Cali Muuse: "Geerida Weriye Cawke dad ayaa u bedelay siyaasad"

0
Friday November 20, 2015 - 18:25:12 in Wararka by
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Muuse: "Geerida Weriye Cawke dad ayaa u bedelay siyaasad"

    Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan geerida Weriye Axmed Xasan Cawke, iyadoo la sheegayo in dad aan ka mid ahayn ehelka weriyaha geeriyooday ay siyaasadeynayaan sababihii uu u geeriyooday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan geerida Weriye Axmed Xasan Cawke, iyadoo la sheegayo in dad aan ka mid ahayn ehelka weriyaha geeriyooday ay siyaasadeynayaan sababihii uu u geeriyooday. Cali Muuse Cabdi oo ka mid ah rug cadayaasha saxaafadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in sababaha uu u geeriyooday Weriye Cawke ay siyaasadeynayaan, isagoona ku taliyay in arrintaasi laga wanaagsan yahay.

"Allaha u naxariisto walaalkeen Weriye Cawke, balse waxaa xaq u leh eheladiisa wixii ka nool inay iyagu u doodaan, ma aha in dad aan shaqo ku lahayn ay faraha la galaan” ayuu yiri Weriye Cali Muuse Cabdi.

Rug cadaaga saxaafadeed ayaa sheegay in Werriye Cawke uu ka tegay caruur qaan-gaar ah iyo dad ay walaalo yihiin oo xaq u leh inay arrimihiisa u dooda.

Xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip