Dugsiga tababarka ciidamada Jaziira oo loogu magac daray General Dhegabadan

0
Friday November 20, 2015 - 17:43:57 in Wararka by
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga tababarka ciidamada Jaziira oo loogu magac daray General Dhegabadan

    Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ciidamada qalabka sida isagoo kala hadlay arrimo quseeya ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka XDS S/gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ciidamada qalabka sida isagoo kala hadlay arrimo quseeya ciidamada.

Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulankan waxa uu ugaga hadlay waajibaadka saaran ciidamada iyo sida loogaga doonayo in howl wanaagsan bulshadooda u qabtaan, waxana uu kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharciga iyo kaladambaynta ay ciidamada ay leeyihiin.

Taliyaha ciidanka XDS ayaa halkaasi ka sheegay in dugsiga tababarka ciidamada Jasiira loogu magic daray Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan "Dhegabadan’ wuxuuna saraakiisha faray inta magaca dugsiga Jasiira lagu bedelay "Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan”. Waxana uu taliyaha ciidamada xoogga dalka ka sheekeeyay taariiqdii uu lahaa General Dhegabadan.

Dugsiga tababarka ciidamada ee haatan loogu magac daray General C/kariin Yuuusf Dhegabadan oo ku dhintey weerarkii lagu qaaday hotel Saxafi ayaa lagu tababaraa ciidamada milatariga.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto inay dib u soo celiso sharaftii ay hore u lahaayen ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyadoo hore ay u soo mareen taliyaal kala duwan ciidamada xoogga dalka.

ciidamada xoogga (1)

ciidamada xoogga (2)

ciidamada xoogga (3)

ciidamada xoogga (5)

ciidamada xoogga (6) Dugsiga tababarka ciidamada Jaziira oo loogu magac daray General Dhegabadan

Dugsiga tababarka ciidamada Jaziira oo loogu magac daray General Dhegabadan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip