
WAR CUSUB: Puntland oo degaanadeeda ka ceyrisay madaxii diyaaradaha Q/Midoobay (Akhriso Wareegtada)
Maamulka Puntland ayaa 48-saac u qabtay inuu degaanadiisa uga baxo madaxii diyaaradaha Q/Midoobay ee United Nations Humanitarian Air Service (UNHAS, kaddib markii lagu soo oogay eedo dhowr ah. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada
Puntland ayaa lagu sheegay inay shaqada ka joojiyeen madaxii Qaramada
Midoobay, isagoona lagu amray in haddii aanu u hoggaansamin
awaamiirtaasi uu la kulmayo tallaabooyin kale oo aan la shaacin.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxday maamulka Puntland inuu khalkhal gelin xoogan ku hayay ammaanka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee ku yaala magaalada Gaalkacyo.
Waana tan wareegtada oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Duulista iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Saciid iyadoo sideeda u qoran:
XIGASHO:- SOMALIWEYN.COM


0 




WAR CUSUB: Puntland oo degaanadeeda ka ceyrisay madaxii diyaaradaha Q/Midoobay (Akhriso Wareegtada)
Maamulka Puntland ayaa 48-saac u qabtay inuu degaanadiisa uga baxo madaxii diyaaradaha Q/Midoobay ee United Nations Humanitarian Air Service (UNHAS, kaddib markii lagu soo oogay eedo dhowr ah.