Madaxweynaha Mareykanka oo markale ka horyimid Madaxweynaha Suuriya, iyadoo Daacish laga baqanaayo

0
Friday November 20, 2015 - 17:14:17 in Wararka by
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo markale ka horyimid Madaxweynaha Suuriya, iyadoo Daacish laga baqanaayo

    Iyadoo Madaxweynaha Mareykanka uu shirka wadamada Pacific-ga uu kaga qaybgelaayo dalka Philippine, ayuu ka weeraray Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Madaxweynaha Mareykanka uu shirka wadamada Pacific-ga uu kaga qaybgelaayo dalka Philippine, ayuu ka weeraray Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad. Barack Hussein Obama, ayaa waxa uu sheegay in ay adag tahay in la soo gaba gabeeyo Ururka Daacish, illaa iyo inta uu dalka Suuriya uu Madaxweyne ka yahay Bashar al-Assad.

"Way adag tahay in meesha laga saaro amaba la soo gaba gabeeyo Daacish, inta uu awoodda Suuriya haysto Bashar al-Assad.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykana

"Dagaalka ka sii soconaaya Suuriya waxaa lagu soo afjari karaa, iyadoo uu awoodda dalkaasi uu baneeyo Bashar al-Assad.” Ayuu yiri Madaxweyne Obama.

"Ruushka waa saaxiib muhiim ah, marka laga hadlaayo xal u helidda dagaalada ka soconaaya Suuriya, qayb ayuuna ka noqon karaa in dagaalada Suuriya la soo afjaro.” Ayuu yiri Obama.

Ruushka, ayaa wuxuu si weyn uu u diidan yahay in laga hadlo mustaqbalka Madaxweyne Assad, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo jiritaanka Ururka Daacish.

Inkastoo reer galbeedku ay dareensan yihiin halista Daacish, ayaa waxay hadana dhinaca kale ay diidan yihiin in dalka Suuriya uu Madaxweyne ka sii ahaado Bashar al-Assad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip