Madaxweynaha Mali oo kormeeray Hotelka Radisson Blu, xilli Jimcihii la weeraray (Daawo Sawirada)

0
Sunday November 22, 2015 - 09:52:34 in Wararka by
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mali oo kormeeray Hotelka Radisson Blu, xilli Jimcihii la weeraray (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita, ayaa Sabtidii kormeeray Radisson Blu Hotel, ka dib markii ay Jimcihii weerar ku galeen dagaal-yahano hubeysan, oo taabacsan Ururka Al Qaacidda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita, ayaa Sabtidii kormeeray Radisson Blu Hotel, ka dib markii ay Jimcihii weerar ku galeen dagaal-yahano hubeysan, oo taabacsan Ururka Al Qaacidda. Madaxweynaha, ayaa qayb qayb u kormeeray Dhismaha Hotelka, waxaana si weyn loo adkeeyay oo loo xoojiyay ammaanka Hotelkaasi, mudadii uu kormeerku ku guda jiray Madaxweynaha.

Madaxweynaha Mali oo kormeerkaasi ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inaanu dalka Mali noqon doonin mid xuduudihiisa xirta, ka dib weerarka lagu dilay sagaalka iyo toban qof.

"Mali ma noqoneyso dal ay xuduudihiisu xiran yihiin. Paris maaha Geneva, New York iyana maaha Moscow. Dabcan ma jirto meel adduunka ah oo aan ku nabad-qabno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu yiri "Ma mudna in nimankii falkaan gaystay loogu yeero rag. Waxay go’aansadeen in ay bani’aadanimada ka baxaan.”

Dadka lagu dilay weerarkaasi, ayaa waxaa ku jira lix u dhalatay dalka Ruushka, saddex u dhalatay China iyo mid kaloo u dhashay Mareykanka.

Laamaha ammaanka ee Mali, ayaa wada baaritaano ballaaran oo ka dhan ah saddex nin, oo sida la sheegay ku lug lahaa weerarkii lagu qabsaday

Hotelka ku yaala Magaalada Bamako

.Mali Hotel Attack

Mali Hotel Attack Mali Hotel AttackKeita3Keita4Keita5Keita6Mali Hotel AttackMali Hotel AttackKeita9Keita91




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip