Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo saaka ka socda Galkacyo

0
Sunday November 22, 2015 - 09:29:34 in Wararka by
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo saaka ka socda Galkacyo

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa saaka ka qarxay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dagaalka uu hada xoogiisa ka socdo koontaroolka dhinaca koofureed ee Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa saaka ka qarxay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dagaalka uu hada xoogiisa ka socdo koontaroolka dhinaca koofureed ee Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa markii hore ka bilowday saldhiga dhexe ee Galkacyo, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dhabta ah ee uu dagaalku ku bilowday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac isku heysteen wado laami ah oo Galkacyo ku taal, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in dagaalka uu si aad ah u saameeyay.

Labada dhinac ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta labada maamul, waxaana in muddo ah labada maamul ka dhex taagnaa xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug, iyadoo Puntland ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka Galmudug.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

XIGASHO:- JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip