Wakiilka UN-ka oo sheegay in Bisha Ramadaan ay Ku Soo Aaday Iyadoo 6.7 Malyan Oo Soomaali Ah Ay Baahanyihiin

0
Saturday May 27, 2017 - 23:00:03 in Wararka by
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka UN-ka oo sheegay in Bisha Ramadaan ay Ku Soo Aaday Iyadoo 6.7 Malyan Oo Soomaali Ah Ay Baahanyihiin

    Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo u aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo u aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay.

"Sanadkan, bisha Ramadan waxay ku soo beegantay iyadoo 6.7 malyan oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo abaarta darteed. Tani waxay ka dhigeysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna horumarinayo daryeelka ,” ayuu yiri danjire Keating.

"Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip