Golaha Ammaanka oo si aqlabiyad leh u meel mariyay in Dowladaha awooda leh Dagaal ay ku bur buriyaan Daacish

0
Saturday November 21, 2015 - 10:12:30 in Wararka by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo si aqlabiyad leh u meel mariyay in Dowladaha awooda leh Dagaal ay ku bur buriyaan Daacish

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay in la bur buriyo goobaha ay ganbaadka ka dhigtaan Ururka Daacish, kadib markii qaraar ka dhan ah Daacish Faransiiska uu u gudbiyay Golaha Ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay in la bur buriyo goobaha ay ganbaadka ka dhigtaan Ururka Daacish, kadib markii qaraar ka dhan ah Daacish Faransiiska uu u gudbiyay Golaha Ammaanka. Qaraarkaan ay meel mariyeen Golaha Ammaanka ayaa wuxuu ku baaqayaa in Dowladaha awooda leh ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ay awood u adeegsan karaan bur burinta goobaha ay ku sugan yihiin Daacish.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay dalbatay in loo adeegsado wax waliba oo loo isticmaali karo bur burinta Xoogaga Daacish iyo in la laba jibaaro iyadoo la adeegsanaayo wax kastoo lagama maarmaan ah.

Faransiiska ayaa waxa ay sheegeen Daacish inay halis ku tahay caalamka, islamarkaana muhiim ay tahay in laga hortago si aysan u geysan dhibaatooyin kale oo dhanka ammaanka ah.

Qorshahan ay Qaramada Midoobay sida aqlabiyadda ah u meelmarisay ma’ahan mid lid ku ah xeerka todobaad ee golaha, kaas oo si gaar ah u ogolaanaaya in awood la adeegsan karo.

Weerarkii Daacish ay ku qaaday Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kadib indhaha caalamka waxa ay ku soo jeesteen awoodaha Kooxdan iyo sidii loola dagaalami lahaa.

Daacish ayaa Saldhigyada ugu waaweyn waxa ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Syria, waana meesha ay ku sugan yihiin madaxda Ururkaasi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip