Webiga Shabelle oo si xun ugu fatahay Degmada Qoryooley
Webiga Shabelle, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn ugu fatahay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay xaalad cakiran la soo deristay bulshada deegaanka. Fatahaadahan, ayaa jaray dhammaan wadooyinkii Degmadaasi, sidoo
kalana waxay cagta mariyeen dalagyo kala duwan, oo horey loogu beeray
dhul beereedka Degmada.
Biyo ka dhashay fatahaadaha Webiga, ayaa waxay halakeeyeen qaybo ka mid ah xaafadaha Qoryooley, iyadoona ay dadku bilaabeen in ay guryaha isaga barakacaan.
Xoghayaha Maamulka Degmada Qoryooley, Ibraahim Malab Ibraahim, ayaa sheegay in fatahaaduhu ay burburiyeen tiro guryo ah, ka dib markii ay si xun ugu fataheen xaafadaha qaarkood.
Xoghayaha, ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay iminka ka jirto wadooyinkii soo gelaayay Degmadaasi oo go’an, isla-markaana aanay Degmadu soo geli karin gaadiidka ganacsiga.
Xoghaye Malab, ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin cid illaa iyo hadda u soo gurmatay Maamulka iyo shacabka reer Qoryooley, si ay wax ugala qabtaan fatahaadaha.
Webiga Shabelle oo si xun ugu fatahay Degmada Qoryooley
Webiga Shabelle, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn ugu fatahay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay xaalad cakiran la soo deristay bulshada deegaanka.