
Kooxihii ka dambeeyay weerarkii Paris oo ka faa'ideystay qul-qulka qaxootiga Yurub
Mr Valls ayaa u sheegay TV-ga fadhigiisa yahay Faransiiska in dadkii ka qeyb qaatay weerarkii Paris ay isugu jireen saddex qeyb, oo ahaa qeyb Faransiiska joogtay, qeyb Belgium iyo qeybta kale oo ku soo dhex dhuuntay qaxootiga ku soo qul qulayay dalalka Yurub ee ka imaanayay dalka Suuriya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay in kooxda IS ay isku dayayaan inay hub Kiimiko ah u adeegsadaan weerarada ay ku qaadayaan dalalka reer galbeedka.
Faransiiska ayaa saddex bil xaalad deg deg ah la geliyay, kadib markii ay meel mariyeen aqalka hoose ee dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in ilaa afar isku day weerar la fashiliyay, waxaana wali su’aal ka taagan tahay qaabkii uu ku soo galay Faransiiskii ninkii abaabulay weerarka Abdelhamid Abaaoud oo lagu dilay weerarkii Arbacadii.
Abaaoud ayaa la rumeysnaa inuu ku sugnaa Suuriya, waxaana marar badan ka soo muuqday muuqaal ay soo bandhigtay Daacish, hase ahaatee mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in ninkan uu ka soo galay Greec, si uu weeraro uga fuliyo Faransa.
Si kastaba ha ahaatee weerarkii Paris ayaa waxaa ku geeriyooday 129 ruux, waxaana ciidamada ammaanka Faransiiska iyo kuwa Belgium ay baadigoobayaan Saleh Abdesalam oo ka mid ahaa dadkii wax ka abaabulay weerarkaas.


0 



Kooxihii ka dambeeyay weerarkii Paris oo ka faa'ideystay qul-qulka qaxootiga Yurub
Ra'iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in kooxihii ka dambeeyay weerarkii Paris lagu qaaday todobaadkii hore ay ka faa'ideysteen qaxootiga faraha badan ee ku soo qul qulaya wadamada Yurub.