Duqeyn loo geystey saldhig ay ku lahaayeen Al-shabaab deegaanka Beled-Amiin ee gobolka Sh/hoose

0
Sunday November 22, 2015 - 09:28:11 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn loo geystey saldhig ay ku lahaayeen Al-shabaab deegaanka Beled-Amiin ee gobolka Sh/hoose

    Wararka ka imanaya deegaanka Beled-Amiin ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saldhig ay ku lahaayeen ciidamada Alshabaab deegaanka Beled-Amiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya deegaanka Beled-Amiin ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saldhig ay ku lahaayeen ciidamada Alshabaab deegaanka Beled-Amiin.

Duqeyntan oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa waxa ay wararku sheegayaan in gantaalo lagu garaacay meel duleedka ka ah deegaanka Beled-Amiin oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan siddeed ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab ay halkaa ku dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Deegaano u dhow dhow Beled-Amiin ayaa laga maqlay duqeyntii xalay dhacday iyadoo dadka reer miyiga ay sheegeen in illaa saddex jeer duqeyntu ay dhacday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyo maamulka Alshabaab oo la xiriira duqeyntan loo geystey deegaanka Beled-Amiin.

Diyaaradaha Drone-ka ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa hore duqeyn u geysatay saldhigyo ay ku lahaayeen ururka Alshabaab deegaano kamid ah dalka Soomaaliya. Waxaana duqeymahaas lagu diley saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab uuna ka mid ahaa hogaamiyihii hore ee Alshabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip