
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo
Magacaabista Fahad waxaa ay timid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dowladda Qadar ka codsatay in ay la hadalsiiso Al-shabaab.
Dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya shuruud uga dhigtay in ay lahadalsiineyso Al-shabaab,laakiin ay ka horreyso in marka hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabo lataliyihiisa dhanka amniga.
Dowladda Qadar waxaa ay ballan qaadday in ay Al-shabaab lahadalsiineyso Dowladda Soomaaliya haddii ay diidaanna garab ka mid ah Al-shabaab ay Gogobsha keeneyso.
Fahad Yaasiin,waxaa uu beddelayaa Xuseen Macallin Maxamuud oo uu horay Madaxweynaha ugu magacaabay latalaiyaha amniga ee Madxweynaha.
Lama oga sida uu madaxweynaha ugu qancinayo Xuseen xilka qaadista uu ku sameeyay maaddaama Xuseen uu ka mid ahaa dadkii hoggaaminayay ololaha uu ku soo baxay ee lagu doortay 8ddii February sidoo kale waxaa ay isku dhowyihiin Xuseen Xaaska Madaxweynaha Soomaaliya.
Ninka loo magacaabay lataliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah saaxiibka 1aad ee dowladda Qadar ku leedahay Soomaaliya,waxaana uu arrintan ku jiray ilaa 2012kii,waxaana uu ahaa shaqsigii suurageliyay in Sanadkaas uu Xasan Sheekh maxamuud ku guuleysto doorashadii dhacday sidoo kale 2017 doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ahaa ninka u qaabilsanaa ololaha iyo maalgelinta doorashada.
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin u magacaabay lataliyaha amniga ee Madxweynaha Soomaaliya.