WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 24KA MAY 2017KA

0
Wednesday May 24, 2017 - 10:00:09 in Wararka by
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 24KA MAY 2017KA

    MAS'UULIYIIN KA TIRSAN DOWLADDA OO QORYAHA WAA WEYN LAGA QAADAY R/Wasaaraha Soomaaliya Md/Xasan Cali Kheyre ayaa Hatan M/Muqdisho kaga dhawaaqay howlgal loogu tala galay in Magaalada looga aruuriyo Qorya ha waaweyn. Mas'uuliyiin ka tirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAS'UULIYIIN KA TIRSAN DOWLADDA OO QORYAHA WAA WEYN LAGA QAADAY R/Wasaaraha Soomaaliya Md/Xasan Cali Kheyre ayaa Hatan M/Muqdisho kaga dhawaaqay howlgal loogu tala galay in Magaalada looga aruuriyo Qorya ha waaweyn. Mas'uuliyiin ka tirsan dowl adda Soo maaliya oo la sheegay in ay wat een Gaw aari ay saaran yihiin qoryo waa weyn ayaa maanta laga qaaday.

R/ Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Amarkaasi ,isla shalay la gu ful iyay taliyeyaal ka tirsan ciidamada dowladda. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 11-kii bishaan ku dhawaaqay in Muq disho laga bilaabi doono howlgal hub aru urin ah.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO ICLAAM IYAY GOGOL LAGU DHISAYO M/MUL GOBOL EED UU YEESHO G/BANAADIR

Xaflad lagu soo dhaweynayay madaxw eynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cos oble. oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyad da reer Hirshabelle ee Kenya, ayaa lagu qabtay M/Narobi. Ee dalka kenya

Waxaa ka qeybgalay xildhbaanno iyo Senetarro ka tirsan Baarlamaanka FS oo ay ka mid ahaay een Senetor Muuse Su udi iyo xildhibaannada kala ah Khaliif Ca bdi Cumar, Cabdisataar Sh.Xasan Barsame, Maxamed Xasan Qoone, Xildhibaan C/qaadir Carabow iyo Cabdixakiin Macal lin Axmed.

Xubnihii munaasabada ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, Xil dhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo sheegay inay muqadas tahay in maqa amka G/Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Tali yihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Si rdoonka Gen.C/raxmaan Tuur Yare oo soo dhoweeyay munaasabada iyo in Gob olka Banaadir ay hesho matalaadeeda siy aasadeed,Madaxweynaha M/mulka Hir shabeelle Md. Cosoble ayaa ku dhawaaq ay inuu dhigi doono gogol lagu dhisayo maamul uu yeesho G/Banaadir, taasoo qe yb ka ah matal aada siyaasadeed ee uu G/ Banaadir ku yeelanayo dalka.

"Waxaa halkaan idin ka cadeynayaa ina an dhigi doono gogol lagu dhisayo Maam ul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir, waxayna gogoshaas taalaa Balcad, bisha Ramadaan ka dib ayaa qa baneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble oo dhowaan si adag uga hadlay maqaamka Gobolka Ba naadir iyo cida xaqa u leh Gobolka.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo dhoweynayo in gana csatada dibad da ay maal gashadaan dee gaanka Hirshabeelle. Waxaa uu ku baaq ay in la maal geliyo warsha da ha ku yaalla Jowhar iyo Balcad oo ka mid ahaa warsh adihii dalka uu lahaa, sida warshadii son kor ta Snai iyo warshadii dharka Balcad.

Dhammaan dadkii ka hadlay munaasa badda ayaa isku raacay sida ay muhiim u tahay in la taa geero maamulka uu hoggaa minayo madaxweyne Cosoble iyo in la he lo maqaam uul yeesho gob olka Banaadir.

Arrinta ku saabsan maqaamka Gobolka Banaadir ayaa ahaa mid aad u sii xoogey sanayay mu ddooyinkii u dambeeyay, wax aana Muqdisho ka dhacayay shirar looga hadlayay arrintan oo ay hor boodayeen siy aasiyiin, waxgarad iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

UNICEF OO WARBIXIN KA DIYAARISEY XAA LADA BINI”AADANIMO EE SOOMAALIYA

Qiyaasyo la sameeyay illaa 4milyan oo caruur ah ayaa si degdeg ah ugu baahna an doona ka almooyin bini’aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya,inkastoo howlo bad an oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dal ka. Hey’adda ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay muujinayaan in xilligga Jiilaal ka ee soo socda ay sii jirayaan ama ay sii kacsanaanayaan xaaladaha qatar ee xagga maclu usha,taasoo keeneysa in ay isku darsamaan raashin la’an iyo halista cudurada faafa.

Tirada dadka u baahan kaalmooyinka bini’aadanimo ayaa noqonaya 6.7 million oo dalka ah ,halka 3.2 million ay ku jiraan halis ama ay joogaan goobo qatar ah. Ill aa 7kun oo kiisaska cudurka jad eecada ah ay lagu waramy in lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sana dka an,waxaana hey’adaha wadaaga la ah Unicef ay wadaan tallaal cudurkaasi ah oo sanadkaan laga tallagalayo 35kun oo car uur ah

Dhinaca dadka ku barakacay agagaar ka xarumaha magaaalooyinka ayaa la she egay in dad gaaraya 30.kun oo barqakac ayaal ah ay u baahan yihiiin laga saacido adeegyada caafimaad sida fayo dhowrka iyo dhismaha musqulo si looga hortago halista cudurada,gaar ahaan xilligga roo bab ka

ITOOBIYAAN U TARTAMAYA HOGGAANKA HAY' ADDA CAAFIMAADKA ADDUUNKA

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom ayaa laga yaa baa in sha;ay loo doorto madaxa Hay'ad da Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Mr.Tedros ayay is hayaan Labo mura shax oo kale, doorashaduna waxay ka dhacaysaa xarunta u gu wayn ee hay'add an QM oo ku taalla Switzerland.

Doorashadan waxaa ka qaybgalaya er go ka socota 194 dal ee xubnaha ka ah hay'addan oo mid kaste uu cod ka dhiiban doono. 2da murashax ee kale ee ay is ha yaan ayaa kala ah David Na barro oo reer UK ah iyo Sania Nishtar oo ah wasiirkii ho re ee caafimaadka ee dalka Pakistan. Mur ashaxnimada Tedros waxaa taageeray ur urka M/Afrika laakiin muran la'aan ma ah ayn. Waxaa lagu eedeeyay inuu qarinayo 3 jeer oo Itoobiya uu ka dilaacday daacu un, laakiin dadka taageersan ayaa sheegay inay tahay iskuday si ula kac ah loogu curyaaminayo.

Maraykanka oo u digay Itoobiya Soom aalida oo 2 wasiir ku yeelatay golaha wasi irada Itoo biya Itoobiya oo dalal shisheeye ku eedaysay rabshadaha Kooxo ka mid ah mucaaradka Itoo biya ayaa si wayn uga soo horjeedaan Tedros. Waxayna ku eed eeyeen in dawladda Itoobiya ay gaysa nay so tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayna rumaysan yihiin inay dawladu cod ka WHO ku doonayso inay sare ugu qaad do heerka Dublamaasiyaddeeda.

Kulan Isniintii dhacay oo hay'ada WHO lahaydna waxaa carqaladeeyay dad muda aharaadayay oo ku qaylyayay Tedrod, da dkaas ayaa ku sugnaa meel balakoon ah oo aan ka fogayn dhismaha uu kulanku ka dhacayay.

HAWEENEY SOOMALI AH OO LALA XIRIIRINA YO WEERARKII KA DHACAY M/MANCHESTER

Haweeney Soomaali ah oo ku nool k/ta dalka Australia ayaa lagu eedeeyay inay xiriirka dhanka inte rnetka ah ay la laheyd kooxda la magac baxday qilaafada Islam ka ee daacish sida sarkaal katir san Poli ceka dalka Australia uu warbaahinta u sheegay.

Haweenaydaan Soomaaliyeed ayaa bo oliiska ka hortaga falalka waxa loogu yee ro argagixini mada 10 bilood ka hor waxe ey ka joojiyeen inay ka dhoofto dalka Aus tralia waxaana da’deeda lagu sheegay 22 jir austrilian ah balse soomaaliya katimid iyadoo jirtay 14Sano.

Haweeneydan oo baaritaano ka dib la gu xiray xabsi ku yaala dalka Austrelia ay aa lala xeriirinyaa in dhanka internetka xi riir ay kula sameesay kooxda lamagac ba xday qilaafada islaamka ee ISIL waxaana policeka dalkaasi ay sheegeen inay u bal lan qaaday daacanimadeeeda ku aaddan taa geerada ay u heyso kooxda daacish .

Agaasimaha policeka la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee dalka Austrila ayaa til maanmay in eedeemaha loo heysto haweyneedan soomaaliyeed aynan la’xeriirin weerarkii habeen hore ka dhacay M/Manchester ee dalka Britain hal kaa oo 20 qufood ay ku dhinteen.

MACALIMIIN MASAARIYA OO LAGA SAGOO TIYAY M/MUQDISHO

R/Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Md. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan so gootin iyo mah ad celin iskugu jirta u sam eeyay Macalamiin barayaal ka ahaa Iskoo lada iyo Jaamacadaha ku yaa la Muqdisho kuwaasoo ka yimid dalka Masar haatana dib ugu laabanaya dalkoodi ,waxaana mu naasbadan ka soo qayb galay Xildhibaa no,qaar kamid Golaha Wasiirada iyo Ma calimiinta la sogo otina yay.

Wasiirka Waxbaraashada Soomaaliya C/maan Daahir Cosmaan ayaa mahad cel in ka dib wax uu sheegey in Macalimiintan ay dalka joogeen 7bilood haatan ay dib u gu laabanayaan dalkooda, waxuu kaloo sheegay in dalka Masar iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis ka kooban 5Qodob ka soo la xiriira arimaha waxbarashada. Wax aana heshiiskaas kamid ahaa In Labo Is kool la siiyo mac alimiinta Masaarida.

Macaliminta dalka Masar ayaa dhankoo da ka mahad celiyey sida loo soo dhawee yey wax eyna sheegeen inay tagi doonaan dhamaan Gobolada dalka kuna faraxsan yihiin shaqada ay Soom aaliya ka hayaan, sidoo kale waxay casuumeen W/Waxba rashada Soomaaliya inuu ku soo booqdo wadankooda si ay u kormeeraan goobaha waxbarasho ee dalka Masar.

Md. Mahad Ayaa ka sheekeeyay xirii rka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya waxuun tilmaa may inuu yahay mid taariikh iya oo ku saleysan waxyaabo badan oo ku qotoma Waxbarasha da,Ganacsiga iyo Siyaasada labada wadan, waxuuna cadee yay inuu dalka Masar uu qayb wayn ka qa atay inay Soomaaliya dib u hesho xoriy adeeda wakhtigii Gumeysiga.

"Dowlada Masar iyo shacabkeeda wa xey si wayn nooga taageereen dhanka waxbarashada wakhti ay dadka Soomaali yeed u baahnaayeen inay helaan aqoon dheeraad ah,waxeyna dhiseen goobo wa xbarasho sida Iskoolka Amed Guray ee M/Hargeysa.” Ayuu yiri Md.Mahdi Ugu da mbeen R/Wasaare Kuxigeenka ayaa u ma had celiyey macalimiinta iyo dowlada Mas ar sida wanaagsan ay u garab taagan yih iin Soomaaliya waxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageerida shacabka Soomaa liyeed.

GUD/TAABID OO KU DHAWAAQAY OLOLE LA MAGAC BAXAY DALKAAGA WAX U QABO

G/Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdi sho Md.Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay olo le cusub, oo la magac bax ay Dalkaaga wax u qabo, kaasoo bedela ya ololihii caan baxay ee G/yihii hore G/ Banaadir Yuusuf Madaale ee ahaa Dalkaa ga ku dhiso Hal Dollar.

Taabid ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan ka qeyb qaadashada ololaha dalkaaga wax u qabso, kaasi oo lagu soo celinayo bilicda magaalada.

Waxaa uu sheegay in Ololahan la sam eyn doono bil walbo dhammaadkeed, ka maamul ahaa nna ay keeneen qalabkii olol ahaasi looga qeyb qaadan lahaa.

"Caasimadda aan mustaqbalka hiigsa neyno waa mid nadiif ah, Haatan waxaan ku dhawaaqnay olole nadaafaddeed oo aan ka wada shaqeyn doono. Fadlan ka qeybqaado ollolaha dalkaaga wax u qabo. "Xamar aan Dhaxjibaaxnee, Jidadkeeda nala Nadiifi”, "Degmo aan is Nadiifin, Dal ka Way ka Hartaa” Sidaas waxaa yiri Gud doomiye Taabid qoraal uu bartiisa Fac ebook soo dhigay.

Inkastoo ay dib u dhisantay Muqdisho, hadana meelaha qaar waxaa ka jirta na daafad xumo u baa han in shacabka mag aalada oo mid ah ay wax ka qabtaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Gu ddoomiyaha G/Banaadir uu sheegay in maamulkiisa aanu ku filneyn wax ka qaba shada khasaarihii uu geystay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, oo sab abay dhimasho iyo dhaawac

GUDDOOMIYEYAASHA DEGMOOYINKA G/B ANAADIR OO XILALKII LAGA QAADAY IYO KU WA CUSUB MAGACYOODA

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wa siirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa waxaa Xalay Xilalkii looga qaaday illaa 15 ka mid Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, waxaana la dhaafay 2 Gudd oomiye oo keliya. 2 Guddoomiye la reeb ay ayaa kala ah Gud. Degmada Kaxda iyo Gud. Degmada Hilliwaa.

15kii Guddoomiye ee xillalkii laga qaa day ayaa waxaa lagu bedelay Guddoom iyeyaal cusub.

Afhayeenka Maamulka G/Banaadir Md .C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahin ta u aqriyay Mag acyada Guddoomiyeyaa sha cusub ee la magacaabay.

{MAGACYADA GUDDOOMIYEYAASHA LA MAGACAABAY WAA ISDA HOOS KU QORAN}:

1.Degmada Shibis waxaa loo magaca abay Safiyo Cali Jimcaale/ horey waxaa u hayay Axmed Muumin Maxamed.

2.Degmada Hodan waxaa loo magacaab ay Maxamed Axmed Maxamuud (Cantoo bo) / horey wa xaa u hayay Axmed Salaad Ibraahim.

3.Degmada Yaaqshiid waxaa loo magaca abay Axmed Xasan Maxamuud /horey wa xaa u hayay Cusman Maxamud Cadawe.

4.Degmada Wadajir waxaa loo magacaa bay Cumar C/laahi Xasan/ horey waxaa u hayay Axmed Cabdulle Afrax.5.Degmada Howlwadaag waxaa loo mag acaabay C/kariin Cali Cabdi (Kaar)/ horey waxaa u hayay Ciise Maxamuud Guurre.

6.Degmada Kaaraan waxaa loo magacaa bay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo)/ horey waxaa u hayay Cumar Meyre Macow.

7.Degmada Dayniile waxaa loo magacaa bay C/wali Nuur Faarax/ horey waxaa u hayay Axmed Nu ur Cabdi Siyaad.

8.Degmada C/casiis waxaa loo magacaab ay Sharmaarke Maxamed Ladane/ horey waxaa u hayay Cusmaan Muxudiin Cali Cariif.

9.Degmada Dharkeynley waxaa loo mag acaabay C/raxmaan Siid Cali Xuseen/ hor ey waxaa u ha yay C/fataax Nuur Cali (Ya anyo).

10.Degmada Shangaani waxaa loo ma gacaabay Basmo Cumar Axmed/ horey waxaa u hayay C/qaadir Maxamed C/qa adir

11.Degmada Xamar Weyne waxaa loo ma gacaabay Cumar Shariif Maye/ horey wax aa u hayay Saciid C/qaadir Saciid.

12.Degmada Xamar Jajab waxaa loo mag acaabay C/wali C/laahi Maxamed/ horey waxaa u hayay Axmed Cusmaan Dhoore.

13.Degmada Waabari waxaa loo magac aabay Rowdo C/laahi Colaad/ horey wax aa u hayay Xuseen Axmed Culusow.

14.Degmada Boondheere waxaa loo mag acaabay Zainab Yuusuf Wehliye/ horey waxaa u hayay Qaasim C/laahi Xasan (Dheere).

15.Degmada Wartanabada waxaa loo ma gacaabay Zainab Maxamuud Warasame/ horey waxaa u hayay Yaasiin Nuur Ciise.

KHASAARAHA KA DHASHAY QARAX XALAY KA DHACAY BOOSAASO

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo Xalay ka dhacay Ba rtamaha M/Boosaaso ee G/Bari ee Maamulka Puntlnad. Qaraxan oo ahaa mid Ismaamiidin ah ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga xar unta Dowladda Hoose ee M/Boosaaso, sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha hal kaasi ku sugan.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen Qaraxan inay ku dhin teen ilaa 5 Qof, oo 2 ka mid ah ahaayeen Dhalinyaro, halka ay ku dhaawacmeen da d ku dhow 9 Qof. Dadkii ku dhaa wacmay Qaraxan ayaa waxaa loola cararay Isbita alada ku yaalla M/Boosaaso, si xaaladoo da caafi maad loola tacaalo.

Ciidanka ammaanka oo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay xire en 4 jiho ee goobta uu Qaraxa ka dhac ay,waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaanno la xiriira Qaraxan

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY DHIGGIISA JABUTI ISMACIIL CUMAR GEELLE

Maxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bil aabatay dalka Jabuuti ayaa Shakay Glabt la kul may dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cum ar Geelle. Madaxweyne Gee lle ayaa Mad axweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay qa sriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan shar af uga qaatay Ciidanka jamhuuriga.

2da Madaxweyne ayaa ka wada hadl ay xiriirka soo jireenka ee 2dal u dhaxee ya iyo danaha 2da dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah AlShab aab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga ma had celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadan eyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soo maaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

2da Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan ay qaateen waxay qabt een shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furit aanka deked cusub oo dhowaan xariga la ga jari doono, sidoo kale waxaa uu khud bad ka jee din doonaa Xarunta Baarlama anka Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah tii 3aad ee Mad axweyne Farmaajo ku tago dalalka deri ska, waxaa uu horay u booqday dalalka It oobiya iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Sooma aliya.

WASIIRKA MAALIYADDA OO KULAN LA QAATAY AGAASIM AYAASHA WAAXYAHA

Wasiirka Maaliyadda XFS Md.C/raxm an Ducaale Bayle ayaa shalay subax kula n looga hadl ayo kor u qaadida tayada sha qo ee Wasaaradda layeeshay agaasima yaasha Waaxyaha, waxaa na kulan ku we hliyey Wasiir ku xigeenka Maaliyada Prof. C/hi Sh .Cali Qaloocow iyo Xooghayaha Joogtada ah Ahmed Dayib Nuur.

ShirkA ayaa looga hadlay sidii sare lo oga qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaaf ka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka, waxaa sidoo kale wasiirku ku boori yey shaqaalaha dekedda in shaqadooda ay laba jibaaraan islamarkaana la samee yo qayb shaqaalaha ka mid ah oo deked da ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyin ku.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka shaqeeyaan shaqaale aad u faro ba dan loona baah an yahay in dib u eegis la gu sameeyo ku salaysan dhanka aqoont ooda iyo in ay si joogta ah u yi maadaan shaqadda."Shaqaalaha xuquuqdooda dowladdu xil weyn ayeey iska saartay, waxaana la gama maarmaan ah inay soo xaadiraan shaqadda xiliga lagu heshiiyey. Haddii uu jiro shaqaale fas ax u baahan iyo mid arri mo kale shaqada uga maqnaanaya waxaa lagama maarmaan ah in loo eego sharci ahaan waxa u xaqa u leeyahay, waana in meesha laga saaro shaqaalahaan xiligay doonaan iska safraya” ayuu yiri Wasiir Ba yle.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in kulankaan uu noqon doono mid joogta ah oo dhaca usbu uc kasta, loogana gol leeyahay dar dargalinta shaqada wasaar adda iyo kobcinta dakhliga u soo xar ooda dowladda.

BBC OO GO’AAN KA GAARTAY MAGACA LOO GU YEERAYO SOMALILAND

Madaxda idaacadda iyo telefeshinka BBCda ayaa go’aan ku gaaray in maamul ka Somaliland ugu yeeraan "Jamahuuri yadda iskeed madaxbannaanida ugu dha waaqday”, arrinkaas oo ka car eysiiyay shacabka iyo maamuka Somaliland Dhaq an galka eraybixintan ayaa waxaa lagu soo bee gay maalinta gooni isu taagga Somaliland ee 18ka May.

Arrintan ayaa imaanaya, iyadoo BBCda iyo Somaliland ay gaareen is fahan ku saabsan arrimo soo kale dhex gelay oo hakad geliyay howlaha BBCda ee xafiiska Hargeysa, Balse khilaafkan cu sub ee dha liyay eraybixintaan ayaa keeni kara in ma rkale ay xiisaddu iska isku shareerto.

Xeerka cusub ee tifaftirka BBCda ayaa bisha May lagu kordhiyay ereybixinta cus ub ee "selfdec lared republic of Somalila nd” oo lagu turjumay afafka ay BBCda ku hadasho, iyada oo la her geliyay isla bisha as markii la faafiyay.

Bishii March ee sanadkan ayay aheyd markii wafdi ka socda BBCda oo ay hogg aamineysay Caroline Karubi ay tageen Ha rgeysa, iyagoo Maamulka Somaliland ka qanciyay cabasho ay usoo jedisay BBCda

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cisma an Saxardiid Caddaani ayaa dhowaan ku eedeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BB Cda inaysan dhex dhexaad ka aheyn arr imha Somaliland, isla mark aana doodaha ay qabato ka qeyb geliyaan dad ka soo horjeeda Somaliland.

BBCda ayaa dhageystayaal iyo daa wadayaal badan ku leh gobollada waqooyi ee Soomaaliya ee uu Ingiriisku gumeys tay, balse 1991kii iskood ugu dhawaaqay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

DONALD TRUMP OO LA KULMAY MADAXWEY NAHA FALASTIIN

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo maalintiisii ugu dambeysay boo qasho ku mar aya Bariga Dhexe, ayaa Sha lay la kulmay Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas. Madaxwey naha Falas tiin, ayaa Madaxweynaha Mareykanka si diiran ugu soo dhaweeyay M/Bethlehem, oo kulan gaar ahi ay ku yeesheen.

Md.Tram oo Saxaafadda la hadlayay, ayaa ballanqaaday in Mareykanka uu sam ayn doono tallaabo kasta oo ay heshiis ku gaari karayan Falastiin iyo Israel. Wuxuu sheegay Mareykanka in 2 da shacab uu ka caawin karo, rajo ay ka dhaliyan Bariga Dhexe. Falastiin iyo Israel ayaan wax wa da hadal ah yeelan muddo 3 sano ka bad an.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa yiri "Run ahaantii waxaan ku rajo weynahay in Mareykanku ka caawin doono Israel iyo Falastiin inay xal nabadeed gaaraan, taa soo rajo gelin doonto gobolka iyo dadki isuba.” Waxaa uu intaa ku daray "Sidoo kale waxaan aad u rumeysnahay in Fala stiin iyo Israel ay heshiin karaan, kaasoo bilow u noqon doona hannaan nabadeed oo Bar iga Dhexe oo dhan wada gaara, taasina waxay noqon doontaa guul weyn.”

Falastiin iyo Israel, ayaa waxay isku ha yaan dhawr arrimood oo laga xusi karo mustaqbalka Bariga M/Qudus, qaxootiga Falastiiniyiinta iyo xuduudaha 2da dhinac.

DAACISH OO SHEEGATAY MAS’UULIYADDA QARAXA KA DHACAY BOOSAASO

Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay bar Ko ntorool oo ku taala bartamaha Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda Amaq ayay ku sheegeen in weerarka uu fuliyay dag aal yahan ka tirsan Ururka Daacish islamarkaana lagu dilay askari badan oo ka tirsan Ciidamada a maanka maamulka Puntland ee kontoroolka ku sugnaa.

Dhanka kale Maamulka Puntland oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in dhimasho ay tahay 5 Qof oo 4 Shacab Tahay, 1 Askari iyo Ninki Ismiidaamiyay, Waxeyna Tirada Guud isku noqonaysaa 5 Ruux.

Barkhad Bulshaale, waa askariga dhintay isagoo badbaadinaya dad badan oo reer Boosaaso ah, wuxuu diiday in qofka is qarxinayey sida Puntland ay sheegtay in uu gaaro bartilmaameedkiisa, ka dibna ninkii wuu is qarxiyay marku dareemay in Barkhad uusa dhaafi kareyn, sidaasi ayaa barkh ad iyo dhallinyaro aaga ka dhoweyd ay ugu dhinteen qaraxii.

XAFIISKA DIWAAN GELINTA XISBIYADDA SIY AASADDA OO SHALAY LA FURAY

Waxaa shalay M/Muqdisho ee Caasim adda Soomaaliya laga daahfuray Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka ka jira. Xafiiskaan ayaa waxaa furay Guddiga Madaxa Banaan ee doo rashooy inka dalka. GGD Marwo.Xaliimo Ismaaciil oo Munaasabada ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Xafiiskaan shaqadiisa ay noqon doonto diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadeed, ma adaama dalka hadda ay san ka jirin xisbiyo la aqoonsan yahay.

Horay waxaa loo magacaabay Madaxa diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo la ga dhigay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud.

SHABAAB OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDA MO KENYAN AH OO KENYA WERARAYA

AlShabaab ayaa tababar u soo xirtay ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidama da AlShabaab islamarkaana aan ahayn Somali, kuwaasi oo tababarka loogu soo xiray deegaano ka tirsan dhulka Shabaab ka ay maamulaan.

Afhayeenka AlShabaab Sh.Cali Maxa muud Raage,oo munaasabadda tababar ka loogu soo xi ray ciidanka cusub ka had laayay ayaa sheegay in ciidamadaas oo u badan Kenyaan laga doonayo inay weera ro ka fuliyaan gudaha Kenya.

Waxa uu Khudbad uu kaga hadlaayay munaasabaddaasi ka sheegay in raggaasi dhameystay tababarka laga rabo inay dib ugu laabtaan Kenya iyaga oo dib ugu biira ya qoysaskooda ka dibna gudanaya waaji bka ka saaran difaaca Islaamka.

Sh.Cali Dheere ayaa Khudbaddiisa inta badan uga hadlayay taariikhda Islaamka ee Kenya iyo in D/Kenya oo uu sheegay inay xasuuq u geysatay shacab Somaliye ed oo ku nool W/ Bari Kenya. Waxa uu sheegay in xasuuqii Wagala ujeedadiisu ahayd in Islaamka laga suuliyo Kenya, si doo kalena ay D/Kenya Kaniisado ka dhi gtay M/Muslimiinta ee Mombasa iyo maga alooyinka kale ee ay u badan yihiin dadka Muslimiinta ah.

AlShabaab ayaa dhawaan baahiyay muuqaalka Alfred Danyi Kilasi oo ah Ask ari ka tirsanaa Cii danka Kenya islamarkaa na ay gacanta ku dhigeen 18kii May isa ga iyo 10 Askari oo kale.

 

KULAN LAGU TAAGEERAYEY XUKUMAD DA SOOMALIYA OO KA DHACAY MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qaybgaley kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaan ka soo qayb gal ay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka Galmudug, Gudoomiyaha Gobol ka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

"Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz , waxayna ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, tasoo fursad siineysa dadka Soomaaliyeed si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xagjirnimada ah.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay Dekada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha qeybta Maaliyadda, waxuuna kala hadlay howlaha ka socda Dekeda, isagoo kula dar daarmey in ay la dagaalamaan musuqmaasuqa si loo helo dawladnimo lagu kalsoon yahay

BOGGA CAYAARAHA

Hordhac: Ajax vs Man United – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kama Dambeysta Tartanka UEFA Europa League – Jose & United Taariikh Ma Dhigi Doonaan?

Manchester United iyo Ajax ayaa ku kulmi doona dalka Sweden iyadoo labada kooxood midood loo caleema saari doono kooxda labaad ee ugu fiican yurub madama ay tartanka labaad ee yurub isku hardinayaan kama dambeystiisa.

Manchester United waxey ku raad joogtaa wadadii ay ku imaan laheyd koobka Champions League mana u suuragaleyso hadii ay ku hungowdo hanashada tartankaan, balse Ajax goor hore ayey kusoo baxday iney isreebreeb usoo marto tartanka.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu taariikh sameeyo madama uusan waligiis ku guuleysata tartanka UEFA Europa League – si la mid ah United ayaa dooneysa iney kooxaha Chelsea, Juventus, Ajax & Bayern Munich kula midowdo kooxaha ku guuleystay dhamaan tartamada yurub.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Ajax vs Man United

Tartanka: Europa League (Final)

Garoonka: Friends Arena

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

AJAX: Nick Viergever ayaa ganaax kaga maqnaan doona Ajax halka Daley Sinkgraven uu kusoo laabtay tababarka lamana oga hadii uu diyaar u yahay kulanka caawa.

Davy Klaassen ayaa hogaamin doona Ajax, Bertrand Traore ayaana hogaamin doona weerarka holaca ah ee kooxda reer Holland.

MAN UNITED:

Bailly ayaa ganaax kaga maqnaan doona United, waxaa la xaqiijiyay in Romero uu goolka qab an doono iyadoo De Gea uu kursiga kusoo bilaaban doono..

Shaw, Ibrahimovic, Young Iyo Rojo ayaa dhaawacyo kala duwan ku seegi doona inkastoo Zlatan uu xaadir ku noqon doono gurigiisa.

Fellaini iyo Smalling ayaa shaki la galinayaaa iney ciyaaraan kuwaas oo seegay kulankii Crystal Palace ee xiritaanka Premier League.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Waa markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2002 ay koox Holland ah gaarto finalka UEFA Cup/ Europa League (Feyenoord) ayaana ugu dambeysay, United waa kooxdii sadexaad ee England ah taasoo gaarta heerkaan shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (Chelsea 2013 iyo Liverpool 2016) ayaa kaga horeeyay .

Ajax iyo Man United afar jeer ayey ku kulmeen tartamada yurub, min laba guul ayeyna kala heystan, labadii kulan ee ugu horeeyay waxey ka mid ahaayeen UEFA Cup 1976/77 iyo Europa League 2011/2012.

Kani waa finalkii sadexaad oo yurub ah kaas oo kulmiyay kooxo Holland iyo England ah (Spurs vs Feyenoord) 1974 iyo Ipswich vs AZ 1981 labaduna waxey ahaayeen UEFA Cup.

Waa markii ugu horeysay oo muddo 21sano ah ay Ajax imaaneyso final tartan yurub ah wax aana ugu dambeysay markii ay rigooreyaal koobkii Champions League ku waayeen 1995/96.

22 sano ayaa kasoo wareegatay markii Ajax ay ku guuleysatay Champions League kulankaas wa xaa kasoo muuqday Patrick Kulivert iyo Danny Blind oo hadda laba ka mid ah caruurtooda ay ka qeyb galayaan finalkaan Daley Blind (United) iyo Justin Kluivert oo (Ajax) ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Ajax: Onana; Tete, De Ligt, Sanchez, Veltman; Klaassen, Schone, Ziyech; Traore, Dolberg, Younes

Manchester United:

Romero; Valencia, Blind, Jones, Darmian; Herrera, Fellaini, Pogba; Lingard, Rashford, Mkhitar yanSAADAALI KULANKA CAAWA

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO

RAJO CENTER FOR DEVOLOPMENT & JOB CREATION

Xarunta horumarinta iyo shaqo abuurka ee Rajo oo looga bartay tababaro aqooneed iyo mid horumarineed waxay haatan qabaneysaa Siminaar muhiim ah oo Ku saabsan Bad qabka xokta (Information Security) iyo Isticmaalada guud ee kusaabsan ITda casriga ah (General application about modern IT.

 

FG: cashirada waxaa bixinaya macalimiin aqoon dheer u leh cilmiga It iyo kombutarada kuwaa oo isugu jira Master degree & PHD iyadoo xusid mudantahay inay jiri doonto Dooddoo gaagaaban oo ardayda ay ka qeyb qaadanayaan iyo baraatiko.

 

Hadaba isdiiwan galinta waxay si toos ah uga socotaa xafiiska xarunta ee Km4 ee horay usoo gaar yaanan lagaa buuxin tirada laqaadanayo oo xadidan, wixii faahfaahin ah fadlan ka daalaco.

Sawirka Kala soco

 

Asad Abukar Ali

___ ___ __ __ __ _____

Professional strengths Journalism skills

Counseling skills Programming in Visual Studio

Leader ship skills Public health skills

_____________________

Mogadishu Somalia Tell +252615507981

SKYPE AsadDhayow



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip