Baarlamaanka Faransiiska oo meelmariyay in xaalad deg deg ah dalka lagu sii haayo (Daawo Sawirada)

0
Friday November 20, 2015 - 16:52:50 in Wararka by
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Faransiiska oo meelmariyay in xaalad deg deg ah dalka lagu sii haayo (Daawo Sawirada)

    Baarlamaanka Faransiiska, ayaa cod aqlabiyad leh Khamiistii ku meelmariyay sharci xaalad deg deg ah lagu geliyay dalkaasi saddexda bilood ee soo socoto, si looga jawaabo weeraradii Magaalada Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Faransiiska, ayaa cod aqlabiyad leh Khamiistii ku meelmariyay sharci xaalad deg deg ah lagu geliyay dalkaasi saddexda bilood ee soo socoto, si looga jawaabo weeraradii Magaalada Paris. Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa 13-kii bishaan ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalkaasi uu ku soo rogay, saacado yar uun ka dib weeraradii ruxay Magaalada Paris.

Manuel Valls, Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska oo hortagey Baarlamaanka, ayaa ka codsaday inay meelmariyaan sharcigan oo sida uu sheegay Faransiiska ka caawin kara in laga hortaggo weerarada argagaxisada.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Khamiistii ka digay suurtagalnimada Ururka Daacish iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh, in weerar kiimiko ay ku soo qaadaan dalka Faransiiska.

Sharcigan cusub, ayaa Booliska Faransiiska awood u siinaaya in ay gudaha u galaan, ayna baaraan guryaha, iyagoo aan wadan warqad Maxkamadeed. Sidoo kale waxa uu ogolanayaa in la soo roggo ciqaabta xabsi guriga iyo in wax laga bedeli karo sharciyada qaarkood.

Faransiiska, ayaa Khamiistii shalay xaqiijiyay in la dilay Abdelhamid Abaaoud, oo sida la sheegay ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii Magaalada Paris.

Dilkiisa waxay qafiifin kartaa culeyskii shacabka Faransiiska ka haystay weerarada kaga imaanaaya Ururka Daacish, oo dagaal adag kula jira Dowladda Faransiiska.

France1France2France3France4France Paris AttacksFrance6France could face chemical or biological attack from terror groupsGeneral view of the National Assembly during a debate to extend a state of emergency, in Paris





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip