Wararkii ugu dambeeyay xiisad ka dhex taagan Kenya iyo Ethiopia, kadib markii ciidanka Ethiopia ay dileen 3 Askari oo Kenyan ah

0
Saturday November 21, 2015 - 10:09:18 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay xiisad ka dhex taagan Kenya iyo Ethiopia, kadib markii ciidanka Ethiopia ay dileen 3 Askari oo Kenyan ah

    Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Ethiopia ayaa xuduuda Kenya iyo Ethiopia ay wadaagaan, waxa ay ku dileen saddex Askari oo Boolis ah, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada Kenya, waxaana taasi ay dhalisay in Dowladda Kenya ciidamo badan ay u daabusho dhanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Ethiopia ayaa xuduuda Kenya iyo Ethiopia ay wadaagaan, waxa ay ku dileen saddex Askari oo Boolis ah, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada Kenya, waxaana taasi ay dhalisay in Dowladda Kenya ciidamo badan ay u daabusho dhanka xuduuda. Dilka Saddexdaan Askari ee ka tirsan ciidanka Kenya ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Sololo oo ka tirsan Degmada Marsabit ee dalka Kenya, kadib markii ciidamada Ethiopia ay ku xadgudbeen deegaankaasi.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Ethiopia oo raadinaya Koox ka tirsan Jabhad lagu magacaabo OLF ayaa waxa ay isku dhaceen ciidanka Kenya, kadibna halkaasi waxaa ku dhintay saddex Askari oo ciidamada Kenya ka tirsan.

Askarta Dowlada Ethiopia ayaa isku hareereeyay xaafada Sololo oo ay muddo gacanta ku hayeen, iyaga oo halkaasi ka baadi goobaya koox ka tirsaneyd Jabhada Xoreynta Oromada ee loo soo gaabiyo OLF.

Ilaa hada waxaa la la’yahay Shan ka mid ah ciidamada Booliska Kenya oo nolol iyo geeri lagu la’yahay balse ciidamada Dowladda Kenya ayaa waxa ay ku guda jiraan baadigoobka raggaasi.

Ciidamada dowlada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka sida taangiyo ayaa ka soo dhaqaaqay xerada ciidan ee ODHA iyaga loo daabulay dhanka deegaanka Sololo halkaasi oo xiisad ay ka taagan tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip