WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA MAY 2017-KA

0
Monday May 15, 2017 - 10:48:03 in Wararka by
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA MAY 2017-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO AQBALAY CASUUMAAD UU KA HELAY DHIGIISA DALKA MASAR R/wasaaraha dalka Masar Shariif Ism aaciil, ayaa la kulmay Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo. 2da mas'uul ayaa ku kulmay M/London ee da lka Ingiriiska, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO AQBALAY CASUUMAAD UU KA HELAY DHIGIISA DALKA MASAR R/wasaaraha dalka Masar Shariif Ism aaciil, ayaa la kulmay Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo. 2da mas'uul ayaa ku kulmay M/London ee da lka Ingiriiska, waxaana intaasi ka dib madaxweynaha la gudoonsiiyay warqad casuumaad ah oo ku aaddan in madaxwe ynaha booqasho uu ku tago dalka Masar.

Warqada casuumaada waxaa soo diray madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah AlSisi. Md.Farmaajo ayaa aqbalay casuu maada, waxaana dhawaan uu ku wajahan yahay dalka Masar, si da uu sheegay wa rgeyska Daily News Egypt.

Md.Abdel Fattah AlSisi iyo Md. Farma ajo, ayaa waxaa marka ay kulmaan ay ka wada hadli doo naan sara u qaadidda arrimaha xiriirka 2da dowladdood ka dhexe eya. 2 Maalin ka hor, dowladda Ma sar ay aa diyaarado military oo ay saaranyihiin gargaar isugu jiray cunno iyo daawo u soo dirtay dalka Soomaaliya, ka dib markii madaxweyne AlSisis uu sheegay inay ca awin doonaan dadka ay saame yeen aba araha ee Soomaaliya ku nool.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaa liya, ayaa sheegay in Soomaalidda ay u bogayaan caawin ta ka timid dalka Masar.

Khamiistii lasoo dhaafay, R/wasaaraha J/Masar Sharif Ismaaciil, ayaa ka qeybga lay shirkii London Somali conference, waxaana wafdigii Shariif Ismaaciil, la socday xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carab ta, Ahmed Aboul Gheit.

"Waa in la ogaadaa muhiimada ay lee dahay ka qaybgalka Masar ee shirka iyo doorka Masar ay ka ciyaareyso gobollada Afrika marka la eego xoojinta iskaashiga dalalka Qaarada iyo xiriirka taariikhi ga ah ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Ma sar.

"Waa in la caawiyaan wadankan wala alaheen ah oo lagu taageero awoodaha ammaanka iyo horumarka, iyada oo la og yahay in caqabado ay hadda ka jiraan go bolka, gaar ahaan ifafaalaha bur cad Bade edda iyo argagixisada caalamiga ah”, Ra’ iisul wasaare Shariif ayaa sidaasi yiri.

R/WASAARAHA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DOOXA ..

Ra’iisul Wasaaraha DFSMd.Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Qadar ayaa khudbad ka jeed iyay shirka M/Dooxa ka furmay.

Shirkan oo uu furay Amiirka dalka Qa dar Sh. Amiin ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka Qadar, masuuliyiin ka so cota dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayaa arrimaha Abaaraha, Amn iga, kobcinta Dhaq aalaha, Qaxootiga iyo waxyaabo kale, sida ay sheegeen masuu liyiinta dalka Qadar.

Md.Khayre ayaa khudbad ka jeediyay shirka, taasi oo uu kaga hadlayay xaalad da Soomaaliya, ga ar ahaan Abaaraha ka jira dalka, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunyada. Md.Kheyre ayaa dhin acya da ka qeyb galaya shirka waxa uu ka cods aay in Dowladda Soomaaliya laga taagee ro dhinac yada horumarka, Amaanka iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu sameeyeen.

Gunaanadka shirkan ayaa waxaa la fil ayaa in laga soo saarao Warmurtiyeed ay isku raacsan yihii Madaxdii ka qeyb ga shay.

SOMALILAND OO EED KALA DULDHACDAY MADAXWEYNE FARMAAJO

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Som aliland Muuse Biixi oo Shalay Saxafadda kula hadlay Mag aalada Hargeysa ayaa Eed kala dul dhacay Madaxweynaha Soo maaliya Maxamed C/llaahi Farma ajo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Shirkii London ee loo qabtay Madaxda Soomaali da uu ahaa mid Hal is ku ah Danaha Soma liland,waxaana uu Xusay in Madaxweyne Farmaajo uu Ciidamo ku Codsaday Shirk aas taas oo Somaliland Shaki weyn ay ka qabto.

KUDHAWAAD 40 RUUX OO MUQDISHO KU GEERIYOOTAY

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxam ed Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Risa ala ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan dad bilooyinkii lasoo dhaafay cuduro kala duwan ugu geeriyooday Xeryaha Barak acayaasha ee ku yaalla degmada Kaxda.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi ay u dhinteen cuduro kala du wan ,laakiin aysan jirin dadka Gaajo u dhintay. Isku dar ahaan ayuu sheegay Gu doomiyaha degmada in dadka ku dhintay degmada Bilooyinkii lasoo dhaafay ay dhan yihiin 40 qof.

Waqtiyar ee lasoo dhaafay ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida waxa ay tabinaayeen in 15 qof Gaajo ugu dhinte en Kaxda , waxaana hadalkaasi beeniyay Gudoomiyaha Kaxda. Waxaa uu sheegay in dadka ay haysato xaalad Caafimaad da rro , laakiin lasiiyo cuntooyin kala duwan.

JUBBALAND OO KA HADASHAY DUQEYN KA DHACDAY GOBOLKA GEDO

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo la ha dlay Radiyo Kulm iye ayaa sheegay in Du qeyn ka dhacday Ceelcadde,Ceelwaaq iyo Garbahaarey lagu dilay Saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab islamarkaana la gu gubay illaa 10 Gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay Shabaabku leeyihiin.

"Duqeyntaas waxaa fuliyay Ciidamada Kenya Diyaaradahooda oo wada shaqeyn ka helaya Ciida mada Xoogga Dalka iyo ku wa Jubbaland,waxaana lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Alshaba ab”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa Xusay in Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaal Sare oo ka tirsan Shab aab islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyada Hogaam iyaasha ay dileen.

Wasiir Dowlaha Amiga ayaa sidoo kale sheegay in Duqeynta lagu Burbriyay Gaad iid Dagaal oo ay Shabaab leeyihiin oo ay ku jiraan Gaadiidkii ay ka furteen Ciidam ada Kenya ee Ceelcadde lagu Weeraray Sanadkii hore.

SHARIIF XASAN OO SHAACIYAY XILLIGA CIID ANKA DF AY KA ADKAAN KARAAN SHABAAB

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay aa waxa uu ka had lay qaabka ay ku shaqeeyaan Ciidanka Dowladda iyo waxy aabaha ay u baahan yihiin.

Waxa uu sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay Nabad, Nabadiina iyada oo aan dhaqaale la helin in aysan imaan karin, Dhaqaalihiina iyada oo aan Amni la helin in uusan imaan karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxwe yne Shariif Xasan Caalamka in ay ka rajeynayaan in la hor mariyo Ciidanka, Mu shaar la siiyo, Niyadana loo dhiso, lana si iyo Hub ay ku dagaalamaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa caalamka ka dalbday in Soomaaliya Cun aqabteynta dhan ka Hubka ah laga qaado, si ay ula dagaalamaan Shabaab, guud ah aan dalkana ay uga saaraan.

Shariif Xasan ayaa sheegay Ciidanka Dowladda in ay u baahan yihiin Hub culus oo Qoriga AK47 uusan waxba tareyn, ha ddii Hub culus ay helaana ka adkaan kara an Shabaab.

Alshabaab ayaa hada ku sugan qeybo badan oo ka tirsan Bartamaha iyo Koonf urta Soomaaliya, iyaga oo mararka qaar weerara Fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Go bol ada dalka.

HAWEENEY DHASHAY LABO CARRUUR AH OO ISKU DHEGAN

Haweeney u dhalatay dalka Itoobiya ay aa Taariikhda dalkaasi markii ugu horey say dhashay labo caruur ah oo isku dheg an.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen caafimaadka caruurtan in uu aad u wanaagsan yahay. Xigasho: Hctv

XILDHIBAANO DHAQDHAQAAQYO SIYAA SADEED KA WADA NAIROBI

Warar ay heshay Qaar ka mid ah warb aahinta M/Muqdisho ayaa sheegaya xub no ka tirsan Baar lamaanka Federaalka So omaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay dhaq dhaq aaq siyaa sadeed ka wadaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasi oo ay kaga gol leey ihiin in Dowladda Federaalka ay ku furaan Mowjado Siyaasadeed oo mucaarado ah.

Waxaa la sheegayaa xubnahan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqa lka Sare in ay kul amo joogto ah ku leeyih iin Hoteelo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasina ay ku fal anq eynayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayao.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa hadda ku guda jira fasaxoodii ugu horeeyay tan iyo markii Baar lamaanka Federaalka laga soo doortay Gobolada dalka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegay aan xildhibaanadan wada olaha ku aadd an Mucaaradni mada ku aadan DFS inay u badan yihiin kuwo looga baxay ballamo ay la galeen Madaxda DFS.

Waxaa xusid mudan Dowladda Madaxw eyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farma jo) inay tahay Dowladda keliya ee heshay taageerada buuxda ee kaga timid shacab ka Soomaaliyeed, waxaana Ma daxda Do wladda ay hadda wadaan qorshe guud oo ay wax kaga qabanayaan xaalada siyaasa deed ee dalka. Xigasho:radiorislaa.net

SOMALILAND OO FAAH FAAHIN KA BIXISAY SAAMIGA ITOOBIYA LAGA SIIYAY DEKEDA BERBERA

Iyadoo maalin ka hor Shirkadda DP Wo rld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Ca rabta ay si ras mi ah ula wareegtay Deke da Berbera, ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Saami dhan 19% la ga siiy ay Itoobiya.

Arrintan ayaa dhalisay doodo iyo hadal heyn kala duwan oo ku aaddan in Itoobiya oo aan markii ho re qeyb ka aheyn heshi iska Dekeda Berbera uu hadana faa’ido ka helayo dhaqaalaha ka soo xaro oda Dekeda Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige ayaa sheegay in Sa amiga la siiyay It oobiya aanay aheyn mid ay bixisay Somaliland.

"Saamiga la siiyay Itoobiya ee 19% ma ahan mid ay bixisay Somaliland, Shirkad da DP World ay aa siisay”ayuu yiri Afhaye enka Madaxtooyada Somaliland oo warey si siiyay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in Shirkadda DP World ay xaq u leedahay cida ay rabto in ay siiso saamig aas, isla markaana sharc iyan uu qabo heshiisyada caalamiga ah.

Saamiga Somaliland ka heleyso dhaq aalaha ka soo xarooda Dekeda Berbera ayaa ah 35%, hal ka shirkadda DP World ay saamigeeda 65%, ay dowladda Itoobi ya ka siisay 19%.

Somaliland iyo Shirkadda DP World ayaa sanadkii hore kala saxiixday heshiis ay kula wareegaya an Dekeda Berbera, ka asoo dayactir iyo ballaarin ku sameynaya, waxaana heshiiskan uu soconayaa muddo 25 sanno.

DOWLADDA OO QORSHEYNAYSA DHISMAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA

Sida uu sheegay Wasiirka Cadda aladda Xukuumadda Somaliya Xasan Xuseen Xaaji waxaa soc da qorshe la doo naayo in lagu dhiso nidaamka Garsoorka dalka, kadib markii Golaha adeega Gar soorka horay loo kala diray, dalkana uusan laheyn nidaam Gole Adeeg Garsoor ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay socdaan wadatashiyo ku aadan dhismaha adeega Garsoorka dalka, islamarkaana la doonaa yo in la soo dhiso Gole adeeg Garsoor oo tayo leh, si ay wax uga qabtaan xaalada ha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Wasiir Xasan Xuseen, ayaa sheegay maqnaanshaha Guddiga adeega Garsoor ka dalka in si we yn loo tabaayo, maadaa ma muhiim ay tahay Guddigaan.

"Guddiga adeega Garsoorka dalka oo naga maqan oo Insha Allah in aan dhisno aan ku guda jirno wadatashi ayaa socda, meel fiican ayuuna marayaa, shalay oo aan joogno ma jiro guddi adeeg Gars oor, Digreeto Madaxweyne, ayaa lagu kala dir ay, guddi shalay dhisan oo guddi adeeg Garsoor lagu tilmaami karo majiro.” Ayuu yiri Wasiirka Caddaalada.

Guddiga Adeega Garsoorka dalka, ay aa waxaa horay u kala diray Madaxweyni hii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxa muud, wixii xilligaasi ka dambeeyayna, ma jirin guddi adeeg Garsoor ah.

Guddiga Adeega Garsoorka dalka, dhankooda waxa ay ku doodayaan in Gud digooda uu sharci yahay, islamarkaana ay san jirin sabab loo kala diro, kala diristo odana aysan aheyn arin fudud ama go’ aan laga gaari karo.

Helidda Garsoor caddaalad ku dhisan waa waxa ay Somaliya shalay u baahan tahay, maadaama Somaliya aaney ka jirin nidaam caddalaadeed.

GALMUDUG OO WASIIR KU WAREEJISAY GAARI LAGA SOO DHACAY DHANKA PUNT LAND

Ciidamada Booliska Dowladda Gobole edka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan gaari Land Cru iser ah uu dhawaan lasoo baxsaday nin darawal u ahaa wasiir Kuxigeenka Wasa aradaa Haweenka Maamulka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi.

"Gaarigaan uu si sharci daro ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay inuu gato isa goo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noq atay was iirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doon tana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa” , ayuu yiri taliyaha Taliyaha qeyb ta booliiska gobalka mu dug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo goobta ugu horeyntii ka hadlay.

Dhanka kale wasiir Kuxigeenka Was aaradaa Haweenka Maamulka Puntland Farxiyo Yuusuf Xi rsi ayaa kaga mahadcel isay Ciidamada Booliska Dowladd Gobole edka Galmudug sida ay ugu guuleysteen in gacanta lagu soo dhigaan Gaarigaan iyo darawalkiisa la baxsaday.

MACRON OO LOO DHAARIYAY MADAXWEY NAHA FRANCE

Madaxweyne Mac ron ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin shaqa la’aan iyo dhaqaale xumo. Emmanuel Macron ay aa loo dhaariyay xilka madaxweynaha cus ub ee Faran siiska, todobaad ka dib markii uu ku guul aystay doorashadii dalkaasi ka dhacday. Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaaran ku samayn doono siya asadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaa laha.

Balse arrimahaasi ayaa ku xirnaan doo na sida uu xisbigiisa cusub ee "The Republic on the Move” uu ugu guulaysto doorashada baarlamaanka ee dhacaysa bisha soo socota. Weriye ka tirsan BBC ay aa sheegaya in haddii uu Macron ku guuldaraysto isbedelka uu ballanqaaday, uu noqon doono sida madaxweynaha xil ka ku wareejiyay, Francois Hollande, kaa soo waqtigiisu dhammaaday asagoo aan shacbiyad badan haysan.

Boqolaal boolis ah ayaa sugayay amma anka caasimadda Paris intii ay socotay xa flada caleema saarka oo ka dhacday qas riga madaxtooyada ee Elysee Palace.

Faransiiska ayaa xaalad degdeg ah ku jiray tan iyo weerarradii sanadkii 2015 ka dhacay caasimad da Paris, kuwaasoo ay ku dhinteen 137 qof.

Macron ayaa Isniinta beri ah booqan do ona caasimadda Berlin ee dalka Jarmal ka, si uu hogaam iyaha dalkaasi Angela Merkel ugu xaqiijiyo taageerada uu u hayo Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu dha waan magacaabo ra’iisul wasaare. Caqa badaha uu wajahayo mad axweynaha cusub ayaa waxaa ka mid ah shaqa la’aan haysata dhalinyarada Faran siiska iyo dhaqaalaha gaabi ska ku socda

AKHRISO:KOONFURTA KUURIYA LIXDAN SANNADOOD KA HOR FAQRI, SHALAYNA DALALKA UGU HODANSAN

Wadanka Koonfurta Kuuriya waa wadan ku yaala Bariga Fog ee khaarada Aasiya waana qeybta koonfureed ee gacanka kuuriya caasimada dalkuna waa Magaalada Seoul waxaana wadankaas tirada dadkiisu ay gaarayaan in ka badan Konton Milyan oo qof.

Dalka Koonfurta Kuuriya guud ahaan waxaa soo maray dhibaatooyin badan oo uu u geystay Gumeystihii Japanka ee ay xuriyada ka qaateen Sannadkii 1945tii waa 15 sano ka hor waqtigii xuriya da ay qaadatey Soomaaliya.

Wadankan waxaa soo maray xili ay ka dhaceen dagaalo dhiig badani ku daatay dagaaladaas oo u dhaxeeyey labada kuu riya ee Koonfur iyo Waqooyi oo ah dad isku mid ah kana siman dhaqan, diin iyo dhiigba.

Douglas MacArthur oo ahaa Jenaraal Mareykan ah kana soo qeyb qaatay Dagaalkii 2aad ee du nida ahaana Marshalkii heystay ciidankii Mareykanka ee ku sugnaa dalka Filibiin ayaa markuu eegay dagaalada culus ee reer Kuuriya dhexdooda dhex marayey,Hogaan xumida haysa iyo Rajo beelka haysta ummadda wadankaas ku nooleyd iyo sida ay waqtigaas u bur bursaneyd Koofurta Kuuriya ayaa wuxuu yiri sidan:

"Wadanka Koonfurta Kuuriya malahan wax mustaqbal ah,mana soo kaban doono xitaa boqol sannadood oo hada kadib ah”.

Sidoo kale diblomaasi u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabi jiray Vengalil menon oo madax u ahaa wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo dalkaas Koonfurta Kuuri ya socdaal ku tagay ayaa wuxuu yiri sidan:

"Sidee ubaxyo meel qashin qub uga soo bixi karaa. ”. taas oo uu ula jeeday wadanka Koonfurta Kuuriya inuu yahay dal burburay oo aan wax raja ah oolin.

Raul martinez oo ahaa nin Jenaraal oo u dhashay dalka Colombia qeybna ka ahaa saraakiishii hogamineysay ciidamadii 28ka dowladood ka koobnaa ee ka qeyb galay dagaalkii u dhaxeeyey dad ka Reer Kuuriya ayaa isagoo sifeynaya duruuf aha dhaqaale ee kuuriya iyo burburka gaaray waxuu yiri sidan:

"Kuuriya waa wadan aad u faqiir ah oo burburay,waxaan u dagaalanay xuriyada iyo dimuqur adiyada Jamhuriyada kuuriya”

EEG SAWIRKA KOOWAAD WAA SANNADKII 1950KII SIDA AY AHEYD KOONFUR KUURIYA.

Si kastaba ha ahaatee dalka Koonfurta Kuuriya oo sidaas looga dayrinayey xaaladiisa mudo 60 Sannadood ah kadib waqtigan waxa ay noqotay quwad dha qaale oo Caalamka ka jirta iyo wadanka 11a ad ee ugu dhaqaala ha badan dunida halkii ay awal ka mid aheyd wad amada ugu fa qiirsan ama ugu sabool san dunida.

Hadaba su’aasha lays weydiin karo ayaa waxa ay tah ay Koonfurta Kuuriya oo ka mid ahayd wadamada dunida u gu faqirsan ama ugu saboolsan sidee isaga goysay silsiladii faqriga una gaartay hormarka shalay noo muuqda ee ay ku talaabsatay?

Hadii Su’aashaa aan ka jawaabo waxyaabaha ugu muhi imsan ee saldhiga u ahaa horumarka haatan dalkaas uu hiigs aday ayaa waxaa jirey wadanku markii uu soo kabanayey ayaa madaxdii dal kaas hogaaminayey waxa ay muhiimada saareen dhinaca waxbarashada iyadoon la iska indha tiri karin baahida heysay iyo faqriga hadana waalidinta kuuriyanku waxey u halgamayen sidii ay quutul yoomka uguso dhici lahayen caruurtooda iskuulada ku jirta.

Afgambigii milatari ee ka dhacay dalka Koonfurta Kuuriya Sannadkii 1961kii jamhuriyadi dim uqurdiga aheyd waxey hoos gashay maamul kaligii talis ah laakiin wax badan ka qabtay dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka iyagoo muhimada siiyay kobcinta dhaqaalaha iyo waxbarashada iyo maalg alin shisheeye waxeyna dhigeen qorshe 5 sano ah oo wadanka dhaqalihisa sare loogu qaadayo iya goo gacan ka helayay dalalka Jarmalka, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Sannadihii 1965kii ilaa 1980kii waxey Koonfurta Kuuriya ku dhaqaaqday kacdoon warshadeed iyago kiciyay warshada dharka, warshada biraha dhismaha soo saarta, warshada baabuurta iyo maraakiibta iyo warshado kaloo badan.

Shalay Koonfurta Kuuriya waxaa ka jira shirkadaha Tiknolajiyada ee caalamka ugu caansan sida SAMSUNG iyo LG kuuriya Alle ka sakowna baahi kama baxeen Reer Koonfur Kuuriya hadii ay san waalidintu dhexda u xiran una tanasulin caruurtooda oo waxbarin maalintey u dhimanayen baa hida.

EEG SAWIRKA LABAAD WAA HAATAN IYO SIDA AY U HORUMARTAY KOONFUR KUURIYA.

Madaxweynihii hore xilka ka dagay ee dalka Mareykanka Barack Obama mar uu dalalka Afrikanka dhiirigalinayey ayaa isagoo Koonfurta Kuuriya ku hal qabsanaya wuxu yiri "Si ay uga baxdo faqriga Afrika waa in ay tusaale ka dhigataa Koonfurta Kuuriya” W/Qalinkii: Ayub Hashi

AKHRISO:JADWALKA IMTIXAANKA QARAN EE SANADKA 20162017

wasaaradda Waxbarashada X F Soo maliya ayaa soo saartay Jadwalka imtixa anka QARAN ee sanadka 20162017, oo ay galayaan Ardeyda sannadkaan ka qal an jabinaysa Dugsigada Sare ee Gobola da Banaadir iyo Gobolada dalka.

SHIRKA MADASHA WASIIRADA ARRIMAHA DASTUURKA EE DOWLADDA DHEXE IYO MAA MUL GOBOLEEDYADA OO KA FURMAY MUQDISHO

Shirka Madasha Wasiirada Arrim aha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa shalay ka furmay Muq disho, shi rkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Ge edisocodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasa aradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay hork aceyso.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Md .Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay aa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrima ha Gudaha ee DF, Guddiga Mada xabana an ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasii rada Maamul Gobol eedyada dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Md.Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay ma rtida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in Dastuurka lagu dham eeystiro wa qti go’an iyada oo la sam eeynayo wadata shiyo ballaaran.

"Haatan waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaara dda ay soo diyaariso shir kan, in aga waxaa inaga go’ an in Gee ddisocod ka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dha maada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wad atashiyo badan laga sameeyay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku ammaan ay Wasiiirka iyo sha qaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Was aaradda. "Waxaan aan bogaa dinay aa Wasiir Ca bdi Xoosh, Wasiir KuXigeenka, iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda oo labak acl eyn ku sameeynaya hawlaha Wasaar adda oo Qar ankeenna muhiim u ah, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxa aan u gu baaqayaa inay maalge liyaan Geeddisocodkan si Dastuurka uu u noqdo mid aan anagu leenahay; shirka waa inoo fur anya hay waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go’aamo miradha la” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa warmurtiyeed xoojiya wadashaqeeyn ta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada. DHAMAAD

WASIIRKA WARFAAFINTA OO LA KULMAY MA SUUL KA TIRSAN SAFAARADA TURKIGA

W/Warfaafinta Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiir kuxigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy, iyaga oo ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka fulisay dalka iyo kuwa iminka ay qorsheynayaan inay fuliyaan, iyadoo kulankaasi uu goob joog ka ahaa siihaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcad aalla.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan karaan horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, waxka qaba shada abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo tayey nta Waaxda Warbaahinta Qaranka. Safiir kuxigeen ka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan aksooy oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaran ka ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay bo oqashada uu ku yimid Wasaaradda Warfaafinta iyo la kulanka Mas’uuliyiinta Wasaaradda, isagoo intaa ku daray in dhamaadka bisha June ay tabbabar u soo xiri doonaan dufcaddii ugu hor eysay oo hal bat aliyan ah oo ay Soomaaliya u tababareen.

WW/ iyo HD. X/ Soomaaliya Eng, Cabdiaxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu horeyn uga ma hadceliyay Turkiga doorka doorkooda ku aadan horumarinta Soomaaliya, isagoo sharaxaad ka bixi yay waxyaabihii loo balan qaaday. Dowladda Turk iga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u ta age era Soomaaliya, iyagoo oo gacan ka geystay ka qeyb qaadashada gurmad abaaraha iyo horu mar inta dhinacyo ay ka midyihiin kaabayaasha dhaqaa laah iyo dib u dhiska dalka.

TALYAANIGA OO LAGU XIREY TAHRIIBAYAAL DOONAY AY KU BIIRISTA URURKA DAACISH

Ciidamada Booliska Talyaaniga ayaa xabsiga dhigay Tahriibayaal Soomali oo doonayay in ay ku biiraan dagaalyahanada Daacish. Howlgal ay ciida mada booliska Talyaaniga ay ka sameeyeen koon furta dalkaas ayaa lagu qabtay Tahriibayaasha Soomalida waxaana la sheegay in ay qorshaynaye en ku biirista kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka bariga dhexe.

Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen in Tahr iibayaasha Soomalida ay wateen ducumtiyo been abuur ah islamarkaana ay doonayaan in ay ka gud baan talyaaniga ayna gaareen Jaziiradda Malta oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin daga alyahano xiriir la leh Daacish.

MAAMULKA K/GALBEED OO HIRSABELLE KU EEDEYEY IN BIYO XIREEN AY KU SAMEEYEEN WABIGA SHABELLE

Beeralayda Sh/Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka cabanaya in maamulka HirSha be elle uu biyo xireen ku sameeyay webiga Shabe elle. Beeralayda ayaa cabasho rasmiya u gudbiyay dawladda Federaalka si ayarintaan usoo faragali yaan waxaanse wali aysan dawadda gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha shaacin xiliga ay dacwdaaas galeyso.

Waa doodi ugu horeysay oo dhex marta laba maamul goboleed oo ku aadan xuduudaha horey waxaa loo arki jiray doodo xuduudeed u dhaxeya federaalka iyo maamul goboleedyada .

Xiriiro aan la sameenay labada maamul ayeey ka gabsadeen arin kaan iney faahfaahin ka bixiyaan.

TURKIGA IYO SHIINAHA OO ISKA KAASHANAYA LA DAGAALKA ARGAGIXISADA

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dhig iisa Turkiga kala hadlay sida ay labada dal isaga kaashan karaan la dagaallanka argagixisada.

2da hogaamiye ayaa kulan ku yeeshay hareeraha shirka caalamiga ah ee looga arrinsayo ganacsiga ee ka socda caasimadda Beijing.

Sanadkii lasoo dhaafay, xukuumadda Ankara ayaa sheegtay inay u ogolaanayso dadka ka tirsan qow miyadda Uighur ee af Turkiga ku hadasha kuna no ol waqooyigalbeed Shiinaha, in ay degi karaan dalka Turkiga. Qowmiyadaasi oo Muslim ah ayaa dhibaato bad an kala kulanta dowladda Shiinaha. Xukuumadda Beijing ayaa sheegaysa in dadkaasi Uighur ah ay Turkiga uga gudbaan Suuriya iyo Cira aq, si ay ugu dagaallamaan mintidiinka dalalkaasi ku sugan, ku wa Shiinaha ku harayna ay dhi baato ka geystaan gobolka Xinjiang.

Boqolaal Muslimiintaasi ayaa sanadihii dambe ku dhintay iska horimaadyo Xinjiang ku dhexmaray qowmiyadda Uighur iyo dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha. Qaar badan oo ka mid ah Uighur ayaa ku eedeeya rabshadaha ka dhaca gobolkaasi in ay ka dambeyso dowladda Shiinaha oo ku dhaqanta siya asaddo ka dhan ah diimaha.

XUSKA MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALI YEED EE 15 MAY OO MUQDISHO KA DHACAYA

Munaasabad lagu weyneynayo maal inta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15May ayaa maanta la gu qabanayaa M/ Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dal ka , iyadoo ay ka qeyb galayaan madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muq disho ee caasim adda Soomaliya waxaa wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay sa wiro iyo astaamo muujinaya maalinta Dhalinyaradda Soomaliyeed ee 15ka bisha May.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasii rka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuuma da Soomaaliya ay aa dhalinyaradda Soo maliyeed ugu hambalyeysay maalintaan khiimaha badan, waxayna ugu baaq day in ay ka shaqeyaan nabada iyo Dowlddanim ada.

Sidoo kale Munaasabad lagu weyney nayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliye ed ee 15May ay aa caawa lagu qaban do onaa xarunta Dowladda Hoose,waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tir san Dowl adda Soomaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka banaadir.

Waa sanadguuradii 74aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyaradda Soomaaliyeed ee SYL sanadkii 1943dii

ROOBAB DAADAD WATA OO PUNTLAND KU DILAY CARRUUR

Roobab xooggan ayaa ka Da’ay degaanada Puntland, Roobabkan oo watay Daadad ayaa waxa ay sababeen dhimashada illaa Shan qof, sidoo kalena Daadadka ka dhashay Roobabku waxay hakad geliyeen isu socodka Gaadiidka.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen Roobabka in ay Labo carruur ah ku dileen Degaanka Umuum 120KM ujira Deg mada Qandala, kana tirsan G/ Bari,

Caruurtaasi oo jira Da’da 8sano iyo 6sano.

Sidoo kale Masuuliyiinta Puntland ayaa waxa ay sheegeen Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan G/Nugaal in ay3 carruur ah ku dileen Rooba bka Daadadka wata ee halkaasi ka Da’ay.

Gaadiidkii ka imaan jiray W/Mudug ayaa wa xaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Toga Du rdur, halkaasi oo ay fariisteen biyaha Robka

WARBIXIN: TAARIIKHDA HALGANKII SYL (SAWIRRO) QEYBTII 1AAD

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga had layaa unuggii xis biga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebb ena waafajiyey inay aAsaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qora lkan inaan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa’iideysto.

Aaaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobannimmada iyo madaxbanaanidda. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah "Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah "Lega dei giovani Somali”.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, mar na waa naxaa.

Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, waddaninimmadii, midnnima dii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay.

Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda shalay Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagn imo. Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii 2aad ee add uun weeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee ta lyaan igu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xaddhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba.

Xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay naf is, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow goban nimaddoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noo laa nim man Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambare eyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bila abay inuu fikradda gobanimaddoonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadk aasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddi inka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhallinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimaddoonka Soo maaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdha qaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 Dhalllinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobannimaddoonka.

Dhismihii xisbiga, 13 dhallinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan aasaasay aashii xisbiga syl, ayay magacyadoodu kala yihiin:

1.Yaasiin Xaaji Cismaan

2.Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin

3.Maxamad Cismaan Baarbe.

4.Maxamad Faarax Hilowle

5.Sayidiin Xirsi Nuur

6.Maxamad Cali Nuur

7.Daahir Xaaji Cismaan

8.Xaaji Maxamad Xuseen

9.Khaliif Huudow Macallin

10.Cismaan Geedi Raage

11.Dheere Xaaji Dheere

12. Maxamad Cabdalla Xayeesi

13.Cali Xasan Maxamad "Verdura

Shirkii ugu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada "via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ah ayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhig ay barnaamijkii Xibi ga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:

In loo halgammo, lana xaqiijiyo gobannimada iyo madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed.

In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.

In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iya doo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aante ed. In af Soomaaliga la qoro oo wel iba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo far ta as loo arkayey inay tahay mid waddani ah.

In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimaddoonka iyo madaxbann aanida.

In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqammada foosha xun ooy ka mid yihiin qabya aladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Ka dib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay

Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiyexigeen

halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud.

Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeeddada siyaa sadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xis biga loo bixiyey magaca ah "Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soo maaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiri iska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si loo ga gaa shaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, ka dib waa loo oggola aday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogee ystay.

Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray maga ciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil.

Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, Oday aasha, Culimmada, Dumarka iwm. Hor umarka Xisbigu ku tillaabsaday sano oyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan Taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo maga ca Xisbiga, lana muujiyo awooddiisa, sababahaan soo socda awgood:

Xis biga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Taly aaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gum eeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xan uunk aasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

La soco qeybta 2aad

WAXAA ISKU SOO DUWAY C/LLAHI RUUSH




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip