
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 28-KA MAY 2017-KA
"Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda QM ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadl an iga guddo oma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.
CIIDANKA DOWLADDA IYO AMISOM OO LA WARE EGAY DEGAANKA GOOFGADUUD
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ay aa dib shalay ula wareegay degaanka Goof-Gaduud oo 30-KM u jira M/Baydhabo sida wa rbaahinta dowlad da ay sheegtay.
Mas’uuliyiinta maamulka K/Galbeed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMI SOM lagu soo dhoweeyay degaankasi 09-kii bishii May dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dagaal kula wa reegay degaanka Goof-Gaduud, ka dib markii ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degaankaas.
Xaaladda degaanka ayaa hadda waxaa la ga soo sheegayaa in ay tahay mid degan, bal se ciidam ada ayaa waxaa ka muuqda feejigna an xooggan. Ma jirto war kasoo baxay xara kadda Al Shabaab oo ku aaddan kala wareeg idda degaanka.iyadoo Deegaanka Goof Gadu ud ay dhowr jeeroo hore ay ka dhaceen daga allo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al Sha baab.
Gacan ku heynta degaankan waxaa uu muh iim u yahay ammaanka M/Baydhabo oo ah me esha amniga Magaalada laga xaqiijin karo.
Al shabaab ayaa ku xooggan degaanno kamid ah Gobolladda Baay iyo Bakool.
SOMALILAND OO SHEEGTAY IN IMAARAADKA AY WEERARO KA QAADI KARAAN SALDHIGA CUSUB EE BERBERA
Sarkaal sare oo Somaliland ka tirsan ayaa jimcihii dorraad sheegay in Ciidamada ka soc da Imaa raadka Carabta ay sida ugu dhaqsiya ha badan diyaaradahooda dagaalka ay ka du uli doonaan Sal dhigga Berbera.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sac ad Cali Shire ayaa sheegay in Imaaraadka ay saldhig Berbera u isticmaali karaan ujeedo kasta oo ay ku jiraan, tababarka, ilaalinta bad da iyo howl galada milateri. Berbera ayaa 250 KM u jirta koofurta Yemen, halkaasoo isbah eysiga uu hoggaaminayo Sacu udiga oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta dagaalo kula jiraan Jabhadda Xuutiyiinta.
Saldhigga ayaa wali ku socda dhisme, hase ahaatee maraakiibta dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mar dhoweyd ku soo dhowaa day biyaha Berbera, gaar ahaan meel u dhow Dekeda oo dhowa an lagu wareejiyay Shirkad da DP World.
Wareysi uu siiyay Wasiirka Arrimaha Diba dda Somaliland Laanta afka Soomaaliga ee VOA, isa goo ku sugan Washington ayaa difa acay dekeda iyo saldhiga milateri ee lagu wareejiyay Imaaraadka, kaasoo bishii Feb ruary uu ansixiyay Baarlamaanka Somaliland.
Mr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in uu san aaminsaneyn in saldhiga milateri ee Imaar aadka ka isticmaalayo Berbera uu khilaaf ka abuuri karo gobolka, waxaa uu tilmaamay in horay Imaaraadku saldhig milateri ugu laha ayeen Dekeda Casab ee dalka Eritrea, taasna aanay wax khilaaf ah ku kee nin Gobolka, isagoo intaa ku daray in saldhiga cusub ee Be rbera aanu wax caqabad iyo khilaaf abuuri doonin.
Heshiiska Somaliland la gashay Imaaraad ka ee saldhiga Milateri ka dhisanayaan Berb era ayaa waxaa horay uga soo horjeestay do wla dda Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada Ba arlamaanka ay ka keeneen mooshin ka dhan ah saldhigga milateri, Guddoomiyaha Baarla maanka ayaa warqad uu u dir ay Madaxwey naha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan sal dhigga milateri ee Imaaraadka Carabta.
Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaa qday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayna tah ay dal madax banaan, hase ahaatee wali ma aysan helin wax aqoonsi caalami ah, iyadoo maalmo ka horay ku beegneyd sanad-guuradii 26aad ee ka soo wareegatay, markii gooni isu taagga ku dhawa aqday.
MADAXWEYNE GAAS OO GAROOWE KU LAABTAY KANA HADLAY ARRIMO XASAASI AH
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Ma xamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hog aaminayey ayaa shalay dalka dib ugu soo laa btay kana soo degey M/ Garoowe ee caasi mada Puntland, halka asi oo si diiran loogu soo dhoweeyey isa ga iyo weftigiisa. Md .Ga as. iyo weftigisa ayaa waxaa garoonka diyaa rada Kanoo ko ee M/Garoowe kusoo dhowe eyey Mad axweyne kuxigeenka Puntland Eng. C/xakiin X. C/hi Cumar Camey, gudoom iyaha Baarlam aanka Puntland Md.Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, Maamulka degma da Garo owe, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntla nd, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo qaar ka mida bulshada caasimada.
Md.Gaas ayaa ugu horayn ummaada musli nka ah, shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada reer Pu ntlandba meelkastay joogaan ugu han balyeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu Ill ahay u weydiiyey ummadiisa in uu u denbi dhaafo Ramadaankana khayrkee da waafajiyo, waxaana uuna ka hadlay muhiim ada shirkii London oo looga hadlayey rimo la xidhiidha Soomaaliya.
‘ ’Saad la socoteenba ama aan hore u shee gay waxaan tagnay shirkii London oo laysugu yeeray Soomaalida, waxaa ugu muhiimsanaa ee laga wadda hadlayna waxay ahaayeen nab ad gelyada iyo xasiloonida dalka sidii wax lo oga bedeli lahaa, go’aamo waxaa jirey bishii April 17 2017 lagu qaatay Xamar oo ku saab sanaa qaab dhismeedka ciidanka qaranka iyo sidii loo helilahaa ciidan leh subad qaran oo dalka dibed iyo gudoba ka difaacikara cada wga, arrintaasi waxbaa lasyka yiri, waxabaana lasyku raacay, dabeedna shirka London wax ay ahayd in laga wada hadlo qaabkii loo hirge lin lahaa Soomaliyeedna looga taageerilahaa arrintaa iyadda ah, muhiimada shirku intaas ayay ahayd wixii kale oo soo raacana waxay ahayeen arrimaha dhaqaalaha iyo shaqa abu urista bulshada Soomaaliyeed’’. Ayuu yiri Md.Gaas
Sidoo kale Md.Gaas ayaa sheegay in shir kii London ka dib ay lagama maarmaan noqot ay in wax khti lala qaato qurba joogta reer Pun tland ee ku dhaqan qaaradda Europe, waxaa na uu sheegay in qurba joogtu ay dalka waxb adan tarto kuno soo kordhiso, isla markaana ay xaq u leeyihiin in looga warro wacyiga dal ka haatan yaala.
‘’Fursad bay noo ahayd annaga ka Puntland ahaan inaan Europe joogno oo wakhti laqaada no qu rba joogtayada, muhiimada aanu u aa dnayna halkaasi qayb bay ka ahayd inaanu so o arragno, waxa badan bay qurba joogtu dal ka tartaa ,waana u baahan yihiin in looga wara mo dalkooda, loogana waramo waxa dalka ka jira dhib iyo dheefba, horumarka socda, caqab adaha iyo dhibaatooyinka jira, in lootago oo loo waramo muhiim baynala ahayd, iyagana aanu waraysano, aaraar bay qabaan, fek eray hayaan wadanka khuseeya muhiimna way tah ay inaanu uga xog warano’’ ayuu yiri Madax wey nuhu.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay kulamo la qaateen hay’addo caalamiya oo isugu jira kuwo u baahan maalgashi iyo ku wo daneeya arrimaha bulshada, waxaana uu sheegay inay kawada hadleen arrimo la xi dhiidha shaqooyinkooda. Madaxweyne kuxige enka Puntland Egn.Camey ayaa dhankiisa ku soo dhoweyey dalka Md.Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey waxaana uu sheegay in dal ku xasiloon yahay, isla markaana ay kajirto nab ad gelyo buuxda, sidoo kale waxaa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen in tii ku nafweydey shaqaaqadii ay ka geysteen cad awga Pun tland M/Boosaaso.
Dhinaca kale Md.Gaas ayaa isna sidoo ka le ka tacsiyey intii ku geeriyootey dhibtii ay ge esteen wa xma garatada liita ee cadawga So omaaliyeed, waxaana uu u tacsiyeeyey ehe ladii, qarabadadii iyo ciyaalkii ay ka baxeen da dkaasi. Ugu Danbayn, Madaxweynaha Puntl and Dr. Cabdiweli Gaas ayaa ugu baaqay dad ka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaa nadda hoosyimaada degmada Buurtinle inay joojiyaan shidada iyo dhibaatada, isla marka ana ay kawada shaqeeyaan nabada, xasilooni da iyo deris wanaaga. –DHAMMAAD—
AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA HAWEEN KA OO XILKA LAGA QAADAY
Agaasimihii Guud ee W/Haweenka iyo Xuq uuqul Insaanka Md.C/qani Sh. Cumar ayaa la gu same eyay xil ka qaadis, ka dib digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha. Wasiir ada Haweenke iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin ayaa shalay subax sheegtay shaqaa laha Wasaaradda in xilka laga qaaday Agaas imihii Guud ee W/Haweenka Mr.c/qani Sh .la na magacaabay Agaasime cusub.
Sidoo kale Wasiirada ayaa kula dar daaran tay shaqaalaha inay la shaqeeyaan Agaasima ha cus ub ee la soo magacaabay.
Agaasimaha cusub ee loo magacaabay W /Ha weenka ayaa lagu magacaabaa Deeq Salee baan Yuu suf oo ahaa Agaasimihii hore ee Ma daxtooyada Puntland. Wararka qaar ayaa she egaya in xil ka qaa dista Agaasimihii hore ay la xiriirto dhanka awood qeybsiga, maadaama ay isku heyb yihiin Madax weynaha Soomaaliya, wa ana tan dad badan ay u sababeynayaan inuu xilkiisa waayo.
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haw eenka ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee digr eeto Madaxweyne ku magacaabo.
Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo taraya in is bedel guud lagu sameynayo Agaasimay aasha Guud ee Wasaaraddaha XFS oo muddo xilka ku raagay.
MAAREYAHA HEY’ADA DUULISTA IYO SAADAA SHA HAWADA SOMALIYA OO GAARAY TALYANIGA
Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saa daasha Hawada Soomaaliyeed (SCAMA) iyo wafdi uu hog gaaminayo oo safar shaqo u jo ogo dalka Talyaaniga ayaa kullamo la qaatay madaxda Hay’adda Duul ista iyo saadaasha Hawada wadanka Talyaaniga.
Booqashada Maareeyaha iyo wafdigiisu wa xay ku saabsaneed casuumad ay ka heleen ENAV oo ah hay’adda duullista iyo saadaasha hawada Talyaaniga, Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saada asha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa kala hadlay Mas ’uuliyiinta Hey’adda ENAV, tayeynta qalabka iyo shaqaalaha Hawada Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ENAV ayaa ballan qaaday in ay quburo u soo diri doonaan Soomaaliya, iya goo tab abaro siinaya shaqaalaha hawada So omaaliya, kuwaasoo loo qaadi doono dalka Talyaaniga. Ugu da mbeyn Maareeyaha iyo wa fdiga uu hoggaaminayo ayaa kormeer ku sam eeyay xarumaha laga koo ntaroolo saadaasha hawada, waxaana halkaas sharaxaad laga sii yay maamulka saadaasha hawada iyo qalaby ada casriga ah ee loo isticmaalo
DAACISH OO SHEEGTAY IN AY KA DAMBAYSAY WEERARKII MASIIXIYIINTA LAGU LAAYEY EE KA DHACAY MASAR
Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay inay iyadu ka dambaysay weerarkii lagu ho obtay ee Jimcihii lagu qaaday Masiixiy iinta Masar. 28 qof ayaa la dilay markii rag ma daxa soo duu btay ay rasaas ooda kaga qaad een bas siday koox Masiixiyiin Qibdiyiin ah oo ku sii socday meel mac bad ah.
Habeen hore ayaa boqolaal qof oo u bar oor diiqaya dadkaa la laayey waxay ka qayb galeen aaska dadkaa la laayey. Milatariga Ma sar ayaa weerarkaa kaga falceliyey weerarro xidhiidha oo ay xalay ku qaadeen diyaaradaho oga dagaalku xeryo tababor oo ay kooxdu ku leedahay dalka ay deriska yihiin ee Libya.
Kooxda Dawladda Islaamku waxay sidoo kale hore u sheegatay weerarro taxane ahaa oo hore loo gu qaaday Masiixiyiinta Masar dha wrkii bilood ee horee la soo dhaafay.
BURCAD BADEED SOOMAALI OO AFDUUBTAY DO ON KALLUUMEYSI KAGA LEEYAHAY K/KUURIYA
Burcad Badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa inay afduub teen Doon Kalluumey si laga leeyahay dalka K /Kuuriya, meel ka mid ah biyaha Soomaaliya. Doonidan ayaa waxaa saarnaa 18 shaqaale u dhashay dalalka K/Kuu riya iyo Indonesia, wax aana xiriirka la waayay markii la afduubtay.
Wasaaradda Difaaca ee Koofur Kuuriya ay aa sheegtay in Doonida Kalluum eysi ay uga shakisan tahay inay afduubteen kooxaha burc ad badeedka. Madax weynaha K/Kuuriya ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo furto doonida kalluumeysiga ee la ga afduubtay biy aha Soomaaliya. Markab dagaal laga leeyah ay K/Kuuriya oo ka mid ah maraakiibta dagaal ka ee la dagaalamaya burcad badeedka ayaa bilaabay howl gal lagu baadigoobayo doonida as. Shiinaha, Thaliand, K/Kuuriya iyo Iiraan ay aa ah dalalka ugu badan ee sida sharci dara da uga kal luumeysta biyaha Soomaaliya.
SOOMAALIYA IYO MIDOWGA YURUB OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS HORUMARINEED
Mashariicdaan horumarineed ee ay shalay Muqdisho kula saxiixdeen DFS iyo MY.ayaa ku saa bsanaa horumarinta dhaqalaha, dowlad da wanaagga iyo kaalmeenta farsamooyin ka la duwan ku waa oo ay dhamaan Midowga Yu rub ka fulin doonto Soomaaliya .
Heshiiska waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiir ka Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalg ashiga, halka uu Midowga Yurubna u sa xiixay Agaasimaha guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caal amiga ah ee Midowga Yurub , waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaar aha Xukumadda Fede raalka Soomaaliya Md. Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soom aaliya Wasiirka qorshaynta iyo Horumarinta dhaqalaha ee XfS Md Jamaal Maxamed Xas an ayaa sheegay in mashariicdan ay ka hirgel inayso Soomaaliya ay ku baxayso lacag dhan 48.4 milyan oo lacagta M/Yurub ah.
Agaasimaha Guud ee M/Yurub ayaa til maamay M/Yurub ay dowladda Soomaaliya ka gacan siin doono horumarinta dhaqaalaha, dhismaha ciidanka qalabka sida, la dagaallan ka argagixisada iyo dhib u dhiska Hay’addaha dowladdda Soomaaliya
Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md.Max maed C/hi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qa ailay wafiga ka socday Midowga Yurub ee uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Horuma rinta iyo Iskaashiga caalamiga ee Midowga Yurub Stefano Manservisi isagoo ka lahadalay xoojinta taageerda MY ee Soo maaliya.
W Q/eynta ee Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhaq aalihii MY ay ku bixin jirtay mashaariic da horumarinta dalka, haatan ay maamuleyso Wasaaradda.
AMMAANKA MAGAALOOYINKA MAAMULKA PUNT LAND OO SI AAD AH LOO ADKEEYAY
Ammaanka magaalooyinka Puntland ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu badnaa waddooyinka iyo xarumaha muhiimka.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa sheegay in qorshayaal cusub oo lagu sugay amniga Puntland la diyaariyay, isla markaana ciidamo dheeraad ah la geeyay waddooyinka iyo xar umaha maamulka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada amniga ay sa meynayaan howl gallo joogto ah oo lagu suga yo, sid oo kale ay ka hortagayaan dadka maal intii maqaayadahalagu cunteeyo fura inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada amniga Puntland ay u diyaarsan yihiin sidii ay u ga hor-tagi lahaayeen weeraro kasta oo ka ga yimaada kooxaha nabad diidka ah.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Koox da ISIS ay weerar ismiidaamin ah ka geysatay M/Boos aaso, kaasoo ahaa weerarkii u horeey ay oo qarax ah ay ka geysato Soomaaliya.
OSOBLE:-‘’WAXAAN FARAYAA DADKA SOOMAAL IYEED INAY IS KAALMEEYAAN”,
madaxweynaha DG/leedka Hirshabelle Dr Md.Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hambalyo ku aad dan bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caal amka.
‘ ’Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dham maan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto hab eenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Wa a bishii towbada, cafiska, sheydaanka oo la xiro, dadka oo naarta laga xorree yo iyo kheyr kale oo farabadan. Waxaana Ilaahay ka baryayaa in intaas oo dhan uu ina siiyo, fadliga bi shan barakeysan ee Ramadaan awgeed’’ Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka farey inay is kaalmeeyaan bishan barakeysan ee Ramada an. ‘’Waxaan farayaa dadka Soo maaliyeed inay is kaalmeeyaan. Kuweena liita ee Muslimiinta ah ee soomaya ee aan waxba haysan waa in la kaalmeeyaa, waliba iyadoo dad aad u fara badan ay saame yn culus ku ye elatay abaarta Aan garab istaagno dadkaasi, Waa inaan garab istaagnaa oo aan caa winaa si uu Ilaahay inoogu naxariisto’’ ayuu Hadalkii sa ku daray Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlad G/leedka Hir sha belle Dr Cali C/hi Cosoble ayaa intaa ku darey in bishan kheyrka badan, qof walba oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu la yimaado camal suuban, Allah ka cabsi, khu shuuc iyo ilaalinta waajibaadka Ilaahay ina sa arey , si loo helo liibaan adduun iyo mid aa khi ro. Madaxweyna ha ayaa ugu dambeyntii u duceeyay dhamm aan Muslimiinta, isagoo Ilaahay uga baryey in ay helaan naxariista bishan barakeysan ee Ra madaan, kuwooda dhibaateysanna, uu Ilaahay ka dul qaado dhibka haysta Wadankana uu ka saaro abaarta. -DHAMMAAD-
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA
(Dersiga Koowaad)
Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diy aar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiI deesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaan ku illaah (cw) waxaa uu ka yeel ay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah:
1-Waxaa uu illaah Ramadaan dhex gali yay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnah eeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado ah, waa in kaban 82 sano qiyaastii, waxaana arintaas u Daliil ah Qur’aanka kariinka ah aayadaha ka midka ah:
قال تعالى: { وما أدراك ما ليلة القدر . ليلة القدر خير من ألف شهر . تنزّل الملائكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر . سلام هي حتى مطلع الفجر } سورة القدر .
Waxaa ayadaas macnaheeda oo kooban tusayaa: in Habeenkaas aad u qiima badan yahay, kana kheyr badan yahay kun Bilood, waxyaabaha uula dheeraadka yahay Habeenkaasna waxaa ka mid ah in Malaaikta uu kamid yahay Jibriil ay soo dagtaan, waana Habeen nabad xambaarsan ilaa waagu ka dilaaco.
2-Waxaa kaloo Ramadaanka Bilaha dheer yahay waa in lasoo Dejiyay Kitaabada kuwa ugu Fadli ba dan oo lagusoo dajiyay Nabiyada kuwa ugu Fadliga Badan( nabadgalyo iyo naxariis korkooda allaha yelee), waxaana ka mid ah Kitaabkeena ku Qur’aanka ah, Suxuftii Nabi Ibraahiim,Toowraad, Injiil iyo Zabuur
قال تعالى: { شهر رمضان الذي أُنزل فيه القرآن هدى للناس وبيّنات من الهدى والفرقان } البقرة / 158
وقال تعالى:{ إنا أنزلناه في ليلة مباركة إنا كنا منذرين .فيها يُفرق كل أمر حكيم . أمراً من عندنا إنا كنا مرسِلين } الدخان / 1-2 .
Waxaa labadaan aayadoodba tusayaan in Kitaabka Qur,aanka ah lagu soo dhex Dajiyay Bisha Bara keysan ee Ramadaan, weliba waxaa aaayada dambe tilmaameysaa in lasoo dajiyay Qur’aanka Habe enka Fadliga badan ee Lelatul-Qadriga loo yaqa an, waxaa kaloo ka sugnaaday Nabigeena Suuban Xadiis uu ku tilmaamay in kitaabada aan kor kusoo Sheegnay oo dhan lasoo Dajiyay Bisha Ramadaan dhexdeeda, taasoo tilmaameysa daraj ada dheeraadka ah ee Bisha Ramadaan.
وروى أحمد والطبراني في معجمه الكبير عن واثلة بن الأسقع – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( أُنزلت صحف إبراهيم أول ليلة من شهر رمضان ، وأُنزلت التوراة لِسِتٍ مضت من رمضان ، وأُنزل الإنجيل لثلاث عشرة مضت من رمضان ، وأُنزل الزبور لثمان عشرة خلت من رمضان ، وأُنزل القرآن لأربع وعشرين خلت من رمضان ) . حسنه الألباني في السلسلة الصحيحة (1575) .
Xadiiskan waxaa uu si cad u tilmaamayaa oo uu xadidayaa taariiq ahaan maalmaha ay soo ka la dageen ee ka mid ah Bisha Ramadaan Kitaabadii ugu Fadliga Badnaa ee uu Illaah (cw) kusoo kala Dajiyay Nabiyo aad u Fadli badnaa (nab ad iyo naxariis korkooda allaah yeelee).
Waxaa uu yiri Nabiga (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee):{waxaa lasoo dajiyay Suxuftii Nabi Ibraahiim Habeenka Koowaad ee ka mid ah Bisha Ramadaan, Toowraadna waxaa lasoo dajiyay Habeenka todobaad ee Bisha Ramadaan, Injiilna waxaa lasoo dajiyay Habeenka 14aad ee Bisha Ramadaan, Zabuurna waxaa lasoo dajiyay Ramadaan oo ay ka baxday 18 Habeen, Qur’aankana waxaa lasoo dajiyay ayadoo ay ka gudubtay Ramadaanka 24 Habeen} Albaani Xadiiskan waxaa uu ku tilmaamay Xasan inuu yahay Darajo ahaan. 3- Waxaa kaloo Ramadaanku Bilaha dheer yahay in Albaabada Janada la furo, kuwa Naartana la xero, Shayaadiintana la Katiinadeeyo, arintaasna waxaa cadeeyay Axaadiis fara badan oo laga wariyay Nabigeena Suuban (Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee), waxaana ka mid ah Axaadiistaan kuwaan soo socda:
فعن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة وغلقت أبواب النار وصُفِّدت الشياطين ) متفق عليه.
Xadiiska koowaad oo ah darajo ahaan Xadiis Saxiix ah waxaa uu cadeeyay: Ramadaanku haduu sooo galo in Albaa baha Janada la furo, kuwa Naartana la xero Shayaadiintana la Katiinad eeyo.
Xadiiska labaadna waaa Xadiis Darajo ahaan uu Saxi xiy ay Sh ALbaani (allaah u naxariistee) waxaa uuna ku macna ya hay kii hore waxaa uu leeyahay sidatan:
وروى النَّسائي عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( إذا جاء رمضان فُتحت أبواب الرحمة وغلقت أبواب جهنم وسلسلت الشياطين ) وصححه الألباني في صحيح الجامع (471).
Macanihiisuna waa : Haduu yimaado Ramadaanka waxaa la furaa Albaabada Raxmadda, wax aana la xeraa Albaab ada Naarta Jahanamo, waxaana la ka tiinadeeyaa Shayaadiinta.
Xadiiska Sadaxaad ee tusaya Fadliga Bisha Ramadaan waa xadiis xaga macnaha Xambaar san faahfaahino ka dhee raad ah Axaadiistii ka horeysay laakiin ku macno ah, waxaa uu le yahay sid atan:
وروى الترمذي وابن ماجه وابن خزيمة في رواية : ( إذا كان أول ليلة في شهر رمضان صُفِّدت الشياطين ومَرَدَة الجن ، وغلقت أبواب النار فلم يُفتح منها باب ، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب ، وينادي منادٍ : يا باغي الخير أقبل، ويا باغي الشر أقصر . ولله عُتقاء من النار وذلك كل ليلة ) . وحسنه الألباني في صحيح الجامع (759) .
Waxaa uu leeyahay Xadiiskan: Hadii la gaaro Habeenka ugu horeysa Ramadaanka Shayaad iinta waa la Xeraa iyo kuwa madaxa adag ee Jinka kamidka ah, waxaana la xerxeraa alba abada Naar ta Albaabna lagama furo, Albaabada Janada waa la furfuraa Albaabna lagama xero, waxaana dhanka samada ka Naadiya Mid Naadinaya oo leh: kan Kheyrka raboow u kaalay, kan Sharta doonayoow Gaabso. Habeen walba oo kamid ah Ra madaanka illaah waxaa uu leeyahay kuwo Naarta uu ka xore eyo.
Maraka waxaa Axaadiistaas oo dhan na tusinayaan fadliga Bidha Ramadaan iyo Fursadaha Ru uxa Muslmka uu helaayo oo ah kuwa aan mar walba hor oolin sida in laga xero Shayaadiintii Xu maanta u qurxun jirtay kuwooda ugu madaxa adkaa ee ugu Sharta badnaa taasoo Muslimka siineysa inuu helo jawi aan laheyn caqabado oo uu ku cibaadeysan karo, waxaa kaloo Axaadiistaan laga faaiidayaa in loo dagdago Kheyrka maadaama Janadii loo furay irdaha Naartiina ay Xeran tahay..
4- Arinta Afaraad ee Ramadaanku Bilaha Dheer yahay waa:In uu Xambaarsan yahay Cibaadooyin ay yartahay in sanadka oo dhan laga dhex helo oo aad u fara badan sida Soonka, Qiya amka, Quudinta Masaakiinta, Ictikaafka, Sadaqada iyo Qur’aan aqriska. waxaana Bisha Ramadaan la Jibaaraa Ajar ada taasoo ah fursad aan mar walba laheli Karin. Hadaba waxaan intaas ku soo koobayaa Darsi ama Maqaal aan Rajeynaayo- Inshaa allaah – inuu noqdo kii koow aad oo aan uga qeyb qaadanaayo Bisha Barakeysan oo Ramad aan ka Faaiideysigeeda.
Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade
Wargelin:-
Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macluulaamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yee lkana ilaali meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq
PUNTLAND OO XUKUNO TOOGASHO AH KU RID AY EEDEYSANAYAAL
Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS Puntland ayaa shalay, xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidam ada am aan ka Boosaaso ku qa bteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qor sheyn ay een inay ku qarxiya an qeybo kamid ah magaalada .
5tan eedaysane ayaa maxkamadda hor teeda ka qirtay in qaraxyada lagu qab tay ay wateen, qorshahooduna ahaa in M/ Bo osaaso ku qarxiyaan, halka Ibraah im Ma xamed Cans huur oo eedaysanayaa sha kamid ahaa uuba sheegay inay ka tirsan yahiin Al–shabaab.
Magacyada Dhalinayarada Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ahaa :-
1-Cabbaas Ibraahim Yare Aadan–ina Kha diijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Bay dhabo–Dil Toogasho,
2-Ibraahim Maxamed Canshuur–Ina Kha diijo C/hi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgoo ye Dil Toogasho ah.
3-Dhaqane Aadan Cabdi Xasan–Ina Sac diyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil too gasho ah.
4- Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Ma xamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydh abo–Dil Toogasho ah,
5-Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Too gasho ah.
WASIIR BEYLE:-"WAA IN LA XOOJIYO SHAQ ADA CANSHUUR ARUURINTA”
Wasiirka W/Maaliyadda ee XFS Md.C/ xmaan Ducaale Beyle iyo ku-xogeenkiisa ayaa Shalay howlo kormeer ah ku tegay xarunta hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka Booliska, kaasi oo u jeedka ahaa u kuurgelidda sida ay ciidamada u shaqeeyaan.
Mas’uulayiinta ayaa waxaa ku soo dha weyay Hoggaanka Ilaalinta canshuuraha Taliya ha Hoga aankaasi iyo sarakiil kale oo ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxi yay howlaha ay hayaan iyo halka ay mar eyso. Wasiirku Ku-xig eenka W/Maaliyad da ee Soomaaliya Md.C/hi Sh.Cali {Qalo ocoow} ay aa sheegay in loo baa hanahay in la xooojiyo qaabka loo aruuniyo cans huuraha.
"Dowladda waxaa ka go’an sidii wadan ka loo gaarsiin lahaa horumar wanaags an, taasi na waxaa lagu gaari karaa inaan xil iska saar no canshuurahana si wanaag san loo qaado, waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karo”Ayuu yari Wasiir Qa loocow Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md. Bayle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xilla iska saaro aruurinta canshuur aha."Waa in la xoojiyo shaqa da canshuur aruurinta, taasi oo ah mid muhiim ah, waana inay wadashaqeyn fiican dhex mar to adiga iyo shaqaalaha Wasaaradda Maa liyadda u xilsaaran canshuur ururrinta loo xilsaaray,Shacabka can shuur baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loo na isticmaalo lacagaha sida loogu talagal ay” ayuu yari Wasiir Beyle.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xaqiiray in hogaanka ilaalinta ca nshuuraha ciid anka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo. "Waa in loo dhaa fo shaqadooda ciidanka ila alinta canshura ha Booliska shaqadooda waxyaabo kale oo aan ka baxsaneen shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay inay shaqadooda xoojinayaan”ayuu yiri Wasiir ka Bayle
Dhinaca kale Md.Bayle ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay bixinta mu shaaraadka cii danka iyo shaqaalaha dow ladda, wax aana uu yiri "Xukuumadda way ka go’antahay inay idin siiso mushaara adkiina, waana joogto amniga qeyb muhi im ah ka yahay xasilinta dalka, isla mark aana qarashaaad loo helo, si wadankee na xasilooni amni u helo sida aad ogtahiin dalkeena waa hodan, waxaana ku jira khe yraad fara badan waxaana muhiiim ah inaan ka faa”iidesano”
Masuulayiinta Wasaaradda maaliyadda ayaa dadaalo xoogan ugu jira sidiii loo ko bcin lahaa dha qaalaha wadanka iyo sidii dadka So omaaliyeed loogu baraarujin lah aa in ay bix iyaan can shuruaadka.
SHAQSIYAAD DHIIRAGALIYA MA SOOMAY AASHA OO DIGNIINO LOO DIREY”
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay-aa digniino u dirtay dad ay sheegtay inay dhiirrigalinayaan dadka Ma Soomayasha ah.
Xoghayaha joogtada ee Wasaa-radda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaa liya Maxamed aadan Qeylow oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay jiraan dad dhiiri galiya Masoomayaasha, islamarkaana cidii lagu ogaado arintaas Talaabo ay Wasaara-ddda ka qaadi doonto.
"Talaabo ayaa laga qaadi doonaa shaqsiyaad caadeystay inay dhiirrigali-yaan dadka Ma Soom ayasha ah, Dowlad-daway la socotaa dadkaas, hadii lagu helo maxkamadd ayaa lala tiigsan doo-naa”, ay uu yiri Qeylow.Arintaan ayaa kusoo beeg maysa xiliay jiraan dad furto goobo laga cuntee yo xiliyad da Bisha Ramadaan.
SIDEE CAAFIMAADKAAGA KOR UGU QAADI KARTAA RAMADAANKA?
Waqtiga la gudanayo waajibaadka Eeb be ee ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhibaato ama ka eed shee-gasho Dadka qaarkiis, iyagoo sheega inay caaf ima ad xumo u keenaan cuntooyin ka qaar, haddaba waxaa jira 7 arrimood oo ca afi maadkaaga kor u qaadi kara inta la-gu guda jiro bi sha Ramadaan, waxayna kala yihiin:-
1. ku dadaal cunidda Saxuurta; Saxuurta waa fiican tahay in la cuno xilli dambe, wa ana wada ogsoon nahay waxtarka ay lee dahay, iyo waliba inay Sunno tahay cu-nid deeda, Caafimaadkaana muhiim ayay u tahay, waxaase muhiim ah inaad xill-igaa si cuntid cunno fudud.
2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufan ka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cu ntada ay Soom aalida isticmaalaan xilliga Afurka iyo cashada, balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan bad san raa shinka ama cuntada dufanku ku badan yahay.
3. Raac talada Nabiga (NNKH) –ee ah ayd in aad Calooshaada u qeybiso 3 qey bood oo kala noqo naya qeyb cunto ah, qeybna biyo iyo qeybta ugu dambeysa oo ahqeyb hawo ah, waxaana loola jee daa in aadan iska buuxin Raashin badan oo aadan noqon dibbira weyne.
4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay le-ed ahay Khudaarta, waa in aad badsataa Khudaarta sida karootada, Caafimaadkaa ga qeyb weyn ayay ka tahay.
5. Soco Afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, kuna soo ware eg Xaafadda ama u lugee Masaajidka, si uu raashinkii aad cuntay u shiidmo.
6. Tuko Salaadda Taraawiixda – Taraawii xdu cibaado keliya ma ahan ee caaf-ima adka ayay qeyb ka tahay oo waxay kor u qaadaa Caafimaadkaaga, waa jimi-csi aad ajar ka heleyso.
7. Wax yar seexo galabtii – Quburadu wa-xay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hu-rdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah, iyadoo Hurdada galabtii ah ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeeddo oo aad cibaadada badsato.
Todobadaasi waxyaabood haddaad ku dhaqaaqdo oo aad sameyso waxaa la hu baa inuu caafimaa dkaagu aad u fii-cnaan doono, balse haddii aad 7-daasi wax ka soo horjeeda sameysid waxaad khatar u tahay caafimaad darro aad adigu is ga lis ay, waayo Soomaalidu waxay tira-ah daa shantaada wax ay ku galisay Shan Shiikh na kaama saarto.Qallinka: C/laahi Ruush
JABHAD WEYN OO BURBURTAY
Ururka Ansaar al-Shariica oo la dagaalamayay ciidanka isku tilmaamay inuu yahay xoogga qaran ka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi ay aa ku dhawaaq ay in ay burbureen.
Ururkaasi ka tirsan maleeshiyaadka Isl aamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya ayaa Mareykanku horay ugu eedeeyay inuu ka dambeeyeen we erarkii 2012-kii lagu qaa day howlgalka Amerikaanka ee Benghazi.
Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu kasoo ga aray dagaaladda, isla markaana la laay ay hogaankiisa. Jabhaddaasi ayaa ugu ba aq day ururrada Islaamiyiinta ah in ay u mi doobaan dagaalka Benghazi.
Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Max amed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Bengh azi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar. Jenaraalka oo ka dagaallama ba riga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.
Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahan nada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray uru rka la baxay Do wladda Islaamiga ah ee Lii biya.
MUUQAAL UU DUUBAY MID KA MID AH RAKA ABKII SAARNAA DIYAARADA TURKISH EE KU DEGI WEYDAY GAROONKA MUQDISHO
Mid ka mid ah Rakaabkii saarnaa Diya aradda Turkish Airlines oo shalay ku degi weyday garoonka diyaaradaha Aadan Ca dde, ayaa duubay muuqaal xilli diyaarada isku dayaysay inay caga dhigato gar oon ka, balse ay u suura geli weyday.
Maxamed Shaakir oo ka mid ahaa rakaab kii la socday diyaarada ayaa bartiisa Face book soo dhigay diyaarada oo dhanka ba dda ka timid, ayna damacsaneyd inay ku degto dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,
Waxaa uu sheegay in maalintii labaad oo is xiga ay diyaarada Turkish Airlines ka de gi weyday garo onka diyaaradaha Muqdi sho, isla markaana isaga iyo rakaab la so cday diyaaradaas oo gaaraya 400 ruux ay ku sugan yihiin magaalada Mombasa, ee dalka Kenya.
Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ma anta oo Axad ah ay rajo ka qabaan inay dib ugu noqdaan Muqdisho, ayna ka dega an garoonka Muqdisho.
Waxaa uu xusay in Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo ka mid ah aas aasaya asha Shirkadda Isga arsiinta Hormuud uu diyaarad u kireeyay dadkii maatida ahaa, oo isugu jiray carruur, dumar, waayeel iyo dadka baahiyaha gaarka qaba.
Saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in diyaarada Turkish Airlines ay u degi weyday dabeylo jira awgeed, isla markaana ay diyaarada ogoshahay kaliya inay ku degto dabeyl u cayiman, sidoo kale waxaa ka mamnuuc ah in diyaarada ay dusha sare magaalada marto, si ay uga degto garoonka, sidaas darteedna ay dhanka badda ka timid, kuna degi weyday garoonka, dabeylo dhanka badda ka imaanayay darteed oo diyaarada xamili weyday inay ka hor-tag to, taasna ay sabab tay inay degi wey do.
MARKAB SIDAY SHIXNAD GARGAAR AH OO GAARAY BERBERA
Markab siday sahay gar gaar oo gaa rayso 1.700 tan ayaa waxa uu gaaray dek adda magaalada Berbara ee maamulka Somaliland Sida ay shaacisay dowladda dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana loogu tala galay dadka ay saam eeyeen abaaraha ee ku sugan dega anada maamulka Somaliland.
Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay qeybiyaan gu ddi kasocda dowladdda Imaaraadka Carabta. Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntoo yinka, waxaana dowladda Imaaraadka Ca rabta ay sheegtay in ay garabta taagan ta hay Shac abka Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Saldhig Ciidan ka dhisanaysa Magaalada Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala lee dahay maamulka iskiis isku aqoonsaday ee Soomaaliland.
SHACABKA KUNOOL GAALKACYO OO DIGNIIN ADAG LOO DIRAY
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug Xirsi Yu usuf Barre ayaa digniin adag u diray dad ka xilliyadda soonka Fura Maqaayaddaha ee ku sugan Magaalada Gaalk acyo.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in cidii lagu arko iyadoo ay u furan tahay goob la gu iibiyo cuntooyin Bisil maalintii in tilaabo adag laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka ayuu ugu baa qay inay bilaabaan howlgal culus oo ka dhan ah kooxahaasi doonaya in ay dadka marin habaabiyaan.
Inta lagu gudajiro Bisha Rammaadaan ayuu sheegay Xirsi Yuusuf Barre in aysan aqbali doonin in Maqaayaddo qarsoodi ah Gaalkacyo laga furo. Ammaanka M/Gaa lkacyo ayaa aad loo adkeeyay wa xaana maalintii Ciidamada Ammaanka ay same eyaan howlgal.
DAGAAL CULUS OO KA DHACAY SH/HOOSE
Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray xalay Dega ano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen farii simo Ciidanka Dowlad da Federaalka ay ku leeyihiin Degaanka Lambar 50 oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay shee ge en Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deg aanka lagu magacaabo Number 50, wax aana la isku ade egsaday Hubka nuuc yadiisa kala duwan.
Laba ruux oo ka mid ah dadka ku nool degaanka No.50 ayaa dagaalkaasi ku ge eriyooday, halka si doo kale ay jiraan dha awacyo soo gaaray shacabka sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, bal se waxaa jira Khas aare, maadaama daga alka uu ahaa mid culus oo labada dhinac rasaas kala duwan isweydaar sanayeen.
Sidoo kale waxaa jiray Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Xaafadaha deg aanka Lambar 50. Xigasho:-risaal.net
WADOOYINKA MUQDISHO OO XIRAN
Ciidamada dowladda ayaa Saakay Gawaarida dagaalka ku jaray qaar ka mid ah wadooyinka u gu muhiimsan Magaa-lada Muqdisho sida Maka Al-Mukarr-ama,Wadnaha iyo Jidka 30-ka.
Dadka Shacabka ayaa lugeynaaya Maadaama wadooyinkaasi aan loo og-oleyn in ay maraan Gawaarida dadwey-naha.
Ujeedka Wadooyinkaasi loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu waddo in uu dhagax dhigo wadada dheer ee Jidka 30-ka.
Jidka 30-ka ayaa ku jira wado-oyinka wali burbursan , waxaana lagu waddaa in maanta dib u dayactir lagu bilaabo.
Mas’uuliyiinta dowladda Sooma-aliya ayaa inta badan loo xiraa wadoo-yinka Muqdisho xilliyadda ay doonayaan in ay shaqo qabtaan.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 28-KA MAY 2017-KA
WAKIILKA UN-KA OO SHEEGAY IN BISHA RAMADAAN AY KU SOO AADDAY IYADOO 6.7 MALYAN OO SOOMAALI AH AY BAAHANYIHIIN Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambaly