
Mid ka mid ah Golaha Wasiirada Kenya oo is casilay (SAWIRRO)
Waxay kaloo sheegtay in tani ay ka dhalatay, markii cadaadis weyn uu kaga yimid baaritaano lagu sameeyay Wasaaradeeda, isla-markaana ay baaritaanadaasi saamayn ku yeesheen caafimaadkeeda.
Sidoo kale waxay dhaliishay inay jiraan dad doonaaya inay bedelaan amaba ay weji kale u dhigaan dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, kuwaa oo ku hawlan dagaal iyada ka dhan ah, sida ay tiri.
Anne Waiguru oo gelinkii dambe ee Sabtidii Saxaafadda kula hadashay Magaalada Nairobi, ayaa sheegtay in cadaadiska lagu haayo uu bilowday, markii ay kashiftay Sarkaalkiil ku hawlaneyd inay lacago ka xadaan sanduuq, ay leeyihiin shaqada qaranka ee dhalinyarada.
Baarlamaanka Kenya, ayaa horaantii bishaan haweeneydan ku eedeeyay inay ku kacday ku takri leh maaliyadeed, iyadoo sida la sheegay ay 19 kun oo dollar telefishin ugu soo iibisay Wasaaradeeda, walow ay beenisay.
Xildhibaano ku dhow dhow Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan ku baaqay in ay shaqada isaga tagto haweeneydaasi, si aanay sumcad xumo ugu soo jiidin Madaxweyne Kenyatta.
Mid ka mid ah Golaha Wasiirada Kenya oo is casilay (SAWIRRO)
Wasiirka Dowlad Wadaajinta & Qorshaynta Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Anne Waiguru, ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay iska casileyso xilkaasi, sababo ku aadan arrimo caafimaadeed.