Dhallinyarooy Siyaasi kasta ha Aaminina. NASASHADA JIMCAHA.Q-46aad.

0
Friday June 02, 2017 - 16:17:35 in Maqaallo by
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyarooy Siyaasi kasta ha Aaminina. NASASHADA JIMCAHA.Q-46aad.

    1- Nabaddoon ayaa waxa uu ku yiri: wiil ka mid ah dhalinyarada tolkiisa: Maxaad uga qeyb gali weeyday Dagaalkii maanta ?. wiilkii ayaa ku jawaabay : Markaan dhinto ayeey heshiinayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Nabaddoon ayaa waxa uu ku yiri: wiil ka mid ah dhalinyarada tolkiisa: Maxaad uga qeyb gali weeyday Dagaalkii maanta ?. wiilkii ayaa ku jawaabay : Markaan dhinto ayeey heshiinayaan.




(Dhalinyarooy siyaasi kasta ha aaminina , sokorta iyo cusbaduba waa isku midab,waana kala dhadhan. Dhalinyarooy beryahan mediaha caalamku waxay wax u tabiyan sidan (Abeeso geesiyad ah ayaa soo badbaadisay, kaluun aan dabaal aqoon oo biyaha ku haftay. Fiiri Sawirka 1-aad .dhalinyarooy hubsada kuwa aad la kala safantihiin ee aad u kala jadbeeysantihiin,marka aad dhimatiin ama laydin isticmaalo ayeey heshiinayaan, dan dad kale ha isku nicina, dhalin yarooy wax hubsada).
2- Nin ayaa saaxiibkii oo maqaayada ay ka soo wada casheeyeen, ayaa waxa uu ku dhintay shil Gaari maqaayada horteeda. Saxiibkii ayaa isaga oo maydkii dul taagan yiri: ha dhinta ma xumee, inta Muufo ee uu caawa nagala dhintay 12 xabbo ayuu isku jajabiyay ,kharajkuna waxa uu ahaay jeebkeeyga.
( Xildhibaan Aqalka sare ayaa tii ALLA u timid . ganacsada tolkaa oo maal galiyay ayaa ku calaacalay : hantideeydii waa iga khasaartay iyada oo aan weli mooshin la keenin ayuu iga dhintay, tolkuna nin kale ayeey soo wadaan in lagu bedelo).
3- Nin indhool ahaa ayaa maalin indhuhu u furmeen, waxa uu arkay Bakeeyle, amar ALLAAH isla markii ayaa aragii ka tagay. Waxa uu maqlay dadkii oo leh, tuulada Maroodi ayaa soo galay, waxa uu yiri: Bakeeyle siduu ka yahay, waxaa la yiri: qolkaaga jiifka Dooli ayaa ku jira. Wuxuu yiri: Bakeeyle siduu ka yahay. Noole kasta oo loo sheego waxa uu cabir uga dhigtay Bakeeyle ileeyn abidkii xayawaan kale ma arage.
( Kii oo aan weligii xafiis dowlo ka shaqeeyn ayaa loo magacaabay Agaasime guud, usbuuc kadibna waa laga qaaday. Tolkii ayaa u dacwooday in xil kale loo dhiibo, waxaa lagu yiri :waxaan kuu soo helnay Wasiiru dowlo, waxa uu yiri: siduu ka yahay A/Guud, waxaa lagu yiri: waxaan kuu soo henay Safiir,. Wuxuu yiri: siduu ka yahay A/Guud. Waxaa lagu yiri: waxaan kuu soo helnay Gudoomiye ku xigeen degmo wuxuu yiri: siduu ka yahay A/Guud, waxaa lagu yiri: Janaraalkii iyo xildhibaankii beesha ee geeriyooday keen kugu bedelnaa? Wuxuu yiri: A/ Guud sideey ka yihiin!!!!!!. waxaa ila haboon in jaranjarada xilka tartiib loo saaro dadka. Kaba darane qofkii yiraa magaacaabida Ex.A/Guud waa qaldantahay waa la bacaarihaa Fiiri: Sawirka 2aad).
4-Hooyo ayaa u soo gashay wiilkeeda yar oo salaad tukanaya habeenkii inta uusan seexan ka hor, waxayna ku tiri maasha allah!! Hooyo salaatu layal miyaad tukanaysaa? Wuxuu yiri: maya salaaddii subax ayaan hadda iska sii bixinayaa, si aadan saqda dhexe ii kicinin!!!
( Maxaa ka khaldan wiilka? Waxba, waa wiil aad u yar , sida ugu fudud ayuu xal u arkay,waxa kaliya ee uu u baahan yahay waa in si sax ah wax loogu sheego, intii lagu qosli lahaa ama la canaana lahaa. Fiiri sawirka 3aad. Ogoow dad waaweeyn oo wax u sheeg u bahana waa jiraan, waase hadeey wax kaa maqlayaan)
5- Tahriibayaal Turkiga ka gudbay ayaa lagu qabtay xuduuda yurubta Barri .waxa la weeydiiyay wadankeed u dhalateen?. Mid ayaa yiri: waxaan ahay Kurdi Ciraaqi ah, Mid kale ayaa yiri: anna waxaan ahay Kurdi Turki ah , midkii saddaxaad ayaa isna yiri: waxaan ahay Kurdi Suuriyaan ah .waxaa lagu yiri: sadaxdiinuba iska gudba . mid Somali ah oo la socday kurdiyiinta ayaa la yiri: adiguna wadankeed u dhalatay ? wuxuu yiri : waxaan ahay Kurdi Somali. Dib ayaa loo soo celiyay.
( Ha ku qoslin sida isticmaarku u qaybiyay kurdiyiinta, adiguba waxaad tahay, Somali itobiya, Somali Kenya, Somali farnsa, Somali ingriis iyo Somali talyaani. markii isticmaarkii 5 kuu qaybiyay , intii aad dib isku urursan leheed ayaad adiguna 50 isku sii qaybisay) fiiri sawirka 4aad.
6-Raiisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri, ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Bill Clinton. Madaama uusan luqada Ingiriiska ku fiicneyn Raisul Wasaaruhu, ayaa waxa tarjumaanaadiisa u sheegay in uu hadalka ku bilaabo "How are you?” oo la macno ah”Sidee tahay?”, Clintona uu ku jawabi doona”I am Fine” oo ah waan fiicanahay, kadibna wuxuu raacin doonaa " And You?” oo ah idiguna?”. adna waxaad ku jawaabtaa "Me too” oo ah "Aniguna sidoo kale”.
Tarjumaankii ayaa yiri: Inta wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona. Markii ay kulmeen Ra’isul Wasaarahii iyo Bill Clinton oo ay markaa la socotay xaaskiisa Mrs.Hillary Clinton ayaa waxaa uu Ra’ isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri "Who are you?” oo macnaheedu uu yahay "Kumaad tahay” balse uu ula jeeday”How are you?” Clinton oo yaaban dhinacyadana fiir fiirinaya xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay "I am Hillary’s husband” oo ah "waxaan ahay odaygii Hillary (Xaaskiisa)” wuxuuse u raaciyey "And you?”, Ra’isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay "Me too” oo la micno ahayd "anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Mr. Clinton oo u fahmay in uu raisul wasaraha leeyahay” anigana waxaan ahay odagyii Hellary”. Fiiri sawirka 5aad.
( Beryahan carab aadideenu waa badatay ee af carabiga haleeyska hubiyo,oo yaan boqorada laga xanaajin).


Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip