Madaxweyne Farmaajow Muqdisho muran uma roona

0
Friday June 02, 2017 - 16:38:35 in Maqaallo by
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajow Muqdisho muran uma roona

    Qormadaydan kooban ayaan ugu tala galay tala wadaag furan Madaxweyne Farmaajo taasoo kusaabsan xog'ogaal nimadayda Xaalka Muqdisho in ay madaxdu ila wadaagto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadaydan kooban ayaan ugu tala galay tala wadaag furan Madaxweyne Farmaajo taasoo kusaabsan xog'ogaal nimadayda Xaalka Muqdisho in ay madaxdu ila wadaagto.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 8 Febraayo Caasimadda Muqdisho waxay marti unoqotay Xilkaqaadis fara badan oo hal mar, qaraxyo, dilal joogta ah iyo ugaarsi Ciidamada qaranka oo loogu magac-daray hubka dhigis oo anigu u qaadtay in ay Muqdisho ugaar tahay.

Madaxweyne Muqdisho waa Caasimad adigana si farxadeed ayaa laguugu doortay oo aan xittaa aysan nasiib uhelin Madaxdii kahorreysay, banaanbaxyo farxadeed oo dadi kudhinteen kuna dhaawacmeen ayaa habeenkii arbacaad kadhacay Muqdisho iyadoo hal heesyo badani ay habeenkaa kuu baxeen oo ay kamid ahayd (Ar Farmaajo ii geeya) oo wiil reer Jowhara ku caanbaxay, waxayna ahayd mid cadaynaysa Farxaddda doorashadaada habeenkaa laga wada dareemay gobollada dalka.

Aniga si gaara ayaan Maqaallo saamayn wayn yeeshay sameeyay oo aan Xildhibannada ugu gacan haatinayay Maqaalladii aan aawgaa usameeyay ayaa kamid ahaa(Talo arbaco kudhaaftay khamiis kama gaari doontaan), taasoo guusheeda lahelay.

Nasiib darro Farxaddaa Madaxweyne Reer Muqdisho madareemin waxqabkeeda maqaalkii aan maalimtaa qorayna maanta aragti ahaan waxaan ku badalay (Taladii Arabacdii aad haleesheen Khamiis looma aayin)taasoo sabab ay utahay in ficillada dowladda iyo aragtida maanta aan kaqabo.

Madaxweyne dalku waa Federaal waana dal 27sano ay colaadi dhax taallay dadka Soomaaliyeed Dastuurkiisuna waa qabyo oo lama dhamaystirin,waxaan ahay muwaadin kasoo jeeda Banaadir Federaal ahaana xaq ayaan leeyahay in aan helo matalaad siyaasadeed.

Dowladda aad madaxda utahay Muqdisho waxay ka aaminsantahay in dad doowlad diidya ah in ay kunool yihiin oo Xukuumaddaada ayaaba ajanadaha ugu horreeysa kabilowday hubka xamar halaga dhigo iyadoo loo mari karay siffooyin sharci ah qaanuunka dalkana waafaqsan.

Madaxweyne Muqdisho waa Caasimad waana arin aanan muran kujirin laakin Banaadir 3.5malyan waxay xaq uleeyihiin in ay helaaan matalaad siyaasadeed waana arin ubaahan in aad u ogaalaato xuquuqdooda matalaaad iyo in aan lagu deg degin loona aqoonsan danbiila yaal mas’uuliyiinta xilalka soo qabtay ee kasoo jeeda Xamar iyo saraakiisha darajooyinka leh iyadoo loogu ganbanaayo shaarka doowladeed.

Gunaanaad:

Qormadaydan waa qormo aragti furan kuna wajahan talabixin iyo in aan ilaashano haykalka Dowladnimo.

Mahadsanidiin


Hassan Abdikadir Mudey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip