
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA MAY 2017-KA
Qaar ka mid ah dadkii banaan baxa ka dhigay afa afka hore ee Safaaradda Imaaraadka oo la had lay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka cabanayaan in illaa iyo hadda aysan helin lacagtii ay Imaara adka u gu dhiseen xarumahan. Dadka ay safaaradda kala maqan tahay xoolahooda waxa ay iskugu jiraan ga nacsato iibisa qalabka dhismaha iyo muruqmaalkii dhisay dhismaha ay safaaradda ku jirto.
Mid ka mid ah muruq maalkii ka qeyb qaatay dhi smaha safaarada oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed ayaa sheegay inuu wax ka dhisay dhis maha Safaaradda Imaaraadka, isla markaana laca gtii uu xooggiisa ku shaqeystay loo diiday, albaab adana laga xirtay.
"Imaaraadka ayaa u shaqeynayay, waxaa ka qe yb qaatay dhismaha isbitaalka Sheekh Zaid iyo sa faaradda, lacag ayaa iga maqan oo 15 maalmood ah, dhowr jeer ayaa u soo noqnoqday, illaa iyo ha dda cid i siisay ma jirto”ayuu yiri ninkan oo magaci isa ku soo gaabiyay Maxamed oo sheegay in loo heysto lacago deyn ahaa oo dukaan uu raashin ka qaatay ah. Sidoo kale Ganacsatada shirkadaha dhismaha ayaa iyana ka cabanaya in aan wali la siin lacago ay ku lahaayeen Imaaraadka Carabta oo ahaa qalabkii dhismaha.
"Waxaan ka cabanaynaa maanta oo meeshaan na keenay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn xo olaheenii oo naga maqan waxaan nahnay shaqa ale, waxaa naga maqan xoolo, xoolahaas oo ka ko oban bir, alwaax, shamiito iyo bulokeeti”ayuu yiri mid ka mid ah Ganacsatada qalabka dhismaha ee Muqdisho. Avv. Axmed Ibraahim oo ka mid ah qar reenada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkan isugu jira muruqmaalka iyo ganac satada ay ka cabanayaan Imaaraadka, isla mar kaa na loo diiday xuquuqdooda, waxaa uu xusay in wax kasta oo dhanka sharciga ku saabsna uu ku taage erayo dadkan, sidii ay xuquuqdooda u heli lahaay een.
Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa wali ka ha dal arrintan iyo cabashada ka timid muruq maal ka iyo ganacsatada qalabka dhismaha, waxaana dad kii isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta safaar adda kala eryay ciidamadii ilaalinaya safaaradda.
AMISOM OO QORSHEYNEYSA HOWLGAL KA DHAN AH SHABAAB
Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Cusmaan Nuur Subagle oo gaaray Magaalada Baydhabo ee xa runta G/Baay ayaa waxa uu ka hadlay ujeedka halk aasi uu u tagay. Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidanka AMISOM ee Saktarka 3aad. Waxa uu sheegay AMISOM inay kala hadleen si dii bishan Ramadaan loo qaadi lahaa guluf colaa de ed oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee ku sug an De gaanada K/Galbeed. Sidoo kale waxa uu shee gay saraakiisha 2da dhinac inuu kala hadl ay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsi iyo gar gaar..
SHARIIF XASAN:"ALSHABAAB AYAA KA DARAN ABAARTA XILIGAAN JIRTA”
Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sh. aadan ayaa sheegay in Soomal iya ay dhibaato badan ay ka jirta, islamarkaana dhi baatada ugu badan ay shacabka kala kulmeen dagaalyahanada Xarakada Alshaabab. Madaxweyne Shariif Xasan ayaa tilmaamay in burburkii dalka ka dhacay kadib abaaro ay Soomaliya ku dhufteen ba lse sanadkaan ay shacabka Soomaliyeed isu gu da rsameen abaar iyo dhibaatada Xarakada Alshab aab waa siduu hadalka u dhigee.
"Alshabaab anaga runtii dhibaato ayeey noo geysteen, abaar waa dhici jirtay , laakiin dhibaatada ugu weyn waa mida ay iyaga noo geysteen,afartii sano ee lasoo dhaafay maamul goboleedyo ayaa la dhisayey , waxaan rajeynaya afarta so socota in cii damo la dhiso oo dalka dhibaato ka saara, dib u he shiisiinta waa muhim waana in laga shaqeeyo, Mad axweynaah Soomaaliya waxaan ka codsaneyna dib u heshiisinta laga shaqeeyo madaxweyne , maxa la xaliyey maxaase harsan? Sidoo kale Madaxweyna ha M/K/Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sh. Aad an ayaa ugu baaqay M/Goboleedyadaasi dalka ka jira xiliga an inaysan waqti badan luminin islamarka ana ay ka shaqeeyaan sidii dalka soomaliya horma r loo gaar siin lahaa.
FAAHFAAHIN:DIYAARADD KU BURBURTAY GAROONKA MUQDISHO
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee M/uqd isho Waxaa shalay ku burburtay diyaarad ay lahe yd shirkadda Bancroft ee qaabilsan howlaha la tal inta Amniga iyo tababarada Ciidamada AMISOM.
Diyaaradda ayaa la sheegay in lugahii ay ku de gan laheed ay u bixi wayeen, islamarkaana taasi ay keentay in ay burburto. 4 qof oo diyaarada saar naa oo Saraakiil ah ayaa ka booday diyaarada, ka dib markii diyaarada ay sameysay degitaan halis, Saraakiil ka Tirsan Garoonka Diyaaradaha Aad an Cadde ee Magaalada Muqdisho
Saraakiil ka tirsan Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegay in diyaarada ay markii hore soo gudbisay farriin deg deg ah, ka dib markii ay lu gaha u bixi waayeen, islamarkaana shidaalka uu gabaabsi ka ahaa. Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMI SOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga, iyadoo shirkaddan ay leedahay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee ka qeyb qaata howlaha sugida amniga garoonka diyaarad aha Muqdisho iyo Xerada Xalane.
XEEBAHA M/ BERBERA OO LAGU ARKAY FUUSTOOYIN AY SUN KU JIRTO
Warark aan ka heleyno Magalo XeebedkA Bar bara ayaa waxa ay sheegyan in Xeebaha Magaala daas lagu arkay Fuustooyin ay ku jiraan Sun faraba dan taas oo Ba dda ay soo tuftay. Fuustooyinkaan oo a an la ogeyn halka ay ka keentay Badda ayaa wax aa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan Sunta NUC LEARKA,sida ay sheegayaan dad Goob jooga yaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska So maal iland ayaa hada Goobta ku sugan kuwaas oo baar aya waxa ay tahay Suntaan.
MID KA MID AH ERGADII SOO DOORTAY XILDHIBAANA DA OO LA DILAY IYO ISKA HORIMAAD KA DHACAY MUQDISHO
Waxaa Kooxo hubeysan ay M/Muqdisho ku too gteen mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay M/Kismaayo ee G/Jubada Hoose.
Marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Mad axeey ayaa dilkiisa waxuu ka dhacay Beerta Kha ad gaar ahaan dhanka Degmada Wadajir, sida goobjo oge uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee M/M uqdisho. Dhinaca kale, iska horimaad khasaaro geys tay ayaa xalay nawaaxiga Beerta Khaadka wax uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan DFS.
Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay sida la she egay in Ciidamada u xilsaaran xasilinta amaanka Caasimada Soomaaliya iyo kuwa militari ah. Goob jooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in iska horimaadkaasi ay ku dhaawacme en ugu yaraan 3 Ruux oo shacab ah.
Dhaawaca Dadkaasi ayaa loo qaaday isbitaal si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo dabiibo.
Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraaki isha amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aa dan iska horimaadkaasi. Si kastaba, Ciidamada am aanka ayaa muddooyinkii dambe waday howlg allohub ka dhigis ah maadaama loo xilsaaray xaqiijinta ammaanka M/Muqdisho.
MADAXWEYNAHA JUBBALAD OO KU LAABTAY KISMAAYO
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta G/ Jubbada Hoose,Garoonka Diyaarada ha ee M/Ki smaayo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xig eenka 1aad ee Jub baland Maxamuud Sayid Aadan, xubnaha 2da Gole ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Axmed Madoobe oo warbaahinta kula halday Hoolka nasashada Garoonka Diyaarada ha ayaa ka hadlay safarka uu ku tagay Cadaado, wuxuuna she egay Caleemo saarkii Mad axweyne Xaaf in uu ah aa mid si heersaro loo soo agaasimay.
Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay kulan Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmaray M/Cadado, kaasi oo ay kaga hadleen xaalada M/Gaalkacyo. Md.Axmed Madoobe Md.Maamulka Jubbaland ayaa dorraad M/ Cadaado waxa uu uga qeyb galay xafalada caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
MADAXWEYNAYAASHA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO KU HESHIIYAY INAY KA SHAQEYAAN NABADA GAALKACYO
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/ wali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay heshiis dhowr qodob ka kooban ku gaaray M/ Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug. 2da Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeyna ya nabadgalyada M/ Gaalkacyo. Sidoo kale waxay isla garteen inay 2dooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaa ga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noo laan lahaayeen.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay aa goob joog ka ahaa heshiiska 2da dhinac wada gaareen, waxaana ay si wa dajir ah ay socod ku soo mareen bartamaha Cadaado.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland C/ wali Gaas iyo Ax med Madoobe ayaa habeen hore ku hoyday Cadaado, ka dib markii ay ka qeyb gale en munaasa badii caleema saarka Madaxweyne Xaaf.
URURKA UBAX FAUDATION OO GARGAAR RAASHIN AH U QEYBIYAY QOYSAS CURYAAMIIN & INDHOLAYAL AH.
Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Fau dation ayaa waxaa uu M/Muqdisho ka qeeybiyay Raashin gargaar ah kaas oo uu ururku Gaarsiiayay Qoysas badaan oo iskugu jiray Curyaamiin,In dhoolayaal iyo kuwo lixaadkoodu uu kala dhantaa lan yahay kuwaasi oo ku nool Degmooyinka G/Ban aadir Qaarkood.
Raashinkaan oo ahaa mid Gargaar ah ayaa wa xaa uu ahaa mid iskugu jiray Qeybaha kalka duwan ee raashinka Fudud, waxaana kuu ka koobnaa Sonkar, Saliid, Timir, Caano iyo ,baasto, ku wa asi oo uu ururku ugu talagalay in uu ku afunriyo Bisha Barakeydsaan ee barakadda iyo kheryka badan oo Ramadaanka.
Ururka ubax foudsation oo Fadhigiisu yahay Ma gaalada 2aad ee dalka Sweden ayaa waxaa ku ba hoobay Gabdho Soomaaliyeed ee halkaasi ku ah ja aliyadda Soomaaliyeed iyadoo ururkuna uu yahay mid loogu talagalay in loogu adeego bulshadda So omaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha iyo dag aaladda iyo weliba jiilaalka dabadheeraaday ee ha atan ka jira Goboladda dalaka soomaal iya Qaark od ama guud ahaanba.
Raashinkaan gargaarka ee uu ubax Faudat ion uu gaarsiiyay Qoysaskaan aad iyo ad u tabaal eysan ayaa waxaa ay ahaayeen lkuwo ay noolosha ku adag tahay had iyo jeerna u baahan kaalmo bin iaadnimo madama ay yihiin dad naafo ah oo aanan awloldin in ay xoogoodda isticmaaalaan Xoo good da. Raashinkaan Gargaarka ah ee Qoysaskaan la gaarsiiyay ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay he rgelintiisa wakiilka ururkaasi Uaxab ee M/ Muqdi sho iyadoo loogu soo hagaajiyay lacag dhan US 500 00 taas oo loogu iibiyay Raashin kala du wan loona Gaarsiiyay qaabkii loogu talagalay, iyadoo Qoyskasta uu helay Shan Qeeyb oo raashinkaasi ka mid ah, sida Sonkor, saliid, Timir,caano iyo Baa sto.
Qoysaskaan ayaa markii la soo gabagabeeyay raashinkaasi qeeybintiisa ay si weeyn uga mahad celiyeen ugana mahadceliyeen ururka samafaalka iyo gargaarka ee ubax faudation kaalinta mugga leh ee uu ka qaato had iyo jeer u gargaaridda bul shadda soomaliyeed waxayna codsi u jeediyeen ur uradda kalae ee iyagu ku halanarimaha nuucaan ah balse aanan weli wax soo gaarsiinin iyagoo cod saday in lala soo gaaro gargaar deg deg ah oo ay sheegeen in ay siweeyn baahi ugu qabaan.
BANGIGA ADDUUNKA OO LACAG BADAN KU BIXINAYA ABAARAHA KA JIRA SOOMAALIYA
Guddiga Agaasimayaasha Fulinta Baanka Adduunka ayaa ansixiyay 50 million oo dollar oo loo gu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya .
Waxaa ay sheegeen in lacagtaasi dhawaan ay si deg deg ah usoo gaari doonto Soomaaliya, is lamarkaana lagu caawin doono dadkii ay Saameysay Abaartii aadka u darneyd ee ku dhufatay Soo maaliya.
Baanka Adduunka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ka badan 6.7 Million oo qof oo Soo maali ah in ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.
Gurmadka uu Baanka Adduunka u fidinaayo Soomaaliya ayaa waxaa taageeraya dhowr hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Lacagtaasi ayaa Mas’uuliyiinta Baanka Adduunka waxa ay ku sheegeen in ay tahay in ay dib usoo kabtaan dadkii ay Abaartu Waxyeeladda daran u geysatay.
Qeybo badan oo ka mid ah dalalka Aduunka ayaa waxaa ku dhufatay Sanadkaan Abaar saam eysan dadka iyo duunyadda.
BANGIGA ADDUUNKA OO LACAG BADAN KU BIXINAYA ABAARAHA KA JIRA SOOMAALIYA
Guddiga Agaasimayaasha Fulinta Baanka Adduunka ayaa ansixiyay 50 million oo dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya .
Waxaa ay sheegeen in lacagtaasi dhawaan ay si deg deg ah usoo gaari doonto Soomaaliya, islamarkaana lagu caawin doono dadkii ay Saameysay Abaartii aadka u darneyd ee ku dhufatay Soo maaliya. Baanka Adduunka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ka badan 6.7 Million oo qof oo Soomaali ah in ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.
Gurmadka uu Baanka Adduunka u fidinaayo Soomaaliya ayaa waxaa taageeraya dhowr hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Lacagtaasi ayaa Mas’uuliyiinta Baanka Adduunka waxa ay ku sheegeen in ay tahay in ay dib u soo kabtaan dadkii ay Abaartu Waxyeeladda daran u geysatay.
Qeybo badan oo ka mid ah dalalka Aduunka ayaa waxaa ku dhufatay Sanadkaan Abaar saam eysan dadka iyo duunyadda.
SOMALILAND OO KA HADASHAY WAREEJINTA MAAMULKA HAWADDA SOOMAALIYA
Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo ku aadana in dowladda Soomaaliya lagu wareejinaayo maamulka Hawada.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada maamulka Somaliland Farxaan Aadan heybe ayaa she egay in Somaliland marnaba aysan aqbali doonin in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya inta ay Soomaalidu ay dirirsan tahay.
Wasiirka ayaa sheegay hadii ay dhacdo in hawadda lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya in Somaliland ay ka dagaalami doonto ,islamarkaana qalqal Amni uu soo gaari doono Geeska Afrika.
Farxaan Aadan heybe ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay xiriir la sameeyay Mas’uuliyiin ta Hawada u qaabilsan Adduunka , islamarkaana ay u caddeeyeen Somaliland in aysan dhicin doon in in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo hawadeeda.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay waday dadaallo kala du wan oo ay ku doonayaan in maamulka hawadda Soomaaliya gacanta lasoo galiyo , maadaama Xilligii burburka ay la wareegeen Hay’ado iyo sidoo kale dowladdo Shisheeye.
MARAYKANKA OO TIJAABIYEY GANTAAL NOOCA SAWAARIIKHDA KA HOR TAGA AH
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta gantaal hawada ku qaban kara gantaalaha qaaradaha iskaga gudba ee ay dhici karto in Maraykanka lala soo beegsado.
Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Woqooyi.
Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga ganay saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacificga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiirad aha Marshalls.
Milatariga ayaa tijaabadan ay sameeyeen ku tilmaamay tallaabo wayn oo hore loo qaaday.
Todobaadkan horraantiisii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay samaysay tijaabadii sagaalaad ee gantaa laha nooca ridada dheer ah sannadkan gudihiisa.
DUKAAMO AY LEEYIHIIN GANACSATO SOOMALIYEED OO LAGU BOOBAY KOONFUR AFRIKA
In Ka Badan 10 Dukaaan Oo Ay Lee yihiin Gan acsato Somaali ah ayaa Lagu Boobay Deegaanka KwaMashu Ee Duleedka M/ durban, Xaalada ayaa ah mid kacsan goobjooge La Hadlay warbaahinta Ayaa Sheegay In Ay Jiraan Cabsi Xoogan oo ay qabaan Somaalida,
Dadka Deegaanka Oo Bananbaxyadaan Dhi gayay Ayaa Ka Careeysan 4Caruur Ah Oo Nolasha Lagu Wayay Dadka Banaanbaxayada, dhigaya Oo Aad U carerysan Ayaa ku Qeeylinaya In ajaanibta Degaanka Ganacsiga ku leh ay ka Danbeeyeen 4 caruur ah oo la waayay, shalay subax iyagoo kusii jeeday Iskuulka waxaana banaanbaxayashi leeyi hiin Caruurteena Maqan Ajaanibta ayaa afduubtay
Mudooyinkaan Danbe Waxa Magaalooyinka Dalka SouthAfrica Kusoo Badanaya Afduubashada Caru urta Da’yarta.
MADAXWEYNE OO NOLOSHA GURIGIISA DHAQAALAHA KU BAXAAYO HOOS U DHIGAY SI UU ULA DAGAALAMO.MUSUQ MÀASUQA
Isagoo 33 jir ah ayu afgembi kula wareegay tal ada dalkiisa wuxuna hamigiisu ahaa inu dalka ka tir itiro musuqmaasuqa iyo faragalinta shisheeye,si uu qorshihiisa u fuliyo wuxu mushaharkiisa hoos ugu dhigay $450 bishii wuuxuna kuso koobay alaabta uu leeyahay 1 gaadhi, 4 mooto iyo hal firinjeer oo kaliya,wuxuna ka dalbaday inay shaqaalaha dawla du xirtaan dharka laga sameyo cudbiga dalka ka baxa oo ay sameyaan farsamo yaqaanada Burukinafa so si uu u dhiirigaliya wax so saarka dalka,mar waxa laga weydiiyay sababta uu u diiday inay dadku sawirkiisa gidaarada sudhaan wuxu ku jawaab ay waxaa jira 7 million oo sankara.
Madaxweynnihii dalka burkinafaso Thomas Sa nkara wuxuu diid ay inu dalalka reer galbeedka ka qaato deeqaha raashinka ah ee ay siin jireen dalal ka afrikaanka ah isago aaminsanaa qaacidada odhanaysa " ruuxa cunto ku siiya ayaa kuu taliya” sidaa daraadeed wuxu shacabkiisa ku dhiirigaliyay inay tabcadaan beeraha soona saartaan cuntadooda in tii ay gacanta u hoorsan lahaayeen ree galbeed de eqdiisa ku raadinaya inay qaataan khayraadkaaga, wuxuuna isla sanadkaas waxsoo saarka qamadigu kor u kacay 17003800 halkii hektar isago dakiisa ka dhigay mid cuno ahaan isku fil an, wuxu si codk arnimo leh uga hadlay shirarka afrikaanka isago dhaliilayay gumaysiga wejiga cus ub kuso galaya Afrika iyaga oo huwan shaadhadh ganacsi, dhaq aale iwm wuxuna ku dhiirigaliyay in ay dalalka afrik anku iska diiidaan inay bixiyaan deymaha reer gal beedka isago ku andacoonaya in saboolka iyo ruuxa khayraadkiisa la boobayaba aysan waajib ku ahayn inay iska bixiyaan deymaha la gu leeyahay. Wuxu dib u iibiyay gawaarida ay madaxda dawladu ku socdaan ee ahaa nooca loo yaq aan marcedes wuxuna ku badala Renault 5 oo qiimo ahaan aad u jabnaa wuxuna ka dhigay gaariga rasmiga ah ee ay wasiiradu ku socdaan. Wuxu sido kale mamnuucay inay madaxdu isticmaalaan tick etka VIP da (1st clas sairline ticket) wuxuuna dhulkii dib ugu qaybi yay beeralaydii dalkaas. sankara waxaa 1987 dii la gu dilay shirqool ay far ansiisku u adeegsaden gac an yarayaal gumeysiga u adeega. Isago ku dhawa aqa ya "haddii aad di shaan dadka kacaanka ah wa xaa adag sida aad ku d ishaan afkaartoda” #Dulu cda : waxaan kula talina yaa in madaxweynaha iyo ra’isul wasaraha Somal iya oo ah laba nin oo qiimo ba dan,musuq maasuq ana ka fog ay aad isku ilaa liyaan ayna ogaadaan in sirdoonada dalalka danta ka leh Somaliya ay mar kasta ku dhiiran karan inay khaarijiyaan madax da aysan siyaasadooda la dhic in sida wadanini Xigasho baraha bulshada
AGAASIMAHA WARFAAFINTA AQALKA CAD EE MAREYKANKA OO ISCASILAY
Agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad ee Mareyk anka, Mike Dubke, ayaa xilkaasi iska casilay sad dex bilood ka dib markii jagadaasi loo dhiibay. Mike Dubke oo ah khabiir xisbiga Jamhuuriga u qaa bilsa naan jiray dhanka qorsheynta ayaa saddex bilood ka hor xilkaasi loo magacaabay si uu u bo orka uga jafo qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad.
Xoghayaha qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa lagu soo waramayaa in uu xilk aasi sii qabanayo balse la yareyn doono shirarka jaraa’id ee lagu qabto madaxtooyada. Arrintan ayaa ku soo beegmayso xilli ay soo baxayaan warar she egaya in jahawareer xoggan uu ka dhex jiro koo xda Aqalka Cad u qaabilsan warfaafinta.
Dubke ayaa istiqaaladiisa soo gudbiyay 18kii bi shan balse waxaa laga codsaday in uu xilka sii ha yo tan iyo inta madaxweyne Trump uu ka soo afj arayo booqashadii uu ku marayay Bariga Dhexe iyo Yurub.
MADAXDA DOORASHADA INGIRIISKA KU LOOLAMAYSA OO SHACABKA TVGA KALA HADLAY
Theresa May iyo Jeremy Corbyn oo dood loo qabtay 2da musharax ee ka u tartamaya 2da xisbi ee dalka Britain ugu waawayn ayaa si gooni gooni ah hadal toos looga tabinayey ugu jeediyey shac abka dalkooda sagaal maalmood uun ka hor maalin ta ay dhici doonto doorashada guud ee la soo qadi may.
Ra’isal wasaare Theresa May iyo Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ay loolamayaan ayaa waxay dadka kala hadlayeen madal ay si wada jir ah u soo agaasimeen labada telefishan ee Sky News iyo Channel 4, iyadoo ay goobtana joogeen dad lagu soo marti qaaday mad ashu. May ayaa lagu cambaareeyey sida deg de ga ah ee xisbigeedu u bilaabay dib u eegista qor she loogu talo galay in wax lagaga qabto dary eelka dadka da’da ah ee dalka Ingiriiska ku no ol.Corbyn qudhiisa ayaa isna su’aalo adag la soo hor dhigay waxaana wax laga waydiiyey xidhiidho hore oo la sheegay inuu la lahaa kooxo maleeshiyaad ah oo ay ka mid ahaayeen IRA iyo kuwo ka jiray Bar iga Dhexe.
SWEDEN OO SHACABKEEDA UGU DIGTAY TALEEFANN ADA WATA FURAHA SOMALIYA
War kasoo baxay Booliska Dalka Sweden ayaa waxaa loogu digay dadka dalkaas ku nool in ay ka jawaabaan ama ay qabtaan Taleefannada dibadda dalkaasi ah ee wata furaha 252 ka dib markii la sheegay in taleefannadaas lagu dhaco lacagaha ku jira taleefoonada ay dadka wataan. 26kii iyo 27kii bishaan May ayey Booliska dalka Sweden ay sheege en in Taleefannada dibadda ah ee wata furaha 252 lagu dhacay dadbadan,kuwo kalena lagu bartilma ameedsaday, islamarkaana dadka badan oo dal kaas u dhashay ay dacwado ay u gudbiyeen laama ha amaanka dalkaas.
Sidoo kale Booliska dalka Sweden ayaa sheeg ay in Taleefoonada wata fura 252 in dadka dalkaas laga Waco saqda dhexe ee Habeenkii marka ay dib ugu celiyaanna uu ka jawaabo Mishiin iyo music isla socda kaddibna ay ku socoto xawaare dheer eeya oo lacag jarasho ah, dad badana ay arintaas ku dhacday dhowrkii maalin aynu soo dhafnay.
Telia waxa ay kamid tahay Shirkadaha Taleef annada dalka Sweden,waxayna Macaamiisheeda ugu digtay in ay dib ugu celiyaan Taleefannada aan la qoon ee dibadda ka soo gala islamarkaana wata furaha 252,oo ay sheegtay in dadka lagu dha co. Dadka ku nool dalka Sweden ayaa dhorkii san no aynu soo dhaafnay aad u isticmalayay Appka lagu magacaabo True Caller ee lagu shubto Talee fannada,kaas oo ah Application,muddo kooban ka warbixinaya Numbarka ku soo wacay,cidda wadata iyo halka uu joogo.
Lindsey LaMont oo ka tirsan Shirka Truecaller ayaa warbaahinta gudaha dalka Sweden u sheeg ay inay heleen wicintaano badan oo cabasho ah, wuxuuna intaas ku daray in in kabadan 10,00 Farrii mo iyo wicitaanno aan saxneyn maalinle loo samee yo.kuwaas oo farriinta dib ii soowac ku reebaya Taleefanka kaddibna marka aad wacdo ay adkaato in aad ka laabato
TURKIGA OO BILAABI DOONA DIB U DHISKA XARUNTA GOLAHA SHACABKA
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabi doonto dib u dhiska xarunta Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya ee M/Muqdisho, oo xilig ana uu ka muuqdo burbur aad u xooggan.
Talaabadaan ayaa ka dambeysay ka dib Kulan dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka FS Md.C/weli Sh.Ibraahin Muudey iyo Mahad Ca bdalla Cawad waxaana kulanka lagu iclaamiyay in dhawaan la bilabi doono dib u dhiska Xarunta gol aha shacabka.
Dhismaha Baarlamaanka waxaa hore u balanqa aday wasiirkiii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Devatoglu sanadkii 2012, xilli uu khudbad ka jeediyay XBFS,isagoo sheegay in dhismaha imi nka guud ahaan la burburinayo lagu badalaayo dhsimaha cusub.
RAMADAANKU WAA FURSADA
CUMRIGA
(DERSIGA AFARAAD)
Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo waxaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay maantana ka mid ah ahlu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, a ma waxaa jira kuwo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoodin in ay Soomaan, sidaa darteed mar kaana waa inuu u istaagaa ka faa’iideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bishan Rama daan, hadii kale waxaa hubaal ah ruuxuu aan ka faaiideysan in uu maalinta Qiyaame ka shalaayi do ono fursadihii uu dayacay maalintaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin
أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَى علَى مَا فَرَّطتُ فِي جَنبِ اللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ السَّاخِرِينَ
أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ اللَّهَ هَدَانِي لَكُنتُ مِنَ الْمُتَّقِينَ أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى الْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِي كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ
Oo Macanaheedu yahay:
Ama odhan nafu shalytideydii waxaan ku gaboodfalay cidbaada Allah, waxaana ka mid ahaa kuwa jees jeesa.
(Aayada 56: Zumar)
Ama ayan odhan haddii Alle ihanuuniyo waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhoowrsan.
(Aayada 57: Zumar)
Waxaa uu yiri nin Gabya asagoo tilmaamaya sida bilaha qeyrkooda u dhaamado si dhaqsa ah ayadoo dadka badankiis aysan ka faaiideysan:waa tagay Rajab adigoon waxba wanaag ah sameyn in, midkaan waqtigiisa dayacayoow jahli dartiis, mardambaad macaanada aduunka weyn doontaa, ee ka gaar wixii gafa ah intaad awoodo, si aad nabad uga hesho Jaxiimo, waxaa yimid shacbaan…… ……dadka dambiyada waa weyn la yimaad waxaa u wanaagsan in ay ka gaaraan…مضى رجبٌ، وما أحسنتَ فيه *** فيا من ضيَّع الأوقاتِ جهلاً فسوف تفارقُ اللذاتِ قهرًا *** تداركْ ما استطعت من الخطايا
على طلبِ السلامِ من الجحيمِ *** وهذا شهرُ شعبانَ المبارَكْ بحرمتها، أفِق، واحذر بَوارَكْ *** ويخلي الموتُ كَرهًا منك دارَكْ
بتوبةِ مخلصٍ، واجعل مدارَكْ *** فخير ذوي الجرائم من تدارَكْ Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin.
” من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين ” [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ]
oo macnihiisu yahay:
"Qofkii Ramadaan soo gaara oo aan loo danbi dhaafin saasna naarta ku galaa Alle ha ku fogeeyo, dheh Aamiin, waxaan dhahay Aamiin,”
Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)
Sidaa daraadeed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay Dadkii wanaagsanaa iyo Culumada waxay illaah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxayna dhihi jira illa ahow noo barakee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana na gaarsii
” اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان ”
Waxaa xusid mudan in aysan ahayn Xadiis nabiga ka Sugnaaday waana daciif xadiiska la sheego in uu nabiga saas oran jiray:
waxaa ku jira nin la oran jiray: Zaa’idaha ibnu abii raqaad.
(زائدة ابن أبي الرقاد وقد رواه عن زياد النميري.)
Bukhaari: wuxuu yir Ninkaas xadiiskiisa waa munkar
(قال البخاري: زائدة عن زياد التميري منكر الحديث.)
Waxaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska iyo Quraanka.
Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecada Islaamka in Islaamnimo sax ah hey san.
” بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت ” [ متفق عليه ]
oo macnihiisu yahay:
Islaamkii waxaa lagu dhisay shan:
1. Qiritaanka in uusan jirin Alle (xaq lagu caabudu) Alle ma’oyee,Maxammedna yahay Rasuulkii Alle.
2 Salaada in la oogo( yacnii la tukado oo la wanaajiyo tukashadeeda)
3. Zakada la bixiyo(qofkii xoolo haysta oo ay zakadaii ku waajibtay)
4.Soomidda Bisha Ramadaan
5.Gudashada xajka.
Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaah(cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajibkaas sida ku cad xadiiskan:
: ” أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم ” [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ]
oo macnihiisu yahay:
Waxaa idiin yimi Ramadaan, Allana idinku wajibiyay Soonkiisa, waxaa la furaa Albaabada Samada, waxaana la xiraa Albaabada jaxiiima, waxaa kaloo la xiraa shayaadiinta madaxa adag, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun Bilood, qofkii laga xarimaa khayrkeeda oo dhan waxaa laga xarimay kha yrka.
Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursadaha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Janada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo taasoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo hadii aad ka faaiideysataa ay ka dhalankartaa inaad Janada gashaa Naartana lagaa badbaadiyaa, waxaana weliba xadiiska she egay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah in ay jirto habeen habeenadiisa ka mid ah oo ka ba dan
xaga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen .
Sidaa darteed ayuu inbu rajab alxambali yiri :
قال ابن رجب – رحمه الله: "وكيف لايُبشّر المؤمن بفتح أبواب الجنان؟ وكيف لا يُبشّر المذنب بغلق أبواب النيران؟ وكيف لا يُبشّر العاقل، بوقت يُغلّ فيهالشيطان، ومن أين يشبه هذا الزمان زمان؟
Oo macnihisu yahay:
Siduusan Ruux Mu’min ah ugu Bishaareysaneyn furitaanka Albaabada Janada?
Waa socotaa (DERSIGA AFARAAD)
Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade
Wargelin:
Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macluulaamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yeel kana ilaa li meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq
MADAXWEYNAHA OO GUDDI U SAARAY QIIMEYNTA XAALADA
MAXAABIISTA XABSIGA DHEXE
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddi khubaro ah u saaray inay soo qiimeeyaan xaaladaha ka jira Xabsiga dhexe iyo tira koobka Maxaabiista xukuman iyo kuwa aan xukuneyn.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka wal walsan yahay xaalada maxaabiista xukunsan iyo kuwa garsugayaasha ah.
Madaxweynaha ayaa guddigan faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan tirada Maxaabiista xukuman iyo Maxkamadaha xukumay, tirada maxaabiista gar sugayaasha ah, fal dambiyeedyada iyo hey’adaha ay u xiran yihiin.
BOGGA CAYAARAHA
HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA MADAXWEYNAHA:
GRIEZMANN OO USHEEGAY MADAXDA KOOXDIISA INUU BOXAYO, BALSE UNITED OO HAL SHURUUD Hortaallo
Weeraryahanka Kooxda Kubadda Cagta Atletico Madrid ayaa lagu soo wara mayaa inuu Madaxda kooxdiisa usheegay inuu doonayo inuu isaga tago kooxda ka dhisan Magaalada caasimadda ah ee Madrid.
Jareeradda Cadena Cope, ayaa sheegeysa in Wiilka Garabka ka dheela islamarkaana Xulka qaranka Faransiiskana garoonka usoo gala uu xilli ciyaareedka dambe isaga ruqaansan doono caa simada Spain.
25sano ayaa waxa uu bartilmaameed xoogan u ahaa Kooxda Kubadda cagta Manchester Uni ted ee Horyaalka Premier League ka dheesha, waxaana arintaan ay utahay Fursad weyn, si ay uhesho adeega Xiddigaan.
Balse Kooxda Manchester United oo xiiseyneysa helitaanka Xiddigaan ayaa waxa hortaalla shuruud adag taas oo ay in qandaraaska uu kula joogo kooxda caasimadda ka dhisan lagu bur burin karro £87m.
ANDER HERRERA OO ISKA DIIDAYA DALAB UGA YIMID TABABARAHA CUSUB EE BARCELONA
Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Ander Herrera ayaa iska diiday dalab uga yimid tababaraha cusub ee kooxda Barcelona.
Ernesto Valverde oo xalay loo magacaabay tababaraha cusub ee Barcelona ayaa diirada saa rtay xiddiga reer Spain si uu u keeno garoonka Camp Nou.
The Times ayaa daaha ka qaaday in Ernesto Valverde uu ka dalbaday Herrera inuu la kulmo, balse laacibka Manchester United ayaa iska diidi doona inuu arko tababaraha cusub ee Barcelona.
Ander Herrera ayaa ku faraxsan kooxdiisa haatan ee Manchester United, waana laacibka 3aad ee ugu safashada badan kooxda xiliciyaareedkii dhamaaday kadib Rashford iyo Pogba.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Herrera uu qorshaynayo inuu heshiis cusub u saxiixo kooxd iisa, qandaraaskiisa haatan ayaana dhacaya xaggaaga 2018.
GARETH BALE OO SI CAD U SHEEGAY "100% TAAM MA IHI”
Gareth Bale ayaa hoos u dhigay taam ahaanshihiisa kulanka adag ee sab tiga kooxdiisu ay ka hortagi doonto kooxda Juventus.
Laacibka reer Wales ayaa sheegay in 100% uusan si buuxda taam u aha yn, wuxuuna intaa ku daray inuu aqbali doono go’aan walba oo uu qaato taba bare Zidane.
Muranka ugu wayn ee ka dhex jira kooxda ayaa ah laacibka ku soo bila aban doona ciyaarta marka la fiiriyo Bale iyo Isco.
"100% taam ma ihi, ma aanan ciyaarin 6 ilaa 7 isbuuc, waxaan ma ray qaliin kadib waan ciyaaray laakiin waxaan wajahay xanuun da ran xitaa markii aan soo laabtay waxaan isticmaalayay kaniini sia an uga qayb qaato kulamada iyo tababarka” ayuu yiri Gareth Ba le.
"6 ilaa 7dii isbuuc ee u danbeeyay xoogaa nasiino ah ayuu helay anqawgayga, si fiican ayaa nan uga soo caafimaaday dhaawaca, si adag ayaan u shaqaynayay, laba mar ayaanan tababar samaynayay isbuucii, si aan diyaar u noqdo”.
"Haddii la iiga yeero inaan ciyaaro kulanka bilowgiisa waan samayn doonaa, laakiin daqiiqad aha dambe arinku wuu adkaan doonaa, waayo si joogto ah uma ciyaarin xiliciyaareed kan kagadaal qaliinkii aan maray”. "Isco sifiican ayuu noogu ciyaaray ilaa dhamaadkii xiliciyaareedka,
ENGLAND » ARTURO VIDAL OO WADDA OLLOLO HALIS KU AH MID KAMID AH KOOXAHA WAA WEYN EE HORYAALKA PL.
Laacibka Khadka Dhexe ee Kooxda Bayern Munich ee wadanka Jarmalka ayaa waxa uu Hor yaalka wadanka Ingiriiska ka wadaa Ollalo ka dhan Kooxda Arsenal, xilli uu ku sugan yahay Jarma lka.
Ollolahaan ayaa waxa uu yahay in uu doonayo inuu kooxda kasoo kaxeeyo Weeraryahanka ay saaxiibadda ku yihiin dhanka Xulka qaranka Chile ee Alexis Sanchez, kaas oo uu liic liicayo Musta qbalkiisa.
Fariin uu dhinaca WhatsAppka ugu soo diray Arturo Vidal Saaxiibkiisa Alexis ayaa waxa uu ugu sheegay inuu kusoo biiro kooxda ka dhisan Magaalada Bavaria ee Wadanka Jarmalka.Waxa uu u sheegay ayaa sida la warinayo, in hadii uu kusoo biiro kooxdaan ay Fursad weyn utahay Must aqb alkiisa, islamarkaana uu hayso abuuro Magac ka dheer mid uu haatan ku hayso Horyaalka Premier Leaguega.
ARSENAL OO HESHIIS KA GAARTAY SAXIIXA WEERARYAHANKA UGU GOOLASHA BADAN HORYAALKA BELGIUM HENRY ONYEKURU
Arsenal ayaa heshiis 6.8 milyan ginni ah la gaartay kooxda reer Belgium ee KAS Eupen oo ku saabsan saxiixa weeraryahanka reer Nigeria Henry Onyekuru, sida ay sheegayaan ilo ay soo xigan eyso Sky Sports.
Kooxda Gunners ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda reer Belgium tan iyo isbuucii la soo dhaa fay, iyadoo kooxo badan oo Premier League ka dhisan ay xiiseyneyeen saxiixa 19 jirkaan.
Weli heshiis shaqsi ah lama aysan gaarin wakiilada ciyaaryahanka sida ay Sky Sports ogaatay, laakiin ciyaaryahanka ayaa taageere weyn u ah Arsenal waxaana la fahamsan yahay inuu doonayo inuu u wareego.
Onyekuru ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya ee horyaalka heerka koowaad ee Belgium isag oo dhaliyay goolkiisii 22aad 20kii bishii May, waxaana sidoo kale xiiseynayay kooxaha Everton, Sou thampton, West Ham iyo West Brom.
Waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 6.8 milyan ginni waxaana uu durbaba iska diiday in uu u wareego kooxaha waa weyn ee Belgium ee Club Brugge iyo Anderlecht.
Celtic ayaa la fahamsanaa inay sidoo kale u dhawaatay saxiixa ciyaaryahanka bishii Janaayo la akiin kooxda Eupen ayaa diiday inay iibiso markaas.
Onyekuru ayaa u saftay kulankiisii ugu horeysay kooxda Eupen sannadii 2015 isagoo 17 sanno jir ah waxaana uu kooxda ka caawiyay inuu u soo saaro horyaalka heerka koowaad xilli ciyaareedki isii ugu horeysay.
Ciyaaryahanka waxa uu haatan ku maqan yahay xulka qarankiisa Nigeria iyagoo ciyaar saaxiib tinimo magaalada Paris kula ciyaaraya Khamiista xulka Togo.
SILVIO BERLUSCONI IYO MASSIMO MORRATTI OO ABAALMARINNO LA SIIYAY
Labadii milkiile ee kooxaha AC Milan & Inter Milan ee Silvio Berlusconi iyo Massimo Morratti ayaa waxaa abaal marin qaali ah lagu guddoonsiiyay magaalada Milano.
Maamulka Milano ayaa labadan ganacsade ee reer Talyaani siiyay abaalmarinta Rosa Camuna Lombardia dufcadeedii 2017.
Waxaana waxyaabaha labadooda la kala siiyay ka mid ah funaanadaha labadoodii kooxood iya doo midba la siiyay funaanadda kooxda kale, tusaale ahaan, Silvio waxaa la siiyay funaanadda Inter, halka Massimo la guddoonsiiyay funaanadda AC Milan.
Sababta abaalmarintan loo siiyay ayaa ah dadaalka ay ka gaysteen horumarinta heerka gan acsi, bulsho iyo dhaqan ee magaalada Milano iyo guud ahaan gobolka Lombardia.
Labada ganacsade ee caanka ah ayuu midba sheegay inuu xushmad iyo iimayn wayn u hayo xitaa haddii ay muddo dheer xukumayeen laba kooxood oo aad ugu xafiiltama ciyaaraha Talyaaniga.
KULAMADA SAAXIBTINIMO EE CAAWA LA CIYAARAYO
20:30Morocco? ? Netherlands
22:30Italy ? ? San Marino
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA MAY 2017-KA
DADWEYNE KU HOR BANNAAN BAXAY AFAAFKA HORE EE SAFAARADDA IMAARAADKA MUQDISHO Dadkii ka qeyb qaatay dhismaha safaaradda Im aaraadka Carabta iyo isbitaalka sheekh Zaid ayaa la sheegay inay ku horbanaan baxeen afaafka ho re ee Safaaradda Imaaraadka e