
Madaxweyne Obama "Waxaa la waayi doonnaa meel ay gabaad ka dhigato Daacish" + SAWIRRO
Madaxweynaha, ayaa sheegay inaysan Daacish heli doonin meel ay kaga dhuumato dunida, waxaa uuna ku cago jugleeyay in ay wiiqi doonaan, oo ay burburinayaan Daacish.
Madaxweyne Obama, ayaa wuxuu ku celceliyay in Dowladda Mareykanka ay beegsan doonto goobaha ay ka arrimiso Daacish, iyadoo markaasi hoos loo dhigaayo awoodooda iyo inaysan galaangal u yeelan weeraro ay qaadaan.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Malaysia, Najib Razak, ayaa Ururka Daacish ku tilmaamay shaydaan cusub, oo dunidana looga baahan yahay in halmeel uga soo wada jeedsato Ururkaasi.
Sideedda iyo tobanka dal shirkaasi uu kaga soconaayo Magaalada Kuala Lumpur, ayaa lagu wadaa in aragti mideysan ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish, haddii loo arko mid dunida oo idil khatar ku ah.
Weeraradii 13-kii bishan ka dhacay Caasimadda Faransiiska, ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa ku soo baraarugay caalamka, iyadoona baqdin weyn laga muujinaayo awoodda Daacish.
Madaxweyne Obama "Waxaa la waayi doonnaa meel ay gabaad ka dhigato Daacish" + SAWIRRO
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo dalka Malaysia kaga qaybgelaaya shirka dalalka leesku yiraahdo (Asean), ayaa farriin hanjabaad ah kaga diray Ururka Daacish.