Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo xalay soo gaaray Muqdisho, si wax looga weydiiyo xiisadda Baledweyne

0
Sunday November 22, 2015 - 11:04:38 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo xalay soo gaaray Muqdisho, si wax looga weydiiyo xiisadda Baledweyne

    Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax, ayaa waxa uu Maqribnimadii Shalay uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, markii uu galabnimadii shalay ka soo amba baxay Magaalada Baledweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax, ayaa waxa uu Maqribnimadii Shalay uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, markii uu galabnimadii shalay ka soo amba baxay Magaalada Baledweyne. Gudoomiyaha, ayaa waxaa u yeeray Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaayo in uu wax ka weydiiyo xiisadda ku korortay Xarunta Gobolka Hiiraan Ee Magaalada Baledweyne.

Xiisadan, ayaa waxay ka dhalatay dil 14-kii bishan Magaaladaasi loogu gaystay Mahdi Xuseen Shiikhaalow, oo ka tirsanaa Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobe (Mine Action).

Afrax

Maleeshiyaad ku heyb ah Sarkaalkaasi, ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ku eedeeyay in uu ka masuul ahaa dilkiisa, iyagoona sheegay in ilaaladiisa gaar ah ay weerareen gaari uu la socday.

Maleeshiyadan, ayaa xiray wadooyinka Magaalada Baledweyne qaarkood, iyagoona dalbaday in sharciga la horkeeno kuwii dilay Sarkaalkan, haddii kalana ay iyagu sharciga marin doonaan.

C/fataax Xasan Afrax, ayaa si xoogan u diiday in Saxaafadda uu kala hadlo eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in Warbaahinta uu ka soo muuqan doono, marka waqtigeeda la gaaro.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo laga ixtiraamo Magaalada Baledweyne, ayaa laba goor ka hortagey in dagaal uu ka dhaco Magaalada, isagoona dadaal badan u galay, sidii uu u kala dhexgeli lahaa dhinacyadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip