WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Saturday November 21, 2015 - 09:02:56 in Wararka by
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA NOVEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir caalami ah oo ganacsiga looga hadlay oo uu kaga soo qeyb Wadanka Imaaraadka Carabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir caalami ah oo ganacsiga looga hadlay oo uu kaga soo qeyb Wadanka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wax aa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomi yaha B//J/F/S. Md awaari xubno ka tirsan 2da gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciida mada Qalabka Sida, iyo Mas’uuiyiin kale.

Madaxweyne dalka Md.Xasan Sh.Maxa muud ayaa shirka looga hadlayay ganacis iga ee uu kaga qeyb galay dubai ka jeediyay khudbad iyadoo uu si qoto dheer kaga ah dlay wax soosaarka dalkeena ee beeraha iyo xoolaha oo u baahan in aduunyadu ka fa a,iideysato isagoo dhinaca kale amaanay do orka maalgashi ee qurba joogta Soomaaliy eed oo 2 milion oo qof kor u dhaafaya ay da daalka ugu jiraan sidii ay dalkooda dib ugu maalgelin lahaayeen.

GUDDOOMIYE MADAALE "WAXAA JOOJINAY INAAN DHUL CUSUB BIXINO, WAREEGTO AYAANA KA SOO SAARNAY”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wareegto ka soo saaray dhul bixinta iyo arr imaha la xiriira dhulalka oo muddooyinkii u dambeeyay ahaa muranada ugu weyn ee ka jiray magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale oo ka qeyb galay ay barnaamij dood ah ah oo maalin walba ka baxa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu magacaabay Guddi qaabilsan arrimaha dhulka, kuwaa soo ka soo tala bixi doona jaangoyntiisa.

"Waxaa gebi ahaanba joojinay inaan dhul cusub bixin, wareegto ayaa ka soo saarnay, Guddi arrimaha dhulka ku shaqo leh ayaa magacawnay, waxaana ay ku howlan yihiin inay ka soo tala bixiyaan jaangoyntiisa, wa xaa naga go’an in qof soomaaliyeed hantidii sa ama gurigiisa aysan cid kale xoog ku hey san”ayuu yiri Md.Madaale

Waxaa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda dadka ay leeyihiin, isla markaana cidii xoog loogu geysto hanti ay leeyihiin ay dib ugu celin ay aan sida uu yiri. Guddoomiyaha ayaa sheeg ay in qorshaha ay ugu jirto sidii loo dhiso lah aa Gole deegaan oo ay dadka soo doorta an,si Golaha deegaanka ay iyana u soo doo rtaan Guddoomiyaha G/B.iyoDuqa M/disho.

"Horay ma aysna u dhicin Guddoomiye ay dadka soo doortaan ama G/Banaadir, wa xaa u maleynayaa inay labo ay horay u soo martay, waxaa rabaa inaa gobolka gaarsiiyo in midka aniga xiga in la soo doorto, Gole deegaan inaa dhisno, ka dibna golahaas uu soo doorto G/G/Banaadir iyo duqa Muqdis ho”ayuu yiri Mr Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulkii sa uu qorsheynayo sidii waddooyinka xiran loo furi lahaa, waxaana uu tilmaamay in qo fka kasta oo Soomaaliyeed looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato nadaafada.

G/G/Banaadir ayaa 2dii bishan xilkaas kala wareegay Guddoomiyihii hore ee G/Ba naadir Xasan Maxamed Xuseen (Muunga ab) oo xilkaas hayay muddo sanad iyo bar.

WEBIGA SHABELLE OO SI XUN UGU FATAHAY DEGMADA QORYOOLEY

Webiga Shabelle, ayaa 2dii maalmood ee la soo dhaafay si weyn ugu fatahay D/ Qor yooley Ee G/Sh/Hoose, iyadoona ay xaalad cakiran la soo deristay bulshada deegaan ka. Fatahaadahan, ayaa jaray dhammaan waddooyinkii Degmadaasi, sidoo kalana waxay cagta mariyeen dalagyo kala duwan, oo horey loogu beeray dhul beereedka Degmada.

Biyo ka dhashay fatahaadaha Webiga, ayaa waxay halakeeyeen qaybo ka mid ah xaafadaha Qoryooley, iyadoona ay dadku bi laabeen inay guryaha isaga barakacaan. Xoghayaha M/Degmada Qoryooley, Ibraah im Malab Ibraahim, ayaa sheegay in fatahaa duhu ay burburiyeen tiro guryo ah, ka dib markii ay si xun ugu fataheen xaafadaha qa arkood.Xoghayaha, ayaa tilmaamay in dhib aata da ugu weyn ay iminka ka jirto wadooyi nkii soo gelaayay Degmadaasi oo go’an, isl ama rkaana aanay Degmadu soo geli karin gaa diidka ganacsiga.

RA’ISUL WASAARAHA DALKA OO TABABAR BEYDHABO UGU SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DARAAWIISHTA

Ra’isul Wasaaraha JFS Md Cumar C/ra shiid Cali Sharmaarke ayaa shalay M/Bay dhabo ee tababar ugu soo xiray ciidan ka tir san boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan ku wa daraawiishta ee M/K/Galbeed ee Sooma aliya oo tiradoodu ahayd 350 askari oo duf cada 2da ah isla markaana halkaasi tababar ugu socday mudooyinkii ugu dambeeyay.

Munaasabaddii xirtaanka tababarkani ay aa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul Wasa araha XS.Wasiiro ka tirsan XS, madaxwey naha M/K/Galbeed ee Soomaaliya, iyo mas ’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ra’isul wasaaraha oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay ciidamadaasi sida tababarka ay uga faa’ideysteen, waxa ana uu u balanqaaday in dhawaan Xukuum adda ay u soo dhameystiri doonto agabka ciidan ee ay u baahanyihiin, waxaana ciida mada Amisom uu ku ammaanay sida mar walbo ay u garab taaganyihiin Ciidamada Qalabka Sida iyo sida quruxda badan ay u tababarayaan.

Dhinaca Kale Ra’isul Wasaaraha iyo ma daxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa kormeeray xaruumo Dow ladda Imaaraadka Carabta ay ka fulineyso mashaariicyo horumarineed oo qaarkood la fuliyay, iyadoo Ra’isul wasaaraha uu amma anay dadaaladaasi dib loogu dhisayo xaru umaha danta guud.

AGAASIMAHA RADIO MUQDISHO OO LA KULM DHIGGIISA DALKA KUWAIT

Agaasimaha Wakaaladda Wararka dalka Kuwait Sheikh Mubaarak Aldiceyk, ayaa xafi iskiisa M/Kuwait ku qaabilay agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow oo uu wehliyo la taliyaha wasiirka Warfaafin ta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdir axmaan Nadiif. Agaasime Cabdiraxiim iyo Nadiif, ayaa qeyb ka ah wafdi uu hor kacayo W/W/Dhaqanka & Dalxiiska md.Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait.

2da agaasime waxa ay kulankooda kaga hadleen sidii ay warbaahinta Kuwait iyo So omaaliya isaga kashan lahaayeen isdhaafs iga Wararka,Barnaamijyada iyo sawirrada. Agaasimaha Radio Muqdisho, Isagoo ka wakiil ah agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxa uu agaasi maha wakaaladda Wararka Kuwait kala had laydiyaarinta heshiis dhex mara 2da wakaa ladood ee KUNA iyo SONNA, si loo xoogjiyo iskaashigooda iyo warar ioy khibrad is dhaa fsigooda.

Sh.Mubaarak Aldiceyj, agaasimaha KUNA , ayaa sheegay in ay muhimmad gaar ah leedahay in iskaashi dhex maro hay’adaha warbaahineed ee Kuwait iyo Soomaaliya. kulanka 2da agaasime waxaa sidoo kale go objoog ka ahaa, agaasime ku xigeenka, dha nka maamulka, maaliyadda iyo xiriirrada wa kaaladda wararka Kuwait mudaneCabdul xamiid Malik.

XAALAD KACSANAAN AH OO SHALAY KA JIRTA M/BELEDWEYNE EE G/HIIRAAN

M/Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku waabariisat ay jawi aan daganeyn iyo xiisad u muuqata mid colaadeed, ka dib markii inta badan ma gaa lada ay xirteen malleeshiyo maalmihii ugu dan beeyay ku sugnaa kuwaa oo ka carr eysan dil kii sarkaal ka tirsanaa QM. Ganacsiga ayaa ga bi ahaanba xirran mana jiraan gadiid isticmaa laya waddada laamiga ah ee halbowlaha u ah Magaalada, waxaadna ku arkeysaa meel wal ba shacabka oo koox koox u taagan is kana wareysanaya sida ay wax u socdaan.

Xiisadan oo markii horeba ahayd mid taag an ayaa waxaa uga sii daray ka dib markii G/ M/G/Hiiraan Cabfitaax Xasan Afrax oo tan iyo maalintii dorraad ku sugnaa xerrada AMISOM ee dulleedka baladweyne uu dib u soo laabtay si uu sii wato howlihiisii caadiga ahaa, hase ah aatee waxaa arrintaa ka hor yimid dhinaca ka le ee ka soo horjeeda oo ku adkeysanaya inu usan jirin m/mul shaqeynaya.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif & odayaal dhaqameed ayaa isku dayaya inay xal u hela an xiisada jirta iyaga oo 2da dhinacba ku qanc inaya in xaalada la dajiyo, wax wal bana lagu dhameeyo wada hadal. Dadka shacabka ah ayaa u muuqda ku wo si weyn ugu jahwaree rsan is mari waaga taagan oo saameyn ku yee shay nolashii caadiga aheyd ee magaalada.

Lama oga sida saacadaha soo socda ay wax isku bedeeli doonaan, waxaana si weyn loogu dhagtaagayaa shirarka socda ee uu hormud ka u yahay Ugaas C/raxmaan Uga as Khaliif iyo sida ay u wajahaan xaalada cakiran e eta taagan M/baladweyne iyagoo rajeynaya in la soo af jaro dhibka jira.

JARMALKA OO LACAG KU TAAGEERAYA DADKA AY SAAMEEYEEN DAADADKA IYO FATAHAADDA WABIGA SHABEELLE

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Jermalka ee M/Nayroobi ay aa lagu sheegay in Jermalka uu bixinaayo 150,000 oo giniga in giriis ka taasoo loogu talagay qoysaskii ka ba rakacay deegannada uu fataa hada ka same eyay wabbiga Shabeelleee G/Hiiraan.Warsa xaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in lacagtan si gaar ah loo siinaayo carruurta ay dhaleen qoysaska ka barakacay fataahada. Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadinimada ee hoostaga QM oo loo soo gaabiyo OCHA, ayaa sheegay in dadka ay saameeyeen daad ka kudhuftay Soomaaliya ay gaarayaan 132, 000 oo qof tan iyo bisho Oct ober Kumanaan qof oo ku nool goobaha uu maro wabbiga Sha beelle ayaa laga cabsi qabaa in ay saameey een roobabka ka da’aya dalka,

siddaas waxaa sheegay OCHA.Jermalka ho rey ayuu gacan uga geestay abaarihii 2011kii k/ iyo bartamaha soomaaliya ka dhacday

C/KARIIN GUULEED: "SAFARKEYGII ADDIS ABABA WAXAA KA SOO BAXAY XOOJINTA XIRIIRKA AAN LA LEENAHAY ITOOBIYA”

C/Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo maalmah aan booqasho ku joogay M/Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa dib ugu laabtay M/ Cadaado, isagoona ka warbixiyay waxyaabi hii uga soo qabsoomay safarkiisa dalka Itoo biya. MdGuuleed ayaa sheegay in madaxda dowladda Itoobiya uu kala hadlay arrimo ku saabsan dhinaca ammaanka, xoojinta xirii rka maamulkiisu la leeyahay iyo la dagaalan ka ururka AlShabaab ee ka dagaalama gobolada dhexe.

"Safarkeygii Addis Ababa waxaa ka soo baxay xoojinta xiriirka aan la leenahay Itoobi ya, bacdamaa ciidamadeedu ay ka tirsan yi hiin AMISOM” ayuu yiri Md.Guuleed oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waan waanta ay Itoobiya ka dhex waddo maamul kiisa iyo ururka Ahlu Sunna.

Dhinaca kale Md.C/Kariin Guuleed ayaa sheegay in waxyaabaha ka soo baxay kul anka uu la yeeshay madaxda Dowladda It oobiya in la laba jibbaaro dagaalka lagula jiro ururka AlShabaab ee xiriirka la leh arg agixisada caalamiga ah si uu sheegay

XERADA MILITARIGA JAZEERA OO LOOGU MAGA CDARAY GENERAL DHEGA BADAN

Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliya, Gen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa wuxuu shalay ku dhawaaqay in Xerada Tababarka Militariga Somaliya (Jazeera), loogu magacdaray General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhe gabadan).

Taliyaha oo shalay Saraakiisha Militariga kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaasha andhiga, ayaa waxa uu sheegay in haatanm ka dib Xerada Jazeera loogu yeeri doono General Dhegabadan. Taliyaha, ayaa wux uu Saraakiisha uu ka dalbaday sidii lagu dhaqangelin lahaa magacaasi, isagoona car rabka ku adkeeyay inaanan hadda ka dib lo ogu yeeri karin wax aan ahayn Gen.Dhegabadan.

Gen.Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulan kaasi ka sheegay in Gen. Dhegabadan uu ahaa geesi ka baxay Ciidanka Xoogga Dal ka, si weyna ula dagaalamay Ururka Al Shabaab.Allaha u naxariistee Gen.Dhegab adan, ayaa wuxuu ku geeriyooday weerarkii hubeysnaa ee 1dii bishan ay Ururka Al Sha baab ku galeen Saxafi Hotel, oo ku yaala agagaaraka Isgoyska KM4.

Xerada Jazeera oo hadda ka dib loogu ye eri doono Gen.Dhegabadan waxay ku taal laa Deg/Wadajir Ee G/Banaadir, waxayna la fdhabar u tahay xeryaha ku yaala M/Muqdi sho ee lagu tababaro Cidanka Xooga Dalka.

WASAARADDA BOOSTADA OO INJINEERO MASAR UGU DIRTEY TABABAR HEER SARE AH

Injineero ka tirsan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxey ka qaybgalay aan tababar ka dhacaya dalka Masar kuna saabsan diyaarinta iyo xiritaanka internetka dheereeya (Fibre Optics).

Tababarkani oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Masar iyo hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee ITU ay aa waxaa ka qayb qaadanaya 11 waddan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ka mid ta hay waxaana waddan walba uga qaybgala ya 2 Injineer. Waddamada tababarkan ka qa ybqaadanaya ayaa kala ah Sudan, Ereter,Uganda,Tanzania,Zambia,Malawi, Nami bia, Brundi, Nigeria, K/Suudan iyo Somalia.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa tababarkani u dirtey Agaasimaha Teknoola jiyada (ICT) Eng. Cali Afey iyo Madaxa maa mulka Sumadda Qaranka (SONIC) Eng. Zakariye Ismaaciil. Tababa rkan oo soconaya muddo 20 maalmood ah ayaa lagu wadaa in Injineerada ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ay kala soo laabtaan aqoon durugsan.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ay aa wadda dadaallo badan oo kor loogu qaa dayo aqoon ta iyo xirfadaha shaqaalaha was aaradda iyadoo ay wasaaraddu ku tala jirto in sanadka cusub ay fuliso hawlo badan.

Wasaaraddu waxey ku tala jirtaa iney shaq aale badan oo kale u dirto dalka dibaddiisa si ay ugu soo qaataan tababaro ay aqoont ooda kor ugu qaadaan.

ISBITAALKA INDHAHA ALNUUR OO FULIYAY MASHRUUC SI BILAASH AH INDHAHA LOOGU FIIQAY KUN RUUX

Mashruuc samafal ah oo isugu jiray, baar itaano, daweyn iyo indhofiiqid bilaash ah oo loo samee yey kumanaan qof oo ka mid ah dadka taagta daran ayaa saaka lagu soo ge bagebeeyey Xarunta Isbitaalka Indhaha AlNuur ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha AlNuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in howshan samafalka ah lagu guuleystay is agoo xusay in dadka ka faa’iideystay ay isu gu jireen barakacayaal iyo dad danyar ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo gobo lada dalka qaarkood.

"Waxaa farxad inoo ah inaan soo gebage beyno maanta howlo daweyn iyo qaliin dhinaca indhaha ah oo muddo labo bilood ah ka socday xarunta isbitaalka Indhaha AlNuur” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyey in hirgelinta howshan samafalka ah ay iska kaashadeen heyadda AlNuur Foundation oo isagu uu madax u yahay, heyadda AlBasiir Foundati on ee dalka Pakistan iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka (Doctors Wordwide) oo fadhigii su yahay wadanka Turkiga.

"Mashruucan waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 8816 qof, 962 ka mid ah waxaa loo sameeyey qaliimo dhinaca indaha ah, halka inta kale oo tiradooodu gaareyso 7854 qof loo sameeyey baaritaano iyo daweyn, ma shruucana waa mid lacag la’aan ah oo loo gu adeegayo bushada Soomaaliyeed” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo farta ku fiiqay in dadka indhaha loo fiiqay ay ku jireen 45 caruur ah oo dhashay arag la’aan.

Sanadka soo socda ee 2016ka ayuu sheegay inay u qorsheysan tahay in si bil aash indhaha loogu fiiqo dad gaaraya shan kun oo qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, wuxuuna u ma had celiyey dhamaan heyadaha ka qeyb qa atay mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka AlNuur iyo intii kale ee gacanta ka geysatay.

Dr. Muhammad Khizar Bashiir, Dr. Dr. Muh ammad Jamsheed Khan iyo Dr. Savas Eriz oo uu hadlay heyaddaha ka qeyb qaatay ma shruucan qiimaha badan ayaa iyana shee gay iney ku faraxsan yihiin in howlo samafal oo noocan oo kale ah u qabtaan walaalaho od Soomaaliyeed ee taagta daran iyagoo ba lan qaaday iney sii wadi doonaan, ayna mar ar kale oo badan iman doonaan Somalia. Barakacayaasha ah iyo dadka danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay ma shruucan samafalka ah qaarkood oo saxaa fada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka mu uqatay farxad ayaa sheegay in loo samee yey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, waxayna u mahad celiyeen maamulka isbitaalka indhaha AlNuur iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay ho wshan.

Mashquul fara badan ayaa mudooyinkan laga dareemayey Isbitaalka Indhaha AlNu ur, waxaana soo buuxiyey dad u badan ku wo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuw aasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku diyaarinayaan bukaanada qal iinka loo wado, kuna baxnaaninayaan kuwa indhaha loo fiiqay.

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO ISKU RAACAY IN DIB LOO FURO SAFAARADIHII SOOMAALIYA EE HORE LOO XIREY

Kulankii 7laha oo ay dorraad yeesheen Golaha Wasiirada ee XFS ayaa la isku raac ay in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee bishii July ee sanadkii 2014kii la xiray.

Kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XF Md.Maxamed Cu mar Carte ayaa sidoo kale warbixino looga dhageystay Guddigii loo diray inay soo korm eeraan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo warar soo baxayay ay sheegayeen in isbedel lagu sameeyey Xad ka u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga Md.C.qaadir Sh.Cali Diini oo horkacayay wafdigii dowlad du u dirtay inay soo kormeeraan Xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ay aa u sheegay in Golaha in aysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya amaba tilmaa maya in isbadel lagu sameeyey xuduudda dalkeenu la wadaago Kenya, marka laga re ebo god laga qoday meel u dhow caalamad da xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen dhacdadii degmada Dayniile ee G/ Banaadir oo ay ku dhinteen dadka shacab ka ah, waxayna cambaareeyeen falkaas, iyaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday eheladoodda halkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer ka dib isku raacay in dib loo furo Safaaradihii Soomaaliya ee horey loo xirey , iyadoo Goluhu sheegay in safaaradaha xir an baahi weyn ay u qab aan shacabka Soo maaliyeed ee dalalkaasi dagan.

"Goluhu wuxuu ka noqday go’aankii ay gaartay Xukuumaddu 26kii bishii Luuliyo 2014 oo dhigayay in la dhimo safaaradaha dalkeenu ku leeyahay Caalamka. Hadaba, markii aan aragnay baahi badan oo dadkee nu u qabaan xirnaanshaha safaaradda wax aan isla garanay in sharcigaas dib u eegis la gu sameeyo isla markaana la furo safaarad ihii xirnaa” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Mudane Maxmaed Cumar Carte.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ugu dan beyn waxaa warbixinno looga dhegeystay Wasiiru da wlaha Gaashaandhigga Maxam ed Cali Xaggaa oo kormeer shaqo ku tagey Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa laga dheg eys tay xaaladaha la xiriira fataahadda wabiga iyo roobab lixaad leh oo ka da’aya

CALI MUUSE: "GEERIDA WERIYE CAWKE DAD AYAA U BEDELAY SIYAASAD”

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan geerida Weriye Axmed Xas an Cawke, iyadoo la sheegayo in dad aan ka mid ahayn ehelka weriyaha geeriyooday ay siyaasadeynayaan sababihii uu u geer iyooday.

Cali Muuse Cabdi oo ka mid ah rug cada yaasha saxaafadda Soomaaliya ayaa sha aca ka qaaday in sababaha uu u geeriyoo day Weriye Cawke ay siyaasadeynayaan, is agoona ku taliyay in arrintaasi laga wanaa gsan yahay.

"Allaha u naxariisto walaalkeen Weriye Cawke, balse waxaa xaq u leh eheladiisa wixii ka nool inay iyagu u doodaan, ma aha in dad aan shaqo ku lahayn ay faraha la gal aan” ayuu yiri Weriye Cali Muuse Cabdi.

Rug cadaaga saxaafadeed ayaa sheegay in Weriye Cawke uu ka tegay carruur qaangaar ah iyo dad ay walaalo yihiin oo xaq u leh inay arrimihiisa u dooda.

 

SHABAABKA TAAGEERSAN KU BIIRISTA URURKA DAACISH OO U CARARAAYA BUURAHA GALGALA

Ka dib markii uu hujuum kaga yimid Uru rka Al Shabaab ee weli ka tirsan Ururka Al Qaacidda, ayaa waxay bilaabeen inay u car araan Buu raleyda Galgala Ee G/ Bari.

Galgala waxaa ku sugan Shabaabkii bishii hore iclaamiyay inay si ras mi ah ugu biireen Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaa mka), isl amarkaana ay awaamiirtoodu ku shaqayn doonaan. Xoogaga Shaba ab, ayaa bishaan qaaday weerarro ka dhan ah xubna ha taageersan garabka ku biiray Ururka Daa cish, iyadoona ay weeraradaasi ka dhashe en dhimasho, dhaawac iyo xarigba. Ilo wareedyo, ayaa xaq iijin aaya in Shaba abku ay doomaha nooca dheeraaya ku tag ayaan Buu raha Galgala, halkaasoo ay ku ar kaan goob ay ku nabadgeli karayaan.

Ku biirista Shabaabka ee Daacish, ayaa waxaa si weyn looga ololeeyay G/Jubboo yinka, waxaase ka dhacay hawlgalo xiriir ah oo loo ga soo horjeedo ka mid noqoshada Daacish.

SHARCIRRO AYAA LAGU XIRAY WERIYE JAAMAC DABARAANI”

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntla nd Feysal Khaliif Barre oo u waramayay ida acadda VOAda laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in maamulka Puntland uu si sharci darro ah ku xiray weriye Jaamac Dab araani. M/Puntland ayaa shalay xabsiga dhi gay Weriye ka howlgala Telefishanka Soma li Chanel, kaasi oo lagu magacaabo Ja amac Dabaraani, waxaana arrintaasi si kulul uga hadlay ururka u do oda xuquuqda suxufiyiin ta Puntland.G/Ururka Suxufiyiinta Puntland – Feysal Khaliif Barre "Maamulka Punland sharci dar ro ayuu ku xiray weriye Jaamac Dabaraani, wuxuu wareystay Wasiiro ka tirsan Puntla nd, xaq ayuuna u leeyahay inuu howshiisa qabsado, haddii ay jirto dem bi gashay iyada waa in lagu qaadaa” ayuu yiri Guddoomiye Feysal Khal iif Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Pun tland Maxamu ud Xasan Soo Cadde uu u sheegay VOAda in weriyaha maxkamad la soo taagayo Maanta,markii lagu soo oogay amar diido

WARARKA CAALAMKA

SALAH ABDISALEM OO NOQDAY NINKA LOOGU DOON DOONISTA BADAN YAHAY QAARADDA YURUB

Salah Abdisalem oo la’aaminsan yahay in uu ka mid ahaa illaa sagaal nin oo fulisay weeraradii M/Paris ka dhacay 13kii bishaan, ayaa wuxuu noqday ninka loogu doon doonista badan yahay Q/Yurub.

Wadamada M/Y, ayaa waxaa la dhigay warqad caalami ah oo lagu soo xiri karo ninka la doon doonaayo, xilli aan la garanayn halka uu jaan iyo ciriba dhigay. Booliska Faransiiska, ayaa qiray illaa iyo hadda inaan wa riyo wacaal toona laga hayn halka uu ku sugan yahay Salah Abdisalem ,oo u dhashay dalka Suuriya, sidoo kalana haysta dhalashada dalka Belgium.

Warbaahinta Yurub, ayaa si weyn wax kaga qoreysa ninkaasi, waxa ana jira digniino loo jeedinaayo shacabka, oo ah inaysan soo dhaweys an ninkaasi, laamaha ammaankana ay ku soo wargeliyaan. Booliska Fa ransiiska, ayaa Salah Abdeslam u aqoonsaday mid halis ah, sababo la xiriira isagoo la rumeysan yahay in uu hubeysan yahay, dadkuna uu dhibaateen karo. D/Faransiiska, ayaa G/ Ammaanka u gudbisay qaraar ay kaga dalbaneyso in dagaal loo dhan yahay lala galo Ururka Daacish, ka dib markii uu sheegtay masuuliyadda weerarada Paris.

Faransiiska, ayaa Khamiistii xaqiijiyay in la dilay Abdelhamid Abaao ud, oo sida la shegay ahaa maskaxdii ka dambeysay weraradii M/Paris.

XOOGAG HUBEYSAN OO XOOG KULA WAREEGAY HOTEL CAALAMI AH OO KU YAALA MAGAALADA BAMAKO

Barqanimadii Shalay ayay xoogag hubeysan waxay weerar ku qaade en Hotel Caalami ah oo ku yaala M/ Bamako ee Wadanka Mali. Xooga gan oo gaari la socday, ayaa rasaas ku harqiyay Ciidankii Ilaalada Hot elka, ka dib markii ay ku amreen in la baaro gaarigooda. Xoogagan wa xaa u suurtagashay in ay xoog ku galaan Dhismaha Hotelka.

Ciidanka Faransiiska ee ku sugan M/ Bamako iyo Ciidanka Dowlad da oo gaaray Hotelka la weeraray, ayaa isku gadaamay, waxayna xire en wadooyinka soo gala. Saraakiil xagga ammaanka ah, ayaa Wakaala dda Wararka Reuters u sheegay in illaa 10 nin oo hubeysan, ay Hotel ka Radisson Blu afduub ahaan ugu haystaan 170 ruux, 140 qof oo ma caamiishii deganeyd ah iyo 30 shaqaalihii ka shaqaynaayay Hotelka.

Maamulka Hotelku wuxuu sheegay 2 nin oo keliya in loo maleynaayo inay gudaha ugu jirto Hotelkaasi, islamarkaana ay afduub ahaan u ha ystaan dhammaanba intii Hotelka ku sugneyd.

Warbaahinta Mali, ayaa qortay in illaa 3 qof lagu dilay weerarkaasi, oo middi uu ahaa Muwaadin Faransiis ah. Warbaahintu waxay kaloo sheegtay in rasaas culus iyo qaraxyaba laga dhex maqlay gudaha Hotelka. 3dii sano ee ugu dambeysay, ayaa wuxuu qalalaaso ka jiray dalkaasi, markii xoogag Islaamiyiin ah ay xoog ku qabsadeen inta bad an W/Mali, balse waxaa taasi ka hortagey C/Militariga Faransiiska.

WARAR DHEERAADD AH OO KA SOO BAXAYA WEERARKII LAGU QAADAY HOTEL RADISSON BLUE EE DALKA MAALI

Weerarkii lagu qaaday Salaadii jimcaha ka dib hotel Radisson Blue ee ku yaala Bartamaha Caasimada Dalkaasi Maali ee Bamako ayaa wa xaa fulisay 10 nin oo hubeysan kuwaa oo wata qorayaha daran dooriga u dhaca, iyagoo gudaha u galay Hotelka Ilaa hadda waxaa ku geeriyo oday 3 qofood 170 gudaha Hotel ka lagu qabsaday waxaa kooxahasi qabsaday Hotel ka ay sii daayeen 73 qofood kuwaas oo 12 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha Shirkada Diyaaradaha ee AIR FRANCE oo Duulim aadd ku timid dalkaasi.

Dadka wali Hotel ka ku jira aya la xaqiijiyay 30 ka mid ah in ay yahiin shaqalaha hotelka Radisson, 20 u dhalatay dalkaasi China 6 ka mid ah shaqalaha shirkada diyaradaha ee Turkish airline, Heesaa u dhashay dalka Gunea oo lagu mahcaabo Sekouba bambino tiro aanan la xaqii jiin oo u dhalatay dalka Fransiiska iyo dad kale oo Hotelka daganaa, Iya doo Hotelka la weeraray uu dhinaca ku haayo Saafaradda USA ee dalk aas, Waxaana wali Socda dadaalka ay wadaan Ciidanka dalka Maali oo garab ka helaayo Ciidamada Q/M oo dalkaasi ku sugan si loo baddb aadiyo dadkaas ay wali gacanta ku hayaan Kooxaha Argagixisada ah ee Weeraray Hotelka lagu Magacaabo Radisson Blue, iyadoo Ciidanka ay gudaha u galeen Hotelka hadda ay socoto Rasaas xoog leh wixii wa rar ee inta dheer dib ayaan idinkugu soo gudbin doonaan beriti

MAXKAMADDA DAMBIYADA DAGAALKA EE ICC OO WAJAHAYSA CAQABADO ADAG OO DHANKA SHARCIGA AH

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ee uu fadhigeedu yahay M/Hague ee dalka Holland, ayaa shalay marxalad adag wajihi do onto; iyadoo dalalka xubnaha ka ah maxkamadan ay ka doodi doonan shuruuc muhiimka ah oo ay maxkamaddu ku howlgalayso.

Mid ka mid ah qodobadda sida weyn looga doodi doono kulanka gol aha ICC ee Hague waa go’aanka muranka badan dhaliyay ee tirsigiisu yahay 68, kaasoo ay waaxda dacwadoogida u ogolaanaya inay adee gsadaan caddeyn maragdiiday inay marqaati sii ahaadaan. Xukuumad da Kenya ayaa waxay si gaar ah ugu ololeynaysa in waddamada xubn aha ka ah golahan ay diiddan isbedelkaas, kaasoo dowladda Kenya ay u arkto in loo adeegsanaayo dacwadda ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto iyo suxufiga Joshua Arap Sang, ka waasoo loo haysto dambiyo xuquuqda aadanaha ka dhanka ah.Hog ga amiyeyaasha dalalka Afrika oo ay K/Afrika iyo Kenya horkaayaan ayaa waxay maxkamada keli ah ee dambiya caalamiga ah qaada ay ku ee deyaan inay dacweyso kusoo oogto oo keliya madaxda Qaaradda Afrika oo keliya. Kenya ayaa u hadda carreysan maxkama da, iyadoo ku eedeynaya inay handado marqaatiga dacwadda dhanka ah William Ruto. Sidoo kale Koofur Afrika, waxay ku guuldarreysatay iy aduna xiri dda madaxweynaha Suudaan Cumar Albashiir oo maxkama dda ay raadinayso.

Balse, madaxda ICC oo ay ka mid tahay madaxweynaha, Silvia Fern andenz iyo dacwadoogaha, Fatou Bensouda ayaa waxay maxkamad da ku tilmaameen mid dhexdhexaad ah, waxayna ku doodeen in isbede lkan sharciga ICC uu noqon doono mid maxkamadda xaldhexe ay ku raadineyso. Ms. Fatou Bensouda ayaa waxay horey u laashay eedaha madaxweynaha Kenya ka dhanka ahaa, iyadoo ku dooday in markhaat iyaasha la laaluushay, loo cagajugleeyay ama marag been ah ay bixiyeen. William Ruto ayaa noqonaya madaxweyne ku xigeenka keliya ee isagoo xil haya ay kaga furan tahay dacwad maxkamadda dambi yada dagaalka caalamiga ah ee ICC. Ugu dambeyn, waxaa lala xiriiri naayaa rabshadihii sanadkii 2007dii, waddanka Kenya ka dhacay, kad ib markii lagu murmay doorashadii dalkas ka dhacday. Waxaana la she egay in qiyaastii 1,300 oo qof ayaa ku dhimatay; malaayiin kalena way ku barakeceen

BAARLAMAANKA FARANSIISKA OO MEELMARIYAY IN XAALAD DEG DEG AH DALKA LAGU SII HAAYO

Baarlamaanka Faransiiska, ayaa cod aqlabiyad leh Khamiistii ku me elmariyay sharci xaalad deg deg ah lagu geliyay dalkaasi saddexda bil ood ee soo socoto, si looga jawaabo weeraradii M/Paris.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa 13kii bishaan ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalkaasi uu ku soo rogay, saacado yar uun ka dib weeraradii ruxay Magaalada Paris. Manuel Valls, Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska oo hortagey Baarlamaanka, ayaa ka codsaday inay meelmariyaan sharcigan oo sida uu sheegay Faransiiska ka caawin kara in laga hortaggo weerarada argagaxisada.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Khamiistii ka digay suurtagalnimada Urur ka Daacish iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh, in weerar kiimiko ay ku soo qaadaan dalka Faransiiska. Sharcigan cusub, ayaa Booliska Fara nsiiska awood u siinaaya in ay gudaha u galaan, ayna baaraan gurya ha, iyagoo aan wadan warqad Maxkamadeed. Sidoo kale waxa uu ogol anayaa in la soo roggo ciqaabta xabsi guriga iyo in wax laga bedeli ka ro sharciyada qaarkood.

MR. OBAMA OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA CUSUB EE DALKA KANADA

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa waxa uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada, Justin Trudeau, markii ay isu arkayn shirka wadamada Pacificga, ee ka soconaaya dalka Phi lippine.Kulankan oo ka qabsoomay Magaalada Manila, ayaa waxay ka ga wada hadleen weeraradii Magaalada Paris, dagaalka lagula jiro Urur ka Daacish iyo sidii ay Canada qayb kaga noqon laheyd dagaalkaasi.

Inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Canada uu bishii hore sheegay inaysan Canada qayb ka sii ahaan doonin isbahaysiga uu Mareykanku hogaami yo, ee la dagaalamaaya Ururka Daacish, ayuu hadana Khamiistii sheeg ay in Canada ka qayb qaadan doonto burburinta Daacish.Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau oo Sabtidii sheegay in Canada ay gar ab taagan tahay Faransiiska, ayaa isagoo taageero u muujinaaya ball anqaaday in X/Ottawa, ay gacan ka gaysanayso wiiqitaan ka Daacish.

Madaxweyne Obama, ayaa ku baaqaaya in halmeel looga soo wada jeesto Ururka Daacish, maadaama aysan halis ku ahayn cid gaar ah, oo dunida oo idil ay dagaal kula jirto. Wadamada reer galbeedka, ayaa waxay baqdin xoogani ka muujiyeen weeraradii Magaalada Paris, xilli masuuliyadda weeraradaasi ay sheegatay Daacish Inta badan raggii ful iyay weeraradan gil gilay Magaalada Paris, ay aa haystay dhalashooyin ka Faransiiska iyo Belgium, waxayna weerara du u muuqdeen kuwo qaybtoodu lagu soo diyaaiyay Belgiumka

KOOXIHII KA DAMBEEYAY WEERARKII PARIS OO KA FAA’IDEYSTAY QULQULKA QAXOOTIGA YURUB

RW/Faransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in koo xihii ka dambeey ay weerarkii Paris lagu qaaday todobaadkii hore ay ka faa’ideysteen qa xootiga faraha badan ee ku soo qul qulaya W/Y/Yurub Mr Valls ayaa u sheegay TVga fadhigiisa yahay Faransiiska in dadkii ka qeyb qaatay weerarkii Paris ay isugu jireen 3 qeyb, oo ahaa qeyb Faransiiska jog tay,qeyb Belgium iyo qeybta kale oo ku soo dhex dhuuntay qaxootiga ku soo qul qulayay dalalka Yurub ee ka im aanayay dalka Suuriya. R/ W. ayaa ka digay in kooxda IS ay isku dayayaan inay hub Kiimiko ah u adeegsadaan weerarada ay ku qaadayaan dalalka re er galbeedka.

Faransiiska ayaa 3 bil xaalad deg deg ah la geliyay, ka dib mar kii ay meel mariyeen aqalka hoose ee dalkaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in ilaa afar isku day weerar la fashiliyay, waxaana wali su’aal ka taagan tahay qaabkii uu ku soo galay Faransiiskii ninkii abaabulay weerarka Abdelhamid Aba aoud oo lagu dilay weerarkii Arbacadii. Iyadoo la rumeysan yahay inuu ku sugnaa suuriya hore hase yeeshee ka dib uga soo galay dalka gariiga isagoo weeraro ka fuliyey faransiiska kuna dilay 129 ruux

 

WARGEYSKAMOGADISHU TIMES OO 23 SANO JIRSADAY

Q/3aad

"Waxaan halkaan ka xusayaa dadaalka wax qabad ee wargeyska dadkii igala qeyb qa atay anigoo u qori doono inta aan ka xusuusto wax aana ka cudur daaranaya inta aan maga cooda soo sheegin aan ugu tegin ku tala gal balse ay tahay ilowsho ama in waqtigu ii saam ixin maa daama dadka wargeyskaan ka soo shaqeeyey ama qoraalo ku lahaa ay yihiin dad badan oo qoraal lagu soo koobi Karin dham mantiina waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin hablayada 23aadnaad eewargeyska Mo gadishu times ayaan idiin sii gudbinayaa ee na gula ciida caafimaad san dhammaan macaami isha iyo howladeenada sharafta iyo karaama da badan alle ha idiin jiseeyo walaalayaal

Haddanaaan ku laabto howlw adeenada ka shaqeeyey wargeyskaan waa sidan”iyadoo qofkastaa ku hor qoran tahay qeybaha uu ka howgeli jiray waana sida tan: Guddoomiyah Warg eyska nugu horyey wuxuu ahaa Cali Xaaji Digir alle ha u naxariistee, Guddoomiyha 2aad ee wargeyska xil ka qabta wuxuu ahaa Dr.Cismaan Axmed Jimcaale, Tifaaftiraha

1aad wuxuu ahaa Maxamuud Axmed {Xuurshe}Jabriil Maxamuud Nuur {Jabra} farsama yaqaan kii 1aad ee wargeyskan, C/laahi C/ra xaan C/laahi {YariisoowAlif} kartuunistihii wargeyska oo sawirada caanka ah u sameeyey dool liga hadlayey caanka uu ku ahaa iyo sa wirada siya asadda taagan xill iga,Maxamed Xasan Gaar weyn {Jeer al ha u naxariistee ahaa Muallifka sheekooyinka caanka ahaa ee wargeyskan si da Raadiyo Reer Hebel oo ah xaaladda taag an Maanta in FM.yadii yihiin wax ba dan waqt Iag uu qorayena aanay jirin Hal FM oo madaxbannaan ayna jireen kaliya raadiyayaasha Codka Dowladii Cali Mahdi ku hadla iyo mid ku Hadasha Dowladii Salbllaar ee Ceydiid alle ha u naxariistee iyo mid ku hadshay Codka nabadda oo uu lahaa Hoggaamiye Cismaan Caato isagan alle ha u naxari istee.

Sid oo kale Qoraa Sare Aweys Xuseen Xas an {A.Shiino} oo sheekadii JAMAAKA ku bilaa bay oo ah mid jaceyl aheyd, Qoraa sare Maxa med Shiil Xasan {Shiil} oo wararka iyo fallooy in ka ahaa, War iiye Cali Muuse Cabdi oo ahaa Taageerihii ugu horeyey xagga agabaka xilligii wargeyskaan uu shaqeynayey isagoo 8 Cadad ah ka dib ina gu saaciday Matoor iyo Kobiyuuter ahaana la fdhabraka howl aha wargeys ka xagga Warar ka Siyaasad da xilligaa maadaa ma uu ahaa wariiye caalami ah qeyb libaax ay uu ka qaatay howlah wargeys ka oo isagoo Teyb lag u garaacayo ayuu taageeradiisa dart ed ugu tallownay inaan kubiyuuter howlgalno marna ma iloobi doono isaga iyo inta la mid ah sida xaaji muxuddiin yuusuf oo ganacsade ah aa inagu taageeray qalabka wargeyska sida wara aqaha iyo qadda oo gacan ballaaran ina gu sii yey inuusan baaqan wargeyskani. Cism aan Xuseen Axmed Waryeel isagan ha ddii qalab ka inga xumaado nagu saacidi jiray qalabkiisa,

Sh. Cali Cumar Maxamuud oo ahaa Qoraa Dhanka diiniyadda wax ka qori jiray,sidoo kale Maxa med Maxamuud Nuureey {Jimcaale} xag ga wararka iyo faallooyinka ahaa , qoraa Sa re Prof. Yex ye Sh. Caamir oo qoray maqaalka ugu dheeraa abide ee wargeyskan soo mara oo ahaa mid siyaa sadda dalka la xiriira aha ana JUUJVs WAMAA JUUM kaa oo ahaa ma almo gaara oo ahaa mid dad ka ugu jaclaaye en maamulka wargeyskana uu ka sameeyey Buugaag ilaa 3 qeyb ahaa oo bilow ilaa dha mmaan ah qoraalka Prof.ka.

Sidoo Dr. Cismaan Axmed Jimcaale ayaa qoraalo macluumaadka beeraha ah ku soo ba dhigi jiray dhibaatooyinka heysta iyo sababha dhalinkara iyo daweyntoodba isagoo ahaa qab iir cilmiga beeraha ku taqasusay,

Qoraa sare Cawil Daahir Salaad sheekooy inka jaceyla ah oo , badan, Bogga Fanka iyo Fannaanka al ustaad Fannaan Bashiir Cali Xu seen,C/haahi Maxamed Cumar {Mucjis} war arka, qoraalada Diiniga iyo faalooyinka, Qoraa sare Muuse Maxamed Cismaan {Muuse Kimi ko},wararka iyo faallooyinka iyo howldaeenna da ka mid ahaa,wariiye Falastiin Axmed Xa aji {PLO} qoraallo maqaalaad iyo she ekooyin ka jaceylkaba,Maxamuud Cali Maxamuud {Ma dka}, faallooyinka iyo wararka iyo sheeko oyin kaba, C/laahi Maxamed Jiroow, wararka iyo fa llooyinka, Mahad Caraboow Cali wararka, Aad an Dheere arrrimaha Dii niyad da,Abshir Cali Warsame,faallooyinka iyo arrim aha Diiniy ad da, C/qaadir Maxamed Cals oow {Calas} War arka iyo maqaalaadka, Muqtaar Nuur Maxam ed {Lovey} sheekooyin ka jacey lka ah, C/lle Nuradiin Axmed Alla ha u Naxar iistee sheek ooyin badan oo ay ka mid aheyd ANIGA IYO JACEYL iyo Cali Sh. Cabdi {Cali Fareey},Alla ha u Naxariistee sheekooyinba dan oo jaceyl ah ku qori jiray wargeyskan , Ibr aahin Daa’uud muudeey {Weynax} alle ha u naxarii stii sheekadii uu dheereyd ee Caasha qii Ciroola ha oo jaceyl ah wargeyskaan ku qori jiray, Macli Maxamed Cismaan {C.Ameer iko}, oo isagna sheekooyin jaceyl ah ku qori ji ray ,Sacdiyo Xuseen Macoow {Sacduuni} oo sheekooyin jaceyl ah ku qori jiraty,Aadan Ma callin Cabdullaahi {Aadaamo} oo isagan sheek adii Goobeey maxaa loo guursan waayey she eko jaceyl ah lahaa , Barre Sh. Cabdullaahi {Banagaaladesh}, oo isagan lahaa sheekadii Guumeystii Geel Badan,Cabdi Xasan{ Aqlaaq} Qoraal taxane ahaa ee Siyaasiaddu waa mu raayad uu Siyaasigu iska Arko, Qadro C/hi Cali Hagreey, qeybta farsamada iyo Riportar, Nuurto Cali Cumar Diyaarinta Qorallada war arka, Shukri Axmed Leyte Diyaarinta Ra’y iga iyo halxiraalaha,Cali Muuse Sh. {Jeebalaaha weyn} alle ha u naxariistee Qeybta Ra’iyga iyo Halxiraalaha iyo wararka, Aadan, Shuuke maqaalaadka, Axmed Ganeey Maqaalaadka, Nasro Cali Cumar howl wadeenka wargeys ka xagga maamuka iyo maareynta, Muxuddi in Cabdi Calsoow Qoraalada maqalaadka Too sh ka Siyaasadda iyo Talada Dalka, C/laahi Maxamed Salaad {Dalle} ,fara mayaqaankii 2aad ee daabacaddaa wargeyska soo mara ah aan qo raa Bogga ciyaarah, faallooyinka iyo howlwa deenka xarunta ,C/fitaax Maxamu ud Salaad {Diyeeshe} farsama yaqaanka 3aad ee wargeyskan Qoraal ka wargeyska, faalloo yinka iyo isboortiga,Najiib Cali Cumar {Shuvi chionco} Farsamaya qaan ka 4aad qoraalka maqaalad ka iy o wararka iyo daabacadda, Na asir Cali Cumar Farasamyaqaanka 5aad haa tan howlaha wargeyska haya qoraal faallooyin ka iyo farsamayaqaan ka guud ee wargey ska na ah ,Barre,C/risaaq Axmed Absuge {Waayeel} Q/4aad Berito Inasha allaah

 

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

 

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO :-

 

Delegation To The Federal Republic Of Somalia is Looking For The eu Ropean Union An

 

ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT.

THE EUROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN

ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT

We are

The European Union (EU) is an economic and political partnership betwe en 28 European countries. It plays an important role in international affairs through diplomacy, trade, development aid and working with global organisations.

Abroad, the EU is represented through more than 140 diplomatic representations, known also as EU Delegations, which have a similar function to those of an Embassy. The EU Delegation to Somalia seeks to contribute to a more prosperous Somalia where the impact of conflict and instability is reduced and the dividend of a more stable environment will allow the Somali people to benefit from EU investments in state functions and in social and productive sectors.

 

We are looking for

An assistant to the Head of Cooperation to give support in managing and coordinating the EU Somalia Operations specifically in the follow areas:

 

Responsibilities

Management

• Support to the development and updating of Operations annual strategic priorities and work-plan,

• Support to the Heads of sections in developing and monitoring their specific sector objectives and work-plans

• Establish and follow up of training and mission plans

 

Reporting and Briefings

• Preparation of management plans and reports to Headquarters as well as other briefings

• Preparation of financial/ contractual forecasts and other reports Preparing country as well as regional and sectoral briefings

• Establish and update together with Program Managers project fact sheets and other briefings

• Supporting in the development of tools for monitoring financial/ contractual performance

Facilitation of coordination structures and processes including meetings

• Facilitating information flow and exchange in Operations and between Operations and other sections/ structures including preparation and documentation of meetings

 

• Supporting and Facilitating information flow and exchange in external coordination structures and processes (for example EU

Development Counsellor group or SDRF/ New Deal meetings) co-chaired by the EU including preparation and documentation of meetings

• Preparing, facilitating and documenting any other meeting, workshop or mission when required

Monitoring and Evaluation

• Development of a Monitoring and Evaluation plan, support contracting and follow-up on implementation

• In close cooperation with the program managers support the development and implementation of other cross-cutting projects such as the

TCF

Any other cross-cutting task required by the Head of Cooperation or Head of Delegation

We require

Post-secondary education diploma ideally in Business Administration, Public Administration and/or Development related filed –

(preferably a University degree at Bachelor level) - Eligibility.

 

At least 5 years’ working experience ideally in the field of Business or Public Administration Management and/or in Development Cooperation - Eligibility.

 

Working language is English – excellent knowledge is required;

Knowledge of Somali would be an asset;

Excellent oral and written presentation skills; Thorough understanding of Excel and Power Point required;

Ability to work accurately with figures and financial planning;

Understanding of financial information management systems is an advantage

Knowledge of the functioning of EU Development Aid is desirable;

Proven ability to build and maintain positive working relationships with colleagues, national counterparts, donor agencies, other stakeholders and ability to adapt well in a multi-cultural environment;

Ability to identify needs and constraints, to set priorities and translate them into action; Personal initiative and ability to prioritise, monitor and evaluate progress, and to meet deadlines;

Open, flexible personality; team player; willingness to work outside office hours and to travel; A high degree of integrity and the ability to deal with confidential information is required.

 

The contract is for a limited period until 31/12/2016 based in Nairobi and funded under a Program Estimate.

The position is open to nationals and residents of Kenya with a valid work permit (compulsory).

 

How to apply

Please send your motivation letter and detailed CV in the EU FORMAT to

Delegation-Somalia-Recruitment@eeas.europa.eu by 27 November 2015, midnight and should have in the subject line "Assistant to Operations Management”.Only Short-listed Candidates will be contacted.The Delegation will not supply additional information or discuss the selection procedure by telephone: please address any queries concerning this procedure to the provided email address.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip