Ciidamada Kenya oo Qarax xuduuda lagula eegtay

0
Sunday November 22, 2015 - 11:00:18 in Wararka by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo Qarax xuduuda lagula eegtay

    Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax la sheegay in ciidamada lagu weeraray, sida maamulka waqooyi bari ay sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax la sheegay in ciidamada lagu weeraray, sida maamulka waqooyi bari ay sheegeen.
Maxamuud Saalax oo ah Guddoomiyaha Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay dhanka xuduuda, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa waxyaabaha qarxa oo lagu aasay geed weyn oo ku yaala dhanka xuduuda xilli habeen ah, islamarkaana lala eegtay ciidamada dowlada Kenya.

 

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in araxa ay ka dambeeyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo sheegay saraakiisha Kenya in qaraxa lagu soo beegay dhismaha darbiga Kenya ay qorsheyneyso iney ka dhisto dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

 

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in qaraxaasi uu ku dhintay askari kamid ah ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen askar kale oo ciidamada Kenya ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip