Jaamacada Soomaaliya oo soo gabagabeysay imtixaanka Xilliga Dhexe (Sawiro)

0
Friday November 20, 2015 - 17:39:47 in Wararka by
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Soomaaliya oo soo gabagabeysay imtixaanka Xilliga Dhexe (Sawiro)

    Imtixaanka xilliga dhexe oo 10 maalin si xariir ah uga socday xarumaha kala duwan ee jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa si nabad ah kusoo gebageboobay maanta oo taariikhdu ku beegantahay 20/11/2015.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaanka xilliga dhexe oo 10 maalin si xariir ah uga socday xarumaha kala duwan ee jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa si nabad ah kusoo gebageboobay maanta oo taariikhdu ku beegantahay 20/11/2015.

Madaxa diiwaan gelinta jaamacadda,Eng. Maxamed Yuusuf Muuse, oo warbaahinta kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay xarunta 21-ka Janaayo ayaa waxa uu sheegay in 8,485 ardey oo dhigta kulyadaha kala ah:

1)Kulliyadda Caafimaadka

2)Kulliyadda Ganacsiga, Maamulka iyo Maareynta

3)Kulliyadda Waxbarashada, Cilmiga bulshada iyo Bini’aadninimada

4)Kulliyadda Cilmiga Cabbiraadda iyo Tiknoolijiyadda iyo

5)Kulliyadda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha ay si wanaagsan u dhameesteen imtixaanka

Eng. Maxamed Yuusuf Muuse ayaa waxa uu rajeeyay dhamaan ardeyga imtixaanka xilliga dhexe galay in ay guul ka gaaraan oo ay uga soo gudbaan buundooyin wanaagsan.

Madaxa diiwaan gelinta jaamacadda UNISO waxa uu u mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay habsami u socodka imtixaanka sida maamulka sare ee Jaamacadda, Macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee jaamacadda.

Qaar kamid ah ardeyda imtixaanku u soo dhamaaday oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay si farxad ah usoo dhaweeyeen imtixaanka guusha ugu dhamaaday waxa ayna dhankooda mahad u celiyeen dhamaan maamulka, madaxda iyo macalimiinta jaamacadda Soomaaliya.

Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo 11 sano jirsatay ayaa waxa ay leedahay afar xarumood oo waaweyn oo kala ah 21-ka Janaayo, KM4, Osmaan Geedi Raage iyo xarunta Daraasaadka sare, waxa ay sidoo kale leedahay Isbitaal weyn oo ku yaalla xarunta Ismaan Geedi Raage, waxaana jaamacadu dhawaan ay dib u fureysa xaruntii ay ku laheyd deegaanka Ceelasha Biyaha ee Shabeelada Hoose.

somalia imtix (1) somalia imtix (2) somalia imtix (3) somalia imtix (4) somalia imtix (5) somalia imtix (6) somalia imtix (7) somalia imtix (8)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip