Xus loogu baroor-diiqayay Wariye Axmed Xasan Cawke oo lagu qabtay Magaalada Nairobi {SAWIRRO}

0
Sunday November 22, 2015 - 20:32:05 in Wararka by
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xus loogu baroor-diiqayay Wariye Axmed Xasan Cawke oo lagu qabtay Magaalada Nairobi {SAWIRRO}

    Xus ay soo Qaban-qaabiyeen Wariyeyaal caan ah oo ay horay u wada shaqeeyeen Idaacaddaha Radio Muqdisho iyo BBC. Alle ha u naxariistee Wariye Marxuum Axmed Xasan Suufi Cawke, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xus ay soo Qaban-qaabiyeen Wariyeyaal caan ah oo ay horay u wada shaqeeyeen Idaacaddaha Radio Muqdisho iyo BBC. Alle ha u naxariistee Wariye Marxuum Axmed Xasan Suufi Cawke, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Ducadan ayaa waxaa ka qeyb galay Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cali Cumar. Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Qaxootiga Qaranka Maxamed Aamiin, Wasiirkii horee arrimaha Gudaha ee Dowladii Kacaanka Maxamed Maxamuud Jaango'an iyo Agaasimihii Maamulkii Lacagta ee Wasaaradii Warfaafinta iyo Dalxiiska ee Dowladii dhexe ee Somalia Cabdullaahi Xaaji Xasan (Bushkin).

Sidoo kale Madaxii hore eeBBC-da qaybteeda Afka-Soomaaliga, Maxamed Cabdullaahi. Siyaasiyada Caasho Axmed Cabdalla, Prof Ibraahim Bursaliid. Culuma'awdiin, Ganacsato iyo Wariyayaal tiro badan, ayaa ka qeyb galay madashaas.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay xuska, ayaa sheegay in Marxuum Cawke uu ahaa qof ku weyn shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna oga tacsiyeeyay Eheladiisa iyo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed geeriyada naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.

Maxamed Maxamuud Jaango'an iyo Cabdullaahi Xaaji Xasan Bushkin oo labadooduba xilal sare ka soo qabtay dowlada kacaanka, ayaa sheegay in howl-wanaagsan uu soo qabtay Marxuumku intii uu noolaa.

Dhanka kale Xuska oo ay qaban-qaabiyeen Wariyayaal ay horay u soo wada shaqeeyeen Marxuum Cawke oo ka ah:-

1. Mohamed Abdullahi (Madixii hore ee Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga)
2. Yaasiin Ciise Wardheere oo horay oga soo shaqeeyay Radio Muqdisho
3. Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan Idaacadda BBC-da qeybta Afka-Soomaaliga
4. Khadiijo Mayoow Abuukar iyo

5. Shukri Mohamed Afrah oo iyaguna horay oga soo shaqeeyay Radio Muqdisho, ayaa dhamaantood waxey ku tilmaameen Marxuumku inuu ahaa Waddani dhab ah oo Soomaalinimadu ay ku weyn tahay.

Xuska, ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray talo soo jeedin ku aadan in Wariyaha loo dhiso Masaajid, Taalo, Iskuul ama Wado lagu magacaabo Ahmed Hassan Cawke si xasuustiisa ay u sii jirto. Iyadoona guddi ka kooban 10, Xubnood oo lagu dhisay Kulankaas loo xilsaaray iney isku soo duwaan waxyaabihii shirkaas ka soo baxay kaddibna ay u gudbiyaan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Kenya, si ay ugu sii gudbiso Dowlada Somalia Baaqa Wariyayaasha.

Ugu dambeyn, Alle ha u naxariistee Wariye Ahmed Hassan Cawke oo ka mid ahaa Wariyayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, ayaa 17-kii bishaan ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee caasimadad dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia. Waxaana 18-kii bishaan lagu aasay Magaaladii uu ku dhashay Tog-wajaale.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip