
Guddoomiye Madaale "Waxaa joojinay inaan dhul cusub bixino, wareegto ayaana ka soo saarnay"
Guddoomiye Madaale oo ka qeyb galayay barnaamij dood ah ah oo maalin walba ka baxa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu magacaabay Guddi qaabilsan arrimaha dhulka, kuwaasoo ka soo tala bixi doona jaangoyntiisa.
"Waxaa gebi ahaanba joojinay inaan dhul cusub bixin, wareegto ayaa ka soo saarnay, Guddi arrimaha dhulka ku shaqo leh ayaa magacawnay, waxaana ay ku howlan yihiin inay ka soo tala bixiyaan jaangoyntiisa, waxaa naga go’an in qof soomaaliyeed hantidiisa ama gurigiisa aysan cid kale xoog ku heysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda dadka ay leeyihiin, isla markaana cidii xoog loogu geysto hanti ay leeyihiin ay dib ugu celinayaan sida uu yiri.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha ay ugu jirto sidii loo dhiso lahaa Gole deegaan oo ay dadka soo doortaan, si Golaha deegaanka ay iyana u soo doortaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
"Horay ma aysna u dhicin Guddoomiye ay dadka soo doortaan ama Gobolka Banaadir, waxaa u maleynayaa inay labo ay horay u soo martay, waxaa rabaa inaa gobolka gaarsiiyo in midka aniga xiga in la soo doorto, Gole deegaan inaa dhisno, kadibna golahaas uu soo doorto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho”ayuu yiri Mr Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo sidii wadooyinka xiran loo furi lahaa, waxaana uu tilmaamay in qofka kasta oo Soomaaliyeed looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato nadaafada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa 2-dii bishan xilkaas kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xilkaas hayay muddo sanad iyo bar


0 



Guddoomiye Madaale "Waxaa joojinay inaan dhul cusub bixino, wareegto ayaana ka soo saarnay"
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wareegto ka soo saaray dhul bixinta iyo arrimaha la xiriira dhulalka oo muddooyinkii u dambeeyay ahaa muranada ugu weyn ee ka j