
Madaxweynaha oo ku dhawaaqay in la qabanaayo Shirweyne looga hadlaayo wixii ka soo baxay Shirarkii Hiigsiga ee ka dhacay dalka
Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in dhawaan la qabanaayo Shir wax la isaga weydiinaayo waxyaabaha ka soo baxay Shirarkii Hiigsiga, ayna suuragal tahay shirkaasi inay ka soo baxaan fikrado macquul ay tahay in looga gudbo marxlada 2016-ka.
"Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-ki bisha dalka meel kastoo ka mid ah loo safray loo wada dhaqaaqay deegaanadaasi dadka deggan iyo gudiyadi halkan laga diray iney si wada jir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oon rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigaasi uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay ” ayuu yiri Madaxweynaha.
"Waxaa Dhawaan la qaban doonaa Shir weyn oo ballaaran oo isagana wixii Gobolada laga soo aruuriyay iyo wadatashigii wixii ka soo baxay la isugu keeni doono oo dib ergo heer qaran ah ay ka sii naqaashi doonto oo ay sii dhameystiri doonto.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Somaliya ayaa horay u shaacisay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taasi bedelkeedana la raadinaayo nooca doorasho oo ay suuragal tahay in dalka Somaliya ay ka dhacdo.
Siyaasiyiinta iyo Axsaabta Siyaasada dalka ayaa ku dhaliilaya Dowladda Somaliya inaysan tallada dalka aysan ka qaybgalin Axsaabta Siyaasada dalka.
Madaxweynaha oo ku dhawaaqay in la qabanaayo Shirweyne looga hadlaayo wixii ka soo baxay Shirarkii Hiigsiga ee ka dhacay dalka
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la qaban doono Shirweyne looga arinsanaayo waxyaabihii ka soo baxay Shirarkii Hiigsiga ee dhawaan ku soo idlaaday Gobolada dalka Somaliya.