
Hanti dhowrka Qaranka oo la amray in Xeer ilaalinta uu u gudbiyo Kiisaska 19-kii Wasaaradood ee Musuq maasuqa lagu helay
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hanti dhowrka laga rabo Kiisaska Wasaaradihii uu ku soo cadeeyay Musuqa si tallaabooyin sharciga waafaqsan loo marsiiyo.
"Hanti Dhowrka Qaranka Somaliya waxaa la farayaa in Kiiskaasi 19 Wasaaradadood Xeer ilaalinta Qaranka uu u gudbiyo muddo 30 maalin gudahooda oo ka bilaabanta maalinta uu soo baxay Qaraarka ku saabsan Maaliyada.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.
Hanti Dhowrka Qaranka Somaliya ayaa Baarlamaanka hortiisa wuxuu ka sheegay in 19 Wasaaradood oo Xafiiska Hanti Dhowrka baaris adag ku sameeyay, kadib lagu helay kiisas ah inay musuq maasuq ku kaceen, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn halka ay ku dambeyso arintaasi.
Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Somaliya oo shalay soo saaray Qaraar la xiriira Maaliyada dalka saddexdii bil ugu dambeysay ayaa Xildhibaanada waxa ay si adag kaga hadleen lacago la lunsaday oo aanan la garaneyn halka ay ka baxeen.
Majirto isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan Deeqaha kala duwan ee Dowladda ay ka hesho caalamka iyo halka rasmi ahaan ay ku baxaan, iyadoo Wasiir waliba oo Xukuumadda ka tirsan uu si gaar ah ugu tagri falo dhaqaalaha dalka.
Hanti dhowrka Qaranka oo la amray in Xeer ilaalinta uu u gudbiyo Kiisaska 19-kii Wasaaradood ee Musuq maasuqa lagu helay
Iyadoo horay Hanti dhowrka Qaranka Somaliya uu u shaaciyay in 19 Wasaaradood oo ka tirsanaa Xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed lagu helay falal musuq maasuq ah, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya waxa ay ku amren