
Kaliil oo sheegay inaan xal weli laga gaarin Khilaafka ka taagan Gobolka Gedo
Kaliil, oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in been abuur iyo arin fadeexad ku ah ay tahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Fartaag oo ahaa in Degmada Garbahaarey lagu soo idleeyay khilaafka ka dhashay xilka ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Gedo.
"Waa Been wax hishiis maanan gaarin, nin masuul ah oo been intaas la eg sheegaya waligey maanan arag, annaga wax hishiis ahna lama aanan galin, waxa la isku heystana waa xil ka qaadis qalad ah oo ay igu sameeyeen”ayuu yiri Kaliil.
Dhanka kale wuxuu si cad u dhaliilay dadaalada uu waddo wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya oo ku saleysan dhanka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay inuusan aheyn masuul ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha ama uusan aheyn Ugaaska Beelaha Gedo.
"Wasiir Diini ma ahan Wasiirka arimaha gudaha, mana ahan Ugaaska beesha Sade iyo beelaha kale, dib u heshiisiinna shaqo kuma lahan, sababtoo ah waa Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya, marka side buu dib u heshiisiin u sameyn karaa.”Ayuu yiri Kaliil.
Hadalka Kaliil waxa uu muujinayaa in weli ay taagan tahay Khilaafka ka taagan Maamulka Gobolka Gedo uu u magacaabay Axmed Madoobe.
Kaliil oo sheegay inaan xal weli laga gaarin Khilaafka ka taagan Gobolka Gedo
Maxamed Cabdi Kaliil, Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee uu xil ka qaadista ku sameeyay Axmed Madoobe ayaa si adag kaga soo horjeestay hadal uu dhawaan soo jeediyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.