Dheemantii ugu weyneyd caalamka muddo qarni ah oo laga helay dalka Botswana

0
Saturday November 21, 2015 - 09:12:39 in Wararka by
  • Visits: 2265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dheemantii ugu weyneyd caalamka muddo qarni ah oo laga helay dalka Botswana

    aad ee abid laga helo caalamka ahna tii ugu horeysay muddo hal qarni ah ayaa laga helay dalka Botswana sida ay sheegtay shirkada dheemanta ee Lucara. Dheemantan oo laga helay god laga qodo dheemanta oo ku taal meel u jirta 500km caasimada Gaborone a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aad ee abid laga helo caalamka ahna tii ugu horeysay muddo hal qarni ah ayaa laga helay dalka Botswana sida ay sheegtay shirkada dheemanta ee Lucara. Dheemantan oo laga helay god laga qodo dheemanta oo ku taal meel u jirta 500km caasimada Gaborone ayaa culeyskeeda lagu sheegay inay gaareyso 1,111-carat

Dheemantii labWaa dheemantii ugu weyneyd ee abid laga helo dalka Botswana iyadoo dalkaasina uu yahay wadan ku caan ah soo saarista dheemanta. Hase yeeshee dheemantii ugu cusleyd caalamka oo laga helay dalka Koofur Afrika sanadkii 1905 ayaa cabirkeedu ahaa 3,106-carat Cullinan, iyadoo dheemantaa badankeed ay qaadatay British Crown Jewels.

Shirkadda Lucara ayaa sheegtay in labo dheeman oo aan hore loo heli jirin laga helay dalka Botswana gaar ahaan halka loo yaqaan Karowe iyadoo dheemanyadaa ay ahaayeen kuwo ah dheemanta cad. Waxaa haatan la qorsheynayaa in la qiimeyo dheemantan iyadoo la sheegayo in ay qaali tahay lacagta lagu iibin doono.

Bishii April ayaa lagu iibiyay dheeman culeyskeedu ahaa 100-carat lacag gaareysa $22.1malyan taasoo u dhiganta ((£14.8m) magaalada New York dalka Maraykanka. Dheemantan qiimahaas la iibiyay ayaa asal ahaanteeda laga soo helay dalka Koofur Africa waxana ay qaadatay muddo sanad ah in la jaro loona habeeyo qaab wanaagsan.

Dalka Botswana ayaa ah dalka ugu weyn caalamka ee soo saara Dheemanta waxana ganacsigeedu uu ka dhigay dalkaas wadan daqliga soo gala uu yahay mid dhexdhexaad ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip