Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo fuliyay mashruuc si bilaash ah indhaha loogu fiiqay kun ruux (Sawirro)
Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in howshan samafalka ah lagu guuleystay isagoo xusay in dadka ka faa’iideystay ay isugu jireen barakacayaal iyo dad danyar ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.
"Waxaa farxad inoo ah inaan soo gebagebeyno maanta howlo daweyn iyo qaliin dhinaca indhaha ah oo muddo labo bilood ah ka socday xarunta isbitaalka Indhaha Al-Nuur” ayuu yiri agaasimaha.
Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyey in hirgelinta howshan samafalka ah ay iska kaashadeen heyadda Al-Nuur Foundation oo isagu uu madax u yahay, heyadda Al-Basiir Foundation ee dalka Pakistan iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka (Doctors Word-wide) oo fadhigiisu yahay wadanka Turkiga.
"Mashruucan waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 8816 qof, 962 ka mid ah waxaa loo sameeyey qaliimo dhinaca indaha ah, halka inta kale oo tiradooodu gaareyso 7854 qof loo sameeyey baaritaano iyo daweyn, mashruucana waa mid lacag la’aan ah oo loogu adeegayo bushada Soomaaliyeed” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo farta ku fiiqay in dadka indhaha loo fiiqay ay ku jireen 45 caruur ah oo dhashay arag la’aan.
Sanadka soo socda ee 2016-ka ayuu sheegay inay u qorsheysan tahay in si bilaash indhaha loogu fiiqo dad gaaraya shan kun oo qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, wuxuuna u mahad celiyey dhamaan heyadaha ka qeyb qaatay mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur iyo intii kale ee gacanta ka geysatay.
Dr. Muhammad Khizar Bashiir, Dr. Dr. Muhammad Jamsheed Khan iyo Dr. Savas Eriz oo uu hadlay heyaddaha ka qeyb qaatay mashruucan qiimaha badan ayaa iyana sheegay iney ku faraxsan yihiin in howlo samafal oo noocan oo kale ah u qabtaan walaalahood Soomaaliyeed ee taagta daran iyagoo balan qaaday iney sii wadi doonaan, ayna marar kale oo badan iman doonaan Somalia.
Barakacayaasha ah iyo dadka danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, waxayna u mahad celiyeen maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan.
Mashquul fara badan ayaa mudooyinkan laga dareemayey Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, waxaana soo buuxiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku diyaarinayaan bukaanada qaliinka loo wado, kuna baxnaaninayaan kuwa indhaha loo fiiqay.
Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo fuliyay mashruuc si bilaash ah indhaha loogu fiiqay kun ruux (Sawirro)
Mashruuc samafal ah oo isugu jiray, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameeyey kumanaan qof oo ka mid ah dadka taagta daran ayaa saaka lagu soo gebagebeeyey Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho.