadiisii, waxaa uuna u soo dhaqaaqay xaggaa iyo Deyrka Guriga si uu u weyso qa ato,una Dukado Salaadda Subax ee uu Alle S.W.T. ku lahaa , qaddar xoogaa ah ka dibna wuxuu gutay waajibkii Alle ku la haa Saladdii ayuuna Dukaday, ka bacdina waxaa uu u dhaq aaqay Qolkiisii fadhiga ahaa wuxuunaiska Fariistay Kursigii u gu dhawaa oo Qolkiisa Fadhiga yaallay, dabadeedna waxaa uu laacay Majalad Miiska hortiisa ah tiillay oo Saarneyd, dab adeedna majalladdii ayu Akhris ugu dhaqaaqay, Muddo saa cad ah marki uu Majaladda Akhrinaayey ayaa waxaa Quraac u keentay Gabadhii Walaashiis aheyd ee Faraxyo.
Cabdulqaadir inta uu Quraacdii Cunay buu ka Faraxashay dabadeedna Gabadhii Farixya aheydna weelashii uu walaal keed Quraacda ku Cunay bay Miiskii ka Dul Qaadday ,intaas ka dib Cabdulqaadir Firaashkiisii ayuu si Dhacdii ah isugu ka la bixiyey, kolkii uu in cabbaar ah uu firaashkiisii u dhacdiid u gu jiifay ayaa waxaa u soo dhacay Telefoon,maalintaa waxaa Telefoonka u soo dirtay Gabadhii Lammaanihiisa aheyd ee XulBeella in daqiiqado ah markii uu Dhacaeyey Dawankii Telfoonka ayaa waxaa Gacankii kor u qaaday Wiilkii Cabdu lqaadir ahaa,maalintaana hadalkii waxaa ila xirka ka qaaday Gabadhii XulBeella aheyd iyadoo hadlkeeda ku bilowdaysida tan:
XulBeella: Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane waxaa jira xikaayo oraneyso {Jaceylka iyo Daafka Aragtida ayaa laga Qaadaa} oo markii aan ku arkaaba jaceylkaada horey ayaan ka qaaday.
Midda kale Xabiibi Quruxdaadu waa Nus dunida ka mid ah,gabadhii ku heshaana Nasiib leh, Ubixii Quruxda ee Indh aheygoow Aniga iyo Adiga Isku Ciid baa Nalaga Abuuray oo Hal Cir baa Nala Huwiyey Baalkiisa, Qaaligaan Jeclaayoow Bi yo iyo Baad baanu wadaagnaa, hase yeeshee sidii laba laa mood oo Ubax ka lushay yaanan midba dhinac u kala leexan oo yaanan noqon lammaanayaal ku kala duwan xagga aragti da iyo Nolosha .
XulBuulla:Macaane Gacaliye C/qaadir waxaan ku oranay aa: Halyeeygii aan Jeclaayoow sidaa aad ii Jeceshahay ku Nooloow Farxad iyo Baraare iskana Ilaali waqtiga inuu Ciyaar Ciyaar kuugu dhaafo, Ogoowna Fursaddii ku dhaaftaa iney san dib kuugu soo laaban doonin, marka fursad Albaabka kuu soo garaacdaa ka faa’iideyso ee Geed Dheer oo aan la ga soo deji Karinna ha fuulin Macaangooyaheygiiyoow, hana noqon wiil is mahadiya oo Gabdhaha Eynigiisa ah iskala wey naada ileyn qof isku filan ilaaheey koonkaan dushiisa kumuus an abuurine, hana ila yaabin haddii aan ka hadlaywixii qalbig eyga ku jiray illeyn waxaa jira maahmaayo soomaaliyeed oo dhaheyso: {weel waliba wixii ku jira ayuu dhididaa }, ama { shaqsiga aragiisa kama baxsana qaayihiisa},.
XulBeella: Gacaliye ha noqonin wiil hilmaama walaaltinni mada iyo lammaanannimmada naga dhaxeyso,waxaana ani ga ila wanaagsan adiguna ha kula wanaagsanaadaano, waxa an jeclahay Gacaliye inaan noqonno lammaanayaal xagga ar agtida ka siman, waxaana ahay walaashaa ku Jecel , hawa daan aynu ku nool nahayna waa mid aad u qaboow badan oo caafimaad ka buuxo, Samadaan Xiddigaha ayaa Qurxiya , DhulkanaDoog baa Qariya Quruxdaas Illaahey Dabeecada ku manneeystay Iima ay Muuqato oo Noloshu waxaa ay iigu Mu uqataa Gudcuriyo Wel wel inta uu Ilaahey nagu kulmin aayo firaash quraadiguna aan ku hantiyo macaane oo aan barbarkeeygana aan kaa arko Amoore .
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan kalsooni darro xag aada ah ima ay heyso, waqtigii qaaliga ahaa jaceylka aan kuu qabo iyo xusuustaada habeenkii baan ku dhammeystaa afarta gees ee gurigeenna baan ku wareegaa anigoo ey xusu ustaada ey hibaaqeygaku weyn tahay.
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan Marka dhirta mira ha leh ee ka baxda beerteenna ayaan iska dhex fariistaa ka di bna ubaxyad quruxda badan ayaan iska daawadaa Gacaliso Xabbatul Lows xulBeella abbaayo Macaan Indhaheyguna ey ku raaxeystaan Anigoo isku Illowsiinaayo Fikirka Xusuusta iyo Wel welka aan xaggaada ka murugoonaayo, waxaana aan dhirta Ubaxa leh dhexdeeda aan ka soo baraarugaa markii Ubaxa qaaliga ah ee Gacanta Midig iigu jiray ceyn Hadiyad ah aanta kuugu tala galay uu ubaxyada kale uu iiga dhex dhaco.
C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan waxaa jira maah maah Oraneyso {xilliga guga ayaa caadifadda iyo dareenka basharka kor u kacaan markaas ayuu u baahdaa weheldhi ggiisa ah sida noolaha intiisii kale},
C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan waqtiga qaaliga ah waxaan ugu Jeclahay inaan kuugu dhameysto taasoo qalbi geyga farxad ku beereyso
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jaceylkaan xad dha afka ah ee aan kuu qabo adiga ayaa igu beeray aloow Guu shiisa na Haleeshii Adigeey Calafka iyo Farxadduba ay Gac antaada ku jiraane,Iftiinkii Qalbigeygaay waxaan weli Xusuus taa Maalmihi Wanwanaagsanaa oo aan ku haasaaweynay Beerihii Quruxda badnaa sida Farxadda iyo Reynreynta iyo Keymihii Ubaxa lahaa dhexdooda ayaan weli Hibaaqeyga ku dambeeya mana aan Iloobi doono Macaanto inta aan Ifka Kor kiisa aan ku Noolahay,waxaan Hilmaami waayey Haasaawa haadii sida miidda iyo malabka oo kale u Macaanaa, Ogoo wne inaan markast kuu Hiloobo mana aha XulBeella Xayaati Inaan Indhahaada ka Ilmeeyo oo aan is Qalbi Jebiyo , waxaa na farxadaadaa iyo Quudii ah Samirka iyo dulqaadka , waxa ana kuu muujiyaa waxa qalbigeyga ugu badan iyadoo Garas hadeydu ii marqaatikaceyso.
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jidka aan ku socon no waa jidkiiAlle iyo Rasuuluba ey Raalli ka ahaayeen Jacey lka iyo Dabeecadda wanaagsanna waa ey inoo dhaw yihiin mana jecli GacalisoXul beella inaan ………………..
La Soco Isniinta Danbe Hadduu Alle Idmo
W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR
{QALBI DAHAB} Tel:0618455506
OGEYSIISOGEYSIIS OGEYSIIS
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO :-
Delegation To The Federal Republic Of Somalia is Looking For The eu Ropean Union An
ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT
THE EUROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN
ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT
We are
The European Union (EU) is an economic and political partnership betwe en 28 European countries. It plays an important role in international affairs through diplomacy, trade, development aid and working with global organisations.
Abroad, the EU is represented through more than 140 diplomatic representations, known also as EU Delegations, which have a similar function to those of an Embassy. The EU Delegation to Somalia seeks to contribute to a more prosperous Somalia where the impact of conflict and instability is reduced and the dividend of a more stable environment will allow the Somali people to benefit from EU investments in state functions and in social and productive sectors.
We are looking for
An assistant to the Head of Cooperation to give support in managing and coordinating the EU Somalia Operations specifically in the follow areas:
Responsibilities
Management
• Support to the development and updating of Operations annual strategic priorities and work-plan,
• Support to the Heads of sections in developing and monitoring their specific sector objectives and work-plans
• Establish and follow up of training and mission plans
Reporting and Briefings
• Preparation of management plans and reports to Headquarters as well as other briefings
• Preparation of financial/ contractual forecasts and other reports Preparing country as well as regional and sectoral briefings
• Establish and update together with Program Managers project fact sheets and other briefings
• Supporting in the development of tools for monitoring financial/ contractual performance
Facilitation of coordination structures and processes including meetings
• Facilitating information flow and exchange in Operations and between Operations and other sections/ structures including preparation and documentation of meetings
• Supporting and Facilitating information flow and exchange in external coordination structures and processes (for example EU
Development Counsellor group or SDRF/ New Deal meetings) co-chaired by the EU including preparation and documentation of meetings
• Preparing, facilitating and documenting any other meeting, workshop or mission when required
Monitoring and Evaluation
• Development of a Monitoring and Evaluation plan, support contracting and follow-up on implementation
• In close cooperation with the program managers support the development and implementation of other cross-cutting projects such as the
TCF
Any other cross-cutting task required by the Head of Cooperation or Head of Delegation
We require
Post-secondary education diploma ideally in Business Administration, Public Administration and/or Development related filed –
(preferably a University degree at Bachelor level) - Eligibility.
At least 5 years’ working experience ideally in the field of Business or Public Administration Management and/or in Development Cooperation - Eligibility.
Working language is English – excellent knowledge is required;
Knowledge of Somali would be an asset;
Excellent oral and written presentation skills; Thorough understanding of Excel and Power Point required;
Ability to work accurately with figures and financial planning;
Understanding of financial information management systems is an advantage
Knowledge of the functioning of EU Development Aid is desirable;
Proven ability to build and maintain positive working relationships with colleagues, national counterparts, donor agencies, other stakeholders and ability to adapt well in a multi-cultural environment;
Ability to identify needs and constraints, to set priorities and translate them into action; Personal initiative and ability to prioritise, monitor and evaluate progress, and to meet deadlines;
Open, flexible personality; team player; willingness to work outside office hours and to travel; A high degree of integrity and the ability to deal with confidential information is required.
The contract is for a limited period until 31/12/2016 based in Nairobi and funded under a Program Estimate.
The position is open to nationals and residents of Kenya with a valid work permit (compulsory).
How to apply
Please send your motivation letter and detailed CV in the EU FORMAT to
Delegation-Somalia-Recruitment@eeas.europa.eu by 27 November 2015, midnight and should have in the subject line "Assistant to Operations Management”.Only Short-listed Candidates will be contacted.The Delegation will not supply additional information or discuss the selection procedure by telephone: please address any queries concerning this procedure to the provided email address.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA NOVEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA "BU-LSHADA SOOMAALIYEED AYAA GO'AAMIN DOONTO AAYAHA DALKA EE SAN-ADKA 2016-Ka" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay halka uu marayo shirarka wada tashi